Sh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi Wasiiro ah oo uu Hogaaminayo ayaa Duhurnimadii Maanta ka Ambabaxay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho iyaga oo safaro ku kala bixin doono Wadamada Qadar iyo Imaaraadka Carabta.
C/Caadir Barnaamij oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada DKMG ah ayaa Sheegay in Sh Shariif Martiqaad Rasmi ah uu ka helay Amiirka Qadar kana wada hadli doonaan Xiriirka labada Dal isagoo intaa ku daray inay Safatrka weliyaan Wasiiro uu kamid yahay kan Arimaha Dibada waxa uuna yiri Barnaamij:”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu u anba baxay Dalka Qadar oo uu ka helay Dhigiisa Amiirka Qadar Martiqaad, waxayna ka wada hadli doonaan Horumarita Xiriirka u dhaxeeya labada Dal, waxaa Madaxweynaha ku Weheliya Safarkiisa Wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada, waxaa kaloo la socda Wasiiro”.
Waxa uu intaa ku Daray Barnaamij in Safarkani yahay kii Labaad ee uu Sh Shariif ku tagao Qaday isagoo leh:”waa Safarkii labaad oo uu Madaxweynuhu ku tago Dalka Qadar ka dib Shirkii Jaamacadda Carabta, tanina waxay isku soo dhaweynaysaa labada Dal iyo Madaxweynaha iyo Amiirka oo Xiriir wacan leh”.
C/qaadir Barnaamij ayaa sidoo kale Sheegay in Sh Shariif uga sii gudbi doono Qadar Dhanka Dalka Imaaraadka Carabta oo uu Sheegay inuu Marti Qaad kahelay wuxuuna yiri:”waxaa uu Madaxweynuhu ku xijin doonaa Dalka Imaaraadka Carabta isaga oo ka helay Marti Qaad, waxayna la mid noqon doontaa midda Qadar, imaaraadkana waa Runtii Dal Ganacsiga Soomaaliya isagu aad u sareeyo, waxayna noqon doontaa fursad aad iyo aad u qiimo badan oo uu ku horumarin doono xiriirka u dhaxeeya Dalalkaasi iyo Soomaaliya”.

Related posts:
Qarastasaa dadka lo shegaya xabadaha xamar ka jira ayu ka cararaya. lacagtu so qado masakinta ma arkan asaga iyo sharif sakina kala qaybsanaya mida kale umada xasuqeda rali ayu ka yahay ilahay diyarada kula qarxi
Masha allah mar hadii uu madaxweyne sh shariif uu ushaqaynayo diintisa dalkiisa iyo dadkiisa waa mid mahad alleh tankale kooxaha dagalka wadaa waxan leyahay joojiya dagaalka waxad wadaanw a fasahaad e
waa ok mar hadii madaxweyne sh sariif uu wado dadaalo lagu midaynayo shacabka somaliyeed wa wanagsantahay tankale dadka dagalada wadaa hajoojiyeen waxay wadaan waa xaraan dadka dhiigooda yay xalaashan alshabaab iyo xisbul islaamba
shayaadiintii waxeey u tuugsi tageen carabaha si loo siiyo lacag lagu xasuuqo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer muqdishu
wa alayaabay iska duul duulk diintii aad sheeganaysay ka been sheeg gaaldau arxan somaliada hoobiye ku tuur wa amid ilaah uu suaali doono shariif la soo gamay
Runta Alle ayaa nagu jecel. Nin ciidan ku sheegeesii wadooyinka isku rifayo inuu wafdi hogaamiyo ma aha. Meeshaan ciidan wadan ma joogee ha loo banneeyo baladii iyo ibtiladii qabsanaysa.
Shiikh Shariif iy Dhuumaal maxay uga hadli la’yihiin guul darradan meesha taal. Sidee ayay ku guulaysan dowlad markii mucaaradku xabada ka joojiyo, ayadu is xabadaynaysa?.
Nin Shaaweeye ciidan u yahay ciil ka bixi mayo. Dowladu waa inay kala dirtaa malayshiyada beelaha gabi ahaan ayna joojisaa ciidamo ku sheega wadooyinka ku baaranaya (canshuuraya) dadka. Waa la kala garan la’yahay ciidankii iyo colkii.
ASC Ramadan kariim Umadda Muslimiinta ah.
Socdaalka Shariif Dulli ma ahan mid cusub waxa kaliya ee uu soo kordhin kara ayaa ah in carabtu sii fogeeyaan marka uu arko Fadhiyada shirkiga ah ee Dahabka ka samaysan ee Boqorada gaala raacyada ah.
Bal Fiiri wuxuu booqanayaa dalalkii USA wakiilka u ahaa dhciisaynta islaamiyiinta caalamka.
wax faa’iida ah malahan shariif Murtad ilaah Mujahidiinta hanoo guuleeyo
Ramadaan kariim dhamaan dadka muslimiinta ah. Intaa kadib dadka bisha ramadaan Ku hadlaya erayada Denbiga iyo akhlaaq xumada ah, illaah ha ka baqaan. Teeda kale Safarka shariifka ee wadamada Carabta waxaa wax laga sheegi karaa markii uu soo noqdo haddii uu guul keeno iyo haddii uu guuldaro noqdo labadaba. waxaa kaloo loo baahan yahay in la ogaado hade shariif waa Madaxweynahii Juhuuriyada Soomaaliya oo laga aqoonsan yahay aduunka ama necboow ama Jecloow, inta uu xilka hayo wixii uu geeystona waa lagula xisaabtami doonaa wanaag iyo xumaan. Laakiin haddii aad tahay qof shaqsiyad Fiican qofna ha caayin hana gaalaysiin, qofkastana qofka uu ka shaqsiyad xun yahay waa ka akhlaaq iyo aragti xun yahay. Illaah waxaan ka baryeynaa inuu ummadda Soomaaliyeed ku toosiyo wadada xaqa ah, aqoon fiican uu siiyo .
Osman. M- Ali
As/c. intaas ka dib. Waa in la xusuustaa in aan ku jirni bishii barakeysneyd, marka caay iwm waalaga fiican yahay. Tan kale qof kasta wixii uu abuurto ayuu miraheeda helaa sdiaas daraadeed faraha ka qaada umadda ilaahey isagaa xisaabin doona.
ninkani wuxuu u tuugsi tagay carabaha iyaguba ka baqanaya inay shacbigoodu ku kacaan ileen dawladoohudu waxay saaxiib sokeeye la yihiin nasaarada reer galbeed ka sida ay sharifka ugu kacsanyihiin umadda somaliyeed oo doonaysa in diinta laysku xukumo sidaa daraadeed sharifka iyo qadar waxay wada qaban dareen isku mid ah oo ah inay cabudhiyaan saxwada umada muslimiintaee calamka iyo guuxa jira ee ah shareecadd ha laysku xukumo
s/c w/r w/b
waa iga su.aal qofka labo shariif taageeraayo maxaa u taageera iga jawaabaa
maa diin ahaanbaa mise qabiil ahaan ???????
sh shariif isaga oo sooman oo dalka iyo dadka hamigooda xambaarsan inuu aaday qadar iyo Uae ayaan filayaa *xusnu danni* caloofi ninka labaxayna waxa uu kusheegay murtad , talaw soonkiisa kama naxayo miyaa , illaahow cafi iyo caafimaad , aamin
jahliga nahaysata waa in an markan hadalnaba ku dhawaqno gaal iyo gaalo raac .war wax gaal somali ah ma jiro ee hadad donaysan in aad dadkina wax la qeybsatan so fadhista kursiga hadadse wax isku hayn shacabka aad shaarka diinta u soo gashatayn ka dhex baxa wadanka dowlad ayu raba ee uma baahno ururo diimeed ….
Sheekh Dalxiis Carabta wuxuu ku haystaa xoogaa dhandhan ah sidaas aawadeed waxaa la oran karaa in uusan dan ka lahayn dadka shacabka ah ee ku leeddaya gantaalada ay ciidamada AMISON sida indha la’aanta iyo fulleynimada ugu garaacayaan. Sheekh Dalxiis Filimkiisu waxaan filayaa in uusan dad daah ka saarneyn waxa uu yahay. Waxaynu ognahay in ‘title-ka’ Shiikhnimadiisu ay tahay mid waxba kama jiraan ah balse uu asagu doorbiday in uu ku badasho Kursi uu ka qaaday sida muuqata iimaan daro. Shiikh Dalxiis wuxuu mari doonaa bartii ay mareen gacan-ku-dhiigleyaashii ka horeeyay isaga ee ku caanka baxay dhiigyocabnimada… Balse dadkeena shacabka ah Eebbe garabkooda ha gallo hana u gargaaro intii wanaaga iyo samaha ka talinnaysana Eebbe guusha ha siiyo Bi idnillaahi Kariim…
somalimirror ma u quuri waydeen madaxwayne sh shariif. marka xigtana waxaan u malayn in aad shiikhnimada u diidan. haku dheelina anshaxa saxaafada iskana daaya nin jeclaysiga u qira titalka madaxwaynenimo sh shariif.hadii kale hasheekaynina