Wariyad Caan ka aheyd German-ka oo Islaamtay

Published on August 25, 2009 by   ·   33 Comments   ·   print

Gabdho XijaabanChristian Baker waxay kamid aheyd Wariyayaasha ugu Caansan Qanaadka “MTV” ee Heesaha Faafiyo, weyna soo shaacbaxday Magaceeduna waxa uu ku faafay Qaarada Europe laakin tijaabadii “MTV” kumeysan Qancin Nolosheeda iyo Ruuxdeeda, waxay Qaadatay Diinta Islaamka arintaas oo Nolosheeda Bog Cusub u Furtay.

 

Waxay tiri  Christian: waxaan Bilaabay inaan Baadi Goobo Jaceelka, laakin Markii aan Islaamka soogalay waxaan ogaaday i uu igamaqnaa Jaceylka ugu Wanaagsan waana Jaceylka Allaah, kadib Markii aan Helay Jeceylkaasna waxaan Qaatay Diinta Islaamka waxaanan noqday Mid gudata Waajibaadkeeda Diineed anigoo ah Gabar Muslimad ah oo European ah.

 

Intaa kadib Baker waxaa Khasab ku noqotay inay wajahdo Iclaamka German-ka ee ka horyimid kadib Islaamitaankeedii, waxay sidoo kale Muwaajaho iyo colaadin kala kulantay Saaxiibadeed iyo Qoyskii ay ka dhalatay laakin Waxaaa si dhaqsa ah u Aqbalay Qaadashadeeda Islaamka Labada Waalid ee Dhalay.

 

 Christian Baker ayaa hadalkeeeda sii raacisay: “ Reerkeygu Maanta aad bey u Faraxsanyihiin kadib Marii aan ka Qeyb Galay Doodo Badan oo ku aadan Qaadashadeydii Diinta Islaamka hadana waxay ku Qanacsan yihiin in Islaamnimadu iga dhigtay Gabar aad ugu Xiran Daacada Alle, Qoyskeygu Wey ka faa’ideen Islaamitaankeyga hadana waa kaalinta koowaad ee Nolosheyda.

 

“From MTV to Maka” waa Buug ay soo saartay Baker oo ay kaga hadleyso  isbadalka weyn ee kuyimid Nolosheeda oo ah inay horey u aheyd Gabar ku Caan baxday Mahrajaanada Heesaha iyo Xafladaha hanada noqotay Muslimad European ah  hadafka buuguna waa  inay kula hadasho Aqristaha European-ka ah si ay ugu Cadeyso  Waxbadan oo Islaamka kamid ah oo ay Jaahil ka yihiin Reer Galbeedku.

 

Gabadhan lagu Magacaabo Baker waxay kamid tahay Haween Badan oo European ah oo Sanadihii Dambe uu soo jiitay Islaamku isla markaana jecleystay Diinta islaamka Dabadeedna Iyagoo ku Qanacsan Qaatay, hadana waxay Xubin Firfircoon ka tahay Dadka ku howlan sixitaanka Figradaha Khaldan ee Reer Galbeedku ka Qabaan Islaamka iyo Muslimiinta. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Jaamac Jangali “Qasab beyna aheyd, is afgarashada Kenya”
  2. Markab German ah oo la sii daayey
  3. Khabiir German ah:“NATO, kama guuleysan karto Daliban”
  4. Ciidamada Puntland oo Maanta Sheekh Caan ah ka qabtay G/Kacyo
  5. Sh Kamal Abu Ducaymah oo caan ka ah Falastiin oo xaalad geeriyaad ku jira

Readers Comments (33)

  1. ABU AMIIN says:

    masha allah
    walaashen muslimada ah waxan leenahay ku soo dhawaw islaamka oo aad ka dhax heli doonto raxmada iyo nabad iyo wanaag.

    WAXAD TAHAY GABAR AAN KU WALAALOWNAY CAQIIDADA ISLAAMKA.

  2. cabdalla says:

    ALLAAHU AKBAR

  3. Allaahu Akbar Allaahu Akbar

    Ilaahay ayaa xaqqa tusiyay

  4. guriceel says:

    MAASHA ALAAH WELL COME ISLAM BAKER AADBAAN UGU FARAXSANAHAY DADKA ISLAAMAYA OO KU SOO BADANAYA DUNIDA WAXAANAN RAJEYNAYAA INSHA ALAAH INEY SANAD YADA SOO SOCDA AAY KA BADAN DOONAAN INTA AAY HADA JOGAAN

  5. cabdiraxman canshuur says:

    Dadka addunka waxaa aad isaga qaldan dimaha iyo qoomiyadaha iyo dhaqammada.
    Tusaale ahaan adiga somaliga ah way adagtahay inuu wax kaa dhaadhiciyo nin xiran duubka madaxduubka ama nin loda caabudaya oo hindi ah.
    Laakiin nin kale oo Somali ah wax waa ka dhegeysanaysaa.
    Dadka cad waxa ay ka aaminsanyihiin diinta islaamku inay uun tahay dhaqan carbeed ama eshiyaan axayna moodaan in eshiyaan ama carab ay lasoo galeen dhaqankoodi dalalkooda yurub. Laakiin dadku marka ay arkaan caddaan kale oo ama caan ah oo madax ahaa ama aqoonayahanno ahaa ama fannaniin iyo weriyayaal ahaa oo ku qancay diintaan .markaas ayaa dad badan is weydiin lahaayeen bal horta maan fiirinno waxa meesha ka jira.kol hadday fiiriyaanna waxaan hubaa wax ka wanaagsan oo ay ku qanci lahayeen inuusan jirin.
    Dacwadu ma aha inta yurub las tago oo muxaadaro masaajid muslim bes ka buuxaan la tago laga jeediyo muxaadaro lana soo noqdo.ee waa in wanaagga islamka dadka aan muslimka ahayn la baro.naxarristi,runti,amaanadi,cadaaladdi,xaqdhawrki iyo jajabnaanti,tawaaduci,xaqa u hiilintiisa,iyo hadalka wanaagsan.kuwaas ayaa dadka aan muslimka ahayn kusoo jiida diinta.qaallafsanaanta,jaahilnimada,muranka qallalan,qasabka,cabsi gelintu waa waxa ka fogeeya dadka diinta.

  6. mr black says:

    mashaa allaah wan sodaweyneyna gabadhan muslimada

  7. abuu hamza says:

    ALLAAHU AKBAR GABARTA MUSLINKA NOQOTAY MAANSHA ALLAAH WAA ILAHAY MAHADII TEEDA KALE GALADA 10 SANO UGUNBEEYE WEEY MUSLIMAAYEEN TAASININE WAA XAQ DIINI AH INA LA SII FIDIYO

    DIGNIIN

    MUSLINKA SAXDA HA ISKA DIIDA KUNA JIHAADA KUWA MUSLIMKA U EG SIDA TAGFIIRKA ALQACIDA AMA SHAABABKA KU SHEGTA KUWAAS OO DHAN WAXEEY U ADEEGAAN GALAADA SI GALAADA DIIDNTA ISLAAMKA UQAADAN KU MUSLINKA AHNE UGU HARARA DARTOODA

  8. Abu Mucaad says:

    Masha ALLAH … Walaashey ku So Dhawoow Aduuunka Familka/Rerka Ugu Weyn Waxaa Tahay Walaashena Ilaahey Qoyskaaga ha so hadeeyo amiin.

    ALLAHU AKBAR … Ilaahey Kuligeena Islamnimo ha nagu diilo.

  9. FARXAN says:

    WAXAAN KU SOO DHAWAYNAYNAA INAAD KAMID NOQOTAY WALAALAHA MUSLIMAADKA EE JOGA DAAFAHADUNIDA WAAN LEENAHAY KU DHOWAW RAXMADA IYO NAXARIISTA ISLAMKA IYO HORUMARKA UU UHAYO UMADIISA XILI KASTA

    ALLLAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR

  10. Umushabab says:

    Saadakalaah walaasheen ku soo dhawow diin macaan badan daganaan badan alle dartiis ayaan kuu jeclahay kadib markaad islaamtay

  11. Estaro says:

    As Wr Wb……….Maashaa Allah waa wax lagu farxo oo run ahaaan ku dayasho mudan waxaanan mahad u celinaya Allaha Raxmaanka ah ee qalbigeeda ku shubay jacaylka diinta Xaqa ah ee Islaamka ah. Baker waxaan leeyahay walaashayda muslimada ahayd halkada ka wad barashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka insha Allah

  12. CABDUDDAAHIR says:

    alxamdulillaahi wallaahu akbar allaha ha inoo xifdiyo walaasheen ilaahayna ha ku guuleeyo dacwada ay ku jirto inaguna aan uga daynno gudashada faafinta dacwada.

  13. Ka tag meesha says:

    Mansha allah gabadhaa islaamta waxaa sabab u ah ayaan u malaynayaa 11kii sebtembar wixii ilayn waqtigaa wixii ka danbeeyey ayuu islaamku gaadhay dhegaha reer galbeedka. Marka yaan la fududaysan falalka ishtihaadiga ah.

  14. faluuja says:

    Allaahu Akbar Allaahu Akbar,Soo Dhawoow Ukhti Muslimah Allaah Ha Kaa Dhigo Mid Ku dhaqanta Kitaabka Iyo sunada Nabigeena CSW Tusaalena U Noqota in badan oo kale Takbiiir Allaahu Akbar Walillaahi Xamdi.

  15. xasan faarax xasan says:

    asc w.w.w walaal waa nimco u soo hoyaey muslimiiinta dhamaantood waana u duceyneynaa in ilaahey ku sugo kana dhigo tii ku dhaqanta ayada iyo anagaba waxaan leenahey walaashayada muslimada aheey soo dhawaaw kusoo dhawaaw diin nolol cusub iyo naxariis badan byyyyyyy

  16. Khalid Ibnu Waliid says:

    ALLAHU AKBAR
    RABIYOOW U ZIYAADI RABIYOOW U ZIYAADI,

  17. Allemagan says:

    Ma sha’allah,

    Hadii hal gabar oo diinta iyo xaqa Alle u bidhaamiyey sidaan loogu farxayo, maxaa kumanyaal Soomaali ah oo waligood muslim soo ahaa loo xasuuqayaa?. Alle ayaa yaqaan ficilkiina iyo niyadiina meesha salka u ah.

    Ka daaya shacabka Soomaaliyeed xasuuqa iyo barakicinta bisha barakaysan ee Ramadaanka.
    Alle waxuu idiin qurxiye sharka naftiina iyo xumaha waxaad samaysaan.

  18. nasro says:

    ku socoto abuu xamza waxaa labaxday magacii aabihii jihatka markaasa waxka sheegeysa nin jihat kujira mideda kale hadeey qal danyihiin alqacida iyo alshabaab mawaxa muslin nadiif ah kuwa ushaqeyo itoopiya iyo kuwa ushaqeeyo amison ilshabab iyo alqaacidawa waxey dhehen anaga iyo gaalo waxwa is kuma darsaneyno intaasaa lagu heysta mawaxa saxan kuwa yiri anaga waxan ka amarqaadaneynaa itopiya iyo amisno maheysa aayat leh galada ka amarqata amawa lashaqeya walahaya ayat leh bananka kamara

  19. adoon ale says:

    maashaa alaah waa ku faraxsanahay ,gabadha cusub ee walaasheena ee no dhalatay , waxaana dhihi lahaa gabdhaha somaliyeed ee maanta xiisaha u qaba dhaqanka yurub iyo gaalada ee dhaldhalaanka aduunku ha ku quus qaataan hana arkaan in kuwii ku jiray xaalkan ay maanta xisaynayaan inay qaatiyaan ka taagan yihiin . ilaahayna ha muslimiyo dhamaan intuu hadaayad la doon …… maashaa alaah waa fu faraxsanayahay walaashay baker …… waana irid wayn oo alaah nagu tyusinayo si diinteenu qaali u tahay

  20. gatuzo hobyo says:

    mashaa allah waa wax wanagsan ee illaah haku siyaadiyo walaasheyda mulimada ah

  21. aadan says:

    Alaahu akbar wal cizatu lil Islaam
    Alaah haku sugo diinta xaqa ah aamiin aamiin
    hana waafajiyo jidka toosan ee ah kitaabka iyo sunada caqiido hufan oo khuraafaad iyo shirki laheyn aamiin

  22. Akhuukum says:

    Diinta islaamka xaq nimadeeda waamid cad laakiinse ubaahan ducaat leh awood aan kutaraxtag laheyn iyo jileec aan diciifnimo laheyn ikhlaas kuna yahay mid saaran 2 dooda indhood!!!

  23. Akhuukum says:

    Jazakallahu kheyral jazaa yaa nasra,ninkan lamagacbaxay abuxamzah waxaad usheegtay war anfacaya naseexana u ah waa hadii 2da dalool ee dhagahiisa shaqeynayaan . haduusan kahareynin wax kasheega kuwa gaalo yac iyo yur lahortaagan. markaa ha iskabadalo magaca abuxamzah illeen ismalahan sheegashada magacaa iyo mujaadalada gorofka ah ee dhaxdeedu eberkutahay !!!

  24. m abshir says:

    Allaahu akbar
    waxaa mahad iska leh ilaahii gabadhaan xaqa waafajiyey gaalnimana ka soo badbaabdiyey, waxaanna anigu rumaysanahay reer yurub inta islaamiddooda muujinaysa waxaa ka badan inta qarinaysa, waxaana tusaale iigu filan,labo arrimood oo labaduba ila soo gudboonaatay bishaan agoosto dhexdeeda, anoo jooga dal yurub ka mid ah ‘labada arrimood midi waxay ahayd qadiyad baa ila soo gudboonaatay markaasaan waxaan damcay inaan abukaate qabsado marka waxaan aaday abukaatihii ugu magaca dheeraa magaaladaa aan markaa joogay waxaanna u kaxaystay nin muslim ah oo ay saaxiibbo yihiin ninkaasaa markaa wuxuu ii sheegay inuu ninkaani islaamay laakiin uu qarsado markii aan u tegeyna waxaa ii caddaatay inuu muslim yahay, isla maalmo kadib qof xanuunsan baan hosbitaal u raacay marki hore waxaa na qaabilay dhakhtar caadi ah kadibna wuxuu noogu yeeray dhakhtarkii meesha ugu sarreeyey mise waa nin yurubiyaan ah haddana salaanta islaamkuu nagu salaamay erayo badan oo islaamnimo ku dheehan tahayna waa ku hadlayaa markaasaan waydiiyey meesha uu erayadaan ka bartay markaasuu wuxuu iska fiiriyey gabar neersis ahayd oo nagu dhowayd wuxuuna yiri isagoo codka hoos u dhigaya ‘ waxaan akhriyey Quraanka waana ku qancay waxaanna qaatay diinta islaamka’ runtii waa wax aad loogu farxo laguna bishaaraysto.

  25. Maki says:

    islaanimada dhabta ah alle ayaa bixiya, wax sahal lagu helena maaha. badanaa inta Maxamed iyo Cabdillahi la dhaho oo ficilkoodu ka jahanaba lagu tago yahay. macaanka walaasheen ka heshay islaamka yaraa inta haysata dadka muslinka sheegta maanta. ilaaheed ayaa uqoray oo siiyey anigu waxaan leeyahay alla nasiib badanidaa gabaryahay muslimada ahi.

  26. Abdirahman h.ali nise says:

    Masha allah ayaynu lenahay, walashena muslimada ah wanu ku faraxsanahay, alahu akbar

  27. Ali Mohamed says:

    Allahu Akbar

    waa ilaahay mahadiis in Allah uu tisiyay xaqa inta badan dadka si wayn wax uga fahamsan noociyada gaalnimada ama aqoon u dheeraad ah u leh waxa Allah ku guuleeyaa inay islaamaan.

    waana wax Allah loogu mahadiyo laakiin waxay inooga baahantahay dadaal dheeraad ah inaynu u galno fahamsiinta islaamka dadka soo gala & inaynu ka ilaalino wax kastoo dhaawac ku keenaya arintaas wax u kordhin dhinaca aqoonta diinta ah,
    waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu ku sugo walaasheen xaqaa ay qaadatay,

  28. Abdikafi says:

    Alahu akbar God is great mashaa alaah very welcome god bless you

  29. dalxaa binu cubeydillaah says:

    Asc walaalayaal ramadaan kariim
    Maasha allaah allaahu akbar
    sharaf iyo cizi ayuu ilaahay ladoonay gabadha muslimada ah hadane ah reer yurub mahad aan dhamaaneenin alle ayaa iska leh
    walaalayaal waa wax lagu farxo in qof cusub uu kusoo darsamo islaamka somalia ayadaa gacanteeda kukasbatay oo rabi subxaana watacaalaa qur;aankiisa wuxuu kuyiri
    (maa asaabakum min musiibati fabimaakasabat aydiikum) musiibada idinka ayaa gacanta kukeesateen waayo intii qabiil la iskudilaayay iyo intii diinta laladagaalamaayay ayaa waqtigiina kudhameeseen oo cibaadadii alle ayaa katagteen cidii garabka alle kabaxdo asagane waa kabaxaa marka nabad cadaalad sinnaasho kala danbeyn waxaa lagu hilaa islaamka iyo cibaadada alle
    waxaa idiin dardaarmaayaa nafteeda iyo tiiniba in alle kacabsataan waa farxad iyo guul usoo hoyatay islaamka in gabar magac kuleh yurub ee islaamto intaa inkabadan waa sugeynaa inshaa allaah
    garmalka oo kaliya lagama islaamaayo ee waxaa aad ubatay gabdhaha faransiiska ee aadka uislaamaayo
    wabillaahi altowfiiq
    wsc

  30. muklhtar xuseen axmed says:

    alaahu akbar maasha alaah waxay waa faqsan tahay arintani xadiithkii nabiga ee macnihisu aa ddintani waxay gaadhi doontaa meesha ay gaadhan habeenka iyo maaalinta
    allahu akbar allaahu akbar allaahu akbar

  31. Feysal says:

    Magaca saxda ah ee gabadha islaamtay waa:
    Kristiane Backer
    Link: http://www.dw-world.de/dw/article/0,,4461534,00.html

    Maasha Allaah! Allaahu akbar!

  32. maohamed jayalani says:

    maashaa allah

    this is the best gift that any human can get

    from allah,may allah keep you in the rightpath

    and keep you away from any harm,

    conguratulation my sister,keep the light of

    allah where ever you may be,by

  33. Ridwan says:

    as/c
    aad iyo aad waxaan ugu hanbaliyeenayaa walaasheen qaadatay dariiqa saxda ah ilaah ku duway kuwa kale ee aan qaadan diinta islamka ilaah waxaanugu baryayaa in ilaah haduu la doonaayo hanuun in uu soo hanuuniyo.
    -mida labaad somalimirror waxaan iyadane aad ugu mahad celinayaa sida had iyo goor inoogu soo gudbiso arrimaha islamaka ku saabsan alfi maraha ayaa idinkaga mahad celinayaa reer somali mirrir ilaah haidinka ajir siiyo.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Jaamac Jangali “Qasab beyna aheyd, is afgarashada Kenya”
  2. Markab German ah oo la sii daayey
  3. Khabiir German ah:“NATO, kama guuleysan karto Daliban”
  4. Ciidamada Puntland oo Maanta Sheekh Caan ah ka qabtay G/Kacyo
  5. Sh Kamal Abu Ducaymah oo caan ka ah Falastiin oo xaalad geeriyaad ku jira

Latest Headlines