Dad Badan oo lafa gura Siyaasadda Nigeria waxay Shaki galinayaan siday Run ku noqon karto Guusha ay Ciidamada Booliiska Nigeria Sheegteen oo ah inay soo Afjareen kana guuleysteen Jamaacadii Islaamiga ahayd ee u Ololeynaysa inay Wadanka ka Hirgaliso ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.
Nigeria waxaa ku Nool Muslimiin gaaraysa 60 Milyan oo u dhiganta 40% Dadka ku Nool Nigeria oo gaaraya 150 Milyan oo Qof oo isugu jira Muslimiin, Masiixiyiin iyo Wathaniyiin.
Maxaliyiin badan ayaa sheegay in Dilka ay Ciidamada Amaanku u geysteen Maxamed Yuusuf Hogaamiyaha Jamaacadda “Boko Haraam” aysan Macnaheedu ahayn in la soo xiray ama la soo Owday Wadadii ay ku socdeen Islaamiyiinta Nigeria si kasta oo ay arintu Noqotaba, sababtoo ah waxaa si aad ah loo filayaa inay Dhacaan weeraro waaweyn oo Aar gudasho ah.
Hay’adaha u Dooda Xuquuqul Insaanka ayaa ku Baaqey inay lagama maar-maan tahay in la Dabo galo Dilkii loo geystay Maxamed Yuusuf iyo sidoo kale Dilalkii iyo xarigii lagula kacay Boqolaal Shacab ah, waxayna Hay’adahaasi sheegeen in Dadkaasi lagu dilay rasaas lagaga dhuftay xagga Danbe.
Mas’uuliyiin Nigerian ah ayaa Qiray in Maxamed Yuusuf Hogaamiyaha Jamaacadda “Boko Haram” oo sidoo kale loo Yaqaano “Daalibaaniyiinta Nigeeriya” la dilay ka dib markii lala baxay Habeenkii Khamiista lana haystay mudo 4 maalin ah, Wakaaladaha Wararka Qaar waxay soo bandhigeen Sawirkiisa oo la suureeyay (la jar-jaray) ka dib markii la dilay.
Afahayeen u hadlay Booliiska oo lagu Magacaabo Emmanuel Oojokon ayaa yiri “Jamaacadda Boko Haraam waxay Awoodeeda Xarako ku tiirsanayd Hogaamiyahood Maxamed Yuusuf, wuxuuna ahaa Hanuuniyahooda, wuxuuna Taageerayaashiisa siin jiray Dareen ah inay adeegsadaan ishortaag iyo awood”.
laakiin Dadka u Dhuundaloola arintani waxay Xaqiijiyeen arin sida loo sheegay khilaafsan, waxayna Tilmaameen in Xarakaddan Islaamiga ah ee ka jirta Nigeria aysan ahayn mid Duruuftu ay sameysay oo KMG ah oo Mudo yar jirtay balse waa Mid ka dhalatay Rabitaanka Shacabka Islaamiga ah ee Nigeria, waxayna sidoo kale ku tilmaameen inay Tahay mid ay ku Taamayaan(Hirgalinta Shareecadda) Asalna u leeyihiin Muslimiinta Nigeria.
Dhanka kale Hay’adda Human Rights Watch ayaa ku Baaqday in Baaritaan Deg deg ah lagu sameeyo Dhacdooyinkii ka dhacay Nigeria oo ay ku tilmaantay Mid ay Dhiig badani ku daateen oo aan gacmaha laga laaban karin.
Afahayeen u haday Human Rights Watch oo lagu Magacaabo Eric Joios ayaa yiri “Sharci ma aha Dilka loo geystay Maxamed Yuusuf isaga oo ku jira Gacanta Booliiska, waxayna arintaasi wax laga argagaxo oo Bahdil ah ku tahay Qaanuunka Nigeria”, waxayna Dadka qaar u arkaan warkaasi mid lagu Neefinayo Caradda ay Qabaan Muslimiinta Nigeria.
Haweenay xaga Cilmi Baarista uga Shaqeysa Hay’adda Human Rights Watch oo lagu magacaabo Corinne Dufka ayaa iyadana tiri “Madaxda Nigeria waxaa Waajib ku ah inay si Deg deg ah u Baaraan Qadiyadan, Maxkamadna soo taagto Cid walba oo ku lug leh Dilalkii aan Sharciga ahayn ee ka dhacay Gobolada Waqooyiga ee Nigeria’.
Sida Dadka wax Odorasa Rumeysan yihiin Dilka Hogaamiyaha Kooxda Boko Xaraam ayaan saameyn fog ku yeelan doonin howlaha iyo dadaalka Kooxdiisu ku dooneysay inay ka xaqiijiyo Dalka Nigeria, maxaa yeelay waa mid Mabaa’di ku taagan sidoo kalena aan ku xirneyn cid gaar ah.
Afhayeen u Hadley Bileyska Nigeria waxa uu Qirey inay jirto baqdin xoogan oo laga qabo Waqooyiga Nigeria xilliyada soo aadan, taas oo ah in Iska hor’imaadyadu halkoodii ka sii socdaan.
Dadka wax falan qeeya waxay adkeynayaan yoolka kooxdan ee ah dhaqan gelinta Shareecada Islaamka in aysan suurta gal aheyn sahalkan inuu ku dhamaado.
Dhiiga Qubanaya ee Nigeria oo aan intaa ku Eekaneynin.
Wargeyska Time ee ka soo baxa Mareykanka Ayaa u aragta arintu mid aan sidan ku dhamaan balse dib laga casbi qabo inay ka soo cusboonaadey Isku dhacyo hor leh oo u dhaxeeya Muslimiinta & Masiixiyiinta.
Hadafka kooxda Book Xaraam ayuu Wargeysku ku sheegay inay tahey ridida Xukuumada Faderalka ee dalka ka jirta si ay u xaqiijiyaan Yoolka ay hiigsanayaan ee ah dhaqan gelinta Shareecada Islaamka & dhisida Nidaam Islaami.
Wargeysku isaga oo arinta ka sii hadlaya waxa uu tusaale u soo qaatey go’aankii 2004 Dowladu shaacisey ee ahaa kooxdan inay ka takhalustay, balse sanado ka dib dib iska soo abaabushey una istaagtey dhaqan gelinta Shareecada Islaamka, sidoo kale qaadey weerar ka dhan Xarumo Dowladu leedahey oo muhiim ah.
Wargeyska ayaa ka digay waxay ku tilmaamtey burkaanta carada oo ay ula jeedo isku dhacyo salka ku haya xagga diinta oo ka dhex dilaaca dadka ku dhaqan Dalka Nigeria oo lagu qiyaaso 150 Malyan oo qof oo isugu jira Muslimiin Waqooyi ku nool & Masiixiyiin Koonfurta ku nool.
Maxamed Nadiim oo Baarlamaanka ka soo galey Gobolka Borno ee Waqooyi ayaa sheegay inay jiraan xad gudubyo ka dhan ah Muslimiinta waqooyiga ku nool salkana ku hayo kacdoomada mar walba halkaas ka soo cusboonaadaa.
Waxa uu sidoo kale tilmaamey inay jireen sanadii ugu danbeeyay Jiil cusub oo caaboon kana tirsan dadka nolosha dhexe ku nool, kuna dhegan madaa’di diimeed oo ka madhan afkaaro khaldan iyo khuraafaad, kana soo horjeeda ku dayashada Reer Galbeedka iyo in xaga dhaqama lagu daydo dadka Masiixiyiinta ee Dalka kula nool.
Dadka A’imada ah ee ku nool waqooyiga dalka waxay sheegayaan kooxdan oo u badan Shabaab inay aaminsan yihiin Abayaalkood Xoolihii ay kasbadeen dariiq sharci ah inaaney u marin sidaa daraadeed doonayaan inay ka xalaaloobaan, waxay sidoo kale sheegeen inay u hamuun qabaan dhaqan gelinta Shareecada Islaamka.
Warbixintan waxaa Diyaariyay:- Axmed Cabaas
Waxaa lagu faafiyay:- www.islammemo.cc
Waxaa Tarjumay:- Somalimirror.com

Related posts:
Al kullu yaddacii bilaylaa waslan
wa laylaa laa tuqirru lahum bithaaka
Nin kasta oo ku hal qabsada shareecada inuu u dagaalamayo macnaheedu ma waxaa weeye inuu shareecada matalayo?
Kacdoon dhalin yaro oon laheyn jiho oo bur burinaya kulliyaatkii shareecada asaaska u ahaa oo ahaa xifdinta diinta, nafta, maalka, cirdiga iyo caqliga in laga dhigo maalin kasta iney dad ahlu sharci ah yihiin, waxey meel ka dhac ku tahay shareecada islaamka xaniifkaa.
Kacdoomadaan maskax la,aantaa waa kacdoomadii khawaarijtu caanka ku ahaayeen oo umada islaamka wiiqdey. Waa daruurtii asaxaabu thullah lagu halaagey ee ha u maleynina iney daruur kheyr ah oo raxmad ah tahay.
a/c/w/w
alle haunaxariisto walaalkeen maxamed yuusuf,mida kale wexey ila tahay alle idankii inaan hadafku joogsan doonin maxaa yeelay taariikhda dib ufiiriya, dudayeef markii ladilay gaaladu wexey dheheen muslimiinta jeejniya waala jabiyay kadib ayeyna jejniya oo dhan qabsadeen, soomaaliya fiiri markii ladilay macalin aadan gaalada iyo gaalo raacyada wexey dheheen al shabaab waala jabiyay dalka intiisa badanna kadib ayey lawareegeen , marka muslimiintu dhibka iyo leynta waa ku koraan ooku bulaalmaan ,waxaa kamida wiilashii mujaahidiinta ahaa oo ay mooryaanta indhacade ayku dileen shalaambood oosoo dedejisay lawareegidii shabeelada hoose, iwm guusha waxaa iskaleh kooxdii alleku xiran ee aan allah ku xirnaano wabilaahi towfiiq
Bal ka warran haday ku adkaystaan 60% masiixiyiinta/wathaniyiinta ee Nigeria dalka oo dhan waxaa lagu xukumin nidaam qaabilsan diintayada oo u qura!!!. Talo faraha ayay ka bixi lahayd hadday xataa arrita intaa sii dhaafshaan oo yiraahdaan dad baan laynaynaa oo fawdaan aloosaynaa si aan arrintaas u fulino.
Mida kale kama muuqato maqaalka in dalka Nigeria gobollo badan mar hore loo ogolaaday inay ku dhaqmaan shareecada islaamka.
Ilaah ayaa dadka uuntay asaganaa kala haya.
allaahummansuril islaama walmuslimiin ayna maa kaanuu aamiiin
ASALAMU CALEYKUM
bahda sharafta leh ee somalimirror aad ayad ugu madsan tihiin soo gudbinta maqaalaadka nuucaan oo kale ah
allena waxaan ka baryeenaa inuu u gargaaro muslimiinta reer nijeria iyo dhamaan musliimta aduunyada ku dhibateysan
waxaan bahda somalimirror ka codsaneena qadiyadahan oo kale iney noo soo bandhigaa dadka muslimiintana ku baraarujiyaan dhibaatada heysato thanks
WASALAMU CALEYKUM
wax aana qas ahayn ma wadaan.
assalaamu caleykum
waxey ila tahay in tirada ah in muslimiinta NAGERIA yihiin 40% ayna sax aheen ee ay in taa kabadan yihiin waxaan walaalaha ka codsanayaa in ay dib ubaaraan
ALLAH MUSLIMIINTA OO DHAN HA U GARGAARO SHARIICADIISANA DHULKA HA KU SOO CELIYO
Waxaan u arkaa in hilaac baxayo oo uu hareeraha aduunka ka baxayo ayna tahay in ay muuqato rajo ah in la helo khaliifo Islaami ah oo aduunka ka talisa,rabow noo hirgeli.
Asc wr wb
fariin ku socota ninka sheegtay wadaad yare,
Marka hore ninka maqaalka qoray waxaa ka qaldan xagga tirada, sababtoo ah waxaa lagu qiyaasaa 60% inay ka badan yihiin muslimiinta gaaladana iyaga western ka waxay sheegaan in 50 iyo 50 ay kala yihiin muslimminta iyo gaalada.
Midda labaad miskiinkan la yiraahdo wadaad yare ma waxaad ku faraxsan tahay dhibka soo gaaray wa adiga qoslayee, walaal maxaa ku gubaya oo aad la ciirciirsan tahay, miyaadan xataa diirnaxayn, maxaadse ka ogtahay dadka is haya? aqoontaad u leedahayse waa maxay diinta islaamka? mise afarta carabiga ah ayaa ku indhatiray.
Illaahay uga baq dadka muslimiinta acraadooda, Allah cida xaqa wadaa ha u gargaaro, xataa muslimiintii umadaha kale ee la gumaadayo ayaa kaa baxsan la,walaahi waa musiibo ku haysata.
innaa lillaahi wa innaa illayhi raajicuun.
Asc wr wb
Waxa dadka xaq doonkaa lagu gartaa markii la hor dhigo qodob gar ah dib ayey joogsadaan wayna gar qaataan. Dadka ahlul baadilkaana waa is maqiiqaan oo isla waynankoodaa denbi ku xanbaara(wa ithaa qiila lahu taqillaaha akhathathul cizatu bil ithmi)
xadiithkuna wuxuu yiri: (wa ithaa khaasama fajara) calaamadaha munaafiqa waxaa ka mid ah, markuu murmo inuu faajirnimo sameeyo.
Hadalkaan soo socda ma garbaa mise waa gardaro:
Reer Ciraaq ayaa iyagoo diley wiilkii nebigu s.c.w awowga u ahaa oo Xuseen Ibnu Cali waxey Ibnu cabaas waydiiyeen hadii qofka xaajigaa kaneeco dilo wax dhiig ah maku waajibey? Ibnu Cabaas weedhiisi caanka noqotey ee aheyd: Reer ciraaqow yaabaad leedihiin, dhiigii xuseena ma daadineysaan, dhiig kaneecana ma weydiineysaan ayuu ku jawaabey.
Waxaa taas la mid ah oo maanta dalkeeni iyo meelo kale oo badan oo Neyjeeriya ka mid tahay ka jira kama duwana xaaladaas oo kale.
Bal u fiirso culimadii dalka soomaaliya diinta ka aqrin jirtey oo fatwada loo wacan jirey ma maqasheen wax warkooda haya?
masaa,iilkii loo wacan jirey iyo kuwa maanta lagala dhuumanayo kuwee khatarsan caqlibaa ilaahey ku siiyey.
Maanta waxaa culimadii lagala dhuuntey oo la yiri waxba kama gashaan arin ku saabsan( al dimaa,u wal furuuj) dhiig iyo farji la xalaaleeyo.
Ka warama dadka aysan arintaasi wax cabsi ah ku heyn oo isla quman oo dadka kale tuhmaya oo iyaga laga baxsan la,yahay tuhunkooda iyo af xumadooda.
Sh. Cumar Faaruuq mar uu wareysi bixinayey wuxuu yiri: Soomalaidu waa dad yar oo is wada yaqaanee waa kuwee culimada magaca leh oo waxaan ogolaatey?
Culimadii masaajida Muqdisho, Hargeysa, Burco iyo Boosaaso iyo B/Weyne iyo Kismaayo cilmiga ka aqrin jirtey iyo kuwii wadama soomaalidu ku badantahay joogey waa la yaqaane yaa dhalin yaradaan baxsadkaa ka taageersan?
Wax ka taageersan markey waayeen waxey sameysteen ru,uusan juhaalan, madax jaahiliin ah oo manhajkooda baxsadkaa u fatwooda.
Sh. Cumar Faaruuq iyo Sh. C/Nuur markii taleefoon loo dirayo xataa magacooda waxaa la raacin jirey abuunaa iyo waalidunaa? Maantana majaahiil iney joogaan ama maqanyihiin aan la aqoon ayey ka dhigeen ragaan jihaadka jeebkoodaa wata!
Sh. Shariif shaley maanta cajalad ah oo isku keen keen ah ayaad diyaariseene, maad mid kale kasoo diyaarisaan raggii Sh. C/nuur iyo Sh. Cumar faaruuq ku maxaafsan jirey oo waalidunaa oran jirey, maantana liiska ka tirey.
Caytanku hanoo danbeeyee maxaa al dimaa,u wal furuujna iyo arimaha masiirigaa ee dalkana ciyaalka yar yar siiyey iney go,aan ka gaaraan, culimadii waaeynaana siiyey in xayd iyo nifaas laga wareysto?
Yaa marjic u ah diinta oo loola laabtaa oo ulul amri ah markii la is qabto?
Waayo dadka imaam Ibnul qayim uu ku tilmaamey( almuqicuun can rabil caalamiin) kuwa magaca ilaahey wax ku saxiixa?
Waayo warathatul anbiyaaga xadiithku sheegey?
Waatee diinta culimada lagala dhuuntey?
Waa kee jihaadka aysan ahlul xali wal caqdiga culimadu ugu horeyso aysan shuqul ku laheyn?
dood wanaagsan iyo inaan la tir tirin xujooyinka ee xujooyin kale lagala hor yimaado.
Asc. Walalayaal hadalkeyga waxu ku wajahan yahay ninka la baxay wadaad yare iyo ninka la baxay alle magan. ALLAAH qurankiisa waxu ku yiri ( afanaj calul muslimiina kal mujrimiin) {35} ( maa lakum keyfa taxkamuun) {36} war maxaa idin waalay oo dusha idinka saaray adomada ALLE shareecadiisa xaqiijinaya naftodana ka ibsanay, ma waxaad ogateen qulubtoda waxa ku jira.mise shareecada aktiina wax ka aheyn? oo in lo dhinto aadan aamin saneen? Mise islaamkaad caru u qabtaan maxaa yelay maxamed yuusuf aqoon umalihidiin? ALLOW ADOMADAADA MUMINIINTA AH INAAN WAXKA SHEEGNO HANAKU AFEEN’ . AMIIN
asc marka hore salaan kadib run ahaantii aad baan ugu xumahay sida loo galay muslimiintaas walalaayaal manta gaalada mel kasto ay jogaaan waxay isku garabsnaayaan ladagaalka shareecada anagane aan isku garabsano hergelinta shareecada alle in sha laah muslimiinta ayaa kor noqonaayaan waxaan leeyahay hala sabro (isbiroo waraabidhoo wataqululaah lacalakum tufixuun)wabilaah towfiiq
to: somalimirror
assalaamucalaykum, walaalayaal inta aan ka aragnay warka culimada lama oggola in quraanka far kale lugu qoro, soow ma wanaagsana in aad arrintaa wax ka qabataan, oo dadkan comments ka gudbinaya aad arrintaa ku saaciddaan? haddii sababa dhaqaale jiraanna oo aan ka qayb qaadan karno xal u heliddeeda noo sheega walaalayaal.
Dhalin yarada baxsadkaa oo ku tamarudey mujtamacaatka muslimka iney baadi yihiin wax kaloo ka mid ah ayaan idiin sheegiye cibro qaata oo u fiirsada.
Muslimiinta neyjeeriya waa dad ugu yaraan ah 80 milyan oo qofood! Jumladaas cadadka ah ka raqam ahaan ama halaga badiyo ama halaga yareeyee marka sidaas loo yiraahdo way soo dhaweynayaan iyagoo doonaya iney ku qayb qaataan oo sabab uga dhigtaan in muslimku aqlabiyad yahay xaqna u leeyahay in dalka lagu dhaqo sharciga islaamka oo ah kan ay aaminsantahay aqlabiyadu.
Meeshaan u socdo oo xujadu ku jirto ayaan idin tusaaleyne isha ku haya oo fahmo yeesha.
sideetankaas milyan oo bashar ah waxey doonayaan iney kasoo qaadaan ari ay madax tiriskooda ku qayb qaataan oo sababtood ku laayaan dadka ay ku jiraan amaba ugu horeeyaan sideetankii milyan oo ay ugu xisaabtameen sida 80 milyan oo raas oo ariga ama lo,da la leeyahay ah oo ninka leh ku xisaabtamayo!
Ma oga miyaa in sideetankaas milyan leeyihiin ahlul xalli wal caqdi dantooda yaqaana oo aysan aheyn ari nin lihi ku xisaabtamayo?
Iney leeyihiin mu,asasaat, wax garad, madax iyo cid kastoo wax garad ah!
koox yar ayaa inta bulshadaas ku falaagowda ayey gumaadayaan oo hadana leeyihiin muslimiintaan xaqooda soo dhicineynaa!
Nin ciraaqi ah ayaa hadal xujo ah laakiin qofkii caqli leh oon ilaahey maanka ka qaadin aan ku adkeyn fahamkiisu ku yiri nimanka dadka shacabkaa ku gumaadaya suuqyada iyo masaajida oo leh ciraaqbaan xoreyneynaa.
Bal hade u fiirsada hadalka ninkaas.
wuxuu yiri:
War hana leynina labo midkood unbaan nahaye
Hadaan muslim nahayna walaalihiin ayaan nahay oo dilkeenu idiinma banaana.
Hadaan gaalo nahayna sabab aad dal gaalo leedahay ugu dhimataan meesha ma taalo.
Hadal iyo dhamaan dad waashey oo isla quman oo ilaahey xikmadii ka qaadey oo sidii xasharaatkii dabka ugu dhamaanaya waxna maranaya ayaa meeshaan yaallee dad iimaan iyo aqli uma jeedo.
Hamajkaas macangagaa oo qaadan waa jeyshka dajaalku dareersan doono oo askarta u noqon doona. calaamadihii dad meel loo watana way ku idilyihiine ilaahey maanka nagama qaado.
a/cw salaam kadib waxan dhihi lahaa wadaad yare& ninkasta oo fikradiisa qaba ilaahy utoobad keena hana jeclaysanina inlag takhaluso mujaahidiinta cilaaniyaduna ay harto a/c
Hanad
cajaladii halka erey lagu duubey ha noqone bashar fekera oo arimaha rog roga iska dhig. Shaki ma laha oo dadka qaskaan iyo qalaan qalkaan taageersan waa dadkii ay ku habooneyd iney talo raac noqdaan oo doonaya iney iyagu masiirka umada hagaan. Waa dad aan aqli badneyn asbaabo badan awgood oo ay ka mid tahay:
1. Da, yaro
2. cilmi yaro
3. caqli yaro u dhalashaa
4. maskaxdoodoo si xun wax loogu shubey
5. Xanaaq iyo jaceyl ka tan badiyey oo asbaabo badan leh qudhiisu.
Dadkaani waa dadkii la hogaamin lahaa oo hogaankii hamaya. Nin aan talin jirin haduu taliyana ninaan tegi jirin ayaa taga.
Isticmaal caqliga ilaahey ku siiyey isagaad mukalaf ku tahaye. Iska qub cajalada naxligu ka buuxo ee maskaxdaada lagu rakibey.
Diin hadaad rabto eeg hareerahaaga yaa kaala jooga dadkii diinta ahalka u ahaa oo cilmiga lahaa?
Eeg oo dib u qiimee natiijada ka dhalatey afcaashaadi lagaa waaninayey.
Xisaabtan wiilkeygiyow oo dabkaan aad ku socoto ka joog. Anigu waajib nasiixo oo i saaran ayaan gudanayaa aadba i dhibsatide. Can abii tharin r.c: (awsaanii khaliilii an aquulal xaqa walow kaana murran, wa an asilarraxima walow jafaanii)
Ilaahey xaqa hana tuso oo nagama indho tiro.
ilaahay ayaa loo wada noqonayaa.
carrada alle ha ku dhacdo gaalada.
ilaahay calaamad ha ka ifiyo ninka sheegtay wadaad yare. war aamiinta ii dhaha…..
ilaahoow sharkiisa ummadda ka qabo ..war aamin ii dhaha.
war nimankiinaa somaali mirror naga dhaafa garabeeshinka ragna naxligooda iyo qur’aan ay afsoomaali ku qoreeeen ayaad nagu soo daynaysaan,
ragna your comments is waiting a moderation ayaa afka laga gelinahayaaaaaa sidee wax u jiraan ——-waa yaabe—————
ku caqli yare wadaad yare…..
waxaa ilaa CHINA ilaa Europe,ilaa africa
lala dagaalamayaa ku dhaqanka shareecada islaamka.
ee cidina wax ku fali mayso mid meelahaas lafalafaysta sida suufigagaan is qarinaya.
badheedhahaagaa la cadaystaa sidii ri cdho qabta meeelo kale la iskuma xoq-xoqeeeeeeeeeeeeeeeee.
Ducaqabe
Gar naqso oo af wax iskaga celi dadku warbuu isku af gartaaye.
Mida habaaranka ah wax wal wal ah iguma heyso oo nin faraha dhiig xaq darro ah ku leh, ama taageersan dhagar qabayaal habaarkiisu ma kaco( Innamaa yataqabbalullaahu minal mutaqiin) ilaahey kuwa mutaqiintaa ayuu ka aqbalaa ducada.
Ilaahey hana asturo anamana fitneeyo oo xaq darada xaq nooma tuso.
ku somalimirror.com
fadlan dadka aan xikmada wadin halmar kabadan waaku cadaalo darro ee dadka sida wadaad yare iska hadlaayo naga daaya
Akhristayaal ahaan, waxaan eegaynaa jawaab Cilmi ah oo lagu afjaro ama lagu taageero wadddaad-yare. tan ullama jeedo inaan ku raacsanahay doodiisa ninkaas sheegtay waddaadka yar. laakiin, waxaan walaalaha kale ee u jawaabaya ka filaynaa inay muujiyaan dul-qaad iyo inay sheegaan arragti maangal ah oo ka door-roon tan uu ku durayo kacdoonadda fog
ilaahaw unaxariiso ilaahaw unaxariiso soomaali waayo iyo goo muslina ayay isdilayaan oo dhiig layska shubayaa hawgu daraadeen qoladan soo baxday ee lamagac baxday al shabaab maxay tahay ayaan oran karnaa al sha baab maqolo diinta udagaala maysaa mise qolo xukun doona asc wrwb