Ingiriiska oo qirtey Ciraq & Afganistaan inuu ku fashilmey

Ciidamo IngiriisWasiirka Difaacada ee Ingiriiska Bob Ienzoort ayaa si cad u qirtey Dowladiisu inay ku fashilantan taageeradii loo baahnaa ee Military oo aysan u fidin sanadihii ugu danbeeyay Ciidamadooda uga sugan Dalalka Afganistaan & Ciraaq.

 

Ienzoort oo u waramayay Wargeyska Daily Telegraph waxa uu u qiildayay Cadhada Ciidamada Ingiriisku Dowlada & Shacabka uga qabaan ka warqab la’aantooda,xilli dagaalo ba’an ku qabsadeen Wadamada Ciraaq & Afganistaan.

 

Waxa uu rajeeyay Sanadaha soo socda in labada Xizbi ee Shaqaalaha & Muxaafidka muhiimada kowaad inay siiyaan arinta Difaacada maadaama qorshayaashii horey loogu dajiyay waxba ka qabsoomin, sidoo kalena laga faa’iideyso khaladaadkii horey u dhacey.

 

Sanadkii 2004, Gordon Brown oo xilligaa ahaa Wasiirka Maaliyada waxa uu soo rogey in si weyn hoos loogu dhigo kharashka ku baxa Diyaaradaha Dagaalka ee Helicopter-ka, arintaas oo keentay xilligan Ciidamada Ingiriiska ee Afgaanistaan ku sugan inay hoos u dhac weyn oo xagga diyaaradahaas ah la kulmaan.

 

Ienzoort waxa uu intaa ku darey in Miisaaniyada Wasaarada Difaacada soo korodhey balse ayna gaarsiisneyn tan Wasaaradaha kale.

 

Xilka Wasaarada Difaacada ee Brown u magacaabey Ienzoort waxa uu fajaciso ku noqdey Siyaasiyiin badan oo ingiriiska, waxa ayna sabab uga dhigayaan khibrad yaridiisa ka shaqeynta howlaha Difaacada u leeyahey.

 

Iyada oo xantaasi Suuqa u gashey sidoo kalena khibrad badan xagga ka shaqeynta wasaaradaha u laheyn waxa uu sheegay Ienzoort inuu howsha Difaacada ee loo igmadey ka soo dhalaali doono.

 

Hadalkan ka soo yaarey Wasaarada Difaacada ee Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya xilli isbuucyadii ugu danbeeyay dagaalka ka socda Gobolka Halmand ee Ciidamada Inigriisku qeyb ka yahey ka soo gaareey khasaarooyin badan, dhanka kale Boqolkii Askari ee ugu danbeeyay Shaley kala soo baxeen Dalka Ciraaq.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

12 Comment(s)

  1. Alaahu akbar yaa is gaaray waxaa idiin dhiman idinkoo Jahanamo laydinki ciqaabo.
    ilaaahoow gaaladan Gacanta Mujaahidiinta ku cadaab.
    Gaalo way ka qayla dhaamisay Mujaahidiinta Al Qaacidda iyo Daalibaan, Ciraaq,afqaal,Aljeeriya,Shiishaan.Pakistan ,itoobiya dhamaan gaalo way ka qaylisay Mujaahidiintaas
    Jihaadka caalamiga ah sidaas ayaa lagu yaqaan, ikhwaanii ka fogaada Jihaad Maxali ah, mid qowmi ah iyo mid Qabiil.
    Aaween wixii la oran jiray Maxaakim, waxay wadeen Jihaad Maxali ah iyo mid qabiil.
    maxaa yeelay markii itoobiya baxday waxay dheheen waa dhamaaday jihaadkii ma maahee markii C/laahi Yuusuf oo aan reer Muqdisho ahayn waa dhamaaday Jihaadkii Murtadka reer Muqdisho wuxuu nooga fiicanyahay Mujaahidka reer Kismaayo.
    walaahi waxaas waa xaaraan, waxau u egtahay ” Beenloowga reer banii xaniifa wuxuu nooga fiicanyahay Roloow reer qoreesh’
    ilaahay hana sugo amiin

    Caloofi | Aug 1, 2009 | Reply

  2. mashaa allaah waa wax lagu farxo in gaaldu qirtaan ineey ku jabeen meelihi ay duulaanka gardarada ku qadeen waxaana ilahay ka rajeynaya inuu meel akstooy weeraraan sidaas ugu jabaan

    samatar | Aug 2, 2009 | Reply

  3. Ma hawadiina siday jeceshahay ayaad cinwaanku u samaysaan mise wuxuu ka tarjumaa waxa jira ee khabarku ahaa?
    Bal eeg waxa ay sheegeen inay ku fashalmeen waa in xukuumadda UK ciidanka jooga Ciraaq iyo Afganistan siiyaan agabkii loo baahnaa balse kama aysan hadal marna in dagaalka ay kusoo fashalmeen!
    Maaalin dhawaydnaq waxaad qorteen in maxkmadaha islaamka UK kusii badanayaan oo weliba xataa dad aan muslim ahayn usoo xukuntamaan tiiyo sawirkaasi uu qalad wweyn u fahmayo qofka soomaliga ee aqoonta yar ee aan UK arag ee warka idinta qaata!!

    Geedi | Aug 2, 2009 | Reply

  4. rag lama yiraahdo i daa laakaan waxaa ladhahaa aan is deeyno.Shantaadu ninkeeysan kaa reebin sharci kaamo reebo.

    Aligumeeysidiid | Aug 2, 2009 | Reply

  5. fariimaha dadka lama kala reebo ee fasaxa fariintaas.

    falis | Aug 2, 2009 | Reply

  6. Geedi adigu ma tifaftiraadka websitekan maxaa hawshaa ku galiyay , tan kale haday waxaagu naseexo yihiin qaabkas ha u hadline ka daa oo waxaad tiraahdaa walaalayaaloow waxaas iyo waxaas baa idinka qaldane iska saxa, mise nimanka xarig ku joogsi ayad leedihiin

    gaarane | Aug 2, 2009 | Reply

  7. Geedi adigu ma tifaftiraadka websitekan ka tahay maxaa hawshaa ku galiyay , tan kale haday waxaagu naseexo yihiin qaabkas ha u hadline ka daa oo waxaad tiraahdaa walaalayaaloow waxaas iyo waxaas baa idinka qaldane iska saxa, mise nimanka xarig ku joogsi ayad leedihiin?

    gaarane | Aug 2, 2009 | Reply

  8. Haddii ragga qoryaha jeeniqaaran ee soomaaliyeed xabbadooda ku jeedin lahaayeen gaalada dalka ku soo qulqulaysa sidaas oo kale ayay uga bixi lahaayeen ama u cabaadi lahaayeen, mashaqo se waa raggii oo shaqo ka dhigtay suufiyo iyo mooryaan, markii gaal la arkana cagaha wax ka dayaya!.

    Walaalayaalow haddii aad rabtaan in Ilaahay idiin hiilliyo, aakhirana uu janno idin siiyo ragga ragga ah iska dhiciya oo maleeshiyadaan dagaalkeeda iska daaya. Ilaahoow ma u sheegay?.

    Samadoon | Aug 2, 2009 | Reply

  9. Gaarane waa ku mahadsan tahay hadalka dabacsan, waana runtaa in loo dabciyo ee mindhaa marar bay iga qabtaan qoraalka oo soo daabicin baa ku jirta meesha iyo inigoo la yaabanaa sida wax loo dhigayo.
    Ma fiicna in dareenka inta caadifaysan la hogo, horaan u arkayey iyadoo lagu celceliyo maraykan smali baa jabisay oo 18 askari ka dishay tiiyo aysan taa ahayn wax ilmaha lagu seexiyo oo #sadam oo Somali kun jeer ka xoog badan ay ciidankiisii muddo gaaban ku jabiyeen sido kale yuguslaafiya.
    MArka inaan loo sawirin dhallinyo qaraxyo iyo qoryo iyo madaafci yaryar haysata inay quwadaha bad, cir iyo dhulba kaaga hub badan inaan loo sawirin in la jabiyey markii dagaal fool ka fool ah la arkana laga kala cararin illayn awooddu isuma dhiganto markii kalena shacabka dhexdooda wax laga qarxin.
    kaliya waxaan dareemay in sida nafta musliminta dhiban jeclaan lahay balse xaqiiqda ka fog aan dadka lagu sarkhaamin.
    Ingiriis hubkii la rabay ciidankeena lama siin bay isku haystaan ee ma oran waanku jabanay dagalakii.
    Fashalka soo gaari kara waa in meeshii ay qabsadeen ee ciraaq iyo afgan ka dhisi waayeen nidaam shaqeya oo local ah oo ay is fahamsan yihin reer galbeedka ee ma aha inaysan kaga adkayn goob dagaal taalibaan iyo kuwa hubaysan ee qaacida ee ciraaq jooga.
    Ugu danbayn waa in mawduuci la noqdo oo aan sidii la jeclaan lahaa shaqcabka loo sheegin oo dhabta ka figna

    Geedi | Aug 2, 2009 | Reply

  10. Yaa Salaam, gardarraale ma guulaysto, “Ragow kibirka waa lagu jabaaye kaa ha la ogaado”

    waayeel | Aug 2, 2009 | Reply

  11. Igiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo Baaruud dheh.

    “Maraykan waa martoo meelna garan waa Dheh”

    waayeel | Aug 2, 2009 | Reply

  12. Jameecoyinkii iyo hadaad jowhartii aragto nimankii janno u kacay warbay jirin insha alahe

    Kal biyo ah sideedii miyuu u kabaday tukuhu dhiiga gaalada…

    zuuug | Aug 2, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo