Dagaal kooban oo ka dhacey Deg. Hodan

Dagaal muddo kooban socdey ayaa gabal dhicii Maanta, ka dhacey qeybo ka mida Wadada Makka Al-mukarama, Degmada Hodan, ee Gobolka Banaadir.

 

 

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Xoogaga Islaamiyiintu weerar la beegsadeen fariisimo halkaa ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah & AMISOM.

 

Waxaa dagaalkan barbar socdey duqeyn qeybo ka mid ah Degmada Hodan ku dhaceysay oo dhanka Xarumaha Ciidamada Dowlada & kuwa AMISOM ka imaaneysay.

 

Dagaalkan oo hubka noocyadiisa kale duwan la isu adeegsanayay ayaa laga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

 

Si guud looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkan & duqeyntii bar bar socotey ee mudada kooban ka socotey qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

Waxa uuna dagaalkan qeyb ka noqonayaa dagaalo xoogan oo dib Magaalada Muqdisho uga soo cusboonaadey oo u dhaxeeya Xoogaga Islaamiyiinta ah iyo DKMG ah & Ciidamada AMISOM.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

3 Comment(s)

  1. Asc ilaahay ha idin guuleeyo yeysan gam,in gaalada madow ha waasheen sidii gumaysiga afgaanistaan muslimiin ku gumaadayey kadibna noqdeen mid waasha iyo mid isdaldala inshalaah sey difaac ugu jiraan maalin kastana koox looga cunayo ayey waalan doonaan guul inshalah mujaahidinta gacantooda allaha ku halaago aamiin aamiin yaaraxiim

    Umushabab | Aug 24, 2009 | Reply

  2. somali mirror ma ugideen miyaa in soon lagu jiro ama waxaa moodaan dagaalka shacabka lagu laaynayo jihaad waxaan u malaynayaa in dadkee caqligee uu ka dhamaaday ayna ku soo hariin maan gaabyaasha , hadee uu jihaad yahay maxaa u deeday in uu ka dhacu sucuude carabiya waxaa jooga mareekan kuwayt waxaa jooga mareekan yimen waxaa jooga mareekan qatar waxaa jooga mareekan sido kale emaraatka carabta ,
    war somalimirror dagaalkaan dadka lagu leeynayo in aad boon boonisaa waa kugu danbi aakhiro hadee aad aaminsantahay xisaab in ay jirtu aad ugtiheen wax dagaal ah ay qaadaan kuuxaan nabada aan rabin shacabka joojiya walaahi maalin waxaa jirtu xisaabtan ah uu la soo hor istaagi doono ilaah , war dagaalka aan ka jirin dalalka carabta uu idel maxaa ku kuubay soomaaliya uu aan ugnahay in ay abaar dowlad la’aan iyo aqoon la’aani ay ku baahday .
    dad aan haysan wax ay cunaan aan haysan nabad aan haysan gabaad aan haysan caafimaad la’leeyahay waxaan idenku xakumeeynaa shareecu .
    “alaahuma balagtu alaahuma fashahad”
    aakhiro waxaan noqonayaa in aad kamid ahaydiin dadka dabka ka horinaayo somaliya.

    magac | Aug 25, 2009 | Reply

  3. Allaahu Akbar Allaahu Akbar walilaahi al-xamdu

    ilaahay haguuleeyo mujaahidiinta saaimiinta ah ee hadana utaagan difaaca diinta dalka dadka
    ilaahay hahoojiyo dhagarta gaalada iyo munaafiqiinta

    ilaahaw Quwee awooda adoomahaaga muajaahidiinta ah ee udagaalamaya jidkaaga iyo sidii kalimadaadu kor unoqon lahayd

    by nuuradiin maxamud (al-shabaab)

    Nuuradiin (dhiblaawe) | Aug 25, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo