Dagaal & Duqeyn Saaka ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

Published on August 25, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Dagaal la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan oo ay Bar-barsocdaan Madaafiic Xoogan ayaa Saaka Waabarigii hore ka bilowday Nawaaxiga Isgoyska Dabka iyo qeybo ka mid ah Wadada Maka Al-Mukarama oo ay Deganyihiin Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

Lama garanayo illaa iyo hadda khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay, Gaadiidka Gurmadka ee Dhaawacyada Daabulana waxay sheegeen inaysan wax Khasaare Nafeed ah aysan arag, sidoo kalana aan la soo gaarsiin wax Qeylo dhaan ah.

Dagaalkani ayaa imaanaya xili xalay xoogaga Islaamiyiinta ay weerar ku qaadeen Qeybo ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama iyo Hotelka Weheliye oo ay Deganyihiin xubno ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah.

2 Qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Dagaalkii xalay Makhribkii ka dhacey qeybo ka mida Wadada Makka Al-Mukarama, Degmada Hodan, ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo ay Dadka Deegaanku sheegeen inaysan garanayn.

Dagaalkii saaka ayaa la sheegayaa inuu Sababay inay Hakad galaan isku socodkii gaadiidka iyo Dadweynaha, mana jirto cid ka hadashay Dagaaladani.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wadada Maka Al-Mukarma oo ay saaka xirteen ilaalada Madaxtoyadda villa Somalia
  2. Wadada Makka Al-mukarama oo xiran.
  3. Jidka Maka Al-Mukarama oo la soo dhoobay Taangiyada AMISOM
  4. 7 Qof oo Rayid ah oo lagu Xasuuqey Wadada Makka Al-Mukarama.
  5. Xaalada Wadada Wadnaha oo saaka Degan

Readers Comments (3)

  1. Nuuradiin (dhiblaawe) says:

    Allaahu Akbar Allaahu Akbar walilaahi al-xamdu

    ilaahay haguuleeyo mujaahidiinta saaimiinta ah ee hadana utaagan difaaca diinta dalka dadka

    ilaahay hahoojiyo dhagarta gaalada iyo munaafiqiinta

    ilaahaw Quwee awooda adoomahaaga muajaahidiinta ah ee udagaalamaya jidkaaga iyo sidii kalimadaadu kor unoqon lahayd

    by nuuradiin maxamud (al-shabaab)

  2. Nuur cade says:

    Subxaanallah war dagaaladan naxariista ka fog
    Ee u dhexeeya qolyahan iska soo horjeeda ilaah waxaan ka tuugeenaa kuwaan bishan barakeysan dadka anfurayo ku dhex dagaalamaayo dhulka inuu la jaro kii Khaldan

  3. Saabira says:

    Subxaanalaah maxaa ALLAHA guuleeyo ah Dhiig Islaam ayey daadinayaane, subxaanallaah Illaahay shartooda hanaga qabto Allahana ha tuso dhiiga Islaamku inuu Halis yahay wbtawfiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wadada Maka Al-Mukarma oo ay saaka xirteen ilaalada Madaxtoyadda villa Somalia
  2. Wadada Makka Al-mukarama oo xiran.
  3. Jidka Maka Al-Mukarama oo la soo dhoobay Taangiyada AMISOM
  4. 7 Qof oo Rayid ah oo lagu Xasuuqey Wadada Makka Al-Mukarama.
  5. Xaalada Wadada Wadnaha oo saaka Degan

Latest Headlines