Axmad cabdisamad
Tirmidi ayaa ka wariyey Al-Xaarith Al-Ashcari in uu yiri: Nabigu (scw) wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu amray Yaxyaa ibnu Zakariyaa shan kalimadood in uu ku dhaqmo, reer banii israa’iilna uu faro inay ku dhaqmaan. Isagu wuxuu ku sigtay in uu la daaho, markaas ayuu yiri (Nabi) Ciise: Ilaahay wuxuu ku amray shan kalimadood in aad ku dhaqantid, reer banii israa’iilna aad fartid inay ku dhaqmaan, ee waa inaad amartid ama aan anigu ku amro.
Markaas ayuu yiri Yaxyaa: waxaan ka baqayaa haddii aad iga la hormartid in (dhulka) la ila gooyo ama la I cadaabo, markaas ayuu Bayt almaqdis dadkii ku soo uruuriyay, markaas ayaa masjidkii buuxsamay, waxayna dhaafeen barandooyinka, markaas ayuu yiri: Ilaahay wuxuu I amray shan kalimadood in aan ku dhaqmo, idinkana aan idin amro in aad ku dhaqantaan.
1) Tan ugu horraysa waa in aad Allaah caabudaan, oo aydnaan cidna waxba la wadaajin. Qofkii Allaah u shariigyeela wuxuu la mid yahay nin addoon ku soo gatay xoolihiisa gaarka ah oo dahab ama qalin ah, oo ku yiri: tani waa daartaydii, tanina waa shaqadaydii ee shaqee oo (wixii aad soo shaqaysid) ii keen, oo markaas shaqeeyay, (wixii uu soo shaqeeyayna) siiyay cid aan sayidkiisii ahayn ee kiineebaa raali ku noqonaya in addoonkiisu sidaas noqdo.
2) Ilaahay wuxuu idin amray saalad, ee haddii aad tukanaysaan (geesaha) ha milicsanina; maxaa yeelay Ilaahay waxa uu soo qaabilaa addoonkiisa wajigiisa salaadda dhexdeeda, inta aanu (dhinac) milicsan.
3) Waxaan idin farayaa soon; maxaa yeelay wuxuu la mid yahay nin koox ku dhexjira oo wata qandi (kiish yar oo harag ah) miski ku jiro, oo dhammaantood la cajabsan yihiin ama udugeeda jeclaysanayaan. Qofka sooman caraftiisuna Ilaahay agtiisa way ka udgoontahay carafta miskiga.
4) Waxaan idin amrayaa sadaqo; maxaa yeelay waxa ay la mid tahay sidii nin cadaw qafaalay oo ay gacantiisa luqunta ugu xireen, oo ay u soo saareen inay luqunta ku dhuftaan (dilaan), oo yiri: aniga ayaa idiinka furanaya wax yar iyo wax badanba, oo markaas naftiisa ka soo furtay.
5) Waxaan idin amrayaa in aad Alle xustaan; maxaa yeelay waxa uu la midyahay sidii nin cadaw si deg deg ah u soo raadraacay, oo markii uu dhufays adag yimid naftiisa uga dhawray. Sidaas oo kale addoonku naftiisa wax kale shaydaanka uga ma ilaalin karo xuska Ilaahay mooyee.
Nabigu (scw) waxa uu yiri: aniguna waxaan idin amrayaa shan Ilaahay I amray: is maqal, is yeelid (adeecid), jihaad, hijro iyo wadajir (jamaaco); maxaa yeelay qofkii jamaacada ka baxa taaka qadarkeed waxa uu luquntiisa ka siibay qoosha (mareeg) islaamka in uu soo noqdo mooyee. Qofkii ku habarwacda qaylodhaantii jaahiliyada waxa uu ka mid yahay kooxaha Jahannamo ama kuwa dhex (ar-aruman), markaas ayaa nin waxa uu yiri: Rasuul Allow ma xataa haddii uu salaado oo soomo?, markaas buu yiri (nabigu): haba salaado oo ha soomo, ee addoomada Alloow ku baaqa Ilaahay baaqiisa (diintiisa), (Ilaahii) idinku magacaabay muslimiin mu’miniin ah.
Faa’iidooyinka qisada
1. Cilmiga waxaa loo soo dajiyey in lagu camalfalo, ee looma soo dajin baashaal iyo faanfaan ama aqoon kororsi kaliya.
2. Caalimka ama daaciga waxaa laga rabaa in uu isagu marka hore ku dhaqmo waxa uu dadka kale barayo ama ku wacdinayo. Marka uu hirgaliyo, ayna ka muuqato waxa uu dadka u sheegayo ayaa hadalkiisu dadka kale saamaynayaa, laguna dayanayaa. Dadka wanaagga fara, xumahana reeba, iyaguna aan ku dhaqmin-na aakhiro ciqaab bay mutaysteen.
3. Reer banii Israa’iil waxay lahaayeen nabiyaal farabadan, oo qaarkood isa soo gaari jireen, sida Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise isu soo gaareen. Nabiyaasha ayaana maamuli jirey, oo markii nabi dhintaba nabi kale ayaa badali jirey.
4. Qofka muslimka ah waxaa saaran in uu walaalki xusuusiyo waajibka uu ka tagey ama ka daahay, diintuna waa naseexo, xaqa muslimiintu isku leeyihiina waxaa ka mid ah in la isu naseexeeyo. Waxaa kale oo Alle ina amray in khayrka la is xusuusiyo.
5. Qisadu waxay tusaysaa in qofkii hawl loo xilsaaro lagu ixtiraamo ee aan laga marooqsan. Haddii uu la daaho ama ka cagajiidana wuxuu xaq u leeyahay baraarujin iyo dhiirrigalin. Haddii ay caddaato in uu hawshaas gabayna waxaa loo xilsaarayaa cid kale oo aqoon iyo karti u leh.
6. Waxaa ahmiyadda koowaad leh in amarka Ilaahay fulo, haddii ciddii xilku tooska u saarnaa fulin weydana waxaa u istaagaya ciddii kale oo kaalintaas buuxin karta.
7. Qofka khayr la faro ama xumo laga reebo ama wanaag ka maqnaa la xusuusiyo waxaa ku waajib ah in uu aqbalo ee uusan ka santaagin.
8. Diinta ummadda oo dhan baa xil ka saaran yahay, waxaase jira meelo lagu kala habboonyahay ama shaqooyin dadka loo qeybiyey. Marka haddii qof ka soo bixiyo kaalintii lagu aaddiyey la iska dayn maayee waa in la buuxiyo.
9. Amarka Ilaahay fulintiisa in loo degdego ayaa la doonayaa, Ilaahayna wuxuu yiri: khayrka u tartama. In laga gaabiyo fulintiisana waxay keeni kartaa ciqaab Ilaahay.
10. Qofka muslimka ah cabsida Ilaahay mar walba way ku weyntahay, gaar ahaan markii uu waajib saarnaa ka gaabiyo ama wax qalad ah uu falo.
11. Arrimaha muhiimka ah ee bulshada wada khuseeya waxaa habboon in dadka oo dhan loo soo kulmiyo; si cid walba ay culimada iyo ducaadda si toos ah wax uga dhagaysato.
12. Masjidku waligi wuxuu ahaa meesha ay nabiyada iyo dadka saalixiinta ah isugu yimaadaan, wixii muhiim ahna la isugu sheego, waxaana loo baahan yahay in masjidka kaalintii uu lahaan jirey loo soo celiyo oo uu noqdo meesha lagu cibaadaysto, ummadda laga hoggaamiyo, cilmiga laga barto, wufuudda lagu qaabilo, ciidanka laga diro, mashaakilka ummaddana lagu xalliyo.
13. Ummadihii hore waxaa ku jirey dad khayrka u degdega oo baaqa nabiyaasha iyo culimada dhaqso u ajiibi jirey, sida haddaba kuu muuqata.
14. Ilaahay kaliya in la caabudo oo aan cid kale waxba lala wadaajin waa xaqa koowaad ee Ilaahay addoomadiisa ku leeyahay, wuxuuna ku mutaystay in uu iyaga abuuray, uuna arsaaqo. Addoonkuna xaq uma leh in uu cid kale cibaadada siiyo oo uu ula jeesto; maxaa yeelay wuxuu la mid noqonayaa nin xoolihiisa gaarka ah ku soo iibsaday addoon, oo ku yiri: kani waa gurigaygii, tanina waa shaqadaydii ee shaqee oo wixii aad soo shaqaysid ii keen, oo isaguna inta uu shaqeeyay uu wixii uu soo shaqeeyay siiyo nin aan kii lahaa ahayn, mana jirto cid aqbali karta in addoonkeeda ay soo gadatay, oo ay masruufto uu cid kale u shaqeeyo.
15. Tusaalayaasha iyo maahmaahyuhu waxay qeybweyn ka qaataan wax fahamsiinta dadka iyo qancintoodaba.
16. Salaaddu waa waajibka labaad (tawxiidka ka dib) ee qofka muslimka ah Alle amray, qofkuna marka uu tukanayo Allaah buu hortaagan yahay, lana faqayaa, waana marka uu rabbigiis ugu dhowyahay; sidaa darteed ma habboona in uu dhinacyada eeg-eego ama milicsado isaga oo salaadda ku jira. Haddii uu milicsado meel kalena Alle wuu ka jeensanayaa.
17. Soonku wuxuu ka mid yahay arkaanta diinta ee waaweyn, Ilaahayna uu amray addoomadiisa, qofka sooman waxyaabaha Ilaahay ku karaameeyayna waxaa ka mid ah in carafta afkiisu Alle agtiisa ka udgoontahay carafta miskiga.
18. Sadaqadu waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaahay ina amray, waxayna isugu jirtaa mid waajib ah iyo mid sunno ah. Sadaqadu ehelkeeda waxay ka badbaadisaa khataraha adduun iyo cadaabta aakhiro, waxayna uga noqotaa gaashaan.
19. Ilaahay xuskiisu waa cibaado weyn oo diintu ina amartay, ina kuna boorrisay, wuxuuna addoonka dhufays uga yahay shaydaanka. Waxaa kale oo qofku ka helayaa xasilooni iyo deganaansho. Nabigeenu-na qofka Ilaahay xusa iyo kaan xusayn wuxuu ku miisaaliyey qof nool iyo mid dhintay.
20. Waxaa loo baahan yahay in dadka la baro diinta tiirarkeeda waaweyn iyo usuusheeda, loona sheego faa’iidada ugu jirta adduun iyo aakhiroba; si ay u fahmaan, una fuliyaan.
21. Waxaa iyana loo baahan yahay in masaa’ilka loo kala hormariyo sida ay u kala muhiimsan yihiin, eeg waxaa laga bilaabay tawxiidka, salaadda, soonka, sadaqada iyo xuska Ilaahay.
22. Qisadu waxay tusaysaa in ummadaha oo dhan ay ka midaysnaayeen usuusha diinta, sida: tawxiidka, salaadda, soonka, sadaqada iyo xuska Alle, haba ku kala duwanaadeen habka, tirada iyo waqtiyada’e.
23. Qisadu waxay ina tusinaysaa sida Nabigeenu (scw) ugu dadaalayey waxa anfacaya ummaddiisa, uuna ugu soo gudbinayey wixii ay cibro ka qaadanayaan, khayrkana ku dhiirrigalinaya.
24. In la maqlo madaxda muslimiinta, laguna adeeco wixii wanaag ah waa waajib Ilaahay ina amray, wuxuuna lagama maarmaan u yahay isku duubnida ummadda iyo inay asaaggeed iska dhiciso; maxaa yeelay dad fawdo ah oo aan madax iyo majo kala lahayn waxna ma qabsan karaan, cadaw shisheeyena iska ma celin karaan.
25. Jihaadku waxa uu ka mid yahay shacaa’irta (calaamadaha diinta) waaweyn ee diinta, Ilaahay iyo Rasuulkiisuna (scw) way ina amreen, wuxuuna lagama maarmaan u yahay difaaca diinta iyo ehelkeeda, iyo faafinta iyo hirgalinta dacwada islaamka. Ciddii ka gaabisana aakhirka dullinimo ayay ku dambaysaa.
26. Hijradu waxay ka mid tahay waxyaabaha nabigeenu (scw) ina faray; si dadku diintooda uga la baxsadaan fitnada, ayna u xoojiyaan awoodda muslimiinta. Gaar ahaan muslimiinta Makka joogtay furashadeeda ka hor waxaa waajib ku ahayd inay Madiina u haajiraan. Waxaa kale oo laga haajiraa dhul gaalo, dhul bidco iyo dhul fisqi, waxaana loo haajiraa dhul muslim, dhul sunno iyo dhul daaco (Alle ka baq).
27. Wadajirka iyo isku duubnida muslimiintu waa waajib diini ah, waana baahi bulsho oo la’aanteed aan waxba u hagaagayn, Nabigeenu-na (scw) wuu ina ku amray. Ereyga jamaaco waxaa looga jeedaa labo macne: a) in qofku haysto oo ku dhegan yahay kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka (scw), uuna ku taagan yahay dariiqii asxaabta iyo dadkii wanaagga ku raacay, ee aanu qofkaasi noqon bidco diinta meelo kale ka qaata, b) in uu qofku xubin ka yahay bulshada muslimka ah ee dariiqa toosan ku taagan, maamulkeedana ku xiranyahay, kana dambeeyo ee aanu gaar uga bixin, hubna u qaadan.
28. Qofkii ka baxa waddada muslimiinta, oo samaysta ama mara jid kale wuxuu luquntiisa ka siibay mareegtii islaamka in uu ku soo noqdo mooyee. Sidaa darteed waxaa laga ma maarmaan ah in qofku maro waddada xaqa, muslimiintana uu la talo noqdo, haddii kale bahal baa cidla ku cunaya.
29. Ninkii isku arka dhaqan jaahiliyo waxaa la gudboon in uu ka noqdo, Alle-na uga toobad keeno.
30. Qofkii ku baaqa dhaqankii jaahiliyada (islaamka ka hor) ama ku habarwacda qaylodhaantii jaahilyada wuxuu ka mid noqonayaa kooxaha jahannama gelaya ama kuwa dhex ar-aruman. Sidaa darteed waxaa la gudboon qof kasta oo muslim ah in uu naftiisa khatartaas ka badbaadiyo; maxaa yeelay aakhiro tol iyo qaraabo midna wax u tari maayo, mana ku habboona qof muslim ah oo ashahaata in uu dhaqankii jaahiliyada ku sifoobo.
31. Qofka tukada salaadda ee sooma, isla markaana wali xambaarsan dhaqankii jaahiliyada, salaaddiisu aakhiro Jahannama kama celinayso.
32. Haybta wanaagsan ee Ilaahay ina siiyey oo ah muslimiin, mu’miniin ah ma jirto hayb ka qiime badan, Nabigeenu-na (scw) wuxuu ina amray in aynu iyada isku haybsano, isuguna habarwacano iyo inaynu iyada isugu hiilino.
33. Shanta arrimood ee nabi Yaxye la amray waxay ku saabsan yihiin tiirarka diinta iyo xiriirka u dhexeeya Ilaahay iyo addoomadiisa, shanta arrimood ee nabigeenu (scw)ina amrayna waxay ka hadlayaan xiriirka u dhexeeya muslimiinta, iyo kan u dhexeeya iyaga iyo ummadaha kale.
34. Arrimaha nabigu (scw) ina amray waxay soo koobayaan tiirarka ay ummaddu ku taagantahay, oo aysan la’aanteed jiri Karin, waxayna kala yihiin:
a) In ay diinta islaamka si wadajir ah u qabsadaan, oo aysan isku khilaafin.
b) In ay wixii diintooda ka fitnaynaya iyo meeshii looga fitnaynayo ka hijroodaan.
c) In ay awooddooda iyo taladooda meel isugu geeyaan.
d) In ay madaxdooda maqlaan, wixii wanaag ahna ku adeecaan.
e) In ay cadawga Ilaahay ku jihaadaan iyaga oo ka midaysan xagga caqiidada iyo maamulkaba.
35. Waxaa Nabigu (scw) inoo ka digay wax kasta oo dhaawacaya ummadda diinteeda iyo wadajirkeeda, sida dhaqanka jaahiliyada oo xambaarsan diin la’aan iyo kala dambayn la’aan; maxaa yeelay marka ummadda la dhexdhigo casabiyad qabiil ama xisbi ama gobol waxaa imaanaya khilaaf iyo kala tag, waxaana daciifaya awoodda, taas oo cadawga fursad u siinaysa in uu ka yeelo sidii uu doono.
36. Xadiiska waxaa laga fahmayaa in ummadda muslimka ah leedahay cadaw joogto ah, loogana baahan yahay inay diinteeda ka difaacato ama kala cararto, isla markaana ay u midowdo; si ay ugu jihaado.

Related posts:
Yaa shariifka u sheega qisadan