Askari Ingiriis ah oo lagu dilay Afqanistaan

Published on August 30, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Bakhtiga Maraykanka ee AfqanistaanWasaaradda Gaashaandhiga Ingiriiska ayaa sheegtay in Askari ka mid ah Ciidankeeda lagu dilay Sabtidii Shalay Qarax Miino oo lagula beegsaday Dalka Afqanistaan, waxayna noqonaysaa Tirada Askarta uga dhimatay Ciidamada Ingiriiska wadankaasi 208 Askari laga soo bilaabo Sanadkii 2001.

Askarigani ayaa ka tirsanaa Ciidamada loo yaqaano “Ciidanka Boqortooyadda”, waxaana la dilay xili uu ka qeyb qaadanayay Roondo ay Ciidamada Ingiriiska ka wadeen Gobolka Helmandi.

Afahayeenka Ciidamada Gumeysiga Ingiriiska ee Gobolka Helmandi Lieutenant-Colonel Nick Richardson ayaa yiri “Askarigaasi oo ka tirsanaa Ciidamada Badda wuxuu naftiisa u huray u adeega Dalkiisa iyo Xoriyadda Shacabka Afqanistaan, waana Naf hurid aysan ka danbeyn Naf hurnimo”.

Dhimashadda Askarigani ayaa imaanaysa xili Ra’isul wasaaraha Ingiriisku uu Booqasho ku tagay Dalka Afqanistaan si uu Niyadda ugu soo dhiso Ciidamadiisa oo Dagaal adag kula jira Xoogaga Xarakadda Islaamiga ah ee Daalibaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 3 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqanistaan
  2. Askari Ingiriis ah oo Goordhaw lagu dilay Afqanistaan.
  3. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu Dilay Koonfurta Afqanistaan
  4. 3 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqansitaan
  5. Askari Kanadiyaan ah oo lagu dilay Afqanistaan

Readers Comments (1)

  1. nasro says:

    yaalaga xoreyna dhaliban iyo afganistan wey isleyihine walee wat jabteen horna narkuleyl badan aya laga geyni ilahayoow mujahidiinta guuleey




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 3 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqanistaan
  2. Askari Ingiriis ah oo Goordhaw lagu dilay Afqanistaan.
  3. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu Dilay Koonfurta Afqanistaan
  4. 3 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqansitaan
  5. Askari Kanadiyaan ah oo lagu dilay Afqanistaan

Latest Headlines