Eeyo Raabiyo Qaba oo Dad & Xoolaba ku Qaniinay Baraawe

Published on August 30, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

EeyoHal Qof ayaa ku Geeriyooday 3 Neef oo Ari ah iyo Hal Dameerna waa ay ku Dhaawacmeen, Kadib Markii ay Eeyo u socda si raxan raxan ah oo Qaba Cudurka Raabiyadda ku qaniineen Tuulo hoos tagta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellada Dhexe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Qofka Rayidka ahi uu geeriyooday ka dib markii ay Dhaawac culus u geysteen Eeyahaasi isla markaana uu in mudo ah u Qeylinayay sida eeyaha taas oo calaamad u ah Cudurka Raabiyadda.

Eeyahan ayaa falkani ka geystay Tuulo lagu magacaabo “Fita-dheere” oo hoos tagta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeeladda Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay Eyahani ka yimaadeen markii hore Xeebaha u dhaxeeya Shabeeladda Hoose iyo Gobolka Jubadda Hoose, waxaana la sheegayaa inay hadda u Boqooleen dhinaca Howdka ee Magaalada Baraawe.

Eyahan ayaa hadda Dhibaato xoogan ku haya Dadka Reer Miyiga ah, waxayna ka cabanayaan inay Caruurta iyo xoolahaba ka qaniinaan.

Shacabka ku dhaqan Magaalada ayaa lasheegayaa inay Cabsi lasoo gudboonaatay kadib Markii ay ka Warheleen kooxaha Eeyaha ah ee Dadka dhibaateynaya, waxaana lagu soo waramayaa in Dadku isku Hubeeyeen Faasas iyo Baangado si ay isugu Difaacaan.

18 Aug, 2009 ayay ahayd markii Ugu yaraan 13 Qofood Raxan Eeyo ah ku Dhaawaceen Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose, Kadib Markii sida la Sheegay ay Qaniineen, kuwaas oo isugu jiray Caruur iyo Dad Waaweyn waxaana dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalka Magaalada Baraawe si loogu Daweeyo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Eeyo Dad ku dhaawacay Baraawe.
  2. Gudoomiyihii hore ee Deg. Baraawe oo la xirey.
  3. Diyaaro Dagaal oo Baraawe lagu kor arkey.
  4. Mayd laga helay Xeebta Degmada Baraawe
  5. Ciidanka DKMG ah oo Qafaashey Dad Rayid ah oo Dhaawacyo Qaba

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Eeyo Dad ku dhaawacay Baraawe.
  2. Gudoomiyihii hore ee Deg. Baraawe oo la xirey.
  3. Diyaaro Dagaal oo Baraawe lagu kor arkey.
  4. Mayd laga helay Xeebta Degmada Baraawe
  5. Ciidanka DKMG ah oo Qafaashey Dad Rayid ah oo Dhaawacyo Qaba

Latest Headlines