5 Dhalinyaro ah oo Xad & Tacsiir Isgoyska Fagax la gula fuliyay.

Published on August 30, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Maamulka Gobolka Banaadir,ugu qaabilsan Al-Xizbul Islaam ayaa maanta 5 dhalin yaro ah Xad iyo tacsiiray kula fuliyay Isgoyska Fagax, Degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Xisbul Islaam, Macalin Xaashi oo ka hadley goobta xukunka dhalin yarta la gula fulinayay ayaa sheegay in lagu soo eedeeyay, Kufsi ay kula kaceen Gabadh.

3 ka mida dhalin yarta ayaa lagu dhuftey min 100 Garbaash kuwaas oo lagu eedeeyay inay Gabadha kufsadeen,sida uu goobta ka sheegay Macalin Xaashi.

2 kalena ayaa iyana lagu dhuftey min 39 Garbaash, waxaana lagu eedeeyay inay falka Gabadha lagu kufsadey qeyb ka ahaayeen balse ayna Kufsi geysan.

Macalin Xaashi ayaa goobta ka sheegay in Xadka iyo tacsiirta dhalinyarta ku fuliyeen qeyb ka yahey howl-galo maalmihii ugu danbeeyay Maamulkoodu Gobolka ka wadey.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan tan iyo markii Maamulka la dhisey howl-gabo badan oo ay fuliyeen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Tacsiir lagu fuliyay Xaruntii hore ee Warshada Baastada.
  2. Maydka Wiil Dhalinyaro ah oo laga helay Isgoyska Fagax
  3. Maamulka Islaamiga ee Buur-hakaba oo Fuliyay Xukuno Dil & Tacsiir isugu jira
  4. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  5. Wiil Dhalin Yaro ah oo Isgoyska Fagax Lagu Diley

Readers Comments (1)

  1. yaabane says:

    MID LABAXAY MUCAKAB OO HABAARTAMA MAHAYSAAN,

    ILLAH BAAN KAA MAGAN GALNAY

    YAAHUU

    MUCAKAB AAWAY INUU MOORYAAN HADA CIMAAMAD LOO DHIIBAY YAHAY AYAAN UMALAYNAAA

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Tacsiir lagu fuliyay Xaruntii hore ee Warshada Baastada.
  2. Maydka Wiil Dhalinyaro ah oo laga helay Isgoyska Fagax
  3. Maamulka Islaamiga ee Buur-hakaba oo Fuliyay Xukuno Dil & Tacsiir isugu jira
  4. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  5. Wiil Dhalin Yaro ah oo Isgoyska Fagax Lagu Diley

Latest Headlines