Caruurta Maxaa Dhumiya?

عن ابن عمر – رضي الله عنهما – قال: سمعت رسول الله – صلى الله عليه وسلم – يقول: (كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته: الإمام راع ومسئول عن رعيته، والرجل راع في أهله ومسئول عن رعيته، والمرأة راعية في بيت زوجها ومسئولة عن رعيتها، والخادم راع في مال سيده ومسئول عن رعيته، فكلكم راع ومسئول عن رعيته)متفق عليه.

وقال – صلى الله عليه وسلم -: (إن الله سائل كل راع عما استرعاه أحفظ، أم ضيع؟ حتى يسأل الرجل عن أهل بيته) . ) أخرجه النسائي في “عشرة النساء” 292 عن إسحاق بن إبراهيم، بهذا الإسناد.وقال الترمذي 4/208 . في ” السلسلة الصحيحة ” 4 / 180 .

Asbaabaha ugu Badan ee Caruurta ka dhumiya Akhlaaqda wanaagsan ama jidka Toosan waxaa u sal ah:-

1- Faqriga ku habsada Qaar ka mid ah Guryaha: - arintaasina waxay keenaysaa inay Waalidiintu Baadi goob u galaan sidii ay caruurtooda Quud ugu soo heli lahaayeen gurigana u firaaqeyn lahaayeen arinkaasna wuxuu sababi karaa in Ubadkoodii ay gacanta ku dhigaan inta ay Maqanyihiin Dad Dhaqan xun ama Danbiilayaal ah oo ku beera Hab dhaqankooda xun.

2- Muranka iyo Khilaafka soo kala dhex gala labada Waalid:- Waalidiintu marka ay Muranka iyo Khilaafka ka dhaxeeya uu xad yeelan waayo, waxaa dhacda in midkood uu guriga isaga tago isaga oo raadsada meelo kale oo uu wakhtigiisa ku soo dhameysto si uu uga maqnaado guriga ”Muranka Badan” taasna waxay keenaysaa in ilmuhu waayo Qeyb ka mid ah Tarbiyadii Waalidkiisa.

3- Furiinka:- ilmahu marka uu indha ku kala qaado isaga oo aan haysan Hooyadiisii Xanaaneyn lahayd iyo Aabihiisii Daryeeli lahaa waxaan shaki ku jirin inay arintaasi ku riixayso inuu ku tarbiyoobo Fasaad iyo inuu ka dhumo Wadadii Wanaagsanayd gaar ahaan marka ay Hooyadu Nin kale iska guursato, wax Dan ahna ka galin ilmaheedaheeda, hadaanu u Baxsanin Qaraabo wanaagsan.

4- Ka maqnaansha Guriga: - haddii ilmuhu Guriga iskaga maqnaado inta uu rabo isaga oo aan ku maqnayn Waxbarasho ama Howl-kale oo aan lagu ogayn waxaa imaan kara inuu isaga maqnaado Ciyaaro iyo meelo aan wanaagsanayn ku nagaanshahooda taas oo keeni karta inuu ka soo qaato Dhaqamo xun oo keeni kara inuu ilmuhu waalidkiisba ka go’ ama uu ka dhumo Wadadii wanaagsanayd (Akhlaaqda).

5- Inuu ilmuhu ku dhex milmo Saaxiibo xun: - gaar ahaan haddii waalidku yahay mid aan Caqli badnayn ama ay Caqiidadiisu Daciif tahay ama uu isaguba Dhaqan xunyahay waxaa hubaal ah inuu Ilmuhu si dhakhso ah ugu saamoobayo Sharta Dadkaasi wuxuuna ka dhaxlayaa Dhaqankooda xun oo dhan.

6- In Ilmaha si Xun loola Dhaqmo: - Haddii labada Waalid ay ula Dhaqmaan ilmaha si Qalafsan mar walbana ay Garaacaan oo ay Canaantaan waxay arintaasi saameyn xun ku yeelanaysaa Suluuga ilmaha waxayna keenaysaa inuu gabi ahaanba Guriga isaga tago si uu oga fogaado waxa uu la kulmayo ee ah Hab dhaqanka Qalafsan ee isaga xanuunka ku ah, ama waxa uu la imaanayaa Amar diido.

7- Inay ilmuhu Daawadaan Filimada Jariimooyinka & Jinsiga ah:- Caruurtu haddii ay Daawadaan Channeliska soo daaya Jariimooyinka (Dilalka, Xatuuyada, Khayaanada, Caasinimada Waalidka, IWM) Dhaqamada xun ee lagu faafiyo Internet-ka, Joornaalada lagu qoro Qisooyinka aan haboonayn, dhamaantood waxay ku daabacmayaan Maskaxda ilmaha yar waxayna keenaysaa inu ku daydo ama uu ka sheekeeyo, isla markaana ay anfici weyso Naseexadda labada waalid iyo Macalimiintiisa.

8- Tarbiyaynta Caruurta oo la Dayaco:- haddii labada Waalid ay ka gaabiyaan Waajibkii ka saarnaa inay Ubadkooda Tarbiyeeyaan, ama ay Hooyadu kaga Mashaquusho bar-baarintii Caruurteeda Waxbarasho ama Saaxiibo la joogid ama Soo dhaweynta Martideeda ama ka wareega Gurigeeda, aabuhuna uu Dayaco Mas’uuliyadiisii ka saarnayd Towjiihinta iyo Tarbiyaynta Caruurta oo wakhtiga uu firaaqadda leeyahay lahwi iyo Fadhi ku dirir ku dhameeyo waxaan shaki ku jirin inay Caruurtoodu noqonayso Agoomo iyo Rajooyin isku jira waxayna ku noolaanayaan Nolol Dayacan oo ay wax walba ku sameyn karaan Xumaan iyo wanaagba.

ليس اليتيم من انتهى أبواه من ***** هم الحياة وخلفاه ذليلاً
إن الـيـتيم الــذي تـلقــى لـــه ***** أما تخلت أو أباً مشغولاً

9- Agoonimada:- arintani waxay qeyb ka tahay waxyaabaha ilmaha ku keena inuu dhumo haddii uusan helin Gacan garab qabata oo u Naxariisata oo si wanaagsan kula dhaqanta, oo Daryeesha

قال صلى الله عليه وسلم ( أنا وكافل اليتيم في الجنة كهاتين وأشار بإصبعيه السبابة والوسطى) رواه الترمذي.

10- Ilmaha oo loo kala Eexdo:- labada Waalid haddii ay Caruurta kala fadilaan oo ay u kala eexdaan, wuxuu ilmaha laga eexday ku beermaya Colaad uu u qabo caruurta kale iyo waalidkaba waxaana laga yaabaa ilaahay ma qadaree inuu isku dayo inuu ka aargoosto ama uu Booska ka bixiyo ilmaha laga jecelyahay ama looga eexday, arinkaasna waa arin xun oo uu nabigeenu nooga digay wuxuuna yiri:- ” اتقوا الله واعدلوا في أولادكم”.

11- In la Qod-qodo Ceebaha Ilmaha: - haddii ilmaha la sheeg sheego Danbi mar ka dhacay ama loogu yeero magac xun, ama la xaqiro, waxaa ay keenaysaa inuu ilmahaasi ka dhunto Kalsoonidiisii iyo Kalgacalkii uu kula noolaan lahaa Dadka Guriga la joogo wuxuuna isku arakayaa qof xun oon qiime lahayn oo danbiile ah, waxaana hubaal ah inuu ilmahaasi gurigaasi isaga tagayo sidaasna ku dhumayo.

12- In ilmaha lagu Qasbo Amaro uusan Qaadi Karin:- haddii ilmaha lagu amaro waxyaabo karaankiisa ka baxsan ama culays ku ah, ama Aan waaqic ahaynba, ama Amaradda lagu badiyo waxa uu kala hor imaanayaa waalidka inuu diido warkooda oo uu Caasi ku noqdo, Tusaale inaad dhahdo maanta dhan Meel hebel kama kici kartid, ama isaga oo aysna hurdo haynin tiraahdo seexo oo markaasi isku arko in xoriyadii laga qaaday oon la ixtiraamin ama in Dhar uusan jeclahayn lagu qasbo inuu qaato, ama Howl uusan qaban karin lagu sanduleeyo fulinteeda IWM.

13- In ilmaha loo Diido waxyaabaha ay Jecelyihiin:- haddii ilmaha waxyaabaha uu jecelyahay ee aan dhibka lahayn loo diido wuxuu isku dayaa inuu Qaab xun u soo maro sidii uu ku heli lahaa, haddii aan si wanaag ah lagu siin sidoo kale haddii ilmaha rabitaankiisa loo tixgalin waayo wuxuu isku arkayaa Qof takooran oo aan waxbaba loo ogolayn ha wanaagsanaado ama ha xumaado.

Intaas waxaa igaga Dhan Asbaabaha ugu Muhiimsan ee ku keena Caruurta inay ka dhumaan Akhlaaqda Wanaagsan, waxaadna ogaataan Waalidiintoow in Maalinta Qiyaamo la idin weydiin doono Tarbiyaynta iyo Daryeelka Caruurta.

يقول الله سبحانه وتعالى: {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَائِكَةٌ غِلَاظٌ شِدَادٌ لَا يَعْصُونَ اللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ} [التحريم: 6].

وقال صلى الله عليه وسلم ( مامن عبد يسترعيه الله رعية يموت يوم يموت وهو غاش لرعيته إلا حرم الله عليه الجنة ) رواه مسلم

اللهم وفق أبناء الإسلام لما تحب وترضى واهدهم إلى الصراط المستقيم وأحميهم مما يريده أعداء الإسلام لهم.

Waxaa Qoray: – C/raxmaan Max’ed Siigaale (Abuu Camaar).



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

7 Comment(s)

  1. asc wrx wbrk

    walaal jizaakalaahu kheyr. Maasha allaah waad wanaajisay.waxaan kaa codsanaynaa, qoraalkaan silsilad nooga dhig. oo noogu sii dar waxyaabaha ilmuhu ku hagaagaan iyo talooyin kale oo laxariira tarbiyada ilmaha.

    asc wrx wbrk

    umu khaalid | Sep 11, 2009 | Reply

  2. asc
    walaal khayr alle haku siiyo. Ilmaha wadamada gaalada lagu hayo sidaa quraanka iyo diinta lagu bari karaa?

    qofkii talo wanaagsan arintaas kahaya welcome. Midkii aan suaashayda jawaab uhayna faalo kale loogama baahna. Meeshaan waxaan ku arkay dad markii wax lawaydiiyo dadka un ataaga oo moodo in layiri adoomada ilaahay idinku xukuma

    ubax | Sep 11, 2009 | Reply

  3. MAANSHA ALAAH WALAAL QEER ALLE HAKUSIIYO WALAAL WAXAAN DAREEMAYAA IN AAD AQOON ULEEDAHAY TARBIYADA CARUURTA WAXAAN KAA CODSANAYAA IN AAD NOO RAACISO QAABKA CARUURTA WAX LOOGA DHAADHIYO AMA LOOGU SHEEGO TUSAALE AHAAN ILMAHA YAAN LADILIN AYAA LADHAHAY WIXIINA WAA CARUUR OO MARKASTA QALAD AYUU GALAYAA SIDEE LOO FAHAN SIIN KARAA QALAD KIISA HADAAN LADILIN AMA LA CANAANAN
    W/W/W

    axmed | Sep 18, 2009 | Reply

  4. ilaahow awlada noo hanuuni
    maansho alaah
    my borther ilahay ha kaa abaal mariyo
    amiin plzzz noo sii badi oo noo sheey sida wacaan oo aan u tarbiyeenoh caruutay

    uma mahamed | Sep 27, 2009 | Reply

  5. salaan kadib waxaan umahad celinayaa dadkii soodiyaariyay rabina uga baryayaa in uu ka baalmriyo wanaadan ay soodiyaariyeen waxaana leeyahay wada waanada inta aad awoodaan intaa ka dib waxaan leeyahay ilaahaw muslimiinta awlaadooda hanuuni oo tus wadada fiican ee saxda ah dhamaanba meel ay joogaan aamiin amiin

    xaliye | Sep 29, 2009 | Reply

  6. Salaan bacdigeed, runtii waa maqaal wanaagsan, islamarkaana bixinaya talo. Aad ayuu ugu mahadsanyahay qoraagu.

    Mida kale gabadhan la yiraahdo UBAX fadlan isdeji, weerarka aad sheegayso adiga ayaa meesha la yimid ee anaguma maba aanan arag! haddii aad talo u baahan tahay ka war sug si lagaaga nasteexeeyo.

    Mahadsanidiin

    abdi Ali | Oct 4, 2009 | Reply

  7. asc wr masha alah qayr badan alaha idin siiyo aamiin waa maqaal xiiso badan
    ilmaha aan xooga saarno walalayaaloow
    alaha noo hagaajiyo caruurta kuligeedba aamiin

    ammaano | Feb 14, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo