Agoonkii Dulmane & awowgii Dagane

Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

Saddex sano ka hor ayay aheyd markii uu internetka ku faafay qoraal hal-abuur ah oo uu cinwaankiisu ahaa: Arligu waa dhaxalkeygee, hayga iibin awoowe. Qoraalkaas oo ahaa warqad furan, wuxuu ka socday agoon da’ yar oo magaciisu ahaa Dulmane , wuxuuna kula hadlayay odayaal uu ugu horreeyo awowgii Dagane oo xilligaas u ololeynayay sidii ciidamado shisheeye carrada loo keeni lahaa.

Nasiibdarro, walow duq Dagane iyo saaxiibbadiis aysan diif ma ahine duxi ka raacin dibindaabyadii ay sanado badan dadkooda ku sameynayeen, haddana, wali kama daalin in uu cadow dusha ka rarto, durriyadoodadana ay maalinba dabinno cusub u soo malegaan. Dooddu haddii ay shalay aheyd,ciidamo shacabka dabargooya ha la dalbado, si dano gaar ahaaneed loo fushado. Maanta tan taallaa waa dad ma jiree aan dalkan beylahan doollar siisanno iyo dalba ma jiro oo deegaankan Ilaahey lama kala lahan.

Badi laga diimoone, maxay dadka Soomaaliyeed kala socdaan halista ku soo fool leh 10ka Ogoosto 2009ka iyo heshiiska lagu boobayo baddeenna ee lala saxiixday waddanka Keyna? Heshiiskan oo ay Kenya ku hunguriyayneyso dhul-badeed uu bedkiisu ka badan yahay 100,000km2 (boqol kun oo kiilomitir oo labojibbaaran) waa mid ka mid ah heshiisyo dhagareed isdabataxan oo dhamaantood habeen mugdi lagu wada saxiixay.Heshiisyadan waxaa hareer socda hagardaamooyin kale oo la yaab leh. Calanka buluugga ahi waa calal ee ha la dajiyo. Dalka Soomaaliyeed lama kala laha, dowladnimana warkeedaba daa. Damaceyga ayaa diin ah ee Digtoooooonow!!

Ma aha wax lagu diimo in shaqsi damiirlaawe ahi uu dadkiisii iyo dalkiisii dufan yar siisto, waxayse dooddu ka joogtaa oo inta aan dammaneyn ka dagi la’, in dulmiga intaas la eg diinteenna sharfan qiil looga daydayo. Waxaa isweydiin mudan, duulalkan daliilka jaban oo ay ogyihiin iyo carrabka dalabta leh ku dikrinayaa ma waxay hilmaansanyihiin in uu Daa’in weyne dusha ka daalacanaayo, mise xisaabta dambeysaba dan kama lahan?

Kuwa tirada yar ee ay doonis-xumidu halista ula sii durkeyso , waxaa hubaal ah haddii ay sidan ku sii socdaan in ay doontu kula degi doonto badweyn aan laga dabaalan karin oo ay dib uga shallaayi doonaan. Waxaa habboon in ay dib u xisaabtamaan, oo haddii ay diin, damiir iyo damqasho yar leeyihiin ay qiimeeyaan duruufaha ku xeeran danyarta ay dusheeda ku dirirayaan, dhiiggeeda daadanaya ay deeqda iyo darajada ka raadinayaan.

Ugu dambeyntii, waxaan qoraalka ku soo gabagabeynayaa geeraarkii uu agoonkii Dulmane u diray awowogii Dagane, anoo Rabbiga darajada weyn ka baryaya inuu danyarta dulman degdeg ugu hiilliyo, inta uu iimaanku dabeyshadayna dib noogu soo hanuuniyo.

Wuxuu geeraarku ku billaabmayaa:

Shimbirkeyga Abwaanow
Ugaaskii nabadeedow
Afhayeenka kan liitow
Abbaanduullaha khayrkow
Arraxmaan ha ku daayoo
Kaama waayo agteydee
Anigoon ixtiraamka
Edabtii wax u sheeggiyo
Asluubtiiba hilmaamin
Awoowahayga habaabiyo
Odayadaan nasan waayee
Cadowgu uu ajaraayoo
Arrinkii ka xumaaday
Erey yar oon u faraayiyo
Akhbaartaan degdeggaa
Orod saaxiib u geeyoo
Akhrisku kuu ku cuslaado
U higgaadi farriinta
Ku adkee fahamkeeda
Ula jeedka dhacsii
Inkirmaadna ma fiicnee
Ikhwaanow digiddaada
Shacabku suu ogaado
Idilkoodba ha gaartee
Ogeysiiska ka sheegoo
Isgaarsiinta ku faafi :

“ Waa iska xaalad adduunyee
Agoon baan ahay maanta
Aabbihii Abshir Daacad
Aadaanki salaadda
Asagoo kallahaayoo
U ordaaya Masaajid
Oo istaaqfurulleysan
Ashadaadna qiraaya
Qaar isbaaro u taallo
Oo Ibleysku hagaayo
Oo alaalax sakhraansan
Akee ay ku fureenoo
Afartankii ku dhammaatay
Amintiina xijaabtay
Hooyadiis Asli Caatana
Arbacadii kala haadka
Iyo maati xasuuqa
Iyadoo afar maalin
Aan afkeeda wax saarin
Ajasheedi dhamaatooy
Umul raacatay baahi
Alle how naxariisto.

Axaddii Madfac tuurkiyo
Isniintii ka dambeysee
Boqollaalka la aasay
Arabbikhi aan badnayn iyo
Ukun reerka u taallay
Isagoo mid acuuduye
Inkaar qabaa naga booboon
Gaajo sii engegeynoo
Ciddu oon haqaneyso
Walaalkey Axmeddey iyo
Inantii ka yareydba
Iyagoo biyo raadshay
Aroorkey u baxeen baa
Aragti iigu dambeysoo
Gantaalihii la afuufay
Iney unuunka jareenoo
Iilkii hoose la geeyoo
Ifka ay ka tageenba
Gadaal baan ka ogaaday
Alle how naxariisto.

Ehelkey markaan waayay
Arxan waaban ka quustay
Aroortii ma quraacdo
Ayaan ayaan ma qadeeyo
Cashana waaban illoobay
Adkeysi baan jiscintaayoo
Ilmada aan ku tiraa
Waxa aanse ogsoonay
Hadduu Eebbe yiraahdo
Mar inaan istareexiyoo
Aaggoo noo nabadoobay
Intifaacsan dhulkeygoo
Amaah looma baxshaaniyo
Arligu waa dhaxalkeygee
Aakhiraan la hureyne
Ilaahaaga ka yaaboo
Rabbi baa wax arsaaqee
Adigoo anfac raadin
Hayga iibin Awoowe!

Ubad baan ahay yaabban
Adduunkii ku dhibtooday
Abaar tii u darneyd iyo
Cudur oofaha gooyay
Saan u aallo bal eeg
Itaalkeyga bal fiiri
Axe! meeyay damiirkii?
Aahe! waa ku sidee?
Aqligii ma dhammaaday?
Aawayey Naxariistii?
Miyaadan aadmi ahayn?

Jirro markey i asiibto
Aasbiriin wax i siiya
Abidkey uma jeedin
Oofwareenkan la taahi
Oohdimaa igu taagan
Araggu weyga xumaaday
Ma awoodo ciyaaroo
Istaaggaan ka dhacaa
Qufac baan uxu leeyay
Xanuunka meel an la aadiyo
Isbitaal ma aqaanno
Uskag shey lala tuuriyo
Calal markaan arki waayo
Arradkaan huwadaayoo
Asturaadba ma haysto
Hadduuse Eebbe yiraahdo
Ixsaankii lagu diimiyo
Axaadiisti Rasuulka (SCW)
Mar baa aayadda diinta
Lagu oogi dastuurkoo
Aaran loo gudbayaaye
Amaah looma baxshaan iyo
Arligu waa dhaxalkeygee
Aakhiraan la hureyne
Ilaahaaga ka yaaboo
Rabbi baa wax arsaaqee
Adigoo anfac raadin
Hayga Iibin Awoowe!

Ileys waa mid aqoone
Ardadoon la sinnaado
Ama aan u horreeyoo
Aan abaalmarin qaato
Amiirkii berritooliyo
Ubax laygu misaalo
Waan jaclaa dugsi aadkoo
Alif aan ka billaabo
Illaa aan Injinneeriyo
Dhaqtar loo wada aayo
Ustaad faafin tacliintiyo
Noqdo Aw dhiga diintoo
Bulshadiisa iftiinsha
Waase ley eryayaayoo
Oggolaansho ma haysto
Waxyow soo urayaahi
Ka dhaqaaq agaheenniyo
Aflagaaddiyo caydaa
Ehbin laygu daraayoo
Ma niyeysto albaabka
Hadduuse Eebbe yiraahdo
Aamiintaan ku duceyno
Intuu Weyne ajiiboo
Afmiishaarta la buubsho
Indheergarad la tilmaamiyo
Akhiyaartoo hageysa
Mar un bey umaddeydu
Xuquuqdeyda ogaanne
Amaah looma baxshaan iyo
Arligu waa dhaxalkeygee
Aakhiraan la hureyne
Ilaahaaga ka yaaboo
Rabbi baa wax arsaaqee
Adigoo anfac raadin
Hayga Iibin awoowe!

Oogadeyda rafaadka
Indhahayga qarsoomay
Addimadaan qalqaloocdiyo
Ilkahaan kala jeestay
Horay looma arkaan iyo
Wax kalaan u ekaadoo
Marka aan ag maraayo
Dadku wey orriyaanoo
Waa ogaal li’idoode
Waa addoon xiska beeley
Yay intaa ku hayaanoo
Alaab saan ahay tood ah
Ababin qaar an lahayn iyo
Ilmahaa igu dheeloo
Uusey naaxay jugtiisiyo
Urug haddaan ka badbaado
Waa Alxamdu-Lillaahi
Hadduuse Eebbe yiraahdo
Mar bey eeddiyo aayo
Abtigii an tabaayiyo
Adeeroo is xilqaamay
Asxaab khayrka u heellan
Is uruursanayaanoo
Sida Islaamka dhashooda
Aayaamaha carrafaad iyo
Iidda aan farxayaaye
Amaah looma baxshaan iyo
Arligu waa dhaxalkeygee
Aakhiraan la hureyne
Ilaahaaga ka yaaboo
Rabbi baa wax arsaaqee
Adigoo anfac raadin
Hayga Iibin awoowe!

Afrika meeshan ku aallo
Inaan Soomaali ahaado
Waan ku faani abkeyga
Isirkeygii horeeto
Asaaggiis uma liidan
Ajnabi soo duldagaayoo
Oogadooda raraayiyo
Isticmaarki ma yeelin
Askarteenni difaaciyo
Waatii ciidan ammaanan
Shicibkeennu istaagay
Maantana waa imtixaane
Waxaan ciilka la ooyay
Uurku uu I bukooday
Argagaxoon filan waayay
Markii qaar ibtilooboo
Iimaankii laga siiboo
Akhlaaq maafiyo yeeshay
Qaar dhulkii bar ijaare
Qaarna uu sun ku aasay
Qaarna ay ololsheenba
Qaarna uu alalaasoo
Addoonsi baanu rabnaayoo
Aqbal weeye dheheeniyo
Indhosarcaadkiyo beenta
Ahbal sheekadu moogyay
Anfariir waxa taagan
Amakaaggiyo yaabka
Ayaxaa la wacaayo
Wuxu eel ka tagaayo
Aayatiinka dambeetiyo
Berri aafo dhigaaya
Hadduuse Eebbe yiraahdo
Alle Aamin ma iishoo
Axad Weyne rumeeyay
Awood looguma faano
Ilaah baa I abuurtoo
Addeec waa igu waajib
Waa Islaam mabda’eygu
Sidii Imaamki Gurey iyo
Geesiyaashi adduunkee
Abley guusha ku keenay
Anoo Allaah ku takbiirsan
Ururradii Danabeed iyo
Guutooyin baan unkayaayoo
Axmaqii I haweysta
Inta aan ul u qaato
Anigaa eryan doonoo
Uuley waa is naqaanne
Intaan Abeeso na ruugin
Aan abaabul billaabee
Amaah looma baxshaan iyo
Arligu waa dhaxalkeygee
Aakhiraan la hureyne
Ilaahaaga ka yaaboo
Rabbi baa wax arsaaqee
Adigoo anfac raadin
Hayga Iibin awoowe!

Arligu waa dhaxalkeygee
Hayga iibin Awoowe!

Rabbi baa wax arsaaqee
Hayga iibin awoowe!

Adigoo anfac raadin
Haygya iibin awoowe!

Ilaahaaga ka yaaboo
Hayga iibin Awoowe!

Aakhiraan la hureyne
Hayga iibin awoowe!

Hayga iibin Awoowe!
Hayga iibin Awoowe!
Hayga Iibin Awoowe!

Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

13 Comment(s)

  1. Waa hadal mudan taageero iyo taabbagalin.

    Samadoon | Aug 2, 2009 | Reply

  2. waa hadal aan la ilmeeyey mudana inay soomaali u wada kacdo wax ka qabadkiisa mahadsanid cibaar.

    gobey | Aug 4, 2009 | Reply

  3. it is nice man waa xikmad u baahan in dad badani akhriyaan likay wax u fahman

    guleid | Aug 28, 2009 | Reply

  4. ilahay khayr iyo ajarba haka siiyo wax sheegaaga haboon abwanaka halabuurkan leh wax iga dhex muuqda iimaan wacan damiir wadaninimo iyo deeqsinmo sugaaned waxna leyahay amaan laguma soo koobi karo waxdna gudatay waajibkagi dadna wax ugu ayan badan uguna khayr badan qofka waajibkisa qabta

    lasanod | Sep 29, 2009 | Reply

  5. WAA XIGMAD ILAHAYKU GALADAY WALEELKEEN WUU NA NOGA FAA IIDEEYAY ALAH KA AJAR SIIYO

    SHEEQ A/RAHMAN | Oct 10, 2009 | Reply

  6. Waxa aad u salamay abwaanka dareenka iyo dhiiga ku jiro,

    waxan u mahadcelinaya qoraga sida hufan nogu soo qoray asaga oo ka fiirnaya in isla dareen aan noqono.

    somaliyey ma ahan kuwa na xukuma oo kaliya ee shacabkana dhib aya ka jirta,, waayo hal mid fiiri waligeen ma u ducayn in madaxda ay noqdaan kuwo ilahay hanuuniyo,, ee waxan ugu filanahay in aan cayno o kaliya,,,

    Aaan mar u ducayno madaxda si ilahay meesha suuban u tusiyo,, anaga oo qalbiga ka taagayrayna hadii xata aan nicib nahay,, si mar kale aan kugu racaysano dalkeena

    axmedsanbuqo | Nov 5, 2009 | Reply

  7. Ugu horayn waxan u mahad celinayaa qoraaga noo soo badhigay qisadaan yaabkale run ahaantii dhibka haysta umada soomaaliyeed waxuu kayimid odayaasha iyagoo danahooda gaarka ah waxaase na siib xumo ah in waxa falka fulinaya ay yihiin dhalinyaro maskaxda laga xaday da,yarta ayay naftoodu ku baaba,aysaa ee odayaashu qori qaadimayan 5/6/08anagoo joogna nairobi ayaan waxaan la kunay anagoo dhalinyaro badan ah oday katirsanaa dawladii siyaad bare waxaana waydiinay see dhiiga dadka soomaaliyeed lagu badbaadinkaraa? dalkana xalwaara loogu helikaraa? Waxuuna nagu yiri ninkasta aabihiis hasoo dilo waxay nala noqotay layaab! waxana ku niri maxad ugala jeeda waxuuna yiri fidmada dalka kasocota waxaa wada odayaasha marka in iyaga lalaayo mahane xalkale lama helayo marka hadalkayga waxan ku soo gaba gabaynayaa madaxda ayaan ka dhimanaye allaha hanoo soo hanuuniyo masaakintana dhibka haka dulqaado amiiiiiiiiin wabilaahi tawfiiq

    Afdhuub | Nov 29, 2009 | Reply

  8. Ilaahay hakaa abaal mariyo abwaanka oo naga faa iidayey abwaanimadiisa . wuxuuna ka cabiray halka xaalad somalia ay marays wana abwaaan kii iigu horeeyey oo aan hadalkiiisa la ooyay runtii waan ilmayey maxaa yeelay runta markii laga hadlo waad qiiroo naysaa waxaa laga ma maarmaan ah in aad oydo ama giiro wayn ku gash0 mana hilmaami doonno haduu ilaahay yiraahdo abwaan kan, caaqilkan, wadaadkan,rugcadaagan runtii ma dhamayn karo amaantiisa lakiiin ilaahay ka abaal mariyo wanaaga oo ku booriyay umada soomaliyeed

    c/qaadir axmed c/lle | Nov 30, 2009 | Reply

  9. AL-XAMDULILAAHI RABIL CAALAMIIN WASALAATU WASALAAMU CALAA ASHRAFIL AMBIYAA’I WAL MUSLIMIIN {S.C.W} mahad oo idil ilaahey bey u sugnaatey mida xigto walaalkeen ajir eebe ka siiyo walaala yaal waa iga codsi fadlan sxbadaa iyo qaraabadaada u sheeg arin

    Xaaji | Feb 6, 2010 | Reply

  10. dhamaan waan idinsalaamay soomaaliyeey meelkasta oo aad dunida kajoogtaan mida kale ilaahey niyadeen mid hakadhigo walaalkeen abwaanka ah aad ayuu umahadsaqn yahay waainaan waxa uu dareensan yahay aan dareenaan walaalayaal soomaalida ilaahey heys jecleeysiiyo

    suleiman | Feb 16, 2010 | Reply

  11. gabaygaan waa gabay mudan iyo bogaadin kan soo qorayna waxaan ku adkeyneynaa in uu soo gabayo gabaygaan oo kale ah oo ka hadlayo dadka caloolaha weyn oo dhulka iibsanayaa waxaana in uu dhulku yahay amaah looma baxshaaniyo arlig waa dhaxalkeyna ee walaale hanaga iibin aan intifaan sanee by by byyyyyy…..

    dhuxulow dhar ma qaate dhuuso ajaay | Mar 30, 2010 | Reply

  12. figradeeda aad iyo aad ayaan iiga mahad dhaqaayaa sida wanaagsan aad u habeeseen barnaamijkaaan waana idinku taageersanahay walaalyaal wixi taageer ah aaad yaaga baahatiin diyaar ayaan u ahay email keega waa ajakis@hotmail.com numberka tell keega waa 15573126 by by asc

    cali axmed | May 12, 2010 | Reply

  13. waa oraah si qaldan loo abuuray kana muuqata ninka abuuray inuu wadaadada ugu gafayo
    waxaana kula talin lahaa inuu cudurdaar ka bixiyo ninka qoray geeraarkan

    farxiyo | Jul 6, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo