
Ciidamada Mareykanka ayaa Isniintii Shalay Xabsiga ka sii daayey Max’ed Jawaad oo ah mid kamid ah Raga ugu Da’da yar Muslimiinta ku Xirxiran Xabsiga Guwantanemo waxaana loo soo Celiyey Dalkiisa Afqanistan kadib Markii uu Xirnaa 7 Sano oo kaamil ah.
Jawaad ayaa la Xiray 2002 isagoo 12 jir ah kadib Markii looga Shakiyey inuu Bam Gacmeed ku tuuray Kolonyo Ciidamada Mareykanka oo Mareyey Bartamaha Caasimada Afqanistan ee Kabul.
Ilaa iyo Xiligii la qabtay Jawaad waxa uu ku jiray Xabsiga Sida Xun Mareykanku ugu jirdilo Dadka Muslimiinta ah ee uu ka qabqabto Dunida Dacaldeeda.
Maxkamada Mareykanka ayaa soo saaraty Bishii July ee la soo dhaafay qaraar Sheegaya in la siidaayo Wiilkan Afqaniga ah mudadii looqabtay siideyntiisana Shalay ayey ku ekeyd.
Waxaa Xusid mudan in Xabsigan ay ku Xiran yihiin in kabadan 200 oo Qofood lamana oga waxa uu Mareykanku ka yeeli doono, inkastoo Barrack Obama uu Sheegay inuu Al-Abaabada iskugu dhufan doono Xabsigaas.

Related posts:
allahu akbar waxaan ku faraxsanahay inuu ilaahay gacmohooda kasiidaayey walalka taasina ay tahay fadli ilaahay waana wax ilaahay loogu mahad celiyo
waxaad lasocotaan inay gaaladu sheegato inay ilaaliyaan xuquuqda caruurta balmaxay ku xidheen ilmo yar oo 12jir ah dambi kasta haglee
waa taa waxa ay quuqda carruurta uyaqaanaan iyo halka ay kajoogaan
allaahu akbar illaahi uqubadiisa haku rido gaaladda balfiiriye xattaa caruurtii ayey cadaabeen waa labo iyo toban jir qof key guuwaatanamo ku i qaabeen todobo sano markaasbey dadka u sheegaan iney xuquuqda caruurata dhowraan beentaas balfiiriya
ilaah aya mahadleh walalka muslka ah kaso dayay xabsiga uu xaqdarada ugujiray
maashaa allaah ilaahay ayaa mahadaa iskale
Allahu akbar ilaah ayaa mahad leh ka sii dayay cadowga ilaahay walaalka muslimka galaduna ha jabto
alle ayaa mahad leh walaalka muslim ah kasoo daayey gacanta gaalada kuwa kale uu ku haray ee muslimiinta ah alle ha u gargaaro aamiin
asc bacda salaan alle ayaa mahad guud haan iska leh .. si gaar ahna mujaahidiin reer afghan ayaa u mahad celinayaa allan kasoo dayay willkan da’da yar ee gua.. kasoo baxay alxamdu lilaah kuwa xirana muslimiinta ayaa waajib ku tahay inay kasoo dayaan