94 HAB OO LOO TARBIYEEYO CARUURTA {Q.1-aad}

Published on August 30, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

يٰأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءامَنُواْ قُواْ أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَاراً وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَـئِكَةٌ غِلاَظٌ شِدَادٌ لاَّ يَعْصُونَ ٱللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ [التحريم:6]. 

Ogaada Caruurtu waa “Il qabowsi” Haddii uu ilaahay kuu Hanuuniyo, waa Quruxda Nolosha Aduunka iyo Dhaxalka lagu faano haddii uu Alle kaaga dhigo Awlaad Saalax oo kuu soo Duceeysa marka aad Dhimato, sidaas awgeed Adoomadda Alle waa kuwa ku ducaysta

] يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبْ لَنَا مِنْ أَزْوَاجِنَا وَذُرِّيَّاتِنَا قُرَّةَ أَعْيُنٍ وَاجْعَلْنَا لِلْمُتَّقِينَ إِمَامًا[، 

Hadaba Qofkii Doonaya inay Ubadkiisa u Noqdaan Sacaado iyo Quratu Cayn Aduun iyo Aakhiro waxaa waajib ku ah inuu Wanaajiyo Tarbiyayntooda gaar ahaan inta ay yar yihiin, sababtoo ah ilmuhu wuxuu ku bar-baaro ayuu ku weynaadaa. 

Ubadkana waxaa ugu Haboon in laga Tarbiyeeyo xagga Caqiidada, iyo Hab dhaqanka.

Sida loo Tarbiyeeyo Ubadkana waxaad kaga dhergeysaa Quraanka Kariimka iyo Sunadda Nabigeena(SCW) ee ka raadso. 

Maqaalkani wuxuu ku socdaa Murabi walba, ha ahaado Aabo ama Hooyo ama Macalin, waxaana u Hadiyaynayaa Erayadan Kooban oo ah kuwo Tijaabooyin ah oo laga dhexlay Dadka ku Takhasusay Tarbiyaynta Ubadka, waxaana lagu soo koobay 94 Qodob oo kaliya si ay u sahlanaato Akhrinteeda iyo ka faa’idaysigeeda, waxaana ilaahay ka baryayaa inuu ikhlaas iiga dhigo, Bulshada oo dhana ku anfaco. 

94 Hab oo loo Tarbiyeeyo Caruurta 

1-     Tarbiyaynta Ubadka waxaa ugu horeeya, in Aabuhu marka horaba u Doorto Hooyo Wanaagsan.

 

2-     Marka xigana waa inaad ilaahay ka barido inuu ku siiyo Awlaad Wanaagsan, Dhaqankaasna waa mid laga dhexlay Anbiyadii iyo Rusushii ilaahay, sidii Nabi Zakariye oo yiri:-

 

{رَبِّ هَبْ لِي مِنْ لَدُنْكَ ذُرِّيَّةً طَيِّبَةً إِنَّكَ سَمِيعُ الدُّعَاءِ} [آل عمران : 38].

Dadkii Saalixiinta ahaana waxaa Sifooyinkooda ka mid ahaa inay dhahaan:-


{رَبَّنَا هَبْ لَنَا مِنْ أَزْوَاجِنَا وَذُرِّيَّاتِنَا قُرَّةَ أَعْيُنٍ وَاجْعَلْنَا لِلْمُتَّقِينَ إِمَاماً} [الفرقان : 74].

 

3-     U Bixi ilmaha Magacyo wanaagsan sida kuwa Anbiyada iyo saxaabadii Nabigeena SCW.

4-     ilmaha u laqin Kalimadda Towxiidka (( لا إله إلا الله ، محمد رسول الله )) hana Noqoto waxa ugu horeeya ee aad Barto ilmahaaga

5-     Bar ilmaha inta uu yaryahay Arkaanta Iimaanka iyo Islaamka.

6-      Ilmaha markuu gaaro 7 sano Bar in uu Aabaha u raaco Masjidka.

( مُرُوا أَوْلاَدَكُمْ بِالصَّلاَةِ وَهُمْ أَبْنَاءُ سَبْعِ سِنِينَ، وَاضْرِبُوهُمْ عَلَيْهَا وَهُمْ أَبْنَاءُ عَشْرِ سِنِينَ، وَفَرِّقُوا بَيْنَهُمْ فِى الْمَضَاجِعِ ). 

7-     Bar Caruurta inay xiriiriyaan Qaraabadda, wanaagna kula dhaqmaan Dariska.

وعن أنس رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( من أحب أن يبسط في رزقه وينسا له في أثره فليصل رحمه ) رواه البخاري ومسلم . 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( لا يدخل الجنة قاطع ) قال سفيان يعني قاطع الرحم . رواه البخاري ومسلم .

8-      Gabdhahu inta ay yar yihiin Jeclaysii Qaadashada Xijaabka.

 وقال تعالى : ( يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُلْ لأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِنْ جَلابِيبِهِنَّ ذَلِكَ أَدْنَى أَنْ يُعْرَفْنَ فَلا يُؤْذَيْنَ وَكَانَ اللَّهُ غَفُوراً رَحِيماً ) الأحزاب/59

9-      Ku Tarbiyee Caruurtaada inaysan ilaahay u Shariik yeelin

 

قالَ تعالَى: ]وَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَابُنَيَّ لا تُشْرِكْ بِاللَّهِ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ[

 

10-    Qorshee waxyaabo aad ku Buuxiso Xiliyada firaaqadda Caruurta.

11- Bar gabdhaha Cunto karinta,Toliinka iyo waxyaabihii kale ee ku Haboon  

12 -     U Samee Qoyska Dalxiis ku haboon oo aan Shareecadda Islaamka Khilaafsaneyn adiga oo iska ilaalinaya Goobta aad ku sameynayso iyo Barnaamijka loo aadayo.

13 -     Caruurta hortooda cod la maqlayo ku samee Xuska ilaahay si ay kaaga daydaan.

14 -     Ku xir Caruurta Muslimiinta iyo Qadiyadahooda.

15 - Caruurta haku raacdo marka aad Ficil Kheyr ah sameynayso sida marka aad Sadaqo soo qeybinayso ama aad Tabarucaad soo aruurinayso.

16 - Gee Caruurta Dugsiyada lagu Xifdiyo Qur’aanka, kuna samee Kormeer iyo Dabo gal.

17 -  Bar Caruurta Maah-maahyada, Gabayadda iyo Suugaanta inteeda Wanaagsan.

18 -  Kula Sheekayso Caruurta Luuqad Fasiix ah inta aad karto.

19 – labadda Waalid waa inay ka faa’iidaystaan Dhacdooyinka Qoyska soo mara.

20 -  U Samee Qoyska oo dhan xiriir wanaagsan, si loo helo Mujtamac Wanaagsan idanka ilaahay.

قال تعالى: "إنما المؤمنون إخوة فأصلحوا بين أخويكم"

21-  Iska ilaali Ficiladda Xun iyo Hadalada aan wanaagsanayn inaad Caruurta hortooda ku sameyso.

22-  Waligaa Xooga Saar “Is-jeclaysiinta” waxaa lagu tilmaamaa Asalka Tarbiyaynta.

13-  Si Xeeladaysan u baro Cidda Saaxiibka la ah Caruurta

 

w   قال سبحانه: وَيَوْمَ يَعَضُّ ٱلظَّـٰلِمُ عَلَىٰ يَدَيْهِ يَقُولُ يٰلَيْتَنِى ٱتَّخَذْتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلاً  يٰوَيْلَتَا لَيْتَنِى لَمْ أَتَّخِذْ فُلاَناً خَلِيلاً  لَّقَدْ أَضَلَّنِى عَنِ ٱلذّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَاءنِى وَكَانَ ٱلشَّيْطَـٰنُ لِلإِنْسَـٰنِ خَذُولاً [الفرقان:27-29].

 

w   قال سبحانه: ٱلاْخِلاء يَوْمَئِذٍ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ إِلاَّ ٱلْمُتَّقِينَ [الزخرف:67].

w   قال عليه الصلاة والسلام: ((الرجل على دين خليله فلينظر أحدكم من يخالل)) [رواه أبو داود والترمذي بإسناد صحيح].

w   فقال عليه الصلاة والسلام: ((لا تصاحب إلا مؤمنًا، ولا يأكل طعامك إلا تقي)) [رواه أبو داود والترمذي بإسناد حسن].

w   فقد أخرج الشيخان عن أبي موسىٰ الأشعري رضي الله عنه أن النبي  قال: ((إنما مثل الجليس الصالح والجليس السوء كحامل المسك ونافخ الكير، فحامل المسك إما أن يحذيك، وإما أن تبتاع منه، وإما أن تجد منه ريحًا طيبة، ونافخ الكير إما أن يحرق ثيابك، وإما أن تجد منه ريحًا خبيثة)).

 

24-  Isku Nooc ka dhig Habka ay labada Waalid ula dhaqmayaa Caruurta

25-  Ku Tarbiyee Qoyskaaga Dhaqan Wanaagsan oo ay iskula dhaqmaan Dadkana ay kula Dhaqmaan.

26-  Ku Tarbiyee Caruurta Shaqo Wanaaga.

27-  Ku Tarbiyee Caruurta marka ay cunayaan ama Cabayaan inay ku Bilaabaan Bisinka, Gacanta Midna wax ku cunaan, oostoodaba wax ka cunaan.

عن عمر بن ابي سلمة رضي الله عنه قال: كنت غلاما في حجر رسول الله صلى الله عليه وسلم وكانت يدي تطيش في الصحفة فقال يا غلام سم الله. وكل بيمينك. وكل مما يليك.) حديث صحيح رواه البخاري ومسلم وابن ماجة في السنن.

 

28- Bar Caruurta inaysan Maalaayacni ku soo jeedin Habeenkii, meel Mugdi ahna aysan Seexanin.

29- Ku Beer caruurta Akhlaaqda wanaagsan sida: – Sharafta, Geesinimada, Deeqsinimada, xilkasnimada, Dul-qaadka, Degenaanshaha, Wada tashiga, Cadaaladda, Balan oofinta, Amaanadda, Xishoodka, Dhowrsanaanta I.W.M.

30- U Samee Caruurta Maktabad u gaar ah, uguna dar inaad u keento Computer ay ku jiraan Barnaamijyo Nafci u leh.

31- Ku Beer Caruurta inta ay yar yihiin inay Martida Sooraan.

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال‏:‏ ‏”‏ من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليكرم ضيفه، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليصل رحمه، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيراً أو ليصمت” ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏ ‏.‏

32-  Xooga saar inaad Caruurta uga sheekayso Qisoyinka Anbiyada, Saxaabadda iyo Salafkii wanaagsanaa, hadaad awoodinna u keeno Cajalo ay ka bartaan lana dhageyso.

33- In Carruurta la Baro Sunnooyinka Rabbaaniga ah ee kownku ku socdo, sida in Shay walba iyo Sababtiisu isku xiran yihiin, iyo in Risiq si aad u hesho loo baahanyahay Shaqo.

34-  Bar Caruurta Macnaha Guud ee Cibaadada.

35-  Bar Caruurta sida ugu Wanaagsan ee loo Tukado Salaada looguna khushuuco.

36- Si Tartiib ah u Bar Caruurta Faridda Wanaaga iyo Reebidda Xumaanta

 

قال الله تعالى: ﴿كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمُنْكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ﴾  }آل عمران:110{.

37-  Gaf Haddii uu dhaco hadayicin ee si Deg Deg ah u Dawee.

38-  ku Beer Caruurta inay Naftooda ku kalsoonaadaan.

39-  Bar Caruurta Samirka iyo inaysan Eed Sheegan, ilaahayna ay Kaalmo weydiistaan isaga kaligiina ay Baryaan.

] وَاصْبِرْ عَلَى مَا أَصَابَكَ إِنَّ ذَلِكَ مِنْ عَزْمِ الأُمُورِ[،

40-  Waxaa lagama maar-maan ah in Caruurta xagga Macaamilkooda loo cadaalad falo oo aan midna loo eexan.

41-  Shaqooyinka Wanaagsan ku Dhiiri gali Caruurta.

42-   Guriga waa inuu yeesho xili Waxbarasho.

43-  Inta Baabuurka la saaranyahay waa in Wakhtiga laga faa’iidaysto.

44-  Badi sheeg sheegidda Erey bixinta Sharciga ah.

45- Tarbiyadu ha Noqoto mid Tallaabo Tallaabo ah, oo ku Dhisan Samir, Wakhti dheerna qaata,

46-  In Tusaale uu ku Daydo loo sameeyo hababkana la kala badbaddalo.

47- in Qalbiga Ilaahay lagu xiro marka wax la tarbiyeynayo.

48- Tarbiyaynta Caruurta waxaad xooga saartaa sida ay u kala weynyihiin.

49-  Waa in la Cadeeyo Kaalinta Hooyada ee Gabdhaha (waa Kaalinta ay Gabadhu ku leedahay Islaamka)

50- Aabuhu waa Inuu si gaar ah Hammiga ugu hayaa Hadba Qoraalada Cusub ee laga soo saaro Tarbiyada.

51-  Dhug u yeelo waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin Caruurta.

F.G:- Maqaalkani waxaan ka soo Tarjumay http://saaid.net/tarbiah/90.htm , waxna waan ku kordhiyay.

C/raxmaan Maxamed Siigaale (Abuu Camaar)



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Unicef oo ka dayrisay Caruurta Somalia
  2. Shabakadda Somalimirror & Shaqaalaheeda oo idin leh Ciid Wanaagsan

Readers Comments (7)

  1. muxammad cabdul aziz (Abunasra) says:

    Asc slan kadib somalimirror qeyr alaha idinka siyo dacwada aad wadan gaar ahan qoralka ninka leh waa muhiin tarabiyeynta ubadka waa lama huran run ahanti hadii aan lahelin da daal inta kabadan runtii waa waajib ina saarin dhamanteyn inan kawada shaqeyno waxa hada loo baahan yahay madarisoyin inloo furo juhdi lagu bixiyo maclimin qibrad leh loo xusho run ahanti waa dagaal udhexeya katoliga iyo diinta islamka hadii aynu kasexano bar baarinta ubadkena waxeynu halis u nahay jirtankena walalayal kheyr ilahey hadin siiyo da daalka hala laba jibaaro qofkasta oo muslim ahna waxan ugu in mesha ujoogo ka bilaabo bararujinta umada iyo barbaarinta ubadka iyo in looga digo waxyaabaha kusoo wajahan diintoda iyo dadj in ay doonayan in ay bedelan jiranka diinta islamka baraka alaahu fiikum

  2. salafu saalix says:

    Asc walalayaal waan ka faa idaysanay waan ku raaxaysanay waa waxaan aad ugu baahneen hadaan somalinahay waxa haysta inta ugu badaa arimaha qaska iyo tarbiyada caruurta hadii lahelo caruur tarbiyaysan dhibaatada waa laga bixi lahaa maka walaalyaay waxaan dhilahaa inlaga faaidayso fursadan wanaagsan iyo taladan macaan oo aan waligeen lahelin waad mahadsantihii dhamaantiin

  3. Hassan Issa says:

    Asc.walaal Abdiraxmaan maxamed siigaale walaal waad inoo faa’idaysay ilahay ha kaa ajarsiiyo wanaagadaan sharafta badan mantay Hooyo iyo Aabe iyo Macilinkaba waa inta bulshada ay wax ka maqlaan waxana fiican ay sheegana ka qataan xumatan iyo wanagaba ay ka dhaxlaan waa sadaxdaas sifiican ayadna igu sharaxday walaal wan kaaga mahadcelinaya qoralkadan qoyan insha allhaah wnaa ku dhaqmayna wana barayna caruurteena ilahay ajar farabadan aan la soo koobin karin ha kaa siyo Asc wabilaahi toqfiiq.

  4. foley mcln yusuf says:

    Asc wlh ad ayan uga farxay qoralkan wayo qofka an ilmalahen xataa waxodarensiyaa tarbiyada ineytahay shey qali ah kisodiyariyay iyo inta akharsato ilahey ajir iyo hasanad haniga siyo wa bilaahi towfiq waa lafilka

  5. saamiyo says:

    A.c walal wad mahadsantahy madama aad no dhira.galasay Wana ku dhaqmeyna

  6. bashka58-swiss says:

    Sc .akhii qoraalka waa heer sare. caruur ayaa wax u dhigaa waan ka faa’iideystay kheyr allah ku siiyo,dhibka jira waxaa weeye waalidkii badankooda diinta ma yaqaanaan….tarbiyada carruurta waxey ka raadsadan maktabada reer galbeedka waxa ey qoraan..inkastoo laga helaayo qoraalo fiicn. laakiin wax kasta waxaa laga helaayo dinteena .diintana waxey rabtaa barasho.carruuta sidii logu gudbinayaa haduu waalidka dinta aqoonin .fadlan diinta baro.aqoonta kalena wado. waxii wanaagsan ka qaado waxii kale diinta ka hor imanaayo iska dhaaf kheyr allh ku siiyo.

  7. C/qadir cali says:

    Asc walaalaha muslimiinta ah meel walba ay joogaan salaan kadib somalimirror 100%waad mahadsantihiin qeyr alle ha idinka siiyo sida aad risaalada usoo gudbisen bye




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Unicef oo ka dayrisay Caruurta Somalia
  2. Shabakadda Somalimirror & Shaqaalaheeda oo idin leh Ciid Wanaagsan

Latest Headlines