Xasan maxamad ibrahim
xasanyare@msn.com
Habeenkii isniintu soo galeysay ayaa sidii caadada aheyd la soo tiigsaday sidii loo soo gaadhi lahaa salaadda makhrib, qof walbana wuxuu laabta ku sii hayay in caawa lagu ballansanyahay in doodda halkii ay ku istaagtay habeenkii arbacada laga sii wadi doono.
Dooddan dadka wali uma kala bixin labada sheekh midkee baa hadalkiisii meel maray ama xujadiisii adkaatay, aad bayna uga shintirinayeen doodda caawa dhici doonta, waxayna is lahaayeen labada wadaad mid uun baa oodda loo rogi doonaa ama wax uun bay isku af garan doonaan.
Xerta sheekh Muriiddi ee mowlaca soo cammirta waxaa la dareemayaa in maalinba maalinta ka danbeysa uu ka soo yaraanayo dareenkii shakiga lahaa ee ay ka qabeen sheekh Nuur oo ay markii hore is lahaayeen wax baa ka khaldan ama bidco ayuu hoosta ku wataa, rag badan oo xerta sheikh ka mid ahna waxaa wax weyn ka baddalay eraygan sheekh Nuur ku celceliyay ee ah arrinta maxaa daliil loo hayaa, waxayna ogaadeen inaan daliil la’aan waxba soconeynin, xujaduna kuu tooseynin haddii aadan xaddiis ama aayad madasha la imaanin, xerta qaarkeedna waxay billaabeen inay iskula hadlaan in loo baahanyahay in xaddiiska iyo tafsiirka la barto ee aan lagu ekaanin xadrada kaliya.
Sidii caadada aheyd sheekh Muriiddi markii uu salaaddii ka baxay wuxuu carrabka saaray wardigii salaadda dabadeeda la akhriyi jiray, ka dibna wuu duceeyay, markii uu dhammeeyayna wuxuu farta ku fiiqay sheekh Nuur oo uu hadda bartay halka uu masjidka kaga tukado, isaga oo u tilmaamaya inuu soo koco, dooddiina halkii ay ku istaagtay ka sii wado.
Sheekh Nuur markii uu ku soo dhowaaday mixraabka wuxuu soo salaamay sheekh Muriiddi, wuxuuna uga mahad cewliyay fursadda qiimaha badan ee uu siiyay iyo sida sharafta iyo qaddarinta leh ee uu mowliciisa ugu maamuusay.
Sheekh Nuur markii uu makaroofankii qabsaday sidii lagu yaqaannay ducadii furfurashada ayuu ku billaabay, markii uu ebyayna wuxuu yidhi:
Sheekh Nuur: sidii ballantu ahayd hadalka waxaan ka billaabi doonaa meeshii dooddu inoo joogtay; si aan u dhammaystiro jawaabihii aan ka bixin lahaa hadalkii sheekh Muriiddii khayr Alle ha siiyee.
Waxaan ka jawaabay daliilkii hore ee ahaa in nabiga ( صلى الله عليه وسلم ) iyo labadiisii saaxiib ku aasanyhiin masjidka rasuulka صلى الله عليه وسلم waxaana hadda ka jawaabi doonaa labadii arrimood ee kale.
Sheekhu wuxuu sheegay in qubuurta masaajidda laga dhex dhiso laga soo gaadhay culimadii inaga horreysay oo inaga cilmiga badneyd, lamana sheegin sida sheekhu soo guuriyay wax arrintaas inkiray oo iyaga ka mid ahaa.
Arrintaasna waxaan ka leeyahay qof aan ahayn nabi Muxammed صلى الله عليه وسلم hadalkiisa ama ficilkiisu xujo ma aha, xataa saxaabada in hadalkooda la daliishado ama xujo laga dhigto doodbaa culimada dhexdooda kajirta, waliba waxay dooddaasi ku saabsantahay haddii aan daliil ku soo arooray masalada markaas laga hadlayo la haynin, laakiin haddii daliil Xaddiis ama Qur’aan ahi jiro qofna hadalkiisa ama ficilkiisu wax ka soo qaad ma laha.
Masaladan aan ka hadleynana waan soo aroorinnay wax ka mid ah axaadiista ka hadashay xaaraanimadeeda, wax rasuulku xaaraameeyayna qofna xalaal kama dhigi karo, in ajir laga helana iskba daa.
Marka aan sidaas leeyahay culimada ma xaqirin, waxna kama sheegin ee waxaan doonayaa inaan nabiga صلى الله عليه وسلم la xaqirin oo aan hadalkiisa hadal qof kale laga hor marinin, ilaahayna wuxuu Qur’aanka ku yidhi ياءيها الذين آمنوا لا تقدموا بين يدي الله ورسوله واتقوا الله إن الله سميع عليم .
Masalada kale ee sheekhu sheegay waxay ahayd in qubuurta masaajidda laga dhex dhisayo lagu sharfayo dadka saalixiinta ah iyo awliyada, sheekhuna wuxuu sheegay inayna arrintaasi dhib laheyn daliilna ay u tahay in arrintaasi bannaantahay.
Sheekhu run buu sheegay oo waxaa dadka masaajidda loogu dhex aasaa qaddarin daraadeed iyo in loo soo duceeyo oo ay kheyr ka helaan, waxaase is weydiin leh awliyada Ilaahay saxaabadaa kamid ah, kuwii ugu waaweynaaye maxaa baqiic loogu aasay iyo uxud oo masjidka nabiga صلى الله عليه وسلم iyo masaajidda Madiina ee kale loogu aasi waayay? Haddiise arrintan waxkhayr ah ku jro saxaabada yaa uga dadaal badnaan lahaa? Yaase sheegay jid ayna saxaabadii marin oo saxan inuu jiro?.
Waxay ila tahay inay iska caddahay in ciddii la sharfayo loo baahanyahay in loo aaso si sunnada waafaqsan oo lagu dhex xabaalo qubuuraha muslimiinta sida ay saxaabadii iyo taabiciintii iyo salafkii wanaagsanaaba yeeleen.
Haddii la is odhan lahaa arrintan maxaa lagu diidayaa khayr uun baa looga jeedaaye waxaa inaguu filan inaan ogaanno inaan jidka khayrka loo maro aheyn wax ku saleysan sida inala toosan ee uu yahay midkii ay mareen nabiga صلى الله عليه وسلم iyo asxaabtiisu, waana in la ogaadaa inayna jirin diin nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم gadaashii soo dageysa, wax aan maalitii uu noolaa diin aheynna inaanu diin noqoneynin sida uu sheegay imam Maalik.
Gabagabadii lama hayo ilaa iyo hadda wax daliil ah oo lagu banneeyo in qubuuraha masaajidda laga dhex dhiso, waxaase la hayaa adillo aad u fara badan oo xaaraameyneysa, qaarkeedna kulankii hore ayaan ku soo sheegnay haddii loo baahdona waan sii badin karnaa wixii ay culimada shaaficiyadu arrintaas ka sheegeenna haddii loo baahdo waa buux.
Aw cabdi: walaalow anigu ikhwaankan Nuur la leeyahay waan layaabay, dooddiisa uunbaa isaga cad, waxa uu intaas sheekhu cilmi sheegayo kumaba duxayo, anigu ismaba laheyn markii uu sheekhu soo bandhigay xujooyinka faraha badan isma laheyn dib buu u hadli doonaa, haddana wakaas oo wixiiba ebar buu ka dhigay, war ninkan sidee laga yeelaa?.
Ismaaciil: anigu horta madasha waan ku cusbahay, laakiin hadalka aw cabdi baan layaabay, aw cabdow wadaadku qaalallaahu qaala rasuuluhu uun buu sheegaye muxuu dhimay illeyn arki jire doon la iskama noqdee?
Aw nuux: war ninyohow ismaaciilah waabad cusubtahye degdeg badnidaa meesha culimaa hadleysee gaabso.
Sheekh Muriiddi : ikhwaannayaalow horta edebta doodda ha la ilaaliyo, wadaadkuna wax ma dhimin, wixii uu hayo inuu sheegana waa loo ballansanaa, haddii cilmi la sheegana, cilmi baa lagaga jawaabaa, haddii cilmi la waayana waa la aamusaa, cilmiga laguu keenayna waa laraacaa.
Intaas ka dib hadalka sheekh Nuur waxaan ka leeyahay xujooyinka arrintan loo hayo intii aan horay u sheegay kaliya ma aha, waxaana jira adillo kale, waxaana ka mid ah aayadda suuratul kahfi ee ah:
﴿ قَالَ الَّذِينَ غَلَبُوا عَلَى أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِمْ مَسْجِدًا ﴾ oo macneheedu yahay kuwii arrinta u adkaaday waxay yidhaahdeen wallee masjidbaan ka dul sameysaneynaa ( asxaabul kahfiga), aayadduna waxay ka warrameysay dadkii inaga horreeyay, aayaddana laguma sheegin wax sheegaya in go’aankoodaasi khalad ahaa, haddii ay sidaas tahayna sharciga dadkii inaga horreeyay sharci buu inoo yahay, arrintaasina waxay daliil u tahay in qabriga masaajid laga dul dhisi karo, addillo kalena way jirtaaye bal horta aayadda ka jawaab.
Suufi Cali: sheekh Muriiddi, Alle nuur ha ku saaro awalba cilmiga waan kugu ogeyn, laakiin caawa wacdaro ayaad dhigtay bal wakaase wadaadkaas Nuur ah Qur’aankaas xal ha u keeno ama xujo kale ha la yimaaddo, sidaasaa cilmiga loo bayaaniyaa ama waa la iska aamusaa, faataxada isku soo dara in Ilaahay sheekha il iyo in xunba ka duwo, in Ilaahay carrabkiisa cilmi ku tiro, in Ilaahay camalkiisa wanaagsan badiyo, in Ilaahay cadowgiisa qabto, annagana Ilaahay xikmaddiisa ha nagu anfoco.. aamiin faataxada mara .. faatoxo!.
Sheikh Nuur: khayr Alle ha siiyo sheekha iyo xertiisaba waa dad wanaagsan oo khayrka jecel, doodad na dhexmareysana dagaal iyo colaad ma ahee waxaan ka wada hadleynaa waa diinteennii inaga wada dhexeysay ee nin waliba marka uu qabri galo la weydiin lahaa, anigana nuur ahaan hadafkaygu ma aha garta hel iyo goobta u hadh ee waa naseexo iyo talo walaalnimo, xaqa in walaakey sheego oo aan raaco ayaan ka jeclahay inaan anigu sheego, marka yaan dadka qaar is moodsiinin in meesha tartan ka jiro ama lagu lagdamayo.
Aayadda sheekhu daliishaday oo ah aayadda 21aad ee suuratul kahfi waa xaq, Ilaahay baana soo dajiyay, taasina dood ma laha ee waxaa dood leh ayaaddu daliil ma u tahay arrintii aan ka hadleyney ee aheyd in qubuuraha masaajid laga dul dhiso ama dadka lagu aaso masaajidda dhexdooda?.
Sheekhu wuxuu sheegay in sharciga dadkii inaga horreeyay sharci inoo yahay, arrintaasna culimadu dhowr qeybood bay u kala qaadeen: midda 1aad waa wixii dadkii inaga horreeyay sharci u ahaa sharcigeenana la inagu amray sida soonka oo kale, arrintaasna waxay culimadu isku waafaqsanyihiin in lagu dhaqmo.
Midda 2aadna waa wax iyaga sharci u ahaa oo sharcigeennu nasakhay sida in qof loo sujoodo oo kale ( وخروا له سجدا) , taasna la iskuma khilaafsana inayna sharci inoo aheyn .
Midda saddexaad waa waxyaabo ummadihii hore sharci u ahaa, laakiin aan diinteenna lagu sheegin, taasna la isku ma hayo inayna sharci inoo noqoneynin.
Midda afraad waa waxyaabo dadkii hore sharci u ahaa, sharcigeenuna sheegay, laakiin aan la heynin daliil gaar ah oo sheegaya inuu arrinkaasi sharci inoo yahay, arintaasna culimadu way isku khilaafeen, shaaficiyaduna waxay u badanyihiin inay dheheen sharci inooma noqonayo ilaa in la helo daliil sheegaya inuu sharci inoo yahay mooyaane.
Haddaba afrtaas arrimood ee aan soo sheegnay midkee buu galayaa macnaha aayadda ku soo arooray? Ma yahay wax shareecadeennu ina amartay inaan sameyno? Jawaabtu waa maya oo wax daliil ah oo amraya in qubuurta masaajid laga dul dhiso ma jiro.
Sidaas oo kale marka meesha laga saaro inaanu sharcigeenna ku soo aroorin; maxaa yeelay waaba ayaad qur’aan ah waxa aan ka hadleynaaye waxaa soo hadhay labo arrimood oo kala ah: in arrintani ay tahay wax shareecadeennu ka hadashay oo nasakhday iyo inay ka aamustay, bal haddba keebaa aayaddad macneheeda u dhow. Waxay ila tahay in qubuurta masaajid laga dhiso shareecadeennu kama aamusin ee way ka hadashay, wayna xaaraameysay, hadiiba aan marka isla ogolaanno in macnaha aayaddu ka hadleyso loo aqoonsado inuu sharcigii dadkii inaga horreeyay yahay sidee buu sharci inoogu noqonayaa iyada oo adillo badan oo diinteenna ahi ay xaaraameysay in qubuurta masaajid laga dhiso.
Waliba waxaa intaas sii dheer rag culimada ka mid ah waxayba sheegeen in dadka yidhi masjid baan qubuurta asxaabul kahfiga ka dhisanaynaa ay yihiin dadkii kharribnaa, ragga sidaas tilmaamayna waxaa ka mid ah Alle ha u naxariistee Ibnu Rajab, wuxuuna yidhi :
” وقد دل القرآن على مثل ما دل عليه هذا الحديث ، وهو قول الله عز وجل في قصة أصحاب الكهف : ﴿ قَالَ الَّذِينَ غَلَبُوا عَلَى أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِمْ مَسْجِدًا ﴾ فجعل اتخاذ القبور على المساجد من فعل أهل الغلبة على الأمور ، وذلك يشعر بان مستنده القهر والغلبة وإتباع الهوى وأنه ليس من فعل أهل العلم والفضل المنتصر لما أنزل الله على رسله من الهدى[1]
Hadalkaas macnihiisuna waxaa weeye Qur’aankuna wuxuu ina tusay wixii xaddiisku ina tusay, Ilaahayna in qubuurta masaajid laga dul dhiso wuxuu ka dhigay fal ay sameeyeen dadkii xoogga wax ku meel marsaday, taasina waxay ina dareensiinaysaa inay taasi ka dhalatay qasab iyo xoog iyo hawo raac ee ayna aheyn wax ay sameeyeen dadkii cilmiga iyo fadliga lahaa ee iyagu xujada ka dhigta wixii Ilaahay rusushiisa ku soo dajiyay.
Hadalkaas gabagabadiisu waxaa weeye masaladan aan ka hadleyno axaadiis badan oo saxiix ah baa ku soo aroortay, xaaraannimadeeda iyaga inaan raacno waxaan aheynna inooma furna, aayadduna sida aad wada aragteen looma daliishankaro inay bannaantahay in qubuuraha masaajid laga dhiso.
Sheikh Muriiddi: hadalku wuu dheeeraaday, salaaddiina waa la gaadhay, walina dooddii ma dhammaanin oo addillo kale ayaan wali sii hayaa, marka waxay ila tahay aan iska tukanno, kulanka xigana arbacada ha inoo ahaado inshaa Allaah.
Sheekh Nuur: waxba kama qabo.
Dhammaan : waa inoo sidaas.
[1] « فتح الباري في شرح البخاري » ( 65 / 280 ) من « الكواكب الدراري »

Related posts:
Anigu waxaan oo cilmi ah waxa ummadda loogu sheegi waayey ma garan. dad baa jira aan Internet galin ee waxaa fiican in cajalado loogu duubo. Dooddii live-ka ahayd ee Nairobi ka dhacday aad baa looga faa’iidaystay, tan allifaadda ah lafteedu waxtar weyn bay ummadda u yeelan lahayd, waliba waayadaan dambe waxaa socda olole lagu doonayo in lagu soo nooleeyo khuraafadii Ilaahay Shabigeena ka saaray.
jasaahullaahu khayral jasaa alshaykh abuu xassaan. maqaal aad uqiima badan. faa,iidooyin badana xambaarsan.
run ahaan tii aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa shiikha iyo waliba wesite ka somali mirror.com.
in tii web kaas la aasaasay waa ay ku liimaanen dhammaan umda muslimkaa gaar ahaan umada somaliyeed.
ilaahay culimada habarakeeyo hana xifdiyo.
wabilaahi towfiiq.