Maamulka Islaamiga ah & Ganacsatada Kismaayo oo Deeq Baaskiilo ah Gaarsiiyey Naafada .

Published on August 31, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

NaafoMaamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo iyo Ganacsatada Magaaladaas ayaa Deeq Baaskiilada Dadka Cuuryaamiinta ahi ku socdaan Gaarsiiyey Qaar kamid ah Naafada ku nool Magaalada Kismaay ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

 

Fagaaraha Beerta Xoriyada ayaa Naafada loogu Qeybiyey Baaskiilo Gaaraya 12 waxaana iska kaashaday Aruurinta Deeqdan Maamulka Islaamiga  ah, Ganacsatada Magaalada, Jaaliyada Dibada iyo Dadka Reer Kismaayo.

 

Deeqdan ayaa waxa Naafada Gudoonsiiyeyn Gudi ka kooban Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo iyo Ganacsatada Magaaladaaas.

 

Sh Cumar Aayatullah oo kamid ah Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo ka warbixinyey Deeqda ay gaarsiiyeen Naafada ayaa yiri:“Deeqdaas aanu bixinaya waxay kamid aheyd Xoolo Farabadan oo Deegaanka Kismaayo Gaar ahaan Ganacsatada iska Xilsaartay oo ay iska soo aruuriyeen taas oo ka dhalatay Waqtigii Abaaraha badani ka dhaceen Jubuuyinka iyo Hareerahooda taasoo gurmad Balaaran ka geysatay iyadoo Ganacsadata, Maamulka, Dadweynaha Kismaayo iyo Jaaliyaadka Dibada ku maqan oo dhalin yaro Soomaaliyeed ah  iska kaashadeen, wixii Abaaraha inooga baxay Maahane wixii kale ee ka soo haray ayaa dib waxaa uga shiray Gudigii Abaaraha halka ugu haboon ee ay mudan tahay in lagu bixiyo”.

 

Maahan markii ugu horeysay oo kaalmooyin noocan oo kale ah loo fidyo Naafada iyo Masaakiinta ku dhaqan Maaalada balse waxaa jiray Talaabooyin Tabarucaad ah oo horey loogu fidiyey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Daawooyin dhacey Gubey
  2. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ku Hanjabay in ay weerari doonaan Itoobiya & Kenya Digniina u jeediyey Dadka kala sooca lacagaha Doolarka ah.
  3. Maamulka Islaamiga Kismaayo oo Digniin u jeediyay Kenya
  4. Baaq loo jeediyay Ganacsatada Daawada ee Kismaayo.
  5. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Burcad Badeed Gacanta ku soo dhigay.

Readers Comments (6)

  1. Mohamed Hassan Biikole says:

    Maasha allah,waa qeyr umadda u soo baxay,ilaahay ha idin garab galo. FG kismaayo waa xarunta gobolka jubada hoose.

  2. Caloofi says:

    waxaas ayaa kaa maamul ah ilaahow idin cizeeyn waxad raacden wadadii uu maray Waliid Ibnu Cabdul Malik oo ahaa Ninkii ugu horeeyay ee dejiyay Diwaanka dadka Cuuryaamiinta ah iyo Judaamiinta.

    wadaas ayaad ku socotaan cagta ku haaya

  3. Garyaqaan says:

    ASCW/
    wax maamul islami ladhaho maba jirro Adeer yaan dadka been losheegin wayo hadii ay kanaxayaan maalin kasta madfaca & Qaxa Rafaadka dhimasha Xadgeedii dhaafay intaas bay kadeyn lahayeen

  4. Miska wadahadalka imow says:

    ASC

    Garyaqaan ma tihidee gar ma yaqaan ayaan tahay.WSC

  5. abdihakim says:

    Asalaamu calaykum Ramadaan kariim..
    Allow ka amaalmari walaalaha marwalba utaagan ugargaarida walaalahooda kale waxaana idin leenahay jazaakumullaahu khayral jazaa Allaha idin xifdiyo marwalbana sawaabka ha idinku toosiya qaladaadkana ha,idinka dhowro marwalba oo aad dadka quluubtooda udhawaataan waxaad ogaataan inaad Alle udhawaanaysaan ALLE waxa uu ugargaarayaa oo uu garabtaagan yahay qofka walaalkiis marwalba ugargaara waana hadiiskii uu nabigeena muhamed (scw) noo sheegay marka dariiqii saxa ahaa ayaad ku taagan tihiin kuwa idinka soo horjeedana xaqa allaha tusiyo….

  6. cabdille says:

    ASCW

    maamul Islaami ah ayaa ka jira Gobolada Jubbooyinka dadweynaha dhulkaas deggenna way ku diirsadeen, laga soo bilaabo Nayroobi ilaa iyo Kismaanyo ma taallo hal isbaaro ah arrintan waxaan kuugu soo qaaday meetaal ahaan bal inaad garwaaqsato xaqiiqda jirta iyadoo dhulalka kale ee ay joogaan ay sidaas wada yihiin.

    Waxaan kula socodsiinayaa Garyaqaanow wakhtii 1990 wadanaka waxaa ka jiray dagaalo lagu hoobtay, culumo iyo caamo ma aragtay cid ka hadashey, soomaalida dalka ka wada baxday badankoodu wakhtigaas ayey wadanka ka qaxeen, ma aragtay cid is weydiisey, is weydii dadkii la laayey maxay ku dhinteen? maxaa loo gumaaday? muxuu qof kastaa ugu nasiib sanayey qof muslin ah oo jid iska socda dilkiisa?

    Arrinta hadda ka socoto Muqdisho wey ka baddelen tahay wixii wakhtigaas ka socday, hadda arrintu waji kale ayey leedahay, ruuxna ma jecla in dadka la gumaado oo la laayo, lakiin runtu waxay tahay dadka hadda ku dhimanaya xamar oo gaala madowda iyo kuwo Da sheeganaya ay leynayaan waa dad ku dhimanaya Jid Alle.

    Wabilaahi tawfooq.
    Cabdille 31 Aug.2009




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Daawooyin dhacey Gubey
  2. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ku Hanjabay in ay weerari doonaan Itoobiya & Kenya Digniina u jeediyey Dadka kala sooca lacagaha Doolarka ah.
  3. Maamulka Islaamiga Kismaayo oo Digniin u jeediyay Kenya
  4. Baaq loo jeediyay Ganacsatada Daawada ee Kismaayo.
  5. Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Burcad Badeed Gacanta ku soo dhigay.

Latest Headlines