Barnaamijka dardargalinta Mac-hadka diiniga ee Buurtinle

Published on August 27, 2009 by   ·   10 Comments   ·   print

Magaalada BuurtinleMac-hadka diiniga ee Buurtinle waxaa la furay 1998kii, xarunta mac-hadkana waxaa dhisay Bankiga Islaamiga, kharshkiisana waxaa wada bixin jirtay hay’adda Al-Muntadaa Al-islaami; sidaa darteed waxbarshada mac-hadku waxay ahayd lacag la’aan muddada dheer ee uu furnaa.( Sawiro )

 

Mac-hadka oo isugu jira qeyb dugsi dhexe ah iyo qeyb dugsi sare ah waxaa lagu bartaa shareecada islaamka, luqada carabiga iyo maaddooyinka adabka, sida taariikhda iyo juqraafiga. Waxaa kale oo uu leeyahay qayb lagu barto kumbuyuutarada.

 

Ahmiyadda Mac-hadka iyo Baahida loo qabo

 

     Mac-hadku wuxuu ku yaal magaalada Buurtinle oo xarun u ah dhul ballaaran oo tuulooyin iyo miyi ah, dhulkaas oo aan inta badan lahayn haba yaraatee wax waxbarasho ah, inta wax ka jiraana aysan dugsi hoose iyo dhexe dhaafsiisnayn. Waxaa kale oo aan dadkaasi haysan meelo kale oo ay ka bartaan cilmiga diinta; sidaa darteed ayaa mac-hadkaani muhiim u yahay dadka deggan magaalada iyo kuwa ku nool deeganada ku xeeran. Waxaa iyana magaalada soo dagay dad ka soo guuray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe oo markii hore u soo raacay waxbarashada mac-hadka ee lacag la’aanta ah.

 

Waxqabadka Mac-hadka

 

Mac-hadku wuxuu u qabtay bulshada deegaanka iyo deegaanada kaleba waxyaabo badan oo is badal ku sameeyay noloshooda, kuwaas oo isugu jira dhinacyada dacwada, waxbarashada, wacyiga, is fahamka, isku kalsoonida, heshiisiinta iyo xallinta mashaakilka.

 

Xagga waxbarashada ilaa iyo hadda waxaa mac-hadka ka qalinjabiyey 300 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo u qaybsamay qaar jaamacado gudaha ama dibadda ah ka baxay ama hadda dhigta, kuwo dacwada iyo tacliinta ka qaybqaatay iyo kuwo ka shaqeeya hay’adaha iyo sharikadaha ganacsiga dalka.

 

Saamaynta dhinaca dacwada waxaa laga qiyaasi karaa heerkii ay magaalada Buurtinle maraysay 10 sano ka hor iyo maanta oo ay soo gaartay in ducaadda oo ay horseed u yihiin maamulka iyo macallimiinta mac-hadku noqdaan cidda loogu kalsoonida badanyahay magaalada, isla markaana loola soo noqdo xallinta mashaakilka waaweyn ee cid kale lagu aamini waayay.

 

Mac-hadku wuxuu qabtaa nashaadyo dacwadeed oo kala duwan, waxaana ku xiran ama iskaashi ka dhexeeyaa xarumo waxbarasho iyo kuwo dacwadeed oo ay ka mid yihiin shan masjid, toddobo malcaamadood, dugsiga hoose ee Imaamu shaafici iyo Xarunta Cumar Ibnu Alkhaddaab oo isugu jirta Daarul Qur’aan iyo dugsi hoose oo waliba leh qeyb jiif ah. Waxaa kale oo ka mid ah xarumaha ay mac-hadka isku xiran yihiin Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Alxikma oo ay maamulaha iyo macallimiinta mac-hadku duruus iyo tawjiihaad ka bixiyaan.

 

Waxaa kale oo farta lagu fiiqi karaa nashaadka iyo waxqabadka ay maamulka iyo macallimiintu u hayaan bulshada, sida duruusta masaajidda, caawinta goobaha kale ee waxbarasho, muxaadaraadka iyo wacyigalinta guud, iyo ka qaybqaadashada xallinta mashaakilka bulshada oo ay kaalin weyn kaga jiraan.

 

Maanta iyo xaaladda Mac-hadka

 

     Mac-hadku isaga oo maanta maraya markii uu ugu fiicnaa taariikhdii uu shaqaynayey, ayna dhigtaan 300 arday, dadweynaha reer Buurtinle na ay indhohooda ku arkeen qiimihiisa iyo waxtarkiisa ayaa waxaa la soo darsay duruufo xagga dhaqaalaha ah oo ka dhashay ka dib markii hay’addii AlMuntadaa Al-Islaami ee kharashkiisa bixin jirtay ay awoodi weyday in ay sii waddo kaalmihii ay u fidin jirtay mac-hadka. Haddaba arrintaas waxay keentay in si dhab ah looga fakaro sidii Mac-hadku uu shaqadiisa u sii wadan lahaa, loona xallin lahaa culayska dhaqaale ee soo kordhay, taladuna waxay ku soo aruurtay in ardaydana wax laga qaado, waxa dhimana la kabo.

 

Baahida dhaqaale ee Mac-hadka

 

            Baahida Mac-hadka waxaa ugu culus mushaarada macallimiinta iyo shaqaalaha, iyada oo mac-hadka ay ka shaqeeyaan maamulaha iyo ku xigeenkiisa, 11 macallin iyo shan shaqaale ah. Haddaba baahida mac-hadka ee in la daboolo ay lagama maarmaanka tahay waxaa ka mid ah:

 

1.      In dhismaha Mac-hadka lagu kordhiyo fasalo cusub; si uu ugu filnaado ardayda.

2.      In sannad walba lagu kabo lacag dhan $20000 labaatan kun.

 

Intaa ka dib waxaa la gudboon dadka ehlu khayrka ah ee Ilaahay wax siiyay inay mac-hadkaan ugu gurmadaan si hagar la’aan ah, gaar ahaan dadka deegaanka u dhashay oo iyaga xil gaar ah ka saaran yahay badbaadinta iyo horumarinta dadkooda iyo deegaankooda. Tan kale xoolaha lagu bixiyo faafinta iyo barista cilmiga shareecada waa wax Ilaahay loogu dhawaado oo leh ajar weyn; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa qof kasta oo muslim ah oo wax ka gaysan kara wax u qabadka mac-hadkaan in uusan kala soo daahin.

 

Gabagabadii waxaan xusuusinaynaa bulshada Soomaaliyeed in xoolaha laga la bakhaylo waxbarista iyo tarbiyaynta dhallaanka marka dambe looga bixiyo mag iyo qaan ay galeen, dhab ahaana xoolaha ku baxa qofka waxbaristiisa iyo tarbiyayntiisa ayaa ka yar kuwa ku baxa qaamaha iyo magaha uu galo haddii wax la abri waayo.

 

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:

 

Maamulaha Mac-hadka Sheekh C/nuur Axmed Xirsi  Mobile: 0025290749010/ 66749010

 

Maamule ku xigeenka Sheekh C/kaafi Maxamed Dirir Mobile:0025290751075/ 66657004

 

 

Waxaa diyaariyey Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Muuqaalka Magaalada Buurtinle

Muuqaalka Magaalada Buurtinle

Masjidka Abu-bakar

Masjidka Abu-bakar

Ardeyda oo Xiisad Computer ku jira

Ardeyda oo Xiisad Computer ku jira

Maamulaha Machadka, Sh. C/nuur Axmed Xirsi

Maamulaha Machadka, Sh. C/nuur Axmed Xirsi

Ardeyda Iskuulka Buurtinle oo Safan

Ardeyda Iskuulka Buurtinle oo Safan

Ardeyda oo Xiisad ku jirta & Macalin Cashar siinaya

Ardeyda oo Xiisad ku jirta & Macalin Cashar siinaya

Xeyn Ardey oo Xiisad Computer ku jirta

Xeyn Ardey oo Xiisad Computer ku jirta



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xafladii Xiritaanka Mac-hadka Imaamul Bukhaari oo ka Dhacday Xarunta Mac-Hadka ee Magaalada Galdogob.
  2. Sh Bashiir oo Xaley TV-ga Al-jazeera marti ugu ahaa Barnaamijka A-shareeca Wal-xayaat.
  3. Abuu Mansuur “niman baa jira Barnaamijka Ashahaado la dirirka loo sheegay”
  4. Abu-mansuur oo sheegay Sh Shariif inay la kulmayaan hadii uu ka tanaasulo barnaamijka uu ku jiro.
  5. Sh. Xassan Turki oo soo gaaray Muqdisho.

Readers Comments (10)

  1. Kahyre says:

    Maa shaa’ Allaah, Ilaahow barakee, ciddii taageertana adigu taageer… Aamiin

  2. maki yare says:

    Waa howl wacan.
    waxaan rabaa in aan halkaan farriintan ugu gudbiyo:
    Hay,adaha layskuma haleeyo oo waxa ay ahayd dadka in la baro in aay lacagtooda baxsadaan taas waxaa ku jira faaiido badan sida in aay ilaashadaan iskuulkooda oo aay isu arkaan in aay ayaga(bulshada) leeyiihiin. arintaas iskuulo badan oo xamar ku yaalo ayaa lagu tijaabiyay oo ardayda lacag laga qaaday ayaga oo heysta hey,adii ka bixinlahayd qarashka markii ay ka tagtayna uma dutinin oo howshoodii sidooda u wateen oo maanta wax hey,ad ah kuma tiirasano.. ikhwaanii dadka ha labaro in aay lacagtooda cunaan oo gacmahooda ka shaqeystaan oo hey,adaha laga xoroobo.

    Jaaliyadaha dibada siiba kuwa ka soojeeda gobalkaas ceeb ayeey idinku tahay in dhallaankiina ay waxbarasho la,yihiin, hurdada ka kaca oo taageera machadkaas.aniga wallaahi kama soo jeedo gobalkaas oo sidaas uma baraarujinaayi ee waxa ay iga tahay soomaalinimo,islaamnimo

  3. Khalid Ibnu Waliid says:

    maashaa alaah aniga markii aan joogay somalia muqdisho xitaa ma aynaan leheen wax computer classes ah, waa cajiib maantana dadkii u qaxay ceelasha biyaha ayaa guryaha laptob yo ku heesta iskab daa desktop iyo waxii la mid ahi,
    dadkani somaaliyeed waxy u bahanyihiin amaan ooq ura
    hada reer buurtiinale ilaahay ha u ziyaadiyo ayaan leenahay,

  4. Qamaan Bulxan says:

    Waxaan ka cabsan dadka Muqdisho degan haddii aanay dantooda garan, in Burtinle ka hor mari doono caasimadii Soomaaliya.

    Reer Muqdishow kursi iyo madaxtinimo ayaa idin waalay ee dagaalka iska daaya oo ku dayda gobolada kale ee dalka. Burtinle caruurtii ayaa computer baranaysa, caruurtii Muqdishana waxay ku dhex baaba’een Sharif iyo Aweys oo mid waliba Kursi doon ah, haweenkii iyo ciroolihiina magaalada banaankeeda ayey waran yihiin, oo xitaa geedaha hoostooda ee ceelasha biyaha laga ijaaraa.

  5. Haaji says:

    Asc.

    maasha allaah , allaha barakeeyo reer buurtinle . si fiican ayuu u hirgalay mashruucaasi.

    Haji

  6. Dulmidiid. says:

    Ilaahay khayr badan ha siiyo Sheikha maqaalkan soo diyaariyey,Runtii wuxuu golahan soo dhigay xog dad badan ka qarsoonayd.

    Maadaama bishii barkaysnayd ee Ramadaan lagu jiro waxaa aniga ila haboon in gacan weyn loo fidiyo sidii loogu gargaari lahaa khayrkaas iyo nuurkaas bidhaamaya.taas oo aynu ku helayno badbaado aduun iyo mid aakhiroba.

    wajzaakumullahu khyran.

  7. waddani says:

    Mac-hadka buurtinle wuxuu ka mid yahay macaahidda muhiimka ah ee Putlaand ku yaal, dhaqaalaha laga joojiyeyna waxaan filayaa, in ay la xiriirto cuno qabateynta aqoonta iyo ilbaxnimada dadka muslimiinta ah ee caalamka, sida muslimiinta aiguurka china loogu diiday fulinta waajibaadkooda diiniga ah. Waxaan qabaa, in aan lagu xisaabtamin hey’ado ee aan isku xisaabtanno annagu, waayo maanta lama ogola muslim caawinaya muslim kale, laakiin UNHCR, UNDP, UNICHEF, SAVE CHILDREN IWM waa la ogol yahay, maanta zakadii ayaa lagu haystaa maalqabeen badan oo muslimiin ah.
    Waxaa muhiim ah, in mac-hadkaas la isugu tago oo dhaqaalihiisa oo dhan dadka kheyrka jecel meel dhigaan ugu yaraan dhowr sano, carruurtana laga daayo lacagta, waayo daruufaha jira maanta waanu garaneynnaa xagga dhaqaalaha iyo baraarug la’aanta waxbarashada.

  8. ganeygacal says:

    walaalayaal waa wax qabad mihiim ah oo wax weeyn uqabanaya umada dagan burtinle iyo soomaali oodhan machadkaas waxaan ku guubaabinayaa reer burtinloow fadhiga ka kaca kiina jooga qurbe iyo kiina jooga gudahabo aniga waligeey ma arkin burtinle balse waxaan aad u taageerayaa wax qabadka umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waana ka qeeyb qaadaneeynaa intii karaan kaanaga ah

  9. Sayful Islaam says:

    Asc. waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan umadda muslimka ah gaar ahaan Macalimiinta iyo Ardayda Macgad-ka Al-Montada Al-Islami.
    anigu waxaan ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay Machad-ka Dufcadii 3-xaad sanadki 2002 hadana waxaan ka qalin jabiyay Jamacad BBA waxaan garanayaa dhalin yaro badan oo mirihii machad-kan ah oo Master soo qaatay iyo kuwo hadda ku jira. runtii waa il-ay ka soo burqadaan dad wax ku ool ah.
    waxaan ku baaqayaa dhaman ardaydii ka soo qalin jabisay Machad-ku in ay Guddi samaystaan ayna u istaagaan sidii ay machadkaas u sii wadi lahayeen.

    waxaa halkan duco ilaahay dartiis ah uga dirayaa Maamulihii Machadka Sheekh Axmed Ducaaale oo ilaahay oofsaday “allaha u naxatiirso hana dejiyo Jannadii Firdowsa ee Saraysay Annagana khyr dhankeena ioyo darteen ha’ugu abaal mariyo”

  10. 8-12-2010 says:

    marka ugu horaysa waxaan salaamayaa umada reer buurtinle marka xita waxaan kuxijinayaa maamululayaasha machajka al islaami waxaana kusalaamayaa salaan ta muslinka
    marka ugu horasa way mahad sanyihiin maamulayaasha machajka al islaami walaahi aad iyo aad bay udadaaleen macanimiinta machajka
    waxayna kufikireen in laga baahi bixiyo dagmada
    wax barasho la aanta ka jirta had iyo jeer waxay ku dadaalaal in wax barasho tayo leh loo helo dhalinyara da soo kacaysa waxaan anigu waxaan halkaan macalimiinta kadhiga magaalada buurtinle aan oranlahaa dadalkiinna haka harinina siiwada mahadsinidiin dadaal kiinana ilaahay ha idin ka aqbalo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xafladii Xiritaanka Mac-hadka Imaamul Bukhaari oo ka Dhacday Xarunta Mac-Hadka ee Magaalada Galdogob.
  2. Sh Bashiir oo Xaley TV-ga Al-jazeera marti ugu ahaa Barnaamijka A-shareeca Wal-xayaat.
  3. Abuu Mansuur “niman baa jira Barnaamijka Ashahaado la dirirka loo sheegay”
  4. Abu-mansuur oo sheegay Sh Shariif inay la kulmayaan hadii uu ka tanaasulo barnaamijka uu ku jiro.
  5. Sh. Xassan Turki oo soo gaaray Muqdisho.

Latest Headlines