W/Qoray Cabdirisaaq Sugulle.
Taariikhdu iyadaa isa soo celisa, addunkaan aanu joognana wax walba oo uu qofku ku hadlaa iyo wixii uu sameeyaaba kitaabka Eebaheen ee lowxul- maxfuudka ka sokow waxaabay ku qoran yihiin meel walbaa, oo waliba casrigaan maanta la joogaa, Sh. Google ayaa soo baxay oo xaraf ka mid ah magacaaga ama wixii aad ku hadashay oo la galiyaa ayuunbaa kugu filan.
Waxaadse mooddaa dadka qaarkood in aanayba arimahaasi u xisaabsanayn, gaar ahaan ragga iyagu hor booda arimaha siyaasadda Soomaaliyeed(Xitaa ragga cusub ee wadaada siyaasiyiinta noqday ha ka reebin) oo iyagu ay caado u noqotay in ay waxay doonaan ku hadlaan, iyagoon aan u aabayeeleyn ama ixtiraamayn caqliga iyo garaadka bulshada, balse waxaad moodaa taasi in ay tahay mid ay annnaga naga arkeen oo bulshada soomaaliyeed maba qiimayso hadalka uu qofkani sheegayee, waxaa ka xoog badan caadifada qabiil oo mar hadduu ninkani yahay reerkayaga wixii uu sheegaaba waa hadal sare iyo wax aan la maqal abid.
Tani waxay i soo xusuusinaysaa qiso bari hore la warin jiray oo ahayd : waxaa jiray heesaa suudaani ah oo caan ah oo ku heesi jiray wadan walba uu tago luqadiisa, marka waxaa uu tagay Masar, markii uu heestii u bilaabay, tasoo miraheedu ahaa ” Izayikum, kayfkum anaa mundu Zamaan ma shuftukum”, markii la marayay inta ah ”Maa shuftukum” oo macnaheedu yahay muddo badan idinma arag, ayuu u qariyay oo u dhexgaliyay ” Maa Niktikum”, taasoo macnaheedu yahay idinmaan fuulin, meeshii ay xanaaqi lahaayeen, ilayn waa dad sheydaan ku shaqaysanayo oo ay u raran yihiine, intay sawaxan kor ugu dhifteen ayay yiraahdeen ” Allaha ku nooleeyo,” oo qaylo iyo sacab kor ugu qaadeen, mana ayan fahmin edebdarada uu shaydaankan hortooda taagani uu u qanjiiriyay, illaa mar danbe saxaafaddu ay ka soo bandhightay.
Kaasi waaba uu u qariyaye, hadda inagu haddaanu nahay Soomaali waxaa maanta caqligeena ku ciyaaraya rag iyagu birta ay meeli uga wada tuman tahay, taasoo ah ku danaysiga Bulshadan qabyaaladda iyo jahligu indha tiray, Macallinkooduna uu mid yahay oo waa Shaydaan iyo Maraykan. Waliba iyagu ma qarsanayaan, ma maldahayaan, oo oraahdii ay doonaan si bareer ah ayay u soo tuuraan, waayo waxay ogyihiin in loo sacaba tumi doono.
Waxaan oraahdaas uga gol leeyahaya oo igu kalifay maqaalkan yar inaan xariiqo, habeen dhoweyd kolkaan daawaday waraysi uu bixiyay ninka lagu magacaabo ”Buubaa” oo uu leeyahay ” Baarlamaanka lagu magaaco KMG iyo dowladiisuba waa in ay la fariistaan oo la wada hadlaan Al-shabaab, waa in ay shirarka ku qabsadaan meelaha Al-shabaab haysto.
Anigu lama yaabin oo miisaanka uu ii saaran yahay Buubaa iyo ragga la jaalka ahiba waa mid aan aqaan, laakiin waxaan la yaabay oo isweydiiyay, horta myuu fayoobaa markuu ereyadaas ku hadlaayay? mise wuu is ogaaye waxay ka ahayd ha lagu wadwado maalmo, ( waxaa jirta qaacido ay Ahlu bidacu isticmaalaan oo la yiraahdo ”Khaalif Tucraf” oo macnaheedu yahay haddii aad doonayso in lagu bartaa wax aan hore loo arag oo loo maqal ka kac)…. Waxaanse markiiba isku qanciyay wuu si ogyahaye, macallinkii casharka siinayay ayaa soo amray inuu maanta ereyadaas ku hadlaa, si loogu sii salaxo howl soo socota oo ardayda Maraykan iyo sheydaan ay doonayaan in ay fulinayaan, illeyn filimka hadda Socda ee KMG, Xisbul islaam, Isabahaysi, Al-shabaab , wuu soo gabagaboobi rabaa.
Buubaa marka uu hadalkaas leeyahay ma uusan ilowsanayn kalmad uu ka yiri shir sanadkii 2008-da uu ku qabtay London oo uu maxaakimtii islaamigha ahaa ee barisamaadka ku jiray uu ku dhaleecaynayay, waliba lafdigii uu isticmaalay wuxuu ahaa ” Kuwani (Yacnii) maxaakimtu waxay doonayaan wax cirka laga soo dejiyay in ay nagu xukumaan, anana waxaan doonaynaa wax hoos laga unkay inaan ku xukuno dalka”, taasoo macanheedu yahay ” Maxaakimtuna diin iyo kitaab bay doonayaan in nalagu xukumo, anana dastuur iyo qawaaniin baan doonaynaa inaan wax ku xukuno”..
waxaase yaab leh ninkii maxaakim oo noocyaal badan isugu jirta la fariisan waayay oo fahmi waayay, seebuu ku keenay inuu yiraahdo ”Al-shabaab ” oo uu yaqaano in aanay dheel-dheeli agtooda ool ha lala fariisto…!!!
Taasi isyeelyeel ma ahane waa boorsamiinto ama hordhac dheesha cusub oo bilaaban doonta marka filimka hadda socda soo afjarmo.
Waxaan sidoo kale aad ula yaabaa ragga hadda qaar KMg matalaya oo markay khudbaynayaan ku hadaaqa nabad baan doonaynaa, inaan cid walba wax la wadaagnaan rabnaa, su’aashuse waxay tahay : haddiiba arinku saas u sahlan yahay maxaa nabadda loo qaadan waayay xilli ay intaan ka dhoweyd, oo dhiig badani aanu quban, rag badanina aanay tagin, mise howshu waa un kursigaas Soomaali laga raacay oo nin walbaa markii uu u dhawaado ayuun buu hadaladaas ku hadaaqaa?!!!
Howshuse intaa ka badalan oo saan sheegay SH:Google ayaa dad ceebeeyay oo nin walbaa wixii uu ku hadaaqay ama qoray waa uu hayaa, ee Alloow Haa iyo Maya mar qura afkayaga ha kawada yeersiin.
Aragtida Qoraalkan waxaa Iska leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixanyahay

Related posts:
Waa qoraal fiican oo cabbiraya madax ka jiranaanta da”weynta bulshada soomaliyeed badankood.
Waxaa hadda ka hor ganacsi ka bilaabay sheekh soomaaliya ah waddan ka mid ah Afrika, waqti ganacsigii meel fiican u marayo ayuu albaabbada isugu laabay oo yiri, waan ka guurayaa meeshaan. Dadkii soomaaliyeed ee meesha ku noolaa waa la yaabeen go,aanka sheekha, wuxuuna ugu jawaabay saddex ayaan uga tagayaa dalkaan:
1-Bulshada soomaalida ah dadkii ugu soo hormaray dalkaan oo noqday dad xun oo aan masuuliyad laheyn.
2-Macsida dalkaan oo xad dhaaf ah.
3-Musuqmaasuqa iyo wax isweydaarinta oo waxwalba salka ku hayaan.
Arrintaan waxaan uga golleeyahay bulshada dadka hormuudka u ah ee hoggaanka u haya ayaa dariiqii toosnaa ka duway oo maalinba jaho iyo project shisheeye cagta u saaraya, maalin project qabiil, goboleysi, koofiyo cad oo la isku khaldayo, miisaaniyad raadis, wakiilnimo shisheeye iwm.
Ummaddu madaxa ayey ka jiran tahay ee ha loo raadiyo daawo lagu daaweeyo.
Aakhiro marka la tago waxaa qof kasta la soo hordhigayaa kitaab malaa’igtu ka qortay. Qofka khiyaamo sameeya laftiisa waxaa dabada loo suraa calan, waxaana la dhahaa waa ballan ka bixii hebel.
Adduunka waxyaabaha qaarkood dadka qaarki waa laga qarin karaa, kolley Ilaahay waa og yahay, malaa’igtuna qortay, qolyaha la isla dhuumanayo laftooduna markay dantooda ka gaaraan way faafin doonaan, iyadoo waliba sawiro leh haddii la doono.
Waxaa soo dhan ka soo tag, is dabamariska iyo laqdabada aynu ognahay baaba aan yarayn. Hadalka kala jeeda isagu wax ka soo qaad ma leh. Ilaahow ceebtayada astur, dambigayagana noo dhaaf, adigaa dambi dhaafe naxariis badan ahe. Walaalahaya soortu naga qaadayna Ilaahow noo soo nabad celi iyagoo tawxiidka haysta.
BUUBAA waa ninkii intuu gabadhii AUN c/dale deerow geeyay suudaan ku yiri ninkeediina waa dilee(waa maxkamadaha)iyadana haday u soo socdaan waana tan kentay ina caalamku halmar weerar ku soo qaado loona garaabo dawladii markaa jirtay oo iyadu ka danbaysay in la dilo 16000 oo wiilal yaryar oo somali ah qurta laga jaro