Waa su’aal ka jawaabiddeeda ay aad u haboontahay in aan is weydiinaa maalmahaan ayaga ah waayo waxaa muuqata iney fooda nagu soo heyso bishii kheyrka badneyd ee Soonka taasoo ah Bil dadka ku kala haraan una kala baxaan dad dadaal badan iyo kuwo hilmaansanba.
Hadaba walaalayaal si aan jawaab wanaagsan ugu helno su’aashaas ayaan waxaan qoreynaa maqaalkan oo aan ugu tala galnay inuu u noqdo dadka aqrisanaaya mid ku dhiiri galiya ka faa’ideysashada bisha soon waxaana ugu magac darnay
(TOBAN DARIIQO OO AY HABOONTAHAY INAAN KUSOO DHAWEYNO SOONKA)
Waa Maqaal ku socdo qofkasta oo uu soonku soo haleelay asagoo caafimaad qaba si uu uga faa’iideysto bishaan kheyrka badan daacada iyo cibaadada Allaah SWT waxaana u qoreynaa qaab dariiqo dariiqo ah say u noqoto mid qofka mu’minka ah ku abuurta dhiiri galin naftiisa ku aadan kuna beerta himilo sareyso galineysana xamaasad uu u xamaasoonaayo ilaahay cibaadadiisa bishaan.
Hadaba seen ku soo dhaweynaa soonka? Waase sidee wadooyinka ugu haboon ee aan kusoo dhaweynkarno bisha soon? Ee nagu soo aadan
Waxaa u haboon qofkasta oo muslim ah ka faa iideysashada waqtiyada ku haboon daacada iyo cibaadada ilaahay, waxaa haboon in uu kamid ahaado kuwa u dag daga kheyrka una kala tartama ilaahayna SWT waxa uu yiri (Kheyrkaas kuwa u tar tamaayo ha ukala tar tameeno)
Hadaba walaal ku dadaal in aad soonka kusoo dhaweysid dariiqooyinkan wan wanagsan ee aan tilmaami doono inshaa allaah.
1- DARIIQADA KOOBAAD: – waa in aad ku duceysataa in Allaah SWT ku gaarsiiyo bisha soon adigoo caafimaad wanaagsan heysta si aad cibaadada Allaah u gudatid si fir fircooni iyo nashaadba leh soonka salaada iyo xuska Allaah intaba maxaa yeelay sida laga wariyay saxaabiga la yiraahdo anas bin maalik RC nabiga SCW waxa uu ahaa mid yiraahda marka bisha RAJAB dhalato (ILAAHOOW NOO BARAKEE RAJAB IYO SHACBAAN SOONKANA NA GAARSII) waxaa soo saaray xadiithkaas imaam axmed iyo dabaraani.
Dadkii wan wanaagsanaana waxey ahayeen kuwa ku duceysta oo ku alla barya in Allaah gaarsiiyo soonka iyo inuu ka aqbalo acmaashooda.
2- DARIIQADA LABAAD: waa in aad ilaahay ku mahdisaa kuna amaantaa gaarsiinta uu soonka ku gaarsiiyay culumaduna waxa ey leeyihiin qofka hadii uu Allaah siiyo nicmo muuqato ama uu ka celiyo balaayo muuqata waxaa haboon inuu Allaah u sujuudaa sujuudul shukri.
3- DARIIQADA SADEXAAD: waa in qofku ku farxaa una fur furnaadaa soonka waxaa nabiga SCW ka sugnaaday in uu yiri (WAXAA IDIIN YIMID BISHII SOON WAA BIL BARAKEYSAN ILAAHAYNA IDINKU WAAJIB YEELAY SOONKEEDA WAXAA LA FURAA ALBAABADA JANOOYINKA WAXAANA LA XIRAA ALBAABADA NAARTA) waxaa soo saaray imaam axmed
Dadkii wanaagsanaa ee horana waxay ahaayeen kuwa jecleysta kuna farxa soo galitaanka soonka
4- DARIIQADA AFRAAD: waa in uu go’aansadaa una qorsheystaa ka faaiideysashada bishaan barakeysan ee soon maxaa yeelay walaalayaal dadbadan oo naga mid ah waa qorsheystaan waliba qorshe aad looga baaraan dagay aduunyadooda laakiin waa yar yihiin kuwa qorshayaal mira dhal ah u dagsanaayo aakhiradooda
5- DARIIQADA SHANAAD: waa inuu qaataa go’aan adag oo dhab ah inuu ka faa’ideysto bishaan barakeysan waqtigiisana ku buuxiyaa acmaasha wan wanaagsan ogowna qofkii Allaah u runsheegaa Allaahna wuxuu waafajiyaa kheyrka maxaayeelay Allaah waxa uu yiri ( Hadey ilaahay u runsheegaan run shegidaas ayaa u kher badan
6- DARIIQADA LIXAAD: waa inuu cilmi u yeeshaa isla markaana fahmaa AXKAAMTA soonka sida:-
- Maxaa ku waajibay?
- Maxaa ka xaaraam ah?
- Maxaa u haboon in uu sameeyo?
- Maxaan habooneyn inuu sameeyo inta uu Sooman yahay? ama soonka ka burin kara? Maxaa yeelay qofka muslimka ah waxaa u haboon inuu Allaah ku caabudaa cilmi ee uusan jahli ku caabudin
7- DARIIQADA TODOBAAD: waa inuu go’aansadaa inuu soonka ku soo dhaweeyo ka tagida xumaanta sharta iyo danbiga oodhan iyo waliba towbad dhab ah oo uu ka towbad keenayo danbiyadii oodhan iyo in danbiyada iska daayo uuna go’aansado inuusan ku laabanin waana bishii towbad keenka ee qofkaan towbad keenin goormuu towbad keenayaa? Ilaahayna waxa uu leeyahay (war dhamaantiin mu’miniineey ilaahay u towbad keena haddaad mu’miniin tihiin)
8- DARIIQADA SIDEEDAAD: waa in u diyaar garoobaa ruuxiyan iyo nafsiyanba asagoo daalacanaayo dhageysanaayo kutubta iyo cajaladaha duruusta iyo muxaadaraadka ah ee cadeyneysa fadliga bisha soon
9- DARIIQADA SAGAALAAD: waa in uu diyaar garoobaa dacwada ilaahay xagiisa dadka loogu yeeraayo sida
A- in uu diyaarsado kalmad yar oo ku saabsan baraarujinta bulshada uuna ka jeediyo masjidka ama meelaha ey bulshada isugu imaaneyso
B- in uu isku dayo in uu qeybiyo ama hadiyeeyo kutubta risaaladaha cajaladaha ka hadlaayo soonka iyo axkaamtiisa uuna siinaayo dadka aan waxba ka aqoonin axkaamta soonka si ey uga faaiideystaan
C- in uu xusuusto kana war qabo waxna siiyo kaalmeeyana dadka fuqarada ah ee kunool meesha uu ku noolyahay
10-DARIIQADA TOBNAAD: waa in uu ku soo dhaweeyaa soonka in uu furo bog cusub oo cad oo iftiimaayo dhanka:
A- ilaahay SWT oo uu u towbad keenaayo towbad dhab ah runna ah
B- rasuulka SCW oo uu adeecaayo yeelaayo qaadanaayana waxa uu faraayo kana haraayo waxa uu ka reebaayo
C- waalidka qaraabada riximka haweyneydiisa ilamaha oo uu u ixsaan falaayo xiriirinaayna
D- bulshada uu la noolyahay oo uu anfacyo dhankasta karaankiisa maxaa yeelay nabiga SCW waxaa la wariyay in uu yiri dadka waxaa ugu fadli badan kan ugu anfaca badan
sidaas ayuu qofka muslimka ah ku soo dhaweyaa soonka sida dhul ooman oo u baahan roob ama qof jiran oo u baahan dhaktar ama qof joogo oo sugaayo saaxiib uu jecelyahay oo agtiisa qaali ka ah.
intaas ayaan kusoo koobayaa maqaalkeygii waxaana aan ilaahay inoo baryayaa in uu inaga dhigo kuwa naarta laga xureeyo Soonkaan.
waxaana aan jeclahay in qof walbaa oo akhristaa uu ii soo gudbiyaa wixii Aragti ah ee uu ka qabo maqaalkeygaan wixii qaloocsanna uu toosiyo wixii toosanna uu iigu duceeyo iina soo gudbi wixii talo ah insha allaah.
Abuukar Yaasiin
abuukarsom@hotmail.com

Related posts:
asc wallalayal waxa nagu waa jiba ina ka fa ideysano wayo waxa bill sanadkiba mar ah marka waxa iga dardaran ah nafteda iyo tinaba ina ka fa ideysano bishaan ramadan wana idin salaama good bye