Ciidamadii DKMG ah ee fariisinka ku lahaa Isgoyska Ex-control Afgooye ayaa Maanta halkaa si rasmi ah looga qaadey, waxaana goobtii lagu wareejiyay Ciidamada cusub ee Daraawiishta ee isla Dowlada.
Ciidamada laga qaadey Isgoyska Ex-control Afgooye ayaa halkaa dhibaatooyin kale duwan Dadka & Gaadiidka rayidka ah ee isticmaala kula kici jirey, sida, Dil, Dhac iyo falal kale oo amni daro ah.
Howsha looga qaadey waxaa iska kaashadey Maamulka Gobolka Banaadir DKMG ah ugu qaabilsan & Wasaarada Gaashandhiga.
Goobta waxaa maanta isugu tegay Mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan labada Hay’adood ee DKMG ah ee qaadistooda iska kaashadey, waxaana goobta lagu arkayay Xubno ay ka mid yihiin, Dhagax-tuur, Yuusuf Indho-cade, Goobaanle iyo xubno kale, mana jiro hadal rasmi ah oo ka soo baxey.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa hadal heyn maalmihii ugu danbeeyay ka soo baxeysay Mas’uuliyiin ka tirsan DKMG ah oo ku aadan dadaalo Ciidamada Isgoyska Ex-control Afgooye ku sugan looga qaadayo.
Waxaa horey sidan oo kale ciidamo looga qaadey wadada dheer ee isku xirta Xarunta Madaxtooyada ilaa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Lama oga ciidamada cusub ee Maanta lagu wareejiyay Isgoyska Ex-control Afgooye waxay uga duwaan doonaan kuwii horey halkaa ugu sugnaa oo Dadka rayidka dhibaatooyin kale duwan kala kulmi jireen.
Dhanka kale wareegto ka soo baxdey Taliska Bileyska DKMG ah oo Saxaafada uu u akhriyay Xasan Bariise oo ah Afhayeenka Ciidanka Bileyska ayaa Qaadkii looga qaadey Isgoyska KM4.
Xasan Bariise ayaa arintan sababuga dhigey, xaalado amaan daro oo Isgoyska KM4 beryihii ugu danbeeyay ku soo kordhey, sida uu hadalka u dhigey.

Related posts:
asc. adeer somalimirror ciidankan wuu kaduwanyahay kuwii hore, waayo kuwiihore waa qowleysato katirsanaa calooshii u shaqeystihii cabdulaahi yuusuf iyo geedi. kuwa hada lageeyeyne waa ciidankii maxakiimta marka xishoo oo ha oran maxey ku kaladuwanyihiin. maanta kadib majirto wax lacag ah oo baad ah in la qaaado. maasha allaah , maasha allah.
ASCALAYKUM
WALAAL YAAL YAA ALASHAABA AFAYAAQANA OO YIRAA DALKII WAAD KALA DISHEEN WAAD WADA DISHEEN EE DIINTA U SOO NOQDA DAGAALKA MUSLIMKA DHEXDIISA JOOJIYAKU JIHAADA AXMAARTA SOO DHOOBATEY HIIRAAN ILAAHAY KA CABSADA
HADII AADNA ADUUNYO DOON AHAYN WAA KALA CADAYAHAY XAA IYOI BADILKU
HADII AD GAALADAA KA CARARYTAAN HEBEL HEBL AYAAN MIINO U DHIGNAY KU FAAN TAAN WAXADA DOONAYSAA WAA XUKUN IYO IN AAD ADUUNYO HESHAAN DIIN MAAHAN DAR ILAAHAYNA MAAHAN
SOOMAALIYEEY SIDEE BAY DAWLAD INOOGU NOQON KARAAN, MAADAAMA CIIDAMADEEDII SHACABKII DHIBAATAYNAYAA OO GAYSANAYAA DIL, DHAC IYO AMAAN DARO.
WAXAA WANAAGSAN INTA HADBA CIIDAN AAN NAF-LAHAYN KALA BADALAYAAN IN BOOSKA U BANEEYAAN RAGGA AAN SHACABKANA DHIBIN, QOF KASTA DHIB SAMAYN LAHAANA KA BAQO?
Gudoomiyaha maxkadaha islaamiga gobolka hiiraan ayaa taageerada kala noqde maamulka shariif asagoo ilaah uu tusiye xaqa sheekha waxa uu ka damqay gumeystaha ithiopia waxa ay ka geysteen gudaha beledweyne
Gudoomiyaha maxkadaha islaamiga gobolka hiiraan ayaa taageerada kala noqde maamulka shariif asagoo ilaah uu tusiye xaqa sheekha waxa uu ka damqay gumeystaha ithiopia waxa ay ka geysteen gudaha beledweyne anagana aad ayaan ujecelnehe dadka diidan gumeystaha sh.shariifow adna ha raacin jidkii c/laahi yuusuf uu umada ku xasuuqe
Waa guul u soo hoyatay dadka shacabka ah ee isticmaala wadadas isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.
Haa, ensha allaah ciidamadaan mar dhow waa la badin doonaa, waa muhaajidiinta saxda ah ee aan dhiga muslimka daadin.
Bal alshucaacow iyo xisbul sheydaanow soo weerara isgooskaas bal mar kale waxaad ka heshaan aan aragne
Dacaayada somalimirror.com awalba ma qarsaneyn, waana la ogyahay bakaarhaa meelaha ka degan tihiin, iyo cida internetka free ah idin siiyo iyo raga idin qoro, waqti ayaa la idinla xisaabtamayaa..
walaalayaal axaan idinku salaamayaa saanta islaamka waxaanan kaloo idinleeyahay rabadaan kariim.
walaalayaal intas ka dib waxaanu la yaabanhay sababta aad walaalihiina soomaliyeey ugu qanciw aydaan dawlad kasta oo la idin dhiso markaad midkasta wax ku sheegtaan xagaad u socotaan horta illeeb ma jirto dawlad imanaysa oo aan dhaleeco yeelan doonine???????????//
waxaaan idin odhan lahaa ku qanca wax marba illaah wayne idiin qadaro waxaanu anagu aan faamnba ka dhigtee ku qanacnay 1991kiii dawladii noogu horaysay eee barco ka dib baanu hadana wixii ka qaldnaaa ka hadalnay walaalaal sidaas sameeya khayr baanan idiin rajaynaynaa walaalayaal waaan idiin ducanayaaa
wx
soomali arinya kasocota waa death race waa arin ciyaar ku saleesan eey baa tagi doofar baa iloo badalayo xawashina kolba hasoo laab laabato intii harta cagta hamariso ilaahayoo inta ethiopia lasocoto umada kaqawo dalkeena iyo diinteen ayeey cadoow gaaleed u soo kaxeenaya
thaaaaaaaaanx