Al-Xisbul Islaam oo ku dhawaaqey Dagaal ka dhana Ciidamada Shisheeyee & Raacooda.

Published on August 30, 2009 by   ·   35 Comments   ·   print

Xoghayaha Gaashaandhiga Al-Xisbul Islaam, Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqey Dagaal ka dhana ah Ciimada Shisheeye ee dalka ku sugan, sida kuwa Gumeysiga Itoobiya iyo AMISOM iyo sidoo kale DKMG ah oo gacan saar la leh Ciidamada shisheeye ee dalka xilligan ku sugan.

 

Dagaalka cusub ee Xoghayaha Gaashaandhiga Al-Xisbul Islaam ku dhawaaqey ayuu sheegay mid Diinta, Dalka iyo Dadka uga difaaacayaan quwadaha shisheeye ee afarta jiho uga soo duulay.

 

Ujeedka ugu weyn ee ay leeyihiin ayuu ku sheegay Sh Muuse Caraale mid hirgelinta Shareecada Islaamka looga hortegayo, sidoo kalena lagu doonayo in Xasuuq iyo Barakicin cusub Shacabka loogu geysnayo.

 

Sh Muuse oo Shirka Jaraa’id ka hadlayana waxa uu yiri:“Waxaan rabey inaan Kelimaad kooban ka iraahdo Xaalada cusub ee Maanta Dalka Soomaaliya maraayo iyo soo gelitaanka Ciidamada Cadowga ah ee Itoobiya oo Dalka Soomaaliya soo galey. Hadaanad raacin dagaal adag ayaa lagu soo qaadayaa oo aad wajaheysaa waana midka maanta aad aragtaan in Xuduudka oo dhan Itoobiya ka soo gashey, Baladweyne iyo dhulal badan oo Hiiraan ah, waxay hadda ka soo geleysaa Bay iyo Bakool, waxay ka soo galeysaa kana soo gashey Gedo, waxay ka soo galeysaa Gobolada dhexe, qeybana gudaha ayay u soo dhaadhaceen qeybaha hadeertay ku soo jiraan. Halkan waxaa ku safan Ciidamadii cadowga ee AMISOM iyo kooxdii Camiilka u aheyd ee daba joogtey, intaas waxay shirko ku yihiin iyo kooxha kale ee gadaal ka fadhiya sida Mareykanka iyo Dowlado kale oo waaweyn, intaas waxay shirko ku yihiin in la waayo ku dhaqankii Shareecada Islaamka”.

 

Sh Muuse Caraabe ayaa si gaar ah farta ugu gudey Dowlada Itoobiya oo uu sheegay inay dhibaateyn xilli walba la magaantahey Shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili shalay Galinkii Danbe ay Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyadana ku dhawaaqday Xamlo Dagaal oo cusub oo ka dhan ah Ciidamada Cadowga iyo kuwa Raacsan.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisan ku soo beegmaya xilli 4 Guuto oo ka tirsan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya soo galeen Gobolka Hiiraan Dhaq-dhaqaaq xoogana ay wadaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Yaaqshiid ““Dagaalkaasi si gaar ah Xisbul Islaam uguma jirin”
  2. Golaha Dhaqanka Hawiye & Xisbul Islaam oo ka hadlay Ciidamo kala qaadista “Xisbul Islaam waxa uu goostay inaan Goobtaasi laga dhigin Goob Dagaal lagana kala qaado Ciidamada”
  3. Xisbul Islaam oo shaaciyay inay Qeyb ka yihiin Dagaalka ka socda G/Gal-gaduud.
  4. Ciidamada Xisbul Islaam oo Howlgal Burcad Sifeyn ah fuliyey.
  5. Dagaal Culus oo ay Diyaarado Dagaal ka qeyb qaateen oo Dhex Maray Xoogaga UWSLF & Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Readers Comments (35)

  1. baasuuke says:

    kkkkkk waa arrin lagu qoslo, war dadku caqli malaha miyaa, awal ma hurudeeen kkkk

    waan socon weynaye aan orodno waaye sheekadan

  2. saalim says:

    a/calaukum
    marka hore allaha xaqa nawaafajiyo,
    marka xiga haddiii itoobiyaanka lala dagaamayo aad baan usoo dhaweynayaa,balse waxaa shaki iiga jiraaa oo ana faahfaahin uga baahanahay sidee loola dagaalamayaa marka hore:dagaalanku
    mamidkiii 1 itoobiyaan ah haddii 100 qof oo muslimin ah kuu kudhex jiro lagu dhex qarxinayaa mise waa mid is islaami ah ,haddiii kan hore uu yahay anigu taageeradaa bari baan ka,ahay,haddii kan kale oo islaamiga ah uu yahayna lajirkiinna baan ahah,,,,shareecada islaamka waa in daliil sax loo adeegsadaa ee xamaasad in lagu dhisaa ma,aha walaalayaal,qofka diidan garanayana wuu fahmi waxaan kahadlayo midkaan garanayninna dululaad ayuu iskaga jiraaa oo qofkii hadlaba inuu diinta cadow kuyahay buu uhaystaaaaa….ciyaadan bilolaaah……..\
    mahadsanidiin
    a/c

  3. Wardi says:

    HADDII RAMADAAN AHAYN “BAASUUKE” WAXAAN ODHAN LAHAA DUFOW

  4. xiin-faniin says:

    to Baasuuke

    DOQONIMADA KUGU BAAHDAY BAAN CIDI DAWAYNAYN.

    nin quluubta ka jiran ha qayliyo, qosol munaafaq ha qoslo.

    sidii munaafiqiinta dagaalkii axzaab ha yaabo, hadii rabo erayo cadifadeed ha ku hadlo, ee dagaalkaan waa socon ILAA QIYAAMAHA.

    somalia waxaa leh islaam, wayna guulaysan doonaan.

    munaafiqiinta, ridada iyo gaal way jabi doonaan.

    midse ogow NINKA GAALADA LA SOCDAA WAA MURTAD, KAN LACAGTA KU BIXIYAA WAA LAMID, KANA CARABKA IYO QALBIGA KA TAAGEERA WAA LA XUKUM.

    walillahi cizatu, wali rasulihi, wallil muminiina, walaakinal munaafiqiina laa yaclamuun.

  5. Seyfulal says:

    Baasuukow horta waxaa cadaysay in aad tahay ukun axmaaro magacaada ayaaba ka gartey in aad tahay wax xun ee ilaah u tobad keen oo islamka afkaaga uraya ka dhowr

  6. alle u baahane says:

    A/C.
    BAASUUKE,,Akhiil kariim jeesjeeska ka daa muslimiinta awel haday khaldanaayeen oo ay somali muslim ah la dagaalamayeen iminka way ku saxan yihiin in ay la dagaalamaan gumaysiga haa’ilka ah ee soo duulay rabana in uu diinta islaamka dhulka dhigo kuna faafiyo saliibkiisa xun,,,maanta in aan isgarab taagno weeye hadaanu saarno ethiopiankana injirta badana waa in ay joojiyaan dagaalka muslimiinta ee aan miiska wada fariisanaa,,,markaas haday diidaana waa in aan ka dhan noqonaa,,,laakiin ma sina ethiopia iyo walaalaha dagaalka iclaamiyey,,,waxaan iyaka iyo al-shabaab u sheegayaa,,,lama arag dad muslimiin ah oo jihaad ku jira oo hadana magacyo kala leh iyo hadafyo kala gaar ah,,,hadaan muslimiinta aydaan hal saf ka dhigin waad khaldan tihiin oo dhamaantiin jihaad xaqa baad derejo ku doonaysaan,,,dib u milicsada jihaadkii muslimiintu geli jireen ma magacyay kala lahaayeen alaahu akbar,,,waxaasaan la guulaysan weynay,,,tafruq iyo axsaab isbarbaryaacaysa jihaad mawada wadi karaan waana fashil,,,wada fariista hal magac labaxa deedna jihaadka wada…
    imaa laakiin dadkan iska hadaaqaya ee jeesjeeska wadaa ilaahay haka baqeen yaana lagu dambaabin.
    a/c

  7. ali somali says:

    asc and ramadan kariim walaalaha muslimiintaa meelkas oo ay joogaan , gaarahaan soomaalida , insha alaah , aad ayaan ugu faraxsanahay , hadalka ka soo yeeray walaalaheen muslimiintaa , ilaah ayaana guuleynaya , waana ka guuleysan doonaa , gaalamadowda , iyo kuwa raacsan . ninka is ku magacaabay , baasuuke , hadalyar ayaan donayaa in aan ku iraado ,. waxan ku oraan lahaa , waqti aad qososho ma aha waqtigaan , iimaankaada ayaa liciifa ilaah haku soo hanuuniyo , wwww

  8. midnimo says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk awal miyey jiifeen sooma ay dagaalami jirin mise taankiyo iyo beebayaal ayay heleen mise asmara ayaa lacag soo dirtay oo waxaa la dhahay maxaad meesha aad u fadhisaan maad shacabka leeysaan baryahaan maan maqlin wax shacab ah oo la’anaayo ee bilaabo hoobiyayaal si ay u soo jawabaan amison oo shacabka loo laayo hadaad run sheegeysaan al xisbul islaam orad aado itoobiya waxay joogtaa baladweyn maxaad uga soo carartaan itoobiya oo shacabka muqdisho korgooda aad hoobiyayaal ugu ridaan walee taas iyo diin kala fog ilaahow adaa caadil ah kan kitaabkaada ka been shegaayo kursina ku raadinaayo waxaad xaaraamtinimeysay baneeysanaayo adaan kuu dhaafnay oo ku hoos joognaa ileen waxa lagu iftiroonayo waa diintaada raxmata badneyd oo macaanka badneyd ee ilaahow ka qabo ragaas diinta ka been sheegay

  9. cabdulaahi says:

    ilaah islamka kor haka dhigo cadow marabno iyo gumeysiga itoobiya

  10. kaynaan says:

    kkkk Xisbul islaam xoogoodi afka ayuu ku soo haray. oo marki hore nabad may ka talin jireen?

    Waxaan dhihi laha umada masaakiinta u naxariista ee dhiiga muslimkana iska ilaaliya.

  11. abdulahi says:

    Aafadiin Daratay ma Islaam iyo Gaal ishayaad gaalada lajirtaan ood islaamka Dacaayadaynaysaan? Markii horana Gaal kama Maqnayn Dalka oo wey Ladirirayeen Hadana wey ladirirayaan hadaadan dagaalka wax ka galaynin ka Aamusnow;; Waxaana idin Xusuusinayaa Waxaa Jira Hadalka sugnaaday Suubanaheena Scw Oo ahaa waxaa lagaadhi doonaa Akhirka Aduunka xili Gaalada iyo Islaamku islaynayaan oo Dadbadan oo Islaamka ahi Kabaxayaan Diinta ogooda nin walooba hadaad Gaalka uurka ka taageerto iyagaad la macnoqon

  12. hasan says:

    qof wax garad wuu garan in nimankan u midoobay in ay somaliya dowlda helin ay iyagaba ku kala jabsan yihin waxa ay u yaqanam jihad ,shalay waxan aragnay shabab oo leh dagal magac hebel ayan qadanyna oo an la galaaynaa galada ..manta waxan maqalna kuwa kale o leh dagal kale ayan la galayna itobiya iyo kuwa racsan ..marka yaa been lo sheegaa ma shacabkan masaakinta ah yada donaysan nin walbo i uu u keensado qorsho kadibna ku laayo walalayal hadad tihin dad shacabkoda ka naxaayo wad garanaysan wadada saxda ah ee badbaadiya dadkiina inta ka hartay…

  13. cabdul qaadir says:

    ASC walaalayaal marka hore waan idin salaamay salaan kadib walaalayaal xasuusta inaay tahay ramadaan oo dadku sooman yihiin bacdina waxaan rabaa dhalin yarada meshan figrada ku dhiibataa ayaan rabaa inaan wax yar iraahdo walaalayaal intaan saan isugu mucaaradnahay oo wixiisax naa qalad noo yihiin wixii qaldanana ay sax nooyihiin ma idinlatahay inaan dhibka kabaxaayno? walalayaal ama waxqeera oo dadka muslimiinta wax taraya ku hadla ama iska aamusa wax qaldan ha qalininee

  14. mohamed1 says:

    xisbul islam maxay uga aamuseen arinta ninkii FRANSIISKA ahaa oo ay sii daayeen ,,may dadka u sharaxaan sida ay wax u dhaceen…

    arinta ethiopia asalba ciidamada ethiopia kuwo qarson ma aheen banaankaasi ayey daganyihiin ma la aado maxaa xamar loogu booteynayaa waa cajaaib habar fadhida lagdin la fudud..

  15. libaan says:

    Muuse caraale soomahan markii amxaaradu baxday nin kii ugu horeeyay oo dagaal sokeeya ku baaqa maantay haday amxaaro usoonoqotay kolay mar dabnbe lama maqlidoono sabab too ah amxaaro intii lala dagaalamayay majirin qof yaqaanay iyo meel uu halmaalin ka dagaalay markii ay baxaday wuxuu ugu waynaa dadkii fidnada huriyay maantoo kale waxaan soo xasuusanayaa markii amxaaro wadanka soo gashay ragii iyo odayaashii jilbka u dhigay ilaahay ha idin sharfo laakiin dadaalkii dheeraa ee rag soo galay doqon baa gaagixiyay iyo midleh wax soomali layiraa majiraan sidoo kale waxaan soo xasuu sanayaa xiligii arintu nugu xumeed sidii qaaliga ahayd oo ay wararka nooga haqabtiri jirtay shabakada BEERDHIGA.COM hadana ah soomalimirror walow aan maantay siday ay wax u qoraan dhaliil sanahay hadana amaal ayay dadka iyo dalkaba ku leeyihiin!.s/c/k

  16. dagaalyahan says:

    waxaa yaab ah dad diintoodii dhulkoodii, dadkoodii, iyo guryahoodii, caruurtoodii, naagahoodii, hooyooyinkood lagu soo socdo oo dadkii kadifaacayay haysta!!!!!!!

  17. cabdul qaadir says:

    waxaan rabaa inaan su aalo idin weeydiiyo su aalahas waxaay yihiin soomaaliya maxaa udiidan inay hishiiso ? aduunka dagaal waa kadhacaa dal waana lahishiiyan soomaaliya mawaysan dalalkale iyo faragalin kamaarmin?etopia maxaay ku kalajeceshahay kuwadagaalamaya ayeey idilatahay?ma shartii iyo qaayrkii baa naysaga kaayadar samay oon kala garan weenay ? xagee nalakahaystaa dadyohaow? jawaab fiican ii soo jawaaba waadna mahad san tihiin

  18. abdulahi says:

    Walaalkay c\qaadirow waxaan kuu sheegayaa Soomaliya waxay Xalkadoonayaan kuwii isku diray sidaasuu dabkoodu udami la’yahay

  19. muslima says:

    asc

    Raxmaanka ayaa mahad dhamanteed leh, intaa ka dib waqtigii NEBIGEENA SUUBANAA SCW ALLAH RAALI HA KA NOQDEE, ayaa munaafaqiin buuxday oo gaalada la safnaayeen, maxad u maleyneysaan waqtigaan oo lagu sheegay waqtiga ugu kheyrka daran, munaafqiin dacaayada iyo jeesjeeska waa lagu yaqaan in ay gaalada la saftaan.

    GUUSHA ISLAMKA AYAA ISKA LEH, WAXAA QASAARAY KUWA GAALO WELLI KA DHIGTAY.

    MARNABA HESITATE KUMAAN SAMEYN IN ISLAMKU DACIIF NOQONAYO AMA KUFAAR IYO MUNAAFQIIN WADA SOCOTAA KA ADKAAN DOONAAN.ALLAH AYAANA U BALAN QAADAY ISLAMKU IN UU GUULEYSAN.

    KUWA GAALADA WELLI KA DHIGTAY EE XASUUQA NAGU HAYAA ALLAH AYAAN MADLUUMIIN U NAHAY OO AAN SUGEYNAA AQBALKA DUCADEENA.LE’ANNA ALLAH WAXUU YIRI, I BARYA AAN IDIIN AJEEBEE, DULMI AYAA NAGA GALEEN RAG SHEEGANAYA ISLAM OO NOO SO RAACAY KUFAAR, KURSI AWAADII,ALOW ADEYSAN WAXBA KAA QARSOONEYN QULUUBTA IBNI AADAMKA DAALACDA, EE NASRIGAAGA NAGA SII KUFAARTA IYO KUWA MAGACA BEENTAA EE ISLAMKA WATA.

  20. Allemagan says:

    Wiil murqo waawayn leh ayaa oday gabadh weydiistay. Odogii ayaa yiri “war maxaad haysaa maandhow xoolo gabadha aan ku siiyee?”
    Inankii intuu is buufiyay ayuu yiri “adeer nin dhallin yara ah oo xoog leh ayaan ahay oo xaaskayga waa an u shaqaysan doonaa”.
    Odaygii ayaa intii wiilkii kor iyo hoos u eegay wuxuu ugu jawaabay “maandhow awalba is ma aadan hagranayn”.

    Hada hadii uu Sheekh Muuse Cabdi Caraale gaalada saf balaaran dagaal ula qaadayo, awalba cidna kama hor joogin. Hadii sheekhu ka dhabeeyo sida uu sheegayo, caruurta iyo dumarka Soomaaliyeed ayaa maalmo ka nasanaya hoobiyaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

  21. Allemagan says:

    Wiil murqo waawayn leh ayaa oday gabadh weydiistay. Odogii ayaa yiri “war maxaad haysaa maandhow xoolo gabadha aan ku siiyee?”
    Inankii intuu is buufiyay ayuu yiri “adeer nin dhallin yara ah oo xoog leh ayaan ahay oo xaaskayga waa an u shaqaysan doonaa”.
    Odaygii ayaa intuu wiilkii kor iyo hoos u eegay wuxuu ugu jawaabay “maandhow awalba is ma aadan hagranayn”.

    Hada hadii uu Sheekh Muuse Cabdi Caraale gaalada saf balaaran dagaal ula qaadayo, awalba cidna kama hor joogin. Hadii sheekhu ka dhabeeyo sida uu sheegayo, caruurta iyo dumarka Soomaaliyeed ayaa maalmo ka nasanaya hoobiyaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

  22. AHLU-TOWXIID says:

    WAL-CAAQIBATU LIL MUTTAQIIN WALA CUDWAANA ILLA CALA DAALIMIIN
    AS-ALULLAAH-ALCADIIM RABBUL-CARSHIL-CADIIM ANYAXFIDAL MUJAAHIDDIIN, ALDIINA YUJAAHIDDUUNA FII SABILI-LLAAHI BI AMWAALIHIM WA ANFUSIHIM.
    GAAL IYO GAALO RAAC MEESHA U DAMBAYN DOONTO SOO FIIRSADA. KUBA GAALADA IYO GAALA LAJIREENTA U DOOYABOW OGAADA INAY JIRTO MAALIN AY IDIN INKIRI DOONAAN OO AAD KU BARYEYTAMI DOONTAAN IN ADUUNKA MAR UN LA IDIIN CELIYO SI AAD IDINKANE AAD U DAFIRTAAN, WAA MARAY MIDDII UUS KU TAGTAY. ALLAAH HA XIFDIYO KANA ABAAL MARIYO KUWA DIFAACA DIINTIISA, AMIIN

  23. Al axmed says:

    Horta dadoow waxaan idin weydiiye cidii al shabaab diida ma munaafaq baa? Al shabaab iyo xisbul islaam iyo dowladba ma raacsani 3dooda ajaanib aan dalkeena iyo dadkeena iyo diintena anfaceyneynin ayeey wataan,

    1:Dowlad leh shareeca aan hirgelineyna,oo gaalo wato,
    2:kuwa leh shareeco aan uu dagaalameyna oo gaalo eritrean wato
    3: Urur ajaanib takfiiriyin wato oo diinta ka been abuurtay oo leh diin baan uu dagaalameyna.

    Alle swt ha fududeeyo amuuraha,3dan qolo waxey diyaar uu yihiin in ay isir goyan umadda somaliyeed,ee walaalayal,shisheeye fa’ido keeni maa, ee anaga aan qudheenu heshiino,nabad baa naas nuuga leh,halo naxariisto,hooyoyinka,caruurta banaanka daadsan xabbadda ka daaya maatida,caro ilaahay kama cabsanayan miyaa 3dan mooryaan,allow sahal amuuraha.

  24. mohamed says:

    to al-axmed horta adaan waxaba fahmine allaah bari inuu wax ku fahansiiyo fakfiir ayaad ku yaacdaan marka xaqa laga runsheego war nimankan calanka jihaadka ayay umada hor wadaane waxba ha ka sheegin hadaad illaahayna isagaa ugargaaraya xaqa & dadkiisa waxan kugu waaninayaa inaad aqrisato kutubaha caqaaidka ah oo baro al walaa wal baraa

  25. maki says:

    ethiopai iyo burundi iyo ruwanda iyo ugandha waa noo heshiiyeen. in laqaato dalkeena bada wanaagsan. Waxay rabaan inay marka hore adeegsadaan doqonkeena markaan jilicnona ayagu soo galaan dagaalka. “MARKAAN WAA LAYNA HAYAA”.

  26. shiine says:

    #

    dhacdooyinka ka socda somaliya iyo afghanistan waa kuwo ididiilo leh.ugu horeyn waxay ahayd 2001dii markii maraykanka iyo xulufadiisu weerareen afghanistan iyaga oo rajaynaya inay mudo yar kaga tuuran xukunka talipanka. hadda oo ah sagaalsano kadib wakhtigaa waxaa wali dagaalku kasocdaa gudaha afghanistan , waxaa kale oo taliban awood badan ku leedahay dhulka qabaailka dego ee pakistan. tani waxay soo afjaraysaa sheegashii maraykan ee ahayd inay leeyihiin ciidamo waxwalba burburinaya. hadda maraykanku wuxuu ku dhow dhowyahay inuu burburo. burburka america wuxuu si buuxda usoo celindoonaa awoodii talipanka . waxyar kadib waxaa ku biiri doonawaziritan kadibna wabigad sawaat iyo dhamaan dhulka qabaailka ilaa iyo pakistan oo dhan gasho awooda talipanka kadibna waxaa kubiiri doonta kashmiir, kama foga dhulka sunniga ee iran inay soo galaanxukunka talipanka, silamid ah dhulka bariga turkistan taasoo ka dhigaysa in talipan xukumaan imaarad balaadhan oo ku jirto afghanistan, pakistan, turkiskan iyo qaybo weyn oo kamid ah iran. dhanka bariga aad aadno

    marka ay burburto america xarakatul shababul mujaahidiin waxay xukumayaan somaliya oo dhan kadibna waxaa kubiiri jabuuti waxay ku fidi doonta koonfurta si meesha looga tuuro camiilka jooga khartum ogowna wiilasha sudan waxay u heelanyihiin xukun islaami ah waxaa markaasi halkaa si ka samaysmi doonta imaarad balaadhan oo taxan somaliya ilaa iyo waqooyiga sudan .llabadan imaaradood waa xarakatul shababul mujahidin iyo talipanku dunida inteeda kale gaadhsiin doonaan isku xukunka shareecada islaamka dhaman wadamadda muslimimita sunniga ah inshallah

    shiine | Aug 30, 2009 | Reply

  27. maki says:

    ETHOPIA IYO BURUNDI IYO RUWANDA IYO UGANDHA WAXAY SOOMALIDA UGU JECELYIHIIN KUWA KUWA KASOO HORJEEDA MUJAAHIDIINTA. HADAYNA MUJAAHIDIINTA AHAAN LAHAYN ETHOPIA MABAXDEEN.

  28. maki says:

    ALLEMAGAN MAXAAD U ARAGTAA QORIGA MUJAAHIDKU WATO OO DALKIISA IYO DADKIISA IYO DIINTIISA KU DIFAACAYO EE AADAN U ARAG MADFACA AMISON KU GARAACAYSO DADKAYAGA IYO DALKAYAGA.? MARKA DANBE AAD WAX QORTID FIIRI XAGA ETHOPIA IYO AMISON.

  29. maki says:

    ALLEMAGAN DALKAAGII WAA LAHAYSTAA. BURUNDI RUWANDA IYO UGANDHA. MAXAAD LEEDAHAY AYAGA HORTA INTAAN SOOMALIDA LA GAARIN.

  30. aadan cabdi sheikh says:

    waa ma dilaa ninkii raaca dowladda shariifka iyo murtadiinta waxaana loo dhigi dibin ku bishaareystata naar murtadiintow iyo shariif murtad oo bedelay murtadkii hore ee cabdulaahu yuusuf intii raacsan mujaahidiinta waxaan leeyahay alaahu akbat ilaahy baa idilla jiree ha ka daalina jihaadka ilaahay ay kor ka ahaadto ilaahay kelimadiisa iyo in ay hoos ahaadto kelimadii murtadiinta iyo gaalada

  31. nadia says:

    Muuse caraalow afkaaga qabso! iskana daa hadalada aan qiimaha laheen/dhagaha urooneeyn o idaacadaha/tvga maalinwalba kasheegesid adiga iyo kuwakula midka ah please,

    Filinkiina marhore dhamaaday waqti aan idin aamini jirnay weey jirtay laakin hada quus ayeey umada soomaaliyeed badankeeda idinka taagantahay nimankina mujaahidiin isku sheegayo walaahi.

    hadii jihaad run kaatahay orad oo bBeldweyne tag iyo meelaha itoopianka joogaan kadagaalan, masaakiintaan xamar/meelaha kale joogto nabad galiya hadaa muslintihiin. Mise soomaalida kaliye sida loogu jihaado ayaa taqaaniin??? war isku xishooda oo allah kacabsada dadka masaakiinta bisha ramadaan xitaa waa idinka fakawaayeen cajiib!!!

  32. c/raxman says:

    tilmaamaha alshabaab waxaa kamida
    1)gaalada oo ah cadowga alle ayaa aad uneceb waana mid kamida tilmaamaha lagu garto awliyada alle waayo biyo iyo dab weel kumawada jiri karaan
    2)waa koox jihaada tani waa calaamad kale oo lagu yaqaan ahlu xaqaiyo daaifada lagu tilmaamay inaysan ka zuuleen inay dagaalanto ilaa qiyaamada
    3)inta xun sida kirishtanka+kuwa ayraaliga kayihiin oo ay taageeraan+kuwa ahlu shirkigaa ee ilaahey awliya kafeer wado intaasoo idil alshabaab ayey xabadd usitaan cadawga allana waxaa lagu yaqaan inuu midoobo markuu xaqa la dirirayo
    hadaba timir lafaa ku jirtee inta alshabaab neceb {qabiilo,maamulo,dawlad,suufiyo…} maxaa loowaayay cid meeshey kataliso diinta ku maamusho.ilaahow ha ogolaan inaan kudhinto waxaan eheen shahaado

  33. c/raxman says:

    intaadan alshabaab wax kasheegin suaalahan is weedii
    ma hubtaa in qal bigaaga saafi kayahay waxyaabaha uu ka xanaaqo ilaaha aad naxariis karabto?
    mase hubtaa waxa aad kasheegeyso alshabaab inay dar alle uun kaa tahay?
    afka aad wax uga sheegi rabto mayahay mid ay kanabad galeen amisom? hadeyse kanabad galeen siduu uga nabadgali waayay key is hayaan?
    waligaa jihaad magashay naftaadase ma ugu sheekeysaa inaad gashid?
    ilaahow mujaahid iga dhig shahaadana igu maneyso munaafaqnimada ay asxaabtii nabi muxamad naftooda ay uga baqi jireena iga badbaadi

  34. Calan Difaace says:

    Somali Mirror fadlan soo daabaca dadka firkadaihiina ka soo horjeeda si warbaahintiinu u noqoto mid dadkoo dhan wada leeyihiin.

    Walaalayaalow beentii aad horay noogu sheegteen waan baranay. Itoobiyaankii waan saarnay, kadibna shacabkii ayaad ku soo jeesateen oo waxaad gaaleysaan iyo waxaad shirqool ku dishaan iyo waxaad madaafiic ku garaacdaan ayaad ka dhigteen.

    Maxaas, Wabxo, iyo magaalooyinka kale ee aad dhallinyarada ku dhameyseen ma AMISOM iyo itoobiyaan baa joogay.

    Bentiinii baranay, waxaad u dagaallameyseen kursi doon, ee diinta yaan lagu gabban.

  35. cabdikariim dheere says:

    to: cabdiraxman
    waxaan ku leeyahay walaal ducadaada Allaha kuu aqbalo, oo jihaad sax ah Allaha kugu dilo, laakiin dagaallada har iyo habeen ay shabaab wadaan oo ay muslinka kula diririyaan iska fiiri, dad baa Alla suuratuzumar noogu sheegay in ay Alle kala kulmeen qiyaamada wax aanay ka maleynayn marki hore.
    haweenay saxaabiyad ah ayaa laba wiil uga dhinteen dagaal ka dhacay madiina oo looga soo horjeeday nin faasiq ay ku sheegeen khamriga caba, markaasay tiri hebel kheyr baan u rajeynayaa, waa mid labadeedi wiil ka mid ah oo dulmi lugu dilay. waxay tiri ka kalase waan u cabsanayaa, maxaa yeelay wuxuu ka qayb galay fitnadi.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Yaaqshiid ““Dagaalkaasi si gaar ah Xisbul Islaam uguma jirin”
  2. Golaha Dhaqanka Hawiye & Xisbul Islaam oo ka hadlay Ciidamo kala qaadista “Xisbul Islaam waxa uu goostay inaan Goobtaasi laga dhigin Goob Dagaal lagana kala qaado Ciidamada”
  3. Xisbul Islaam oo shaaciyay inay Qeyb ka yihiin Dagaalka ka socda G/Gal-gaduud.
  4. Ciidamada Xisbul Islaam oo Howlgal Burcad Sifeyn ah fuliyey.
  5. Dagaal Culus oo ay Diyaarado Dagaal ka qeyb qaateen oo Dhex Maray Xoogaga UWSLF & Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Latest Headlines