Mid ka mid ah Waardiyaashii Guantanamobay oo Islaamay oo loo diiday inuu Galo Ingiriiska

Published on August 31, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

Wargeys “Observer” ee ka soo baxa Cariga Ingiriiska ayaa sheegay in Madaxda Ingiriiska ay Axadii la soo dhaafay u diiday Askari Maraykan ah oo horey Waardiye uga ahaan jiray Xabsiga Guantanamobay isla markaana Islaamay inuu soo galo Dhulkeeda ka dib markii uu soo gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow oo u dhaw Caasimada London, si uu uga waramo Ururka Difaaca Maxaabiista oo ka dhisan Dalka Ingiriiska.

Wargeyska ayaa yiri “Askarigan horey uga Tirsanaan jiray Ciidanka Maraykanka ee Terry Holdbrooks wuxuu ka mid yahay Dadka sida weyn uga soo horjeeda Qaab uu Maraykanku ula dhaqmo Maxaabiista ku jirta Xabsiga Guantanamobay”

wuxuuna xusay Askarigaasi in Shaqaalaha Muhaajiriinta Ingiriiska ay soo gaarsiiyeen inay u diideen inuu soo galo Dalka Ingiriiska iyaga oo ku eedaynayo inuu Howl-gab yahay isla markaana uu ku Nool yahay Guri Ijaar ah oo ku yaala Maraykanka.

Waxay ku eedeeyeen in haddii uu Ingiriiska yimaado uusan dib uga Bixi doonin, waa sida ay Hadalka u dhigeene Shaqaalaha Muhaajiriinta Ingiriiska.

Wargeys “Observer” ayaa yiri “Terry Holdbrooks wuxuu islaamay ka dib markii uu Doodo la sameeyay Maxaabiistii ku xirnayd Guantanamobay, waxaana lagu wadaa inuu warbixino siiyo Ururka Difaaca Maxaabiista ee ingiriiska kuwaas oo Bixinaya kharashaadka socdaalkiisa iyo Joogitaankiisa Gudaha Ingiriiska”.

Terry Holdbrooks ayaa u sheegay Wargeyska Observer in Mas’uuliyiinta Muhaajiriinta Maraykana ay ku wargaliyeen ka hor intii uusan Gaarin Garoonka Heathrow inuusan Mar danbe Booqan doonin Dalka Ingiriiska.

“Shaqaalaha Muhaajiriinta Ingiriiska waxay Baareen Boorsadeyda waxayna dhowr mar igu cel celiyeen oo I weydiiyeen inuu leeyahay Saaxiib uu jecelyahay iyo inaan Dagayo guri ii gaar ah inta aan jooga ingiriiska”ayuu yiri Terry Holdbrooks.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ingiriiska oo qirtey Ciraq & Afganistaan inuu ku fashilmey
  2. Tirada dhimasho ee Askarta Ingiriiska ee Afganistan oo sii kordhaya.
  3. Ingiriiska oo Ciidamadiisa kala soo baxey Ciraaq.
  4. Taliska Ciidanka Ingiriiska “Afqanistaan waxaan ku sugnaanaynaa 30 illaa 40 sano oo Danbe”
  5. Dowlada Ingiriiska oo lacag ugu Deeqday Ciidamada AMISOM

Readers Comments (12)

  1. maxamed cj says:

    AL XAMDULILAH ILAAH HA KU SUGO DIINTA ISLAAMKA WALAALKEENA CUSUB.

    WALALAHEENA GONTANAAMA KU XIRAN WAA KUWA ILAAH DOORTAY.

  2. Duwane says:

    Asc
    ilaahay ayaa mahadleh
    waxa xaqiqa ah in islamku yahay diinta basa ee xaqa ah ee qofkasta oo ilaahay khayr ladoono uu waafajiyo sidaadaraded ma aha wax lalayaabo askari maraykan ah oo somuslimay waxana ilaahay karajeyneyna in dhamaan gaalada hoos kayeelo muslimintana sare kayeelo si ay diintu alle kaligi ugu sugnato iyo cibaadad
    wabillahi towfiq

  3. Guuleed says:

    Asc ingiriiska baqdin ayaa kukaliftay in ay udiidaan ninkaas wadankooda iyo in uufashilo waxay gaysteen

  4. Nuuradiin maxamud (dhiblaawe) says:

    TO: somalimirror.com
    walaalayaal bahda SHABAKADA somaliyed maxaa kudhacay carabiga ?

    waxaan kusoo qorey tacliiqaadka aayaad Qur,aan ah oo walaalkeyga muslimay uqoray deedna carabigii wuxuu isku badelay!! ?????? limaadaa ? why ? maxaa kalifey

    waxaa ila fiicnaan lahayd in aad ku dartaan carabi si dadku uga faa iideysto
    by nuuradiin

  5. mohamed says:

    alaah ayaa bahad oo idil iska leh

    amaa bacdu , waxaa jira in baryahan ay soo badanayaan daka muslimaya sidaa daraadeed waxaan soo jeedinayaa in dadkaas markasta laa xariiro gaar ahaan bahda warbaahinta waxayna kula xariiri karan emaylo loo diro dadkaas waxayna u noqonaysaa soo dhawayn, niyadwanaag , iyo wixii la midda.

    wa bilahi tawfiiq

  6. Abdishakur abdulahi says:

    ASC:WALAAL waan ku faraxsanahay walaakeenaas islaamka ku soo biiray,Illaaheena waxaan uga baryeenaa inuu ku sugo diinta islaamka.Amiin3.

  7. ibnu ali says:

    asc wr wb walalayaal maaragtaan in ay gaalo inta xitaa iyaga kamid ah ee hanoonay aysan wax ka dehgayseen gaal waa gaal walalayaal cadawga saliibiyiintaa aduunka meel kasta aw jogo waa isku mid mana ay ogola in runta ay maqlaan

  8. ladane says:

    As waxaan u maleynayaa in ay arintu ka weyntahay ninkaa ee ay tahay arin diin naceeb ku saleysan ee ilaahey ha qaboojiyo insha allah
    WBT

  9. Xasan c/kariim shino says:

    A.w.w in tas ka dib walahi waxan aad uga xumahay in manta dad muslim nimo ku dhashay ku barbaray hadana dintisa adunyo ku badalanaya war islamkina ku sugnada ku dhinta ayada ah wadada kaliy o xaqa ah gaaladi aya soo mulimaya macadalah adiga oo muslim ah na wad gadaneysa dintada ilahow adiga aya ka magan galnay

  10. Saciid Cabdi says:

    Aad baa ugu farax sanaha in qof cusubi diinta Islaamka soo galo,lakin waxaaan ka murugaysanaha in aan hadii aan soomaali nahay kuwo hor leh,oo waliba Asalul muslim ah diinta afkeena oga saarayno si aan dhiigooda sharafta leh u banaysano.Dhalinyarada Somaliyeedoow inta aan qiirada iyo jidbada iska dhaafno islaamka aan si sax ah ugu adeegno iskana dhaafno firqooyinkaad aan faa’iidada lahayn,oo magacyada qurxoon noogula baxshay

  11. G-Cute1 says:

    Gaal cadow tooyadoodi ma yara ninka leh gaal ayaa wanagena ka talineeso meshas ka ogow gaal intuusan islaam wanaag u heyn kii ka dhashtay oo muslimay ayey sida aragteen u gil gilayan macadalah adigo muslim iska dhal ah hadane madow kasi ah maxey tahay fa idada ugu jirto iney ku takuleyan sa danahagi u gartid walle fa ido kuma qaban. Mana dhicin gaal oo waxan fa iido ku qabin sameya mane dhici donto kuwa manta gaal u hanqal tagayo rabigini barya oo dhibatada idin heeso ha idinka dulqade asiga eh kan wax weydisashada ugu munasabsan asagan kugu neceyn baryada badan asaga og bahidadi kana haqab tiri kare bari eebahaga barakalahu fiikum inta muslim oo ugu doceysay ninkas so muslimay in uu ilaahey muslim nimo ku dilo insha allah kulugeni ilaahow islaam nimo nogu dil anago xaqa shegeno ilaahow nafta naga qaad ilaahow gaal hano duleyn amiin amiin amiin.

  12. sahil says:

    geesi geesi dhalay
    ilaahay ha ku waafijiyo diinta islaamka mid u gargaara islaamika ha ka dhigo walaaleheena waan usoo ducaynaynaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ingiriiska oo qirtey Ciraq & Afganistaan inuu ku fashilmey
  2. Tirada dhimasho ee Askarta Ingiriiska ee Afganistan oo sii kordhaya.
  3. Ingiriiska oo Ciidamadiisa kala soo baxey Ciraaq.
  4. Taliska Ciidanka Ingiriiska “Afqanistaan waxaan ku sugnaanaynaa 30 illaa 40 sano oo Danbe”
  5. Dowlada Ingiriiska oo lacag ugu Deeqday Ciidamada AMISOM

Latest Headlines