Xarunta Golaha wakiilada Maamulka S/land waxaa maanta ka dhacay isu soo baxyo iyo Mudaharaadyo ann qorsheysnayn oo ay dhigayaan dadweyne fara badan oo ka cadhaysnaa fara gelin AY ciidamada amaanku ka sameeyeen golaha wakiilada dhexdiisa.
Mudaharaadadan ayaa ka dhashay fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo la keenay ciidamo aad u fara badan oo boqolaal ah kana badan kuwii shalay kuwaas oo rasaas fara badan ku riday shacabiga ku suganaa xayndaabka xarunta Wakiilada .
Dadweynaha mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqaya ereyo lidi ku ah Maamulka Riyaale iyaga oo ku dhawaaqaya is casil, ha dhaco Riyaale Daahir Rayaale ayuu dalkani eeday, Dimuquraadiyaddii ayuu Daahir Burburiye .
Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo Booliska ayaa rasaas Nool ooda kaga qaaday Dadweynihii isu soo baxay, waxayna Baacsadeen Dadweynaha iyaga oo u adeegsanyaan rasaas nool oo ay ku ridayaan Dadweynaha sidoo kale waxay u adeegsadeen Budhadh Ulo iyo Qoryaha dabadooda kuwa ay gaadhaan , dadweynahaas oo u badan Dumar iyo dhalinyaro waxay Ciidamadu qabqabteen Tiro dad ah oo ay ku gureen baabuurta Bilayska .
Sidoo Kale Saraakiisha Booliska ayaa ka hor istaagay qaybaha saxaafada inay galaan xarunta wakiilada iyadoo ay iska dhaga mareen codsi shirgudoonka ka yimi oo ahaa in la soo daayo saxafada .
Ka hor intaa aan dadweynaha Rasaasta lagu kala eryin ayaa waxa soo baxay Gudoomiyaha Wakiilada oo dadkii u sheegay in fadhigi ku dhamaaday si degan guddina ay u saareen xalinta arintan goluhuna ay fasax galiyeen bari isuguna soo noqon doono maalinta salaasada sidaana ay ku kala dareeraan Dadweynuhu kana tagaan bacadka.
Geesta Kale Dadweynaha Gadoodsanaa ayaa Wasiirka Duulista Hawada Md Cali Warancade ayay dadkii Mudaharaadayay ku joojiyeen Wadada Tagta Madatooyada isga oo maraya iyaga oo ku dhawaaqayay hadii aad wax dhawrsanayso .
Waa inaad is casisho.
gadoodkan ka dhacay magaalada hargeysa ayaa daba socda khilafaad cakiran oo hadheeyey maamulka S/land kasoo ka dhaxeeya hogaamiyayaasha xusbiyada mucaaridka iyo Hogaanka sare ee s/land, golayaasha barlamaanka oo dhexdooda uu ka abuurmay qas iyo qalalaase keenay gacan ka hadal, iyo golaha guurtida oo laftiisu qayb ah khilaafaadka taagan.
Isku soo duuboo siyaasadda S/land ayaa u muuqata mid gashay xaalad cakiran oo aanay muuqan wadooyinkii ay xalka maadaaba ay hayadihii samata bixintu ay manta qayb ka yihiin mashaakilka siyaasadeed ee ka jira S/land.

Related posts:
waxaa moodaa inay soo dhamaatay beentii shacabkani qiiraysan lagu maaweelinayay, ee in mudo ah walaaldood looga jaray.waan arrin mudo badan cadugu ka soo shaqayay in gobolkasta la hoos geeyo boqortooyada Ethiopia. ninkasta oo soomali ah oo sheegta siyaasi waxaa lagu qanciyay inaanu waxba ka qabin inuu hoos yimaado dowlada Ethiopia.tuulakasta waxaa loo samayay waxay ku sheegeen madaxwayne.(asmaa,un mamlakin fii qayre moodiciihaa).
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk somalaand ma saasaa u danbaysay
SIYAASADA CAKIRAN EE SOMALILAND WAA MID XAL LOO HELAYO KUNA DHAMAANAYSA AMNI IYO WADA TASHI DADKA HOGAAMIYA SOMALILAND MAAHA DAD NECEB SHACABKOODA HADDABA WAXAAN LEEYAHAY NINKA SOMALILAND UGA BA’AYA WAXAY HAYSATO SOMALILAND SOCOTAYE SUWAYS BARADHO HAWDOONTO NINKA KU FARXAYA EE LEX SOMALILAND WAY BURBURAYSAA WAXAA DHAAMA BOQORTOOYADA ETHIOPIA EE UU SHEEGAYO WAAYO ITOOBIYA WAY KA NAXAYSAA BURBURKA S/LAND EE KU FARXIMAYSO
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu ilaahow noo naxariiso anaga iyo waxii islaama ahba waxaad moodaa in ay aduunku isbedel uu ka dhacayo kaas oo sababay in aad moodo in dimquraadiyadii ay noqoto wax laga aami ka boxo de ilaahaw dariiq xaqa ah na gusugde
MARKA HORE SALAN SALAN KADIB WAXAN IDIN SHEGEYAA NINKUFARXA IYO NINKA NAXA SOMALI LAND SOCOTEY OO SONOQONMEYSO WAXA YARYAR EE KA DHACAYANA WAA DIMUQURAADIYADA LOO BISLAADEY OO WADAMADA ADUUNKAN UGU WA WEYNBEY KA DHACDAA OO WAX LALAYABO AMABA LAGA WERWERO MAAAHAN EE WAXAN IDIN LEYEY WA KALA SOCONEE QOMAMO LA AADAA NABADEEEEEEEEEEY