Aadan Madoobe oo sheegay inaanu ka warheynin Ciidamo Itoobiyaana oo gudaha dalka ku sugan.
By Somalimirror on 24 Aug, 2009 2:54 PM in Main, Wararka
Aadan Madoobe, Afhayeenka Baarlamaanka KMG ah oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa sheegay inaanu ka warheynin ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya oo gudaha Dalka u soo galey.
Aadan Madoobe ayaa intaa raaciyay hadii arintaasi jirto ayna raali ka aheyn, sida uu hadalka u dhigey, waxa uuna hadalkiisan imaanaya iyada oo ay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya oo Isbuucyadii ugu danbeeyay dhaq-dhaqaayqo ciidan ka wadey qeybo kamid ah Gobolada qaar, gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo xarunta Gobolkaasba ee Baladweyne gudaha u soo galeen.
Shirkiisa jaraa’id waxa uu dhanka kale ka shaaciyay safax Baarlamaanku gelayo inta bishan Ramadaan lagu jiro, waxa uuna sheegay inaaney jirin doonin wax howlo ah oo Baarlamaanku intii mudadaas ah qabanayo.
Aadan Madoobe, intii uu Shirkiisa Jaraa’id ku gudaha jirey waxa uu hadal ka yiri, shirkii Jaraa’id ee Sh Xasan Daahir Aweys shaley qabtey kuna sheegay inta Bisha Ramadaan ah Dagaalada ka dhanka DKMG ah & Ciidamada AMISOM inay wadayaan, arintaas ayuu ku tilmaamey Aadan mid aan loo baahneyn, waxa uuna ku baaqey dagaalada in la joojiyo.
Maaha markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan Dowlada KMG ah is moodsiiyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka wadaan gobolada qaar, waxa uuna hadalka Aadan Madoobe ku soo beegmayaa xilli uu dhawaan Wasiir ka tirsan Dowlada Itoobiya uu sheegay marnaba inaaney joojin doonin taageero milateri oo DKMG ah u fidiyaan.
Daabaco

walaal ayaan waan idin salaamay salaanta islaamka. Salaan kadib, hadii aan halkaan ka dhiibto fikirkeega ku aade joorlaankaan, run ahaan aadbuu u fiican yahay , laakiin waxaa jeclaan lahaa inaad kusoo siyaadisaan faalooyin ku aadan siyaasada soomaaliya, wararka hoose& dhacdooyin.
waad mahadsan tahiin: shakur abdullahi
Abdishakur abdulahi | Aug 24, 2009 | Reply
ascww,wad ku mahadsan tihin fursadan aad nasiisen oo an codkena ama ra’yigena ku cabireyno,marka hadal ka gudoomiyaha wuxuu iila eg yahay nin hurda ilamana aha in uu sidaa u fakiro isaga oo ah sedexda qeybod ee dowladdu ka kooban tahay uu qeyb madax u yahay inuu manta dhaho itoobiya wadanka ma joogto waa nasiim daro in aanu anaga oo dibadda wadanka kaga waxan oganey uu garan wayey waxana ay ku tusineysaa somali ilaahey baa kuu maqan lkin layab ma lihid isagu oo rag dibada wareegi jirey oo itoobiya dwn ku hayn jirey baa hada itoobiya adanka soo gelyey oo wata oo hosta kaga marka ‘makuwii horaa qaldana mise kuwa hadda jooga’ waa yab lamana arag walee wadankan alah baa kuu maqan ,koley dhulkan markiisii horoba ilahey baa naxal siiyey hadana kunoolan weynaye waxay ila tahay in an ka dabar go’eyno alow nacaymi adiga jaliil ahe amin .cirole & caamo,shiikh,sharif,aqonyhan,dhalinyaro,hoyoyin,kuli ma zero miyaa waaba yaabeee
Ali | Aug 25, 2009 | Reply