Mareykanka oo taageero kale oo Military u fidinaya DKMG ah
By Somalimirror on 31 Jul, 2009 1:58 PM in Main, Wararka
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Africa Johnnie Carson ayaa Warmurtiyeed uu saarey Shaley oo Khamiis ah waxa uu ku sheegay Dowlada Mareykanu inay taageero kale oo Military u fidineyso DMG ah.
Hadalka Johnnie Carson ayaa ku soo beegmaya xilli horey Wasiirada Arimaha Dibada ee Mareykanka Hillary Clinton sheegtay isbuuca soo socda gudahii kulan Magaalada Nairobo inay kula qaadaneyso Sh Shariif Sh Axmed.
Carson waxa uu sidoo kale sheegay inay aad u taageersan yihiin DKMG ah ee uu hogaaminayo Sh Shariif Sh Axmed, waxa kale oo uu intaa raaciyay inay diyaar u yihiin taageerada inay sii wadaan.
Taageerada DKMG ah siinayaan ayuu sheegay sidoo kale inay qeyb ka tahey mid Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka ah Dowlada Sh Shariif u fidinayaan.
Kulanka Sh Shariif & Hillary Clinton lagu wado inuu dhex maro ayuu ku sheegay Carson mid fursad lagu siinayo Sh Shariif inuu uga waramo Xaalada Soomaaliya sida uu u arko.
Taageerada Military ee Carson ugu yaboohey DKMG ah ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadyo ka hor Dowlada Mareykanku Saanad hub oo gaareysa 40 Tan soo gaarsiiyay DKMG ah.
Dhanka eedeynta Mareykanu Eritrea u jeediyay ayuu soo hadal qaadey waxa uuna sheegay inay Eritrea ugu baaqayaan joojineyso faragelinta Soomaaliya ku heyso iyo sidoo kale taageerida Xoogaga Hubeysan ee DKMG ah ka soo horjeeda.
Ururka Midowga Afrika Warbixin uu horey DKMG ah ka soo saarey waxa uu sheegay inay tahey mid taag daran oo aan meel gaaraneynin, sidoo kalena taageero kasta oo shisheeye oo loo fidiyo kordhineyso taageerada Xoogaga Muqaawamada ka helaan Shacbiga.
Daabaco

SU’AAL?
MARKII UU SHEIKH SHARIIF AHAA GUDDOOMIYAHA GUDDIGA FULINTA EE MMI, MUXUU KAGA DUWAN YAHAY MAANTA OO UU YAHAY MADAXWEYNAHA DFKM?
SABAB AYAA USA U TAAGEERAYSAA MAANTA, MARKII MMI UU U AHAA GUDDOOMIYAHANA AY CIRKA IYO DHUL BA LOOGA WEERARAYEY SHEIKH SHARIIF?
MA USA AYAA MAWQIFKEEDII BADASHAY, MISE SHEIKH SHARIIF AYAA MAWQIFKIISII BADALAY?
Ali yare | Jul 31, 2009 | Reply
waa waxa ay soo dhaweeynayaan muwaadiniinta somaliyeed melkasto ay ku suganyihiin,
calaaqad dhexmarto 2 dowladood waxaa ay wa ka qaban doontaa amni darada ka jirta dalka iyo ka taqalisida qolyaha mucaaradka..
yaab | Jul 31, 2009 | Reply
sheekh ayaa mowqifkiisii badelay oo raacay maraykan iyo xulufada islaamka la diriray waxaana qaaday xukun jacayl aana lagu waarayn gatayna diintiisii iyo dadkiisii ilaawayna saxiibadiis samaystayna saaxibo kale xaanid karasaayna noqday wuuse arkin cawaaqibxumada ka danbaysa nonol iyo geerba
nuur | Jul 31, 2009 | Reply
JAWAAB TO ALI YARE:
nin baa wuxu dumalay naag walalkii ka dhintay dabadeedna naagti ayaa afka waxa ka dhigi waysay iyadoo amaanaysa ninki dhintay ee ninka hada qaba walaalkiis ahaa, ninki naagta qabay masayr uu ka masayray amaanta walalkiisi dhintay ayaa madax maray ka dibna wuxuu yiri:NAAGTAN WARKEEDA WAX LOO DUL QAADAN KARO MAAHA WALAALKAA OO DHINTAYNA WAXA LOO FAANO MAAHA.
Abduu Mohamad abbdi | Aug 1, 2009 | Reply