
Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxay tibaaxayaan in meel dhanka Waqooyi Gablbeed kaga beegan B/weyne laguna magacaabo Harocadey uu dagaal ku dhex marey ciidamo ka tirsan DKMG ah & Xarakada Shababul Mujaahidiin.
Dagaalkan oo socdey muddo Saacad & dheeraad ah ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabab weerar la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo halkaa ku sugnaa.
Sarkaal ka trisan Al-shabab oo la hadley Saxaafada Baladweyne ayaa sheegay Ciidamo halkaa lagu aruurinayay inay weerareen ka dib markii warbixino ka heleen.
Sarkaalka ayaa sheegay ciidamadii halkaa ku sugnaa ee weerarka la beegsadeen kala eryeen khasaare aanu faahfaahinna gaarsiiyeen goobtana kala wareegeen.
Wararka qaar ayaa sheegayaa Ciidamada ku sugnaa Harocadey inay ahaayeen kuwo dhawaan Magaalada Baladweyne ka cararey oo halkaa fariisimo ka sameystay.
Dagaalka halkaa ka dhacey ayaa labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kale duwan, daryanka hubka la is weydaarsanayey ayaa laga maqlayay xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne.
Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkan warar faah-faahsan lagama hayo, balse waxaa jira dhowr qof oo rayid ah oo qaba dhaawacyo kale duwan oo la soo gaarsiiyay Isbitaalka Dhexe ee Baladweyne.
Ma jiro hadal dhanka Mas’uuliyiinta DKMG ah ee halkaa ku sugan ka soo baxey oo ku aadan Dagaalkan.
Waxa uu dagaalkan ku soo beegmayaa xilli maalmihii ugu danbeeyay xiisad colaadeed ka taagneyd Magaalada Baladweyne.

Related posts:
kadib fashilkii ilaah cadowgiisa kusameyay .mujaahidiintu waxay kasooqufayaan godkasta oo ay galaan murtadiintu
Alaahu akbar alow guusha sii muslimiinta dartaa naftooda hurey kaliya kalimatalaahi culyaa
Waxan leyahay cadowgii wujabe hala is raciyo dabadhilif dhimay copy dhimay allahu akbaar
cidhibta danbe iyo hadhitaanka waxaa iska leh xisbiga eebe hadii ikhlaas la helo guushu ma dheera xadhig maleega shaydaankuna waa daciif oo awood ma leh waxaana la hubaa nin janaad gali isleh iyo nin hantida dadka dhaceeda ma magcraadis ah inayna isku si udagaalamayn
Ethiopia QAXDAY DALKANA KA TASHATAY MANA SOO NOQONQYAAN WAXASE LA YAAB LEH KUWA MARMARSIIYO KA DHIGTAY GAALO IYO GAALO RAACYO HORTA MAA MUSLIM AH GARANMAYNO KAN AFKA DUUBAN EE ISKU SHABAHAY DUMARKA MIYAA KAN FUUSHAN KAARAHA UNISOMTA MIYAA IDINKALA GARANMAYNEE GUULAYSTA
waan jeclahay in warkaa lagu celceliyo sida wardigii alaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaahu aaaaaakbaaaaaaaaaaaaaaaar
waan soosocdaa koowdhe waxna wasidaa laba dheh iyo danbiil kale
ramadaan kariim ayaan leyahay umada islamka gaar ahaan somalida majecleen in aan wax qoro inta lugu guda jiro bishan barakeysan lkn waxan leyhay dhamaan inta wax ku qorta somalimirror.com ama isku dhaf dhaaf sada fikradaha alle aano u birino umadaa som