DKMG ah oo ka hadashey dhaq-dhaqaaqyada Ciidan ee B/weyne.
By Somalimirror on 30 Aug, 2009 2:24 PM in Main, Wararka
C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo Wasaarada kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ugu qaabilsan DKMG ah oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqidsho ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Ibbi ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadey falal Dil, Dhac iyo dhibaateyn kale isugu jira oo shaley Ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa Gumeysiga Itoobiya ka geysteen Dhanka Galbeed ee Magaalada Baladweyne.
Waxaase uu sheegay Howl-galo shaley halkaa Ciidamadooda oo kaashanaya kuwa taabacsan oo aanu faahfaahin kuwa ay yihiin ka fuliyeen Galbeedka Baladweyne.
Howl-galadaas oo dhibaateyn kale duwan loogu geystay dadka rayidka ah ee halkaa ku dhaqan ayuu bogaadiyay, sida uu shirka jaraa’id ka sheegay.
Waxa kale oo uu sheegay inay gudi saareen baaritaan ku soo sameeya hadiiba ay jiraan falal amni daro iyo dhibaateyn oo la gula kacay dadka rayidka ah.
Mas’uuliyiinta ilaa iyo hada u hadkey DKMG ah ee ka hadley dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Gobolka Hiiraan ka jira ayaa u muuqda kuwo si uga gaabsanaya inay carabka ku dhajiraan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee halkaa soo galeen, halka kuwo kalena eray bixin cusub oo ah kuwa taabacsan u bixiyeen, sida uu Maantaba C/raxmaan Ibbi Shirkiisa jaraa’id ka sheegay.
Daabaco

war bal fiiriya ninkaas maxishoodaha ah, waxaas ayaa khayr laga sugayaa kawaran…. walee meeshuu ninkaasi iyo wixii la mid ahi joogaan khayr kama yimaado…aaway koofiyad dheere bal aan aragnee wuxuu ku hadlo…koleyba si uu kaga baxo waayi maayee…laakiin waxaa cadaatay inay dowlad ku sheegtu markay wax ka tari wayday muqaawamada ay itoobiyaankii laftirkood soo galeen dhulka…markaa halkaa waxaa ka cad mashruuc wada shaqyn inuu ka dhaxeeyo itoobiya iyo Koofiyad dheere
ilaahow xaqana noo cadee aan raacnee, Baadilkana noo cadee aan iska ilaalinee
cabdale | Aug 30, 2009 | Reply
Aduuunka amxaar u necbahay, lakiin wax ka daran ayaan arkaa inay soo baxeen, niman dadka islaamka ah gaaleynaya, dilaya, hantidooda baneystay.
Ninkii jihaad rabay, amxaaro waa taas ee aada, bal aan aragne, ama dabada soo jeediyay hooyooyinka iyo caruurta hoostoda hoobiya ka rida wa la idin yaqaane.
Allow badbaadi dowlada islaamka Soomaaliyeed.
baasuuke | Aug 30, 2009 | Reply
IBBI iyo waxa la midka ah wax diin ama dadnimo ah oo ay shaqo ku leeyihiin malaha.
Waxaan xusuustaa isagoo beriguu ahaan jiray ISBAHAYSIGII DIB U XOREYNTA shir uu u joogay gobolka Minniapolis wuxuu lahaa NINKII ITOOBIYA LA SOCDA WAA MIDGAAN GABDHIHIISANA YAAN LA GUURSAN ASAGANA YAAN GABDHO LA SIININ.
wuxuu kaloo goobtaas ka yiri..NINKII ISAGOO XAJKA U SOCDA DIYAARAD ITOOBIYA LEEDAHAY RAACA ILAAHAY XAJKIISA MA AQBALO.
Bal maantana siduu u hadlaayo ila maqla..SOW INUU MIDGAAN YAHAY ISKUMA QIRSANA.
ILAAHAY CEEB KUU DIL KU DHEH..WAA WAX AAN WAXBA ISKU FALAYNIN OO NOLOSHA KU DHINTAY ISAGA IYO WAXA XEREDA KULA OODAN EE AMXAARADA IYO GAALADA AMISOM QURUNKOODA KU NOOL.
Warku waa sida uu shalay SHEEKH CALI MAXAMUD RAAGE SHEEGAY oo maanta nin damiir leh kuma harin Xukuumada Sharif ee Riddada ah ..kuwii ugu dambeeyay waa kuwaas uu ka mid yahay Cabdi Raxmaan Mocoow oo dadkoodii Amxaaro kusoo hogaamiyay hantidoodiina dhacay.
Teeda kale wuxu mawaysan nidaam aqoonin..isagu waa Wasiir ku sheeg Kaluumaysiye maxaa ka quseeya ciidan meel qabsaday iyo wax la mid ah ..aaway wasiirkii Arimaha Gudaha muu ka hadlo..WAR WUXU WAABA MOORIYAAN AAN KALA DAMBEYN LAHAYN !!!
F.G..MIDGAAN UMA AQAANO INAY DAD XUN YIHIIN OO WAA DAD WALAALEHEEN AH OO XAQ DARO LAGU TAKOORAYO BALSE WAXAAN KA HADLAYAA WIXII UU NINKAAS DULLIGA AH SHEEGAY OO KALIYA.
Mohamed | Aug 30, 2009 | Reply
asc awelba mujaahidiintu wey ogaayeen khiyaanada shariifka loo doortay yaa doortay?waxaa doortay mujrimka ugu xun dunida ee jecel mar walba in uu demiyonuurka allaah waa yuhuud iyo nasaara laakiin allaah nuurkiisa inuu taamyeelayo ayuu noo ballan qaaday iyaguna ay jabi doonaan nasriga allaah wuu dhaw yahay guba cadawga allaah iyo munaafiqiintoodaba guul insha allaah mujaahidiinta meel walba oo ey dunida ka joogaan
idil | Aug 30, 2009 | Reply
balaayo kugu dhacday
dagaalyahan | Aug 30, 2009 | Reply
basuke.
Hadalkaaga waxaa ka muuqata jaceylka aad u qabto amxaaro.
dadka aad leedahay hooyooyinkiin ka dhex tuura hoobiye soo iyaguba shacabka kama mid aha yaa qori ku raray?
wadaadadii musaajida joogi jiray ee dadka soomaaliyeed oo juhalo u badan wax baray maxaa furinta keenay?
isweydii suaalahaas badowyahow.
alshabaab iyo xisbul islaam inta aysan soo bixin ururkii argagixiso la dirirka maxay ahaayeen…. wadaado, shabaabul masjid ganacsato hadana waa jabhado sabab?
diintaas ay baranayeen ayaa lagula diriray shacabka aad sheegeysona waa iyaga.
Geedi | Aug 30, 2009 | Reply
macaadalalaah war bal Fiiriye wuxuu ku hadlaayo Murtadkaas
Ewelba kheyr idinkuma ogeeyn way nootaalaa Ibbiyow
Caloofi | Aug 30, 2009 | Reply
waxa ibbi ku hadlay waxaa kadaran waxa soo socda , wax yar aan ka wardhawrno maalmaha soo socda wxay sameeyaan .
darwiish dhalad ah | Aug 30, 2009 | Reply
ASC
TO –>Geedi
ISHAAD KA TUURTAY, JAWAABTAADII KAN ISKU
MAGACAABAY “basuke”
WAXAAN RABAA ANIGANA IN AAN WAX YAR KU SII
DARO, ANIGOO LA HADLAYA Damiirlaawe>”basuke”
Ma ogtahay in Nelson Mandela uu ahaa Argagixasadda aduunkan ugu mayal adag “waa sida wadamadda reer-galbeedka eey aamn sanaayeen”,,, sababta uu u mayalka adkaa waa waxuu u dagaalamaayay qaranimada mujtamaca modow ee iska leh dhulka Southafrica…
Waxaa waqti aan saas u dheereen laga saaray. buuga “faataadugta ah” ee Mareykanka ku qoro Waxa uu ugu yeero dadka mayalka adag….
Marka “Baasuukoow” Adiga uguma aadan
horeeyn wax gumeysi & gameysi raac
taageera marka ogoow in eey jiraan Jiil-
aan ka dhiidhinaya waxa meesha ka socda
Waxaan u maleynayaa waxa aad ku necebtahay Mucaaradka in eey 3 mid tahay
1) In aad rabto in Gobol-gobol laa kala goò
2) in grup jecleysi ama qabiil ku galay
3) in diinta rabi & sunnadda aadann rabin
in arliga soomaaliyeed lagu dhaqo
Xakiimo | Aug 30, 2009 | Reply
Muratd iyo kuwa ku tilmaamay Umad islaam ah oo xilal qaran haya islamarkaana aan soonkooda u naxaynin dhib maxaa haysta walaalayaal siyaasad aad aaminsan tihiin darteed yaysan idinka burin soonkiina sababtoo markaad koox caaysaan kooxda kale ayaad aaminsan tihiin amxaaro waa la keensaday sidii shalay loogu yertay maxkamadihii uweceen hadana digdigta shabaabka ayaa soo celisay waadna ujeedaan hadde shabaab woxooda ineysan jihaad ahayne waa taa ay meeshii ka carareen awalna soomaalida inta weeraraan lahaayeen waa Jihaad tan waa Jihaad waan aaminsanahay hadii lala dagaalo Ethiopian balse aaway he waa kuwaas dhabarka jeedshaye allooow duleey wixii Jihaad ku halqabsada hadana gaaalada dhabarka u jeedsha.
Soomane | Aug 30, 2009 | Reply
Comment-ga aad bixinaysaan fadlan wax xun haku sheeginina wixii waaqici ah uun ku ekaada laakin in qof Muslim ah oo maanta Sooman la caayo Ilaaheey Ma baneyn ee nagadaaye aqyaareey waxaas waa siyaasadda webkan oo aanan jecleyn aqriskiisa hadana Comment-geyga aanan hubin inuu soo bandhigayo
Soomane | Aug 30, 2009 | Reply
Qolooyinka Cusub ee u shaqeeya Tikreega iyo Americanka sida Ibbi iyo sharifka iyo dadka lamid ka ah,, waxaan idin leeyahay waxaad gaadheen waqti loobaahnaa in aad iska cibaadaysataan,waxay ila tahay ibbiyow adigoo sheeganaya profisor in aad Dabadhilif Itoobiyaan noqotaa aad bay u dhaawaceysaa magaca profisor-ka,,shaqaale tikree baad noqotay,waxaa kaaga fiicneyd adigoo Xamaali ka noqda bakaaro,,,, waxaad jeceshihiin in Umadda somaliyeed u gacan galisaan cadowga ilaahey laakiin ilaahey sidaa ma oran,,, ilaaheey Gacmaha Mujaahidiinta ha idinku Cadaabo adiga iyo inta kula midka ah
kheyre | Aug 30, 2009 | Reply
acwrwb dhamaan musliminta? ilahey wuu fadexeeyey ninki murtadka aha ee shariff, waxaan maqli jiray cimrigaga oo dhaha geel dhalaya ayuu ku tusa, wale cabdillahi ayaan lala yabana mid ka daran aya yimid. allow mujahidnta guuleey. allow murtadinta iyo walalahood gaalada jabi. shacab la xasuuqa meel laguma gaarayo. diinta horey uu duloobeen kuwi la dagalay. sharif murtadow waan arki doona mesha aad ku dambeysid. balaan waaye in la arko dowlad islaami oo ka wada taliso addunka oo dhan biidnilah
xuundow | Aug 30, 2009 | Reply
as wr wb
salaan ka dib, hadalkii mohamed uu iibi ka sheegay bal ka fiirsada halkaa:
http://www.somalitalk.com/2009/jun/taariikh07.html
Bal ka warama kuwa caqliga u saaxiibka ahoow.
Illaahoow xishoodka iyo sariigta hanaga qaadin
markaan maqlo ibbi baa hadlay, warkaan baa igu soo dhaca,isaga iyo ragga la mid ah iyo kuwa gaadiisha imaan doonaba isagaa xukumay,Illaaahay xaqqa hanugu sugo. aamiin
koley isaga iyo inta la mid ah hadaynan ka toobad keenin, imtixaan adduunyo iyo mid aakhiraba waa sugayaan.
Alloow na badbaadi Adduun iyo aakhiraba. aamiin
ramadaan baan ku jirnaa waxaan leeyahay ducadaan aan badino: Allahayoow kuwa cadawga taageera, kuwa jecel kuwa dhaqaalaha ku bixiya Alloow naga qabo aamiin.aamiin,aamiin.
abdirahman
abdirahman | Aug 30, 2009 | Reply
Ibbi gabdhaha ayuu Lafoole kubbadda banoniga bari jirey,goormuu professor noqday,car waakaase been ha i dhaho macallinka cayaaraha ayuu ahaa.aadna gabadha basketbaalkooda ayuu aad u jeclaa.
Haddeer waa wasiir bad maxaa ka galay arrimaha gaashaandhigga iyo amniga.
ma asagaa wasiirka arrimaha gudaha ah?
ma asagaa wasiirki amniga qaranka ah.
ma kii gaashaandhigaa iyo taliyayaashi ciidamadaa?
war bal wax uga shan iyo toban ah hawshaan gobollada iyo ciidanka ku shaqo leh sheega.
soo aqoon darro dawldnimo iyo caqli dhinnaan ma aha.
waxaan dhihi lahaa dadka kaamerada isu dhigaaya haddada sidaas u jeceshihiin camera studio weyn oo idaacadeed furta,
macaane | Aug 30, 2009 | Reply
MR ibbi waxaa khudbadiisa duuban kamida in nin sarkaalii geeyay xaafadisa ninkaloo sarkaala axmaar injirle ah dababadeedna axmaarkii maalintii dame kuyidhi islaanta ayaan rabaa inaan caffee wada cabnee usheeg??????? dayuuskii qabayna kutaabtay gabadha warkii almuhim shalay haduu sidaas lahaa xumaanta injiray maanta sacabkuu hayaa waxaanan filayaa inuu marti gelindoono Axmaar injiray,hablaha iyo hooyooyinka soomaliyeed ee shalay lagula kacay waxa xun ee baradoodii axmaarka uu keenay waxba yuusan isubihinbihine ha diyaariyo shaqadii soomalida uga waramay????????
Muwaadin
Ibnu_saxwah | Aug 30, 2009 | Reply
to baasuuke horta baasuukow adigu amxaarbaad tahay sida kaa muuqata dhulkan ilaahaybaa iska leh & diintaba markaa ha gaaloobine ilaahay sugnaasho waydiiso hadii kale adigoo islaamkii dafiray ha ku dilo mawtku
mohamed | Aug 30, 2009 | Reply
AS WR Wab
Ilaahayow waxaan ku jirnaa bishii barakeysneyd ee Ramadaan Itoobiya iyo inta la socota oo dadkii gumaaday ilaahayow ka qaba dadka islaamka ah, ee lagula dagaalamayo cabshi in ay shareecada ay qaadato soomaaliya.
Ilaahay qanuudka meelkasta waxaa looga duceeyaa muqaawamada,waxaana la habaaraa cadowga islaamka iyo kuwa raacsan.
Mujaahidiinta waxaan leenahay muslimka waxaa hesta aduunyo jeceyl iyo maal jeceyl waxaanan ilaahay ka baryaynaa in uu nagu irsaaqo in aan diinta difaacno, maanta wadankeenii iyo dunidii islaamka waxaa ka dagalamaya nin dulmi wada anagii xaqa aheyna waan ka carareynaa diinteena iyo dalkeena iyo dadkeena in aan difaacno.
Ilaahayow diintaada nagu toosi iyo tan aad raaliga nooga tahay, cadowga islaamkana jebi iyo kuwa wadankii iyo dadkii ka gatey gaalo.
Ducada ha la badiyo, si nasri ilaahay noo siiyo islaam maanta waa laysagu yeertay waana hadalkii rasuulkeena suubanaa (SCW) Maalinta laysagu kiin yeeran doono sidii xeero cunto ah.
maanta waa leysagu keen yeertay yurub iyo yahuud iyo mareykan maxaa ka yaala soomaaliya?
Waxaa ka taala diin la dagaal iyo sheydaannimo.
abu Fadxi | Aug 30, 2009 | Reply
scw
ibi sagoo amxaaro wax ka shgeya oo leh hala la jihaado ayaan dhagaystay manatana saan ayuu uhadalayaa marka saga kiliya maahan somalidana wax neceb itobiya waa fara kutiris ee qoladii aan markaa hubksoo qaadan ayaa cadow ku sheegta yaan lays daalin somalia waa kamida itobiya
nb. waagii dowladii c.llahi yusuf aad ayaa looga nebcaa itoobiyaanka mugadisho hada aad ayaa looga jecelyahay waxaana hada aad looga neceb yahay qolyihii wagaa itoobiyaan ka la diri ra yay marka su,ashaa akhristayashaa ayaan udaa yay
muuse | Aug 30, 2009 | Reply
Tani waa tii suubanihii inoo sheegay in ay jiridoonaan{maalmaha dabne ee aduunka} qof subixiina muslim ah galabtiina gaal ah oo siisanaya diinta wax yar oo duni ah.
Tani waa inoo nasri aan ku ogaanayno munaafaqa iyo muslimka iyo gaalka.
ninka maanta difaacaya Ethopia sow ibbi maaha. waa ninkii ku faani jiray in uu ethopia ragii diiday kamid ahaa.
maki | Aug 30, 2009 | Reply
NIN ADUUNYA JOOGOW MAXAA ARGTI KUULAABAN? WAXAAD ARKEYSAA ISBABADAL BADAN, QAAR UU ALLAH RAFACAYO KARAAMADNA U YEELAYO, QAAR SAAQIDIIN NOQONAYA OO AA KALIMADII AFKOODA KASOO BAXDABA BEEN MA’OGII WAX KALABA AANAN SHEEGI KARIN!!!! ALEYSA MINHUM RAJULUN RASHIID!!!!!????? XATAA WAA LAGU DHAGEYSANAYAA EE BEENTA DAA MID ISDHAHAYA MAKU JIRO HADIIBA WAX KALE EY QABAN KARI WAAYEEN SOW HADALKA ASTAAN MAAHAN???? SHAACIRKII CARABKA AHAA EE ZUHEYR AYAAN XASUUSTAA HADALKIISII QIIMAHA LAHAA EE UU UGA WARAMAYAY DHACDADAN OO KALE WUXUU YIRI:
WAKAA’INUN TARAA MIN SAAMITIN LAKA MUCJIBUU
ZIYAADATUHU AW- NUQSUHU FIT-TAKALLUMI
MACNAHIISUNA YAHAY:
IMISAAD ARAGTAA NIN KUCAJAB GELIYA MARKUU AAMUSAN YAHAY- GARAADKIISA IYO EBERNIMADIISANA EY SOO BAXEYSO GOORTUU AFKA KALA QAADO!!!!!
ALLAHAYOW MA’MOOGID KUWAN JEEBKOODA UN FIIRSANAYA EE KUHADLAYA MAGACA DANTA CAAMKA AH EE DALKU LEEYAHAY.
IBBI IYO SAAXIBKIIS IYO INTA EY ISKU XERADA YIHIIN ALLAH WAXAAN UGU BARYEYNAA INUU UMADA KAQABTO DALKEENAN NOOGA DHIGO NABAD FIITHILLIL QUR’AAN.
NINKA LAYIRAAHDO MAX’ED EE TACLIIQA IGA HOREEYAY BIXIYAY AAD AYAAN UGU MAHAD CELINAYAA SIDA UU ULASOCDAY TAARIIKHDA IBBI MARKII UU MENIOPLES UU TAGAYAY (IBBI)AMXAARAAAN LADAGAALAMEYNAANA UU LAHAA EREYADIISAAS OO XILLIGAA AHAA DAD ISKAGADID LILAAHINA EY KA’AHEYN WAAYO QOF UU KUJIRO MITHQAALA THARRATIN MINAL IIMAAN MARNABA XABASHI MASOO KAALMEYSANAYO WAXWALBA OO LOOGEYSTABA IYO JAGA WALBA UU RABABA.
ALLAHUMMA ANTA MUQALLIBAL QULUUB THABBITNAA CALAA DIINIKA FII KULLI XARAJIN.
REER HIIRAAN IYO GOBOLADA KALE EE XABASHIDU JOOGTO SIDADBAN AMA MUUQATABA ALLAHA DHIBKOODA KADULQAADO IYAGA IYO ACWAANTOODA MAN BACO NIFAAQA AH EE AHLUSINNI WALJAMAAC.
mukacab | Aug 30, 2009 | Reply
To soomane waxat iiga jawaabta itoopiye walakensaday sabab mamuqdisheeyleedahay mise alshabab aya tagay itoopiye wahadal aanka maqlayay dadwaawen oo isku sheegaaya ineey wax fahmaan wa gumeysi maskaxdooda kudhagan sidii xanjadii war itoopiya cit guruigeda ugu taktay majirte waxeey lasoo ardeeysaa eey ufariisan la dahay dadka yiri kawa qaat kuumanoqoneynee kitaabka ala aya kudiiday marka mawaxaat nagu boorineysaa madaama itoopiye eey kaxanaqday arintas micnaha ma kitabka ale iyo itoopiya hadeey isqabtan waxaan tuurnaa kitabka itipiya na wan lasaaxiibnaa si aan unabat galno ileen qof kitab wati itopiya lamasaxiibi karee inuu iska dhiga ma hane sida ibbi iyo shariifka shalayna kuwii ugu qeyla dheeraa ayeey ahayeen mida kale dadka hadalka kadhiktay hadeey jihat tahay meey latagaalaman itopiye hadii kale sax ma ahan qofwalbo ilahey aya faray inuu tawartiisa dagaalamo markuu nabiga NNKH ooygalada lahayeen kuwii anaga naga soobax sadana waat soocelineeysa kuwa adiga kaasoo baxsadana laguu masoo celinayo ilaha NNKH haye macabsanayay? mise jihatkiisa xaq ma aheyn? teeda kale itopiya waxey usoogaleyso waan oknahay alshababna ugu baneynayo waxaweye alshabab haduu ilaahey sugo mustaq balkiisawa waxa koow ka ah inuu itoopiya latagalamo itopiyana waxeey oktahay arintaas kadib waxey soodirsatay copy yal tira badan markeey araktay inkoobiyashedii meel lasaaray ayeey istiri ulagat wana lalafahmay waxeey istiri balat weeyne kulatagal ileen dadkan wadad curdan ahe markey xoogaa kala daadan copyga kufasax ha ceyrsadan ilaadawajiir xaladaha waxbada halaga fikiro waxan aat iyo aat ugu faraxsanahay in kitaabkaan iyo intii raacdo ineey dhaxalka aduunka leeyihiin dhalantetkana walawadi cit ugargareysana malahan wilasha soomaliyey sharaftena intat dhoori laheydee kuwa dhoorayo ha aflagadeynina
nasro | Aug 30, 2009 | Reply
Waxaa II caddatey oo xaqiiqo ah Somaliyi inaysan diin daacad ka ahayn wax alle u naxariistey mooyaane.
waddan jacayl iyo cisi sharafeed qarameedna iskaba daa.
waxaanin somali ahi calanka isugu duubaa oo qarannimo ku baroortaayi iyo cadaalad waa isaga oo aan maalintaasi awoodda gacantiisa ku jirin.isla ninki ayuumbaa marku dheef yar helo shaarka dhanka kale u gashan doona.
Waxaan aad uga xumahay shacabka Somaliyeed ee ilaa lixdankii lagu guurayay ee ninba dantiisa markuu ku gaaro cadaab iyo ciil iyo burbur iyo barakac iyo geeri iyo gunnimo gumaysi abaal looga dhigay.
khadra | Aug 31, 2009 | Reply