Baaq ka soo baxay Nadwadii ku saabsaneyd Axkaamta Ganacsiga & Mucaamalooyinka Maaliyadeed.

Published on August 8, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Shabakadda Warbaahinta ee Somalimirrror waxay idiin soo gudbinaysaa, Baaq ka soo baxay Nadwadii ku saabsaneyd Axkaamta Ganacsiga & Mucaamalooyinka Maaliyadeed ee ay soo qaban qaabisey xarunta Beder

بسم الله الرحمن الرحيم

Ilaahay ayaa mahad dhamaanteed iska leh, naxariis iyo nabadgelyona ha ahaato nebi muxamed korkiisa

Intaa ka bacdi:-

Anagoo ah culimada magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, ahna ka qayb galayaasha nadwadan cilmiga ah ee ay soo qaban qaabisey xarunta Beder, kuna saabsanayd axkaamta ganacsiga iyo dhaqaalaha islaamka.

waxa aanu ku Baaqeynaa arimahan soo socda:

Waxaanu ugu baaqeynaa dhamaan ganacsatada inay bartaan axkaamta sharciga ee ganacsiga & adeegyada ay qabanayaan, sharcigana uga meel dayaan xoogsigooda, kuna dadaalaan xalaal miirasho

Waxaanu u dardaarmaynaa dhamaan ganacsatada cabsida Ilaahay, anagoo u soo jeedinaynaa inay u tudhaan umadooda iyo shacabka oo aaney u soo keeni ama ka iibin dawooyin iyo cuntooyin dhacay ama xumaadey ama tayadooda iyo waxtarkoodu liito,

Waxa aanu ugu baaqeynaa xukuumada – gaar ahaan wasaaradda caafimaadka – inay kaalintooda qaadataan oo ay joojiyaan waxyaalaha suuqyadeena lagu iibinayo ee bulshada wax yeelaynaya.

Dhamaan hay’adaha sharciyeed ee dawladda, kuwa wax-barasho, sharikadaha ganacsi, culimadda, aqoonyahanada iyo guud ahaan bulshada somaliland waxaanu ugu baaqeynaa inay ka qeyb qaataan dhaqan gelinta hanaanka ganacsi, adeeg, maaliyadeed iyo dhaqaale ee islaamiga ah, kaasoo lagu gaadhi karo horumar iyo raali ahaanshaha Ilaahay.

Waxaanu ka digaynaa in wadanka la keeno ama la sharciyeeyo hay’ado maaliyadeed oo ku dhisan dulsaar iyo ribo, taasoo cawaaqib xumadeed maanta la wada arkay, Ilaahayna sharcigiisa hore ugu xarimay, sidoo kale uu xaaraantinimeeyey distoorka dalku, sida ku cad qoddobka 5aad iyo 14aad farqadiisa 3aad ee dasuurka Somaliland.

Waxaanu ugu baaqeynaa madaxda dawladda, golayaasha iyo axsaabta qaranka, inay khilaafka jira wadahadal iyo isfahan ku xaliyaan, dhawraanna danta guud kana hor mariyaan xifil-tanka siyaasadeed ee dhexdooda yaalla.

Ugu danbeyn, waxaanu u soo jeedinaynaa: culimadda, madaxdhaqameedka, ganacsatada, aqoonyahanada iyo dhamaan qeybaha bulshada inay kaalintooda ka qaataan isu soo dhoweynta iyo xalinta khilaafaadka aloosan, kana hortagaan cawaaqib xumo kasta oo ka dhalankarta ismaan dhaafka taagan ee ka dhashay diiwaan gelinta.

Magacyada Culimadda Baaqa soo saarey:

Sh Xasan C/Salaan Cali.
Sheekh Maxamed Cumar dirir.
Suldaan Maxamed Xasan.
Sheekh yuusuf Aadan Maxed.
Sh C/qani Xuseen Maxamed.
Sh Maxamed Cali Gadhle
Sheekh C/lahi Cali Geele
Sh C/risaaq macalim Aadam.
Sh Maxamed Aadan Muxumed
Sh Maxamed macalin cabdi carab.
Sheekh ciise Maxamuud C/lahi.

Ilaahay baa Mahad iska leh.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Max’ed Gadhle oo Nadwadii Dhaqaalaha ee Hargeysa ka jeediyay Muxaadaro ku saabsan waxyaabaha aan ku Habooneyn Ganacsiga
  2. Bayaan ka soo baxay Nadwadii 8-aad ee Majidka Al-rowda ee M. Boosaaso
  3. Baaq ka soo baxay culimada gobollada W/bari Soomaaliya (Puntland)
  4. Gudiga qaban qaabada Nadwadii Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso oo Warbixin ka soo saaray Nadwadii sanadkan
  5. Baaq Nabadeed oo ay Saareen Salaadiin & Culimo oo ku wajahan Shaqaaqaddii Ceel-Barde

Readers Comments (3)

  1. Mr. Halgame says:

    Maxaad daboolka u saarteen goobta ama magaalada iyo dalka lagu qabtay Nadwadaas?

    Ma intaas yar ee ah sheegida cida qabatay iyo goobta lagu qabtay Nadwadaas baad naga xistiyeysaan?

    Hadeydun intaas yarna noo quudhi karin, maxa idinku wata inaydun soo tebisaan warkan?

    Mise, waxa aydun ka dhigi rabtaan in Nadwadaas ay qabteen Wadaadada Somalia?

    Horey, ayaa loo yidhi, xaasid abidkii ma aflaxi doono.

    Guul iyo Gobanimo,

  2. Mr. Halgame says:

    Ogoow, xaasidnimadiini, waxa fashiliyey hadalkan go’aanka nadwada ka mid ah:

    “Waxaanu ka digaynaa in wadanka la keeno ama la sharciyeeyo hay’ado maaliyadeed oo ku dhisan dulsaar iyo ribo, taasoo cawaaqib xumadeed maanta la wada arkay, Ilaahayna sharcigiisa hore ugu xarimay, sidoo kale uu xaaraantinimeeyey distoorka dalku, sida ku cad qoddobka 5aad iyo 14aad farqadiisa 3aad ee dasuurka Somaliland.”

    Waar, sidan isu dhaama oo wanaaga ha naga xistiyina ee noo qira oo ha xaasidina ee Eebe ka cabsada.

    Guul iyo Gobanimo,

  3. somalilander says:

    XASAADINN NADWAADAN WAXAA LAGU QABATAYI CASIIMAD SOMALILAND HARGEISA LAKIIN WAXAA LA YAAB UMAADA REER KOONFUUREDKA WAXAA XASAADANIMAD KU SALIIDAYI YAAGO CAYIINK AYII YIHIIN LA WAD OGYAHAYI DHAMAAN CALAAMKAN GUDUKIISO WAXAAN IIDIIN LEYAHAYI XASIIDINIMAD MEEL LAGU GADHO FADLAAN ANIIGU MID AYAAN IDIINKA CODASANAYA ANIIGO KU HADALAY MAGACAYIIG GARKA IYO KAN UMAAD SOMALILAND WAXAAB HAAAAAAAAAA KA QORIIN SOMALILAN WAAYO XASADIN AYAAD TIHIN XAASID MAY AFLAX WAR DADKIIN DHULKATGA TUBAAN EE CARUURT LEH EE MATIID LEH CIID MA XASIIDO WAXAAD UMAAD SOMLEYED KA GASHEEN ODHAN CIID MA XASUUSATO MAXA XASIIDINIMAAD IDIINKU DARSADADYI MIYDAN UMAAD ISLAAM SHEEGT AHAAYIN WAR DIB ISAAGU NOQODA GARAHAN DADKA WAXAA KU QOR WEBK SOMALI MIRORR SOMALI MIRROR MA AHAA EE WAA HAWEEYE MIRROR IYO INTA LA GUMAYISTO QUDHA AYAA LAGU TAGALAY IN AYAA ISKA ARAKAN UMAAD AYAADAN GADHAYIIN AYAAD WAXA KA SHEEGAYIISA SAQAJAMIIN NILA SAQAJAMIIN SOMALILAND HAAAAAAAAAAAAA NOOLAATO HAAAAAAAAAAAAAAAAAA WARTO HAAAAAAAAAAAAAAAA JIRTO SOMALI WAA UF WAA AYII URAAYIISA SOMALILAND IYO INTA HARUMARKEEDA JECEL HAAAAAAAAAAAA WARAN HAAAAAAAAAAA NOOLADAN




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Max’ed Gadhle oo Nadwadii Dhaqaalaha ee Hargeysa ka jeediyay Muxaadaro ku saabsan waxyaabaha aan ku Habooneyn Ganacsiga
  2. Bayaan ka soo baxay Nadwadii 8-aad ee Majidka Al-rowda ee M. Boosaaso
  3. Baaq ka soo baxay culimada gobollada W/bari Soomaaliya (Puntland)
  4. Gudiga qaban qaabada Nadwadii Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso oo Warbixin ka soo saaray Nadwadii sanadkan
  5. Baaq Nabadeed oo ay Saareen Salaadiin & Culimo oo ku wajahan Shaqaaqaddii Ceel-Barde

Latest Headlines