Xaflad lagu bogaadinayey Idaacadda Alxikma oo satellite-ka gashay oo lagu qabtay Boosaaso

Published on August 24, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Waxaa xalay lagu qabtay hotelka Panorama ee magaalada Boosaaso xaflad lagu bogaadinayey Idaacadda Alxikma oo bilowday inay barnaamijyadeeda ka laliso satellite-ka si looga dhagaysto Internetka.

 

          Xafaladda waxaa ka soo qeybgalay culimo, aqoonyahano, ganacsato iyo maamulka P/land. Waxaa ka hadalay xafladda wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta ee P/land Mudane C/risaaq Yaasiin Cabdille, Sh. C/waaxid Xaashi oo xubin ka ah guddiga board-ka idaacadda, guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika Prof. Maxamed Cabdi Aadan, maareeyaha idaacadda Maxamuud Cabdi Axmed, agaasimaha idaacadda Alxikma ee magaalada Boosaaso Sh. Axmed Faarax Garaase, Mudane Ismaaciil C/salaam Warsame oo xubin ka ah rugta ganacsiga ee P/lnad iyo goddoomiyaha guddiga dacwada gobolka bari Sh. C/raxmaan Aw Ciise oo isagu martisharafta si weyn ugu mahadceliyay, xafladdana soo gunaanaday.

 

          Dhammaan madaxda, culumada, ganacsatada iyo aqoonyahanka xafladda ka hadlay waxay bogaadiyeen horumarka ay ku tillaabsatay idaacadda Alxikma, waxayna ammaaneen waxqabadkeeda iyo sida ay uga qaybqaadatay faafinta khayrka iyo ka hortagga xumaanta. Waxaa kale oo ay guubaabiyeen in dhinac kasta laga taageero idaacadda maadaama ay hayso dan guud, gaar ahaan ganacsatada ayaa laga codsaday inay idaacadda taageeraan dhaqaale ahaan. Waxaa iyana xafladda ka soo qaybgalay qalabka warbaahinta oo si wanaagsan u tabinayey dhacdooyinka xafladda.

 

          Waxaa xusid mudan in idaacadda Alxikma ee Qur’aanka kariimku ay xarumo ku leedahay badanaa magaalooyinka waaweyn ee P/land sida Boosaaso, G/kacyo, Garowe, Qardho, Galdogob, Buurtinle iyo Xarfo. Waxaa kale oo ay xarumo ku leedahay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo. Waxaa kale oo jadwalka ugu jira in ay xarumo kale ka furto magaalooyin kale ee dalka. Dhawaana waxay idaacaddu ku guulaysatay in ay fursad u helaan dhagaysigeeda badanaa jaaliayadaha Soomaaliyeed ee dibadda ku nool.

 

Bogga idaacadda Alxikma ee shabakadda Internetka: http://alhikmanet.com

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xaflad lagu soo bandhigay buugga ” Ambaqaad” ee Somalimirror oo Boosaaso lagu qabtay
  2. Xaflad lagu dhagax dhigayo Dhismaha Shirkada Somali Electric Power oo Maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso
  3. Nin Soo islaamay oo Kalmada Towxiidkana loogu qabtay Masjidka Rowda ee Boosaaso
  4. Diyaarad ay laheyd Daallo Airlines oo maanta shil ku gashay Boosaaso
  5. Agaasimahii Idaacadda Warsan Baydhabo oo la xiray.

Readers Comments (3)

  1. shaaati says:

    Hormar lagu talaabsaday.

  2. aadan says:

    Asalamu alikum
    aad ayaan ugu hambalyaynayaa walaalaha ka shaqeeyay hawshaan barakaysan ee wax ku oolka ah…waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa juhdigaan aadka u sareeya walaalka mas’uulka ka aha ama aasaasaha idaacadaan qiimaha badan walaa MAXAMUUD CABDI alaah haka aqbalo camalkaan wanaasagn ikhlaasna haku arzuqo amiin aamiin

  3. Hanad yare says:

    Walalaha iska kaashada hirgelinta qeyrkaan waxan idin leyahay jaza’umu lahu qeyr




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xaflad lagu soo bandhigay buugga ” Ambaqaad” ee Somalimirror oo Boosaaso lagu qabtay
  2. Xaflad lagu dhagax dhigayo Dhismaha Shirkada Somali Electric Power oo Maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso
  3. Nin Soo islaamay oo Kalmada Towxiidkana loogu qabtay Masjidka Rowda ee Boosaaso
  4. Diyaarad ay laheyd Daallo Airlines oo maanta shil ku gashay Boosaaso
  5. Agaasimahii Idaacadda Warsan Baydhabo oo la xiray.

Latest Headlines