Walad Cabdalla oo ku Baaqey in Khad-cagaaran laga sameeyo Muqdisho

Axmed Walad Cabdalla oo U qaabilsan Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya ayaa ku Baaqey in laga sameeyo Magaalada Muqdisho “Khad Cagaaran” sida Ciraaq looga Sameeyay oo kale.

Walad Cabdalla ayaa arintani ka hor sheegay kulankii ugu danbeeyay ee Golaha Amaanka ee Q.M, wuxuuna yiri “Soomaaliya waxay leedahay Wadooyin kala duwan oo aan isku dheeli tirnayn, waxaana jira Baahi loo qabo Taageeradda Beesha Caalamka, gaar ahaan in la soo dhameystiro Qalabka, Sahayda Milatari iyo Tababaridda Ciidamada Amaanka lana maalgaliyo Ciidamadaas”.

Axmed Walad ayaa ka codsaday waxa uu ugu yeeray Beesha Caalamka in la garab istaago Xukuumadda Sheekh Shariif, wuxuuna yiri “Waxaa la soo gaaray Wakhtigi la rari lahaa Xarunta Q.M ee Nairobi, loona rari lahaa Muqdisho si loo Muujiyo in la garab taaganyahay Shacabka Soomaaliyeed”.

Wuxuu Walad Cabdalla cusbooneysiiyay Codsigiisii uu Golaha Amaanka ka codsanayay in Ciidamo Dheeri ah loo diro Soomaaliya.

Dhanka kale U qaabilsanaha DKMG ah Wasiirka Arimaha Dibada C/llaahi Max’ed Omaar ayaa sheegay in Taageerada Beesha Caalamka ay taageerayso Soomaaliya ay tahay lagama maar maan ah si buu yiri dib loogu soo celiyo Dhismihii Hay’adaha Dowlada iyo Awoodeedii si Degenaansho loogu soo dabaalo Soomaaliya.



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

4 Comment(s)

  1. A/cw waan salaamayaa somalimirror & akhristayaasahaba.

    Walad Cabdalla & ina Mux,ed Oomaarba waxaan oran lahaa Soomaaliya maanta uma baahna Ciidamo shisheeye iyo khad Cagaaran toona hadii taageerada shacabka soomaaliyeed dhab idinka tahay waxay Soomaaliya u baahantahay in Beesha Caalamka iyo wadamada darisku faraha kala baxaan arimaha Soomaaliya faragalinta qaawana ka daayaan taas ka horsheega Qaramada midoobey markaas ayaan u arkeynaa in taageeradiinu mid run ah tahay hadii kale maaweelada naga daaya nin weyn umaddan meesha maslaxadeedu ku jirtoo wey taqaanaa laakiin wali qadar alla ayaa socota.

    Wiil somaali | Jul 31, 2009 | Reply

  2. ASC

    Waxaa la yaab aha walad C/dalla waxa uu ku sheegay shacabka Soomaaliyeed,,,, Waxaan u sheegayaa in aan nahay Shacabka Soomaaliyeed, dhibka ka jirana hadda Soomaaliya adigaa dhaliyey… waayo wali ibid lama sheegein dad muslim ah oo Soomaaliyeed oo dagaal iskaga hor yimid….

    HADDAAN NAHAY SHACABKA SOOMAALIYEED WAXAAN KUU SHEEGEYNAA, IN AAN NALOO JAJUUBI KARIN, SALAAD CALI JEELE MAXAMED DHEERE, CABDI QEYBDIID & WAXII LA MID AH……..

    WAXAA MUCJISO AH ADUUNKAAN, IN AAN WAX LAGA SHEEGIN, MUSLIMKA LAGU XASUUQAAYO, NIGERIA, GASA”PALASTINA”,, IRAQ, AFGANISTAAN, CHINA…

    SOOMAALIYEEY ANAGAA WALAALA AH, SAAN TALA NOOMA AHA, SHEEKH SARIIFOOW OGOOW IN DADKII AAD SHALAY AAD ISKU DHINAC AHEEDEEN HADII AAD REER GALBEED KA RAACDID, OO IS TIRAA DOWLAD AYAA KU DHISMA KARTA OGOOW, IN UMADDA WAX EEYSAN RABIN LAGU QASBI KARIN…

    WAR FIIRI WAQOOYIGA SOOMAALIYA, NABADA KA JIRTA, OGOOW IN EEY XALKA IYAGA KEENSADEEN, OO EEYSAN WAXA BEESHA CAALAMKA LOOGU YEERO U KEENEN, OO PLZZZZZZZZZ XALKA WAXUU KU JIRAA GACMAHEENA EE WALAALAHA BAL U TAG, ANAGANA AAN KUGU TAAGEERNEE………..

    WAA GABAR SOOMAALIYEED OO JECEL NABADA UNA ARAGTA XALKA IN UU GACMAHEENA KU JIRO,,,,

    shamso | Jul 31, 2009 | Reply

  3. asc ikhwah ilaah wuxuu inoo sheegay waan aragnaa oo ah ineey gaalo isgarabsaneeyso hadafkeedii ugu danbeeyana ku fakareeyso seey uga mira dhalin leheed ee aan tashanno oo mujaahidiinta garab istaagno maal gacan iyo afba intaan awoodno ducadana aan ugu dadaalno asc

    carab | Jul 31, 2009 | Reply

  4. wax maydiin sheegaa nimankaiinaan halkaan ku hadlay ogaada idinka kaliya ma matali kartaan shacabka somaliyeed. mida kale ~85% shacabka somaliyeed waxay rabaan in dagaalku joogsado mana rabaan in ay mataalaan nimnka iska dagaalamaya ilaa fiinaa wiito “do you get it”!!! waxa khasbaya in khad cagaaran loo sameeyo xamar waa dagaalka aan joogsiga lahayn. mise idinka ujeedadiinu waa in dowlada shiikh shariif la laayo.Been idiin sheegimaayo ee waxaa hubaal ah in uu diinta islaamka 100% uga dhow yahay kuwa leh diin baan wax ku maamulaynaa waqtigaan xaadirka ah. Ee illaah u toobadkeena oo eega meesha khayrku ugu jiro umada somaliyeed haddii kale iska aamusa sidii loo yiri “fal yaqul khayr oo liyaskut”!!!waxaan ogaadey waxa meeshaas dhigay somali in ay tahay qabyaalad iyo kala aarsi iyo dawlad nacayb danaysinimo ku jirto!!!!

    xaq jecel | Aug 1, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo