Waa Tix kooban oo uu tiriyay Abwaan Axmed Colaad Digaale (Qorane) August 2009 kuna saabsan khilaafkii Siyaasadeed ee ka soo if baxay Maamulka Somaliland Maalmahan Dhawayd iyo Imaatinkii Weftigii Itoobiyaanka ahaa oo uu gabayaagu Saadaalinaayay waxa ka soo bixi kara Imaatinkiisa.aragti ahaana ula muuqatay in killal lixaad la wad-wado.
Hadaba isaga oo gabayaagu ku hal qabsanaya Suldaan Aadan oo ah Oday Soomaaliyeed wuxuu yidhi:-
• Sidii aar gadoodoo ninkii ganay abaaraaya
• Oo inuu ilkaha kaga hubsado adhaxda doonaaya,
• Waayadanba waan aamusnaa umal daraadiiye,
• Nafta lama ijbaaree waxaan juuq u odhan waayay,
• waxbadan oon ilaalayayoon eegayaa jiraye,
• Ardal iyo nin liitaan wacdiga aad u dhugan waaye.
• Hadba waxaan ogaysiinayaa uubta loo qodaye,
• Ayaamahan suldaan aadanow olalihii suuqa,
• Faranjiga sidii loo eryee loogu alalaasay,
• Udub iyo wixii labada urur aafo kala gaadhay,
• Aflagaado badanbaa dhacdiyo cay agaasimane,
• Dhurwaa gaba alaylkii hadii reerka laga oodo,
• Iridiyo duleedada wuxuu ku ag wareegaaba,
• Hadaan awrtu didin goobta waa isaga aqoolaaye,
• Inuu daasadii ka ilbaxaad adhiga moodaaye,
• Anaaniyadu waa waxaan shacbiga laaqi ku ahayne,
• Afrikaanka qaar waa midhkay hore u eedeene,
Ragbadan oo awood lagu hubaa aakhira u kacaye,
• Asaraarku waa ceeb hadii duul ku aamina’e,
• waxaad uubataysaba hadii eelkii bixi waayay,
• dadka lama afduubee gartaa la ogolaadaaye,
• afar iyo shan goor baad gadaal u amba qaadeene,
• ajadii xareeda u egayd arag dadkii qaare,
• waa saban abaariyo dhib iyo abaso joogtaaye,
• oon iyo haraad bay dhamaan la il daraadeene,
• itaal uma leh maatadu sidaa u arbushaysaane,
• Habartii aleelaha ridee ubadka doonaysay,
• Ibliis fooxiya iyo faalisay ku ibtilawdaaye,
• Ilmo kuma dhashee baahibay la alwanaysaaye,
• Iyadoo raxmaan ka igmataa uga il roonayde,
• Islaan dhawr islaamood qabaa waa axdar u jooge,
• Ifka kuma heshiiyaan intay aradka joogaane,
• Iyagoo dagaal ka olkamoo kala ufoonaaye,
• Ooy kala araaraynayaan ehel wixii joogay,
• Amin gaaban iyo fiid hadii odaygii soo muuqdo,
• Inay dumarku kala aamusaan waa wax la arkaaye,
• Midwaliba afaafkay xidhaa ooda rogataaye,
• Edeb kama ahee waxay ka biqi inuu uleeyaaye,
• Adoonta iyo naagahaba waa loo arimiyaaye,
• Labaduba ninkii ku isman way ku istareexaane,
• Mana ogola inay aadmi kale amar ka qaataane,
• Ergo laga xishoodiyo hadii odayo loo saaray ,
• Ma aqbalin akhyaartii bulshada ugu il roonayde,
• Xaqa kama ilduufee murtida waxaan ku iidaamay
• Dad axmaar u taliyaanu noo hoos isu ogayne,
• Ardaagii lixaad buu rabaa inuu asteeyaaye,
• Bal aan eegno aayaha haduu aabahood yimi,

No related posts.
No related posts.
waa gbay uu abwaanku ugu duur xulay somalida inta qalinka lagu xukumo meel kasta ha joogteeeee.
mudo dheerkadib abwanada somali waa marki igu horeysay o aan arko murti sidan o kale ah waxanleyahay abwanka murtidada midla fahmo aanku wana qadano alle haynaga wada yelo amin
ugu horayn waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dadwaynaha reer somaliland marka xigta waxaan halkan ka salaamayaa somali mirror .com
si aan ka aamin sanahay waxaad mooda in dalka madaxdiisi ay ku sii wadaan tii siyaad bare oo kale waad ogtihiin tii inaga soo martay dagaal waxaa ku nafwaayay intaas ookun
hadana dalka waxa loo baahanyahay madaxdu inay si dastuura oo sharci ah ku xukunto doorashana u diyaargarowdo oo ay iska dayso warwareega
waan idin salaamayaa anigoo ah mahda yuusuf rooble
masha allah waxanba soo xasuustay mansoyinkii suldaan timacade abkaan allaha noo daayo waa indheer garato tan kale amxaar dalkee in uu wax u taro lagama yaabo lkn waxa laga yaba in uu qasaro garsiiyo