Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Bisha Cas ee Nigeria ayaa Axaddii Shalay Daboolka ka qaaday inay ku dhinteen Dagaaladii 5-ta Maalin ee la soo dhaafay ku dhex marayay Ciidamada Amaanka iyo Muslimiinta Nigeria Waqooyiga Wadanka in ka badan 780, Qof, waxayna intaas ku dareen in wali la wado Raadinta Maydad hor leh ( Daawo Sawirada Xasuuqii Muslimiint Nigeria ) .

Dagaalka oo la isku adeegsaday Xabado Nool ayaa socdayna 5 Maalin oo xiriir ah waxayna Ciidamada Amaanka Nigeria ku Dileen Xubno ka mid ah Jamaacadda Islaamiga ah ee Boko Xaraam oo u ololeynaysa inay Shareecadda Islaamka oo Dhameystiran wadanka oo dhan ka Hirgaliso.
Iska Hor imaadyada ayaa ka dhacay Dhowr Gobol, laakiin Magaalada Maiduguri ee Caasimadda Gobolka Borno oo ah Saldhiga Hogaamiyihii Jamaacadda Maxamed Yuusuf ayaa waxaa ka dhacay Iska hor’imaadyadii ugu Cuslaa.
Oliyu Maechano oo ah Madaxa Arimaha Musiibooyinka ee Ururka Bisha Cas ee Waqooyi Bari Nigeria ayaa yiri “Tira koob aan hayno wuxuu sheegayaa in Dhimashadu ay gaarayso 780 qof illaa iyo hadda, Waxaana Kooxda Howl-galadda lagu amray inay Baadi goobaan Maydad kale oo yaala Daafaha Magaaladda”.
Shaqaale ka tirsan Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka shaqeynaya inay soo aruuriyaan Maydadka isku dul rastaysan ee Daadsan Wadooyinka dhowrka Maalin, isla markaana Baabuur korka ka furan ku soo daabulaya.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku sugan Caasimadda Nigeria aya yiri “Waxaa Lagu Aasay in ka badan 700 oo Mayd Qubuur Jamaaci ah Magaalada Maiduguri oo kaliya, Waxaana inta badan Maydadka lagu aasay Maj-maca Yuusuf oo ah Xaruntooda”.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda ayaa Sheegay “Dadku waxay Bilaabeen inay Wadooyinka u soo baxaan, sidoo kalana Dib loo furo Al-Baabadda Goobaha Ganacsiga, Ciidamaduna waxay bilaabeen inay Jid-gooyooyinkii ka qaadaan Wadooyinka, laakiin Dowladu waxay wacad ku martay inay sii wadayso Baaritaan ah Guri Guri iyada oo ka baaraysa Taageerayaashii Maxamed Yuusuf”.

Guryo gobanayo Kadib Iska Horiaadyadii dhacay

Meydadka Muslimiinta la Xasuuqay oo ay Boolisku Dultubanyihiin

Xasuuqa Musliniita Boko Xaraam iyo dhiiga ka baxay oo Wadooyina Dacdaro u daadsan

Xubno ka tirsan Musliniita Xarakada Boko Xaraam oo Garbaduub ugu Xirxiran Booliska

Hooyooyinka Muslimaadka ah ee Ragoodii iyo Wiilashoodii la laayey oo Caruur Dhabta ku heysta

Caruurta Muslimiintii la Xasuuay oo dhafoorada laheysta wixii dhacay

Related posts:
Sabra.. Wallahui rijaal ayaa nafta idiin huri doona… ilaahyna guushiisa wuu idin siin doona insha allah..
Maalin kasta in musiibo weyn oo lagu halaagsamo la abaabulo ma ahan dadka ahlul xaqa ah caadadooda. Culimadii imaamyada ah sida Axmed Bin Xanbal kacdoono dhiig ku daato ma aysan abaabuli jirine qudwo ahaan ayey diinta ugu sugnaan jireen. Kacdoomada lagu kaco dawladaha oo hubeysan iyo qalalaase abuurku taariikhda ahlul xaqa kama mid ahane jamaacaatka fitneysan ayuu ka mid yahay.
Dawalada Neyjeeriya waa qaran dhisan oo ciidan xoog leh leh, ninka small arms intuu qaato dagaal ku qaadaya miyaan mudneyn in lagula xisaabtamo waallidaas?
Pakistaan sidoo kale waa qaran dhisan oo xoog leh, raga la dagaalamaya maxey rabaan iney xaqiijiyaan?
Lubnaan iyo nahrul baarid musiibadeedi dhiigeedi weli ma qalalin, guryihiina weli sidii ayey u dunsanyihiin.
Aljeeriya 500.000 qof ayaa ku dhimatey dagaalkii ahliga ahaa ee laga abaabuley.
Ma sidaas ayaa diin ah?
Diintu ma waallibaa mise waa raxmad caalamka loo soo direy?
Hadaad xataa aragtidaada rabto inaad wax badasho ma sidaasbaa mar kasta istiraatiijiyad qaldan oo lagu haalaagsamayo loogu soo cel celiyaa.
Ragiinaan kacdoomadaas macno la,aantaa taageersan ama ka ag dhow waxaan kula talinayaa inaad yeelataan xis iyo dareen bani aadan oo aan loo dhaqmin sida wuxuush didey.
Yeesha muxaasabo, yeesha caynu naqdi, yeesha garaad.
Gaar ahaan waxaan anigu qaladka weyn saarayaa raga wadaadada wax bartood u bilaabanyihiin oon cod dheer ku sheegeyn in la joojiyo halaaga. Raga intey gadaal iska fariistaan ku kaaftoomaya dhalin yaradu way sal fududahay, way deg degayaan, qaladaad waa jiraan laakiin…
Ilaahey wuu din xisaabin hadaad mas,uuliyadiina sida ay tahay aad uga soo bixi weydaan oo halaagaan magaca islaamka lagu abaabulayo aad si cad oo abaabulan u diidi weydaan.
Muslimiinta insha allaah Adduunka iyaga ayaa la wareegi doona mustaqbalka.
Iska sabra.
asalaamu alaykum ww.
ilaahay quraankiisa waxaa uu ku leeyahay ” wal fitnatu ashadu mina alqatli”
sidaa daraadeed waxaan leeyahay in laga hortagu fidnada ay soo wadiin kooxdaan waa sax maxaa yeelay waxaa ay rabiin in ay neigeria ka dhigaa sida somali ay hada tahay .
in la dilo dadka masaajidada ka soo baxay.
tankale mataqaan magaca bookoo xaraam mic niheesa waxaa waaye ” waa in la dilaa dadka wax ka soo bartay yurub iyo amirika “‘
soomaaha fidno dadka rabo in ay dadka u dilaan micno daro
waxaana leeyahay dowlada neigiriya ha iska ciliso dadka qaswadayaasha ah.
war heedhe ma aahn in mabaadiida dinta dolad dhisan ama USA in looga leexdo ee wa in aadan mabaadida diinta adan ka tanaasulin war dala laqabsado iska iyo dadlalaayo iska daaye hadii nabgiiga la dilo in aan tanaasusho ma ahan, ilahayna ku wii adkestaa oo dad iska dhiciyaa oo ku sabro mada ooda waan u abaal gudaaya ayuu lee yaahy ilaah waxaad ogaatiin DINTA ISLAAMKA marwaliba ayada ayaa guuleysanaysa marwaliba cidka sara maraysa majirto insha allah anagana ilaah hana ga dhigo kuwii naftooda iyo maalkooda u huro
waqtiyadaan oo kale dadaka waa in ay iska dhafaan balaya kawaranka ama wadan ayaa laqabsanaa waa in aya dhahaan (ITH BITU YA CIBADAL LAAH) SUGMA ADOOMIDI ILAHAYOOw hadalaka ducdaa wakaas ma ahan in aya ku hayaan gumeysi ayaa loo gacan galinaa dalaka soomaliya war anaga hadaan nahay dad caama ah waan la soconaa siyaasata aduunka mooqifkeeda waxa u yahay, waa in aya ka tir tiraan aduunaka wax islaam sheegata daka qalbiga ayey ka wada gumesteen ilaah hanaga badbaadiyo
muslimiinta allaah baa u gar gaari doona haddii ay cadawga alla iska difaacaanna fitna ma hah guushuna iygey ku dambeyn doontaa intii ka shiiddayna allaah jannadiisa firdaws haku abaal mariy,haddii muslimiinta ahlu xaqa ah ey yar yihiin maalin bey u talin doonaan dunidoo dhan ,jihaadkuna hadduu bilaw yahay guushana mujaahidiintaa iska leh
Muhaa
Caamiyad hadaad tahay caami kale haku dabo lumine dad cilmi leh oo fiiro dheer leh raac. Hadaad diido waxaad xanbaareysaa denbi weyn oo ah inaad ahlul cilmigii intaad cilmigoodi ku sabri weysey aad wado dhow oo haadaan ah kuwo kugu wada iska raacdey. Aakhirana waa xisaab, aduuna waa asaay iyo agoonimo ee iska jir wadooyinka shaydaanka firqooyinka umada ku habaajinaya oo ahlul cilmiga raadi oo raac.
maaha arrimuhu halkay ku dhammaadaan inaynu soo qaadanno oo aynu dadka uga dhigno xaqaa,iq, ama dadka jibaysan ay waxaas soo qaataan; anigu naygeriya waqooyigeeda waan tegey, waxaanan isu maray waddamo badan oo african ah, sida togo,ghana, seira leone, nigeria iyo galbeedka africa intooda badan; waqooyiga nigeria waxaa kajirta in shareecada laysku xukumo oo xitaa dadkii masiixiyiinta ahaa ee koonfurta udhashay ay soo aadeen ama usoo guureen waqooyiga; markii la weydiiyeyna ay dhaheen nabadgelyada ayaanu soo doonanay; haddii ay sii joogaana aakhirka waa ay muslimi lahaayeen; laakiin nasiib darro nimankan aad leedihiin waa laxasuuqay ayaa fidno waddanki kariday; fidnaduna waa ay hurudaa, ilaahay ha nacdalo kuwan toosiyey; waan u naxayaa carruuraha iyo dumarka ay katageen ee maanta widow-ga ah; laakiin ayagu waa ay mutaysteen in la-laayo(til-ka daarul-aakhirati, najcaluhaa lil-laddiina laa-yuriiduuna culuwan-fil ardi walaa-fasaadan; wal- caabatul-lil-mutaqiin)!!; waadi swat ayaynu ogayn waa loo ogolaaday inay dhulkooda shareecada ku xukumaan oo ay imaarad islaami ah noqoto; todobba cisho kaddib ayay weerar la beegsadeen caasimadda nafteedii( wa-lakin-na kum qawman tas-tac-jiluun)!!. ilaahay ha garansiiyo dadkan inay diintan ay sheeganayaan ay sam-xaa tahay ee aanay ahayn sida ayagu ay u fahmeen; waxaan ammaan ujeedinayaa Mukhtar Roobow oo aan filayo inuu yahay nin diin ahaan aqoon fiican leh; waayo weli madhicin labadaa gobol ee uu gacanta ku hayo inuu wax tacaddiya ka geystay(bi-ismid-diin, halka kuwa kale aanu kamaqlayno rajisniinadii ayay dhaheen ha xiranina; berritana waxaynu maqli doonaa kalsoon ama nigis ha xiranina waa dhaqan galbeede ama barida ayuu mujinayaaye!!.
kaahin cashuur
Ugu horeyn XASBUNALLAAH WANICMAL WAKIIL.
Marka labaad,Ummada Muslimada ah waa Ummad aan marnaba la dulayn karin waa la dili karaa, mana ahan markii ugu horeysey ee sidan oo kale Muslimiin loo laayo iyagoo loo haysto Diinta wanaagsan ee ay aaminsanyihiin.
Ummada Muslimada ahi mar walba waxay ku joogtaa labo wanaagsan midkeed,GUUL AMA SHAHAADA..waxay ila tahay dadka badankiis waa xusuustaa wixii uu TATAARKU ku dhigay dadka Muslimiinta ah oo ay dhacday marara badan intuu magaalo Muslimiin deganyihiin soo galo dhamaantood wada gowraco ilaa culumada qaar ay sheegaan inay Magaalooyinka qaarkood ku dileen I000,000(hal miyna) oo qof iyagoo doonaaya inay magaalooyinka kale ku cabsi geliyaan,balse markii ay magaaladii kale oo dhacdadii maqashay tagaan cid isku dhiibta ma ay arkaane waa la iska diidaa,markaas ayaa dhamaan lawada laayaa sidii kuwii hore oo kale.
Taariikhdu saas ayay na baraysaa,ma ahan dadka Muslimiinta ahi kuwo geerida ka baqa ama lagu cabsi geliyo waa la idanka awood badanyahay,qofka maanta 780 Shuhado ah Insha,allaah ka dhigaaya inay musiibo weyn tahay ceebteedana ay leeyihiin Mujaahidiintaas diinkooda u shahiiday Insha,allaah..waxaan leenahay hadii ay jahli iyo fulaynimo kaa tahay ALLAHA KUSOO HANUUNIYO..hadiise ay cinaad iyo Mujaahid nacayb kaa tahay waxaan ku leenahay HOOG CADAWGII ILAAHAYOW CIILKAAGANA LA DHIMO.
Muslimiintu waxay ku jiraan xili baraarug jiro oo Ummadu indhaha kala qaaday, meel walba oo dhulka ka mid ah-na dhaqdhaqaaqyo baa ka jira meelaha qaarna guushii ay Mujaahidiintu gaareen waa cadahay oo shareecadii ILaahay baa lagu xukumayaa iyadoon cidna laga baryaynin,meelaha kalena weli dheriga bay saarantahay oo waxy u dulqaadanayaan dilka iyo dhaawaca ilaa ay guusha ka gaaraan ama Shahaado ka helaan.
Waxaan leeyahay kuwa maangaabyada ah ee Mujaahid markay maqlaan afkooda qurmay kusoo taaga..war dad aan gantaalaha wax gumaadaa leecin karin carabkiina kuna garaafayn kartaane NAFTIINA IXTIRAAMA oo wax isku reebta adinkoon cid kale u danaynaynin tiina meel u raadsada.
Mujaahidiinta ILAAHAY wuuba guuleeyaye Allaha u kordhiyo guusha,KOLEEY ANIGU AYAGAAN LA JIRAA ILAAHAYNA KA BARYAYAA INUU ILA SOO KULMIYO MAALINKA QIYAAMO.
TO : Kaahin cashuur.
Runta iyo waxa aad tahay adigaaba sheegatay oo magac ka dhigtay balse masuuliyad iga saaran dadka Muslimiinta ah eed afkaaga ku taagtay aan guto si aan maalinka qiyaame la iigu qabsan inta ka aamuso.
Wadamo badan ood martay iyo wixii aad ku aragtay intaba aan ka gudbo koley adigaa ILaahay u sheegi doona run iyo been waxaad ka sheegatay.
Balse Dajaal aan ILaahay ka baqaynin iyo inaad Xiqdi aad MUJAAHIDIINTA halyeeyada ah u qabto la seexan weysantahay intaba kala garan maayee waxaan ku leyahay…Waxa aad sheegatay ee ah Mukhtaar baa wanaagsan iyo kuwa kalaa xun waa Garaadyari kugu jirta iyo Nijaas afkaaga kasoo burqatay ood laabta ku hayn weysey.
Marka hore SH.MUKHTAAR gobol gooni ah kama taliyee Maamulo Islaami ah baa ka dhisan isaguna uu xubin ka yahay..Barwaaqada iyo nimcooyinka ay heleena waa wax ILaahay ay ugu shukriyaan ee maaha wax adiga amaan lagaaga baahanyahay,,waxaanan leenahay Allaha u siyaadiyo.
Mida aad leedahay meelo kalaa lagu sheegayna waa wax ay faafinayaan adiga iyo kuwa kula midka ah ee neceb Guusha Mujaahidiinta iyo Maamulkooda cadaalada ku saleysan.
Wadanka aad ka hadlayso iyo meelaha aad wax ka sheegeyso xiriir joogto ah iyo xog ogaal baan u nahay…wararka ka imaanayaana waa wax markii la maqlo sujuud ILaahay loo dhaco Allihii abuurtay adoomada baana marqaati ugu filan.
Wax aan waxba isku falaynin inaad tahayna waxay ka cadahay hadalkaaga ugu dambeeya eed ku sheegtay inaad jeceshahay in aad maqasho oo ah magacaabista Xubno haween oo ay raganimadu sheegeyso in afka laga dhowro.
DHAMAAN CADAWGA WANAAGOOW HOOGA…MEEL AAD KU FARXI DOONTAAN WELIGIIN ARKI MAYSAANE ..BEEN ABUURKA ISKU MAAWEELIYA…MEESHA AAD KU DAMBEYSAANA BAL AAN WADA ARAGNO…BALSE MID HADAAN IDIIN SHEEGO….( AAD BAAN IDIIN NECENAHAY).
Well said kaahin cashuur jazaakallaahu kheyr. Al xaqqu ablaj, wal baadilu lajaj. Xaqu waa mid leh iftiin iyo nuur wax soo jiita, baadilkuna waa mid lagu margado oo nafaha caafimaadka qaba ka didayaan.
Annaga soomaali hadaan nahay waa inaan ogaano denbiga waxabaan ku leenahay, oo anagaa fitnadaan u gogol xaarney. Waxaani waa ciqaabe raxmad maahan.
A/C,
Allaah SWC ayaa mahadsan mahad idilkeed ku dayashana waxaa mudan nabi muxamed NNKH, intaa kadib walaalka wadaad yare waxaan weydiin lahaa maanta caalamka islaamka waxa ka socda waan aragnaa sidee xal u aragtaa qaasatan soomaaliya?
qaraalkaaga waxaan ka dareemay haddii aanan qalad fahmin in aad diidan tahay in xabad la qaato xiligan, muxuu xalku yahay , ummadan islaamka ahna ugu dhaqmi kartaa kitaabkii alle u soo dejiyey?
wsc
runtii wanu ka xanuunsanay musiibadii ku dhacday dadkaa muslimiinta ah balse waa natiijo ka dhalatay dagdag wacyi daro aqoon yari dhinaca diinta islaamaka iyo jihaadkii oo si khaldan loo fahmay islaamku waa xal laykumana haysto in uu xal yahay balse waxaa layku haystaa islaamkkeebaa xal ah ma kan qar istuurnimada ah baa mise kan aqoonta iyo wacyiga sare leh?waxaan aad usoo dhawaynayaa aragtida saliimka ah ay soo jeediyeen wadaad yare iyo kaahin canshuur .
To Kamaal iyo inta ku fikrada ah
akhii waxaan ku weydiiyey ma waxaad ahlu xaq u taqaan kuwa yurub maalin walba nooga qudbeeya ee leh, dagaalku waa fidno…walaalkeyga qaaliga ahow kuwaas ahlu xaq lama yiraahdo ee waa ahlu badnu ama kuwa ku fac ah dowrada ay ku qabtaan masjidyada qurbaha… ahlu xah waa kuwii hore ee lahaa qaab ay islaamka ku difaacaan dhinacna waxbarashada ka waday.
akhii culamada maanta ee aab qiyaasaayo inaad kamid tahay ardadooda xal uma hayaan mujtamaca islaamka ee malin walba maalkooda, sharaftooda iyo naftoodaba lagu tuntay ee aad maalin walba ku diganaysaan midki is yiraahdo difaac naftaada iyo maalkaada.
ugu dambeystii culumada sabankaan ee dagaalda fidnada ku sheega aan hal tusaale kaa siiyo…
waxay maalin dhoweyd noogu qabteen mu’tamar sanad la ah meel yurub kamid ah…waxayna dhaheen dagaalka shabaabku wadaan waa <.. walaahi marki muxaadarada dhamaatayna waxaa hoos lagu weydiiyey isla shiikhii sidaas yiri,,maxaa xal ah,, markaasuu yiri waxaa xal ah in la difaaco sharafta, maalka iyo nafta qofka muslimka ah….ee maxaa u tiri waa fidno? marka wadaadadaan sabaka jooga kufaartaa ula baxday <> oo ay ula jeedaan kuwa aan dhibna uga imaaneyn danaha kufaarta.
marka akhii iska dhageyso waxay ku yiraahdaan culamadaas macawisaha waaweyn…hortaadana halagu kufsado gabdhaha xijaaban…ilayn fidnaa u taqaan hadii laiska celiyee.
Googlucky ahlu-beyt…
Horta Nigeria inkastoo Muslinka ubadan yihiin Kiristaana aan yareeyn ayaa ku nool. Nigeria raga markasto xukunka uhayo waa Muslimiin. Meesha Ethiopia Muslinku ubadanyihiin gaaladuna markasto xukunto. Kusoo laabo kooxda lunsan lanabaxday “waxbarashada reer galbeed waa xaaraam.” Miyuusan nabigeena SCW dhihin waa inaad cilmiga raadisaan haduu China idinkagalo xitaa”. Taas kasokoow, mayihiin nimankan baangadaha wato niman dowlada Nigeria xukun katuurikaro xukun fiicana keeni karo iyadoon shacabka dhib badan kasoogaarin. Boko Haram, Alshabaab, Xisbiga waa wada xukun doon kushaqeeysanaya oo baabi inaya cayaal miskiina oo dhago xiran ah oo diintooda jecel.
Wadaad yare,
Waad iska soo noq noqoneysaa ileen qof hadalkaaga raba ma lehee. Waa laguu sheegay
haddii wax ku galaan in fitnadu ay ka daran tahay dhimashada. Marka dulliga maamulka aad
la rabtid muslimiintu waa diideen, Diin la’aan
baa 29 sano nagu haysay dhib iyo dhimasho,
haddana waxaan qaadaneynaa diintii dhabta ahayd
oon agoonta xoolahooda lagu cuneyn, gaalna looga heybeysaneyn.
fikirkeygu waa in uu shaqeeyo caqliga saliimka ah & cadaalada saxda ah aduunyaduna waa in ay dabagal ku sameesaa waxa dhabta ah ee sababay dhibaatad markaa ayaana dawo la heli karaa
MAXA U QABAN KARNAA HEE ANNAKA AYAABA RAFAADSANE AQYAARTA DHIBKU KALIGIIN MAAHAN ADINKA DAWLADIINA AYAA IDIN DISHAY LKN ANNAKA KOOXO AAN LA AQOON WAXA AY YIHHIN AYA NADILA MARKA WASAS HEE
“..Walaa tulquu anfusakum ilatahlukati…” Sadaqallaahul cathiim.
“Qofkii abaabula iskuna dubarida oo hogaamiya qof kale inuu qurta ka jaro ruux banii aadam ah waxaan shaki ku jirin inay mas’uuliyadiisu la mid takahy mida kan gacantiisa wax ku dilay”
…”Isku soo duuboo, kan wax ma garatada haga iyo wax ma garatadu labduba waa eedaysanayaal. Run ahaantii, waxaan oran karaa kan wax ma garatada haga ayaaba sii dambi badan maxaa wacay intuu balaayo maleego ayuu haddana dib isu taagaa asagoo ka saan gadanaya dhibka iyo fitnada uu abuuray ee jaanta rogotay” Qaadiga la yiraado Ian Nordheimer.
Looma baahna qofka banii aadamka ahi inuu qar iska tuuro oo uu salafado dad fara badan. Ninka tira kooban oo fallaaga ah ka hor keenay ciidan qalabaysan oo boqollaal kun gaaraya kama gedisna sida dadka qudhooda jara (intixaarka sameeya).
Midda kale mas’uuliyada danbigan waxaa qoorta suranaya dadka dhallin yaro masaakiin ah garaadka ka xaday ee ka dhaadhiciyay inay Jihaad ku jiraan oo ay janno kasbanayaan.
Ha ku cibra qaato qofkii maskaxdiisu furan tahay oo Alle garaad siiyey.
Naxsabuhum Shuhadaa walaa nuzakii calalaahi axad.
ilaah haka aqbalo,in hooyooyinka muslimiinta ah gablamaan kuwa Kirishtanka ahna ay raaxaystaan ma dhici doonto insha’alaah.
Murugo gaalada ayaa idinkaga dambay doonta aduun iyo aakhiro
hadii aan dhibkaas naloo gaystay ka kacdoono waxaa nala dhahayaa argagaxiso,xagjir,diintu madax martay iyo wax dari.
ilaahoow adaa noo mowlaa
Wadaad Yare howsha halkaas ka wad oo wacyi geli dadkaaga. Ilaah ayaa ajar kaa siin sida aad kuwa caamada ah wax ugu iftiiminaysid.
To: mr- Faisal
Waxaad tahay nin u nisba sheeganaya diin,laakiin aad uga fog; waxaana daliil kuu ah qaabka hadalkaaga ee aad u hadashay; waxaanan kugu meteli karaa ama kugu sifayn karaa inaad tahay qof aad daciif u ah; aragti ama wacyi gaaban, diinta ilaahayna meel dan-niiq ah ama aad uyar ka eegaya; akhlaaqda islaamkana kuma jirto haddalladaa aad qortey, xitaa haddaynu Kaahin Cashuur gaal kasoo qaadno ( waa sidaad doonayside!!)
Abdulsammad
TO: Faysal
Hadalkaaga sidaan ka fahmayo waxaad ku jirtaa madaxda jaahiliintaa ee ciyaalka yar yar afkaarta shaydaan oo intixaarka laga keeney japan diinta uga dhigaya. Baadilkaagi markii toosh weyn lagu ifiyey inaad khal khasho garbaad u leedahay oo qof balaayo qarsanaya shanqar kasta wuu ka shaki qabaa.
Qodobada aad taabatey kuwa ugu muhimsan ayaan naqdinayaa.
Mida ah muslimiintu iney yihiin dad ciso leh oo tataar iyo cadaw kaleba wax ka qaadi waayey, waa kalimad xaq ah ood baadil u daliishaneyso. Waxa lagaa celinayo maahan muslimiintoo wada jira oo cadawgooda iska dhiciyee waa fitno muslimiinta laga dhex shido.
In baadil madhabtaada tahay waxaa daliil u ah kooxdaas falaagada ah waxaad u isticmaashey “muslimiinta” oo macnaheedu yahay( al muslimuun)
Mathhabta koox yar oo falaago ah oo muslimiinta lagu sheego waa mida khawaarijta, takfiirka. Hadii kooxaha falaagadaa muslimiinta lagu tacriifiyo aqlabiyada kale ee iyaga kasoo hor jeeda oo dagaalku kala dhaxeeyo maxey noqonayaan?
Shareexada islaamkood sheegeyso inaad raadineysaan sidoo kale waa kalimad xaq ah oo baadil loola jeedo.
Shareecada aad raadineysaan ood sheegeyso waa xuduuda iyo mathaahir ama muuqaalo kale oo ay ka mid tahay xirashada dharka iwm. Arimahaasna si kastoo ay muhim u yihiin waa wasiilooyin loogu talo galey in lagu gaaro maqaasid sare oo shareecadu xaqiijineyso, oo aan marna gaari karin xaga ahmiyada maqaasida loogu talo galey in lagu gaaro.
Maqaasida shareecadu iney xaqiijiso dooneyso waxaa asaas u ah kulliyaatka shantaa oo ah xifdinta diinta, nafta, maalka, caqliga iyo sharafta ama nasliga.
Wasaa,isha ay xuduudu ka midka tahay hadii loo arko ineysan xaqiijineyn hadafkii loogu talo galey iney xaqiijiyaan, laguma dhegayee wasiilo kale oo hadafka lagu gaaro ayaa loo leexanayaa iyadoon la inkirsaneyn in wasiiladu sharci tahay. Hadaad aqoon u lahaan laheyd usuulul fiqhiga iyo maqaasida sharciga waad ogaan laheyd iney qaacido kasta leedahay istithnaa.
Nasiib darada jirta waxey tahay ciyaal diinta si dabo go,an oon qodneyn u bartey, una isticmaalaya si sun ah ayaa diintii qafaal u qabsadey, markaasey dhalaankii aan diin iyo dhaqan midna aqoon ka dhaadhiciyeen aabahaa soo dil waa gaale.
Diinta aad u qiireysantahay waa acmaasha kamikaaziga iyo masaajidoo leysku qarxiyee diinta halka milyaar iyo barku aaminsanyahay maahan.
TO CALOOFI masha allah wallahi hadalkada meel ayuu iga damqiyey insha allah guusha anagey nagu danbeyneysaa allah ya no balan qadey ee aan adkeysano allah ba nala jiree anaga nalagu firinayaa wa imtixam ee aan adkeysano allah islamka la jiraa gaalo wey jabee iyo gaalo raac insha allah
asc caleeykum waxa ailaah ugu bar yayaa in ilaah ogu awaal mariyo gaalada waxaeey ku sameeyen muslimiinta nageriya ilaahow naga qabo gaalada iyo gaala lajirka