Masjidka Cusub ee Jaamica Laascaanood oo Jimcihii lagu Tukadey Salaaddii ugu horeysay.

Published on August 31, 2009 by   ·   8 Comments   ·   print

Waxaa Jimcihii la soo dhaafay Alle Mahaddii lagu Tukaday Salaaddii Jimcaha Masjidkii Cusbaa ee Jaamica Laascaanood oo ay Dibed iyo Gudaba soo buux Dhaafiyeen Dad Gaaraya ilaa Dhawr kun oo Qof.(Daawo Sawiradda)

Masjidka oo Dhismihiisa la bilaabay Bilawgii Bishii Febraayo 2009, ayaa ka soo hormaray Waqtigii loo qorsheeyey in Wejiga 1-aad ee Dhismaha la soo gebagebeeyo, taasina waxay ku timid ayay yiraaahdeen Guddiga Dhismaha Jaamica fadliga Alle ka sokow, Dedaalka Dheeraadka ah ee ay Sameeyeen Guddigooda, kuwaas oo aan Har iyo Habeen fariisan.

Guddiga Dhismaha Jaamica Waxa uu Mahad ballaaran u jeediyay dadweynaha Reer Sool Dibed Iy Gudaba , iyo Dadka kale ee Samafalayaasha ah ee hawshan ka qayb qaatay sida Hay’adda Al-Manhal, oo Dawr weyn ka qaadatay, Dhammaantood waxayna Guddiga Dhismaha Jaamica ugu Duceynayeen khayr Adduun iyo mid Aakhiro.

Guddiga Dhismaha Jaamica ayaa xusay inaan Xafladdii Rasmiga ahayd ee lagu furayey Masjidka la qaban doono Ramadaan ka dib, maadaama weli uu qabyo yahay, gaar ahaan Minaaradda iyo Berkeddii Biyaha, Iwm, haddana waxay sheegeen in hadda inta Ramadaanka lagu jiro Salaadaha oo dhan lagu Tukanayo Duruus Ramadaani ah oo Bisha loogu tala galayna laga bixinayo.

Gudiga ayaa intaa ku daray “Ramadaanku marka uu Dhammaado waxaa loo sameyn doonaa Masjidka Maamul iyo Barnaamij Dacwo iyo Waxbarasho”.

Ugu Danbeyntii Gudiga ayaa soo gudbiyay Codsi u dhignaa Sida Tan:-

Qorshaha Mashruuca Masjidka Jaamica ee 2aad, waa in dabaqii la saaro Ramadaan markay dhammaato, sidaa darteed waxaan Codsanaynnaa in loo diyaar garoobo mar kale, lagana qayb Qaato Hawshaasi Barakaysan.

Musaliintii ka soo qeyb gashay Khudbadii Jimcaha

Musaliintii ka soo qeyb gashay Khudbadii Jimcaha

Khadiibka

Khadiibka

Muuqaalka masjidka dhanka Qiblada xiga

Muuqaalka masjidka dhanka Qiblada xiga



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dhismaha Masjidka Jaamica laascaanood
  2. Gudiga Masjidka Al-rowda oo ku dhawaaqay Caawa in Bari la dumin doono Masjidka si dib loogu dhiso
  3. Dawro ku saabsan Ramadaanka oo Xalay lagu soo gabagabeeyey Masjidka Ramadaan ee Gaalkacyo
  4. Nadwo Cilmiyeed socon doonta 8 Habeen oo caawa si toos ah ugu bilaabatay Masjidka Al-Huddaa ee Magaalada Laascaanood
  5. Masjidka Rowda ee Boosaaso oo la Go’aamiyay in la dumiyo Dhismihiisana Guddi loo xilsaaray

Readers Comments (8)

  1. Nuuradiin (dhiblaawe) says:

    maashaa allaah, waa khayr soo kordhey dhismaha masjidka jaamacaa ee laascaanood

    maashaa allaah
    masaajida oo ladhiso waxay Qayb wayn kataraysaa Dacwada oo si dar darle usocota iyo nashaad horle

  2. axmed says:

    maansha alaah maansha alaah ilaahey diinta ha inoo xoogeeyo

  3. mukhtaar cumar says:

    marka hore waxaan salaamaya musliinta dhamaantood meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay ramadaan kareem marka xigta shabakada somalimirror marka sadexaad culimada hir gelisay kuna bixasay dadaalkood dhisida masjid waxaan leeyaha waa maashaa allaah waa guri alle oo ku soo biiray guryaha alle

  4. xasan faarax(xasan labo nin) says:

    dhaman waxa salamaya walalaha is lamaka ah marka xigta waxana salamayaa muslimita malgelisay masajidka kuyaal magalada lasacanood ee gobolka sool hada kafaidaysta waa lawadaya walalyaal

  5. maxamed says:

    waa maansha allaah in masaajid noocaas oo kale ah laga aasaaso gobalada ssc waxaana mahada ugu wayn leh illaahay guushaa dadka gaarsiiyay

  6. CADAALAD says:

    MAASHA ALLAAH.

    Laas-caano Guul iyo Islaamnimo.

  7. Khalid Ibnu Waliid says:

    SOMAALIYA ALLAHA ISU SOO DUMO QALBIGOODA,
    ILAAHOOW KUWA WADA KLA QOQOBKA HADEEY AHAATO OGAAL IYO OGAL DARO RABIYOOW BAABI’I,,
    ALLAHU AKBAR, ALLAHU ALBAR,
    WAL XAMDU LILLAH

  8. Adoon Eebe says:

    Khayr Eebe ha ugu bedelo dhammaan intii ka qaybqaatay maal, maskax iyo morale-ba




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dhismaha Masjidka Jaamica laascaanood
  2. Gudiga Masjidka Al-rowda oo ku dhawaaqay Caawa in Bari la dumin doono Masjidka si dib loogu dhiso
  3. Dawro ku saabsan Ramadaanka oo Xalay lagu soo gabagabeeyey Masjidka Ramadaan ee Gaalkacyo
  4. Nadwo Cilmiyeed socon doonta 8 Habeen oo caawa si toos ah ugu bilaabatay Masjidka Al-Huddaa ee Magaalada Laascaanood
  5. Masjidka Rowda ee Boosaaso oo la Go’aamiyay in la dumiyo Dhismihiisana Guddi loo xilsaaray

Latest Headlines