Hal Qof ayaa ku geeriyooday 3 Qof oo kalana Dhaawac Culus ayaa ka soo gaaray Shil gaari oo Goordhaw ka Dhacay wadada laamiga ah ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgoye ee Gobolka Shabeeladda Hoose.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Gaari noociisa yahay Homey oo ka yimd dhinac Muqdisho iyo mid kale oo ka yimid dhinaca Afgoye ay isku Hardiyeen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye isla markaana uu ku geeriyooday Hal Qof oo Rayid ah kuna dhaawacmeen 3 kale kuwaas oo loola cararay Isbitaalada Muqdisho si loogu dabiibo.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay sidan oo kale Shilal gaari oo khasaare nafeed sababa ay ka dhacaan Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Arintani ayaa inta badan loo aaneeyaa Xawaaraha gawaarida lagu wado, wadooyinka oo bur-bursan iyo Khibradda Darawaladda oo yar.

Related posts:
A/C,
Qof-ka dhintey Rabbi ha u naxariisto kuwa dhaawaca ah allaha bogsiiyo, intaa ka dib waxa is weydiin u baahan mas’uuliyad darada ay ku kacayaan ragga gawaarida darawaliinta ka ah taas oo ah mid ay ku caan baxeen, waayo bishan gudaheeda iyo tii ka horeysayba waxaan qiyaasayaa in ay dhaceen dhowr shil oo noocan oo kale ah, amaba xiliyo ka sii horeeyey watigaas aan xusay, waa wanaagsanaan lahayd meelahaas shilalka noocan oo kale ah ka dhacaan in ay wax ka qabtaan xarakaadka islaamiga ah ee ka agdhow amaba haddii uu maamul iyaga hoos yimaada uu ka jrio, waxa kale oo aan ku boorinayaa in milkiilayaasha basaska leh ay ka fiirsadaan dadka ay u dhiibayaan baabuurtooda ee aysan fiirin dakhliga soo gelaya kaliya
wsc