Shabakadda warbaahinta Somalimirror iyada oo la wadaagta ummadda muslimiinta ah meel ay joogaanba farxadda bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan waxay Ilaahay ka baryaysaa in uu ummadda waafajiyo, una sahlo soonka iyo cibaadada oo dhan, uuna sannadkaan kiisa kale ku gaarsiiyo khayr iyo baraare.
Intaa ka dib waxay shabakadda Somalimirror u soo jeedinaysaa muslimiinta gaar ahaan dadweynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba arrimahaan soo socda:
1. In ay dhammaan Ilaahay uga toobadkeenaan dambiyada, ayna hadda ka dib diinta ku toosnaadaan.
2. In ay si buuxda uga faa’iidaystaan bishaan barakaysan oo ay badiyaan akhrinta Qur’aanka, qiyaamu laylka, ictikaafka, sadaqada, xuska Ilaahay, istiqfaarta iyo ducada.
3. In ay isu naxariistaan, ayna is caawiyaan, gaar ahaan dadka tabaalaysan oo qaxa iyo gaajadu isugu darmadeen. Dadka maalqabeenka ah meel ay joogaanba waxay bishaani u tahay fursad qaali ah oo ay raalli ahaanshaha Rabbigood ku kasban karaan, dadkoodana wax ugu qaban karaan.
4. In intii wax isu qabta ama colaadi dhextaal ay heshiiyaan, kuna walaaloobaan diinta islaamka, si wadajir ahna ay u wada qabsadaan xarigga Ilaahay. Waxaan si gaar ah ugu soo jeedinaynaa madaxda kooxaha Soomaaliyeed ee dagaalamaya inay Ilaahay dartiis ugu turaan dadka walaalohood ah ee tabaalaysan.
5. Waxaan kale oo u soo jeedinaynaa madaxda xukuumadaha iyo ururada muqaawamda Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga dalbadaan dowladaha shisheeye in ay joojiyaan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.
Bahda warbaahinta Soamlimirror

Related posts:
JAZAAKALAHUL KAHYR waad mahadsantihiin runtii ilaahay idinkana ha’idinika siiyo ajar iyo abaal runtii somali meelay joogtaba waxaa laysku raacay in aan loohayn website somalimirror.com
A/C.
JAZAAKUMULAAHU KHAYRAN SOMALIMIRROR.waanadiina way fiican tahay ee waa in dhamaan kooxaha isku dilaya somaliya ay qaataan waanada walaalaha s/mirror waxa socdaa waa xarbul itna marka laga reebo Ethiopianka wadankayaga soo galay iyo kuwan mad madow ee duqaynaya shacabka muslimiinta ah,intakale culimadu waxay isku raaceen waa xarbul fitna,waxaan usoo jeedinayaa in dhamaan kooxihii ku hanjabay in ay dagaalka laban laabayaan in ay ka toobad keenaan fidnadaas ay laban laabayaan,, ee muslimiinta sooman ee gaajoonaya,ee dhaawacan,ee haraadan,ee ho’ga la’in aan dhib kale loogu soo darin aan is xakameyno.
a/c
Asalaamu calaykum
Ramadan kariim
Allaah waxaan ka baryaa soonkaan soonkiisa kale inuu nagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo,iyo dowlad islaami ah oo caadil.(Aamiin)
Aad ayaa ugu mahadsantihiin baaqiina qiimaha leh.
Runtii Anagaa u baahan Allaah,Anagaa fuqara u ah Allaah waa qani naga deeqtoon. Allow adigaan kuu baahanahay Allow adigaa fuqaro kuu nahay.. Allow nabadi ayey naga xirmaniyeen Allow qeyrkeen ayey naga reebeen Allow Ku dhaqanka shareecada islaamka ayey naga hortaagan yihiin.. Allow noo gargaar, Allow calaamadahaaga mucjisada ah ka soo daahiri kuwa na hor taagan(shisheeyaha ku dhex jira walaalaha soomaaliyeed).
Walaalayaal waxaan idin dardaarmayaa in aan badino bishan barakaysan ducada, aan soo kacno habeenka waqtiga dambe oo Allaah tuugno u muujino qushuuc iyo rabitaan dhab ah oo aan u baahanahay gargaarkiisa. ogaada Allaah waqtiga dambe habeenki inta usoo dego samada dhow ayuun yiraahdaa yaa i barya oo aan ajiibaa.. walalayaal aan ka faaiidaysano bishan. Wallaahi haddii uusan Allaah naga soo gaarin qatar ayaan ku jirnaa… Aan heshiino… aan is cafino…. aan isku naxariisano…aan gacmaha is qabsano…aan isku duceyno….aan qalbiyada isku furno…
ogaada Allaah wixi aan ka malaysano ayuu yahaye. haddii aan qeyka malaysano waa uu imaanayaa. insha Allaah nabad iyo barwaaqo ayaa soo dhow dowlad islaami aha ayaa soo dhow. geyigeena somaali wuxuu noqonayaa meel lagu soo tartamo oo shaqooyin loo soo raadsado, maalgalinta shisheeye soo jiidata,loo soo dalxiis tago. insha Allaah… insha Allaah.. insha Allaah.
kulu caam wa antum bi kheyr
a/c waxaan kaloo raali gelinayaa qofkasta oo uusan qoraalkaygan raali ka aheyn keliya waxaan uga jeeda wax wanaajin ee waxaan idinka codsanayaa in aad iska kay cafidaan.waxaan ka mid ahay dadka ra’yigooda ka dhiibta halkan.
a/c
aniga waxaa igu balan ah in aan ducada, salaadda iyo aqrinta qur,aanka aan badin doono bishan. waa tawaadhuc badan ayaan la imaanayaa Allaah ayaan baryayaa in walaalaha somaaliyeed wixi ka dambeeya bishan uu bogooda burcad isku mariyo. insha Allah
yaa ballantaas ila galaya…. Allaahuma anta calaa kuli shayin wakiil.
SCWW
Somalimirror way ku mahadsantahay tahniyadda iyo baaqaba. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu wanaag adduun iyo mid aakhiro ugu abaalgudo..Aamiin.
Anigu waxaan halkaan codkayga ku xoojinayaa baaqa walaalaha somalimirror gaar ahaan joojinta dhiigga. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu khayrka waafajiyo kuwa is dilaya, dadkoodana ku dul tumanaya. Waxaan kale oo Ilaahay ka baryayaa in uu gaalada qalbiga noo fdhida iyo tan hadba meel naga soo galaysa naga dulqaado.
Somalimirror waa wax wanaagsan inaad qodobo wanaagsan u soo jeedisaan shacabka Soomaaliyeed bisha barakaysan oo Ramadaan. Qodobadaase dhamaan waa wax ku ool ah bisha. Hase yeeshee waxaydaan baaqiina ku darin xabad joogin iyo in la daayo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed iyo dhiigiisa meel walba la qubayo.
Arrintaas ah in dhiiga shacabka aan la qubin ma ka ilduufteen mise idiinkuma muuqato mid u baahan in deg deg wax looga qabto?. Waxaaba laga yaaba inay xabad joointa idinkala muhiisan tahay in qolada aad la jirtaan lala heshiiyo marka hore inta xabad daryaankeedu damin.
Waxaan jeclaan lahaa inaad noo sheegtaan waxa aad xabad joojinta oga hadli waydeen adinkoon hadalkayga dhibsan oo aan shaashada durba masaxin.
jazaakumullaahu khayran naseexada aad noo soo jeediseen waana qaadannay,
a/c/w/ Ramadaan kariim dhaman muslimiinta gaar ahan shacabka somaliyeed bacdi salaan waxaan leenahay jazaakumulaahi khayr waana ku mahadsantihiin nasteeexdiina ama waanadiina waxaana idinkula dar daarmaa inaad amrkasta ku dadaashaan mar walba in aad ku baaqdaan nabad oo adna ka qayb qaadan culaaada dhamaanteen ilaahay ha na waafajiyo qayrka bishan barakaysan
walaalka somalimirror ku eedeeyay inaanay ka hadlin xabbad joojin waxay ila tahay hadalka meel daloosha ayuu ka eegay mar haddii ay soo jeediyeen in la heshiiyo ma heshiis la’aan baa xabbadi joogsan kartaa haddii ramadaan xataa la joojiyo oo ay barri billaabato maxay ina tartay.
dadka soomaalida ah waxaa lagu ibtileeyay fikrad kasta haddii loo dhihi waayo sida ay rabaan waxay u fasirayaan tafsiirka ugu foosha xun ee suura galka ah sidaasina waa si khilaafsan dhaqanka islaamka ee ku saleysan in qofka muslimka ah malaha loo wanaajiyo.
si xikmad leh oo kooban ayay somalimirror u soo bamdhigtay talada mar haddii ay tidhi ha la heshiiyo waa xabaddu ha joogsato laakiin xabbadda ha la joojiyo ha la heshiiyo ma aha ee waa wakhti kooban wax ku siman ha la joojoyo,awoodo hubeysan oo aan heshiininnna inay is dilayaan waa shaki la’aan
Carab,
Wali waxaan qabaa heshiis, xabad joojin ayaa ka horeysa. Meel dhiig quabanayo sidee la iskugu soo hor fariisan?