Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Gobolka S/galbeed ayaa ka digay inay “Sii labo Jibaaranto Xaaladaha Bani-aadamnimo ee Haysta Qaxootiga ka soo cararay Gobolkoodii ee ku sugan Kenya, ka dib markii ay la kulmeen Xad-gudubyo is-daba joog ah oo fool xun oo Xaataa Xaarameynaya inay helaan Waxa ugu yar ee ay Xuquuq u leeyihiin”, Wuxuuna Gudigaasi sheegay inuu ku Talo jiro inay arintaasi awgeed ku Dacweeyaan Xukuumadda Gumeysiga Itoobiya.

Gudoomiyaha Gudigaasi C/qaadir Sulub Cabdi ayaa u sheegay Shabakadda Aljazeera.net in Gudigooda ay u suuro gashay inay Cadeymo u helaan “Xad-Gudubyadda Bahalnimada ah ee ka dhanka ah Shacabka Gobolka, waxayna arintaasi Gogol xaar u tahay in aan kaga dalbano Maxkamadda Caalamiga ah in la soo Maxkamadeeyo kuwa arintaasi ku lugta leh”.
Sidoo kale Gudiga oo xaruntiisu tahay Magaalada Geneva, ee Wadanka Switzerland ayaa oogu Magac daray Warbixin Sanadle ah oo uu soo saaray sedan:- ” ka Aamuska Beesha Caalamka Tacadiyada ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan Shacabka aan waxba galabsan, Xir-xiridda Howl-wadeenada Xuquuqul Insaanka iyada oo lagu Tuhmayo Qadiyadda S/galbeed”.
Tacadiyo Wuxuushnimo ah
Haweenayda ugu Qaabilsan Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Gobolka S/galbeed arimaha Caruurta iyo Dumarka Dr’s Fowsiyo C/qaadir ayaa tiri “Dhibaatooyinka haysta Shacabka ku dhaqan Gobolka waa kuwo si joogta ah isku soo taraya oo soo noq-noqda”
Waxayna Fowsiyo Xaqiijisay inay Haystaan Cunto iyo Daawo yari oo ah Waxyaabihii Nolosha Aas aaska u ahaa, waxay kaloo xustay in loo diiday inay Waxbartaan waxayna ku tilmaantay “Waa arin keenaysa inay soo Baxaan Jiil aan wax Qiimo ah lahayn”.
Dr’s Fowsiyo C/qaadir oo u Waramaysa Shabakadda Al-Jazeera ayaa sheegtay inay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya sanadka 2008/2009 ka geysteen Tacadiyo gaaraya 1000 kun Xaalo “Xaaladahaasi ma aha kuwo Shaqsi ah, laakiin waa kuwo Jamaaci ah oo ay si Bahalnimo ah ugu kaceen Ciidamada Itoobiya”.
Sidoo kale Fowsiyo ayaa intaa ku dartay “Tacadiyadda Wuxuushnimada ah ee ay ku kacayaan Ciidamada Itoobiya waxay isugu jiraan Dilal, Barakicin, Tarxiilid, Afduub, Jir-dil iyo Kufsiga Gabdhaha”.
Gudiga ayaa sidoo kale sheegay “Gudigu wuxuu Misdaaqiyad ka helay Ururadda Caalamiga ah, waxayna ku dadaalaysaa inay wax intaas ka badan hor geyso Golaha Xuquuqul Insaanka ee Q.M, Sidoo kale waxaan xoojinaynaa xiriirka aanu la leenahay Midowga Yurub”.
2-da Bisha inagu soo fool leh ee August ayaa lagu wadaa in Dalka Ingiriiska lagu soo bandhigo Filim Docomenti ah oo loogu Magac daray “Dhibaato laga Aamusay” oo uu soo saaray Wiil lagu magacaabo “Cumar C/Shugri” waxaana ka kaalmeynaya Dad Ingiriis ah oo Asal ahaan ka soo jeeda Pakistaan iyo Hindiya, waxaana la tusin doonaa Xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska iyo Howl-wadeenada u ololeeya Xuquuqul Insaanka oo iyagu daneynaya inay wax ka Ogaadaan Malafka Dhulka S/galbeed.
Shacabka ku dhaqan Dhulka S/galbeed oo Gumeysi ku jira in ka badan Qarni ayaa waxay Tacadiyo kala duwan kala kulmaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, oo u geysta Dilal joogta ah, Dhalan rog Diimeed, Cunaqabatayn Dhaqaale, Jirdil iyo wax kasta oo ka dhan Xoriyadda Bani-aadamka, mana jirto cid ka hadasho arintaasi oo aan ka ahayn Xoogaga Xornima Doonka, waxaana ka jira Cabudhin xaga Warbaahinta ah.

Related posts:
ciiil badanaaaa ma tikree baan iska celin waynanay
asc walaalayaal aadbaad umahadsan tihiin hadaad tihiin bahda somalimirror intaa kadib waxaan aad usoo dhawaynayaa qoraalkan aadka umhiimka ee caqliga iyo fikirka wanaagsan ee xornimo jecelka ah lagu bixiyay waxaan leeyahay dadka soo diyaariyay xaqaa iqdan jirta ilaahay ha idinku guuleeyo waxa aad qabanaysaan ee ah waajibaad diini ah oo idin saaran dad badan oo maanta udhashay soomaaligalbeedna ay ka aaumusan yihiin haday ahaan lahaayeen aqoon yahano iyo odayaal iyo dhamaan bulsho intay ka kooban tahay marka waxaan idinku boorinaynaa inaad sii wadaan dadaalka wanaagsan eed wadaan ilaa uu kamidho dhalo ilaahayna dadka meeshaas kunool dhibaatada ha kaqaado aad baad umahadsan tihiin www
maxaad iska celisaa adigaa is basaasaye!!.
boqolkiiba boqolkiiba siddeetan iyo shan ayaa ogaden ethiopianka lashaqaynaya, soomaalidii kalena mid mid kiinii dagaalamayey ayay gar-baduub ugu dhiibayaan amxaaro,e; bal eeg wixii ay isaaq iyo majeerteen sameeyeen; shariifkuna ilaahay ma qadaree hadduu guulaysto sidaas ayuu samayn doonaa oo aan shaki kujirin!!.
Shaaciye
Mr mohamed tigre iskamaynan celin kari waayin, lakin way inaga taageero badanyihin.SOMALIA aya taageeri jirtay markay dagalami jireen ilaa maantana taageerta oo u dhiibta madaxdena iyo halgamagena. Cid kalena hadalkedba daa. Waa inaynu marka hore ka xorowna maskaxda iyo cid walba oo magacg inoo la baxaysa. 1, xayle_salase wuxu ino la baxay OGADEN_RAS_GAZ 2,mengistu wuxu ino bixiyay HARARGHE_KIFLA_HAGAR 3,siyad_bare wuxu inola baxay SOMALI_GALBED 4,TIGREGUNA waxay inola baxen KILIL 5 maxay kukala duwanyihin magacyadani faraha badan ee mid walba macnaha goonida ah uu leeyahay? Waa iskuwada mid waayo SHISHEEYE AYA WADA BIXIYAY. MASKAXDA OO LAGA GUUMAYSTO AYA KA XUN IYADO XOOG LAGUGU GUUMAYSTO….
somaaliyaay waad araktaan waxa heeysta walaalihiin somalida OGADENIA,hadaad tihiin jamhiiriyada somaliya, saas iyo si ka daran ayaa idiin dambeeysa ee ogaada, waxba hasoo dhaweeysanina ethiopianka doofaarka cuna,qeeyriinka ruuga, isku kaaja, inta aad isku heeystaan qabyaalad iyo HAWIYE ama DAAROOD yaana la idanka faa;iideeysan. NOTE; inta uu noolyahay shaqsi OGADENIAN ah waa dhowdihiin ee isdaba qabta kol hadeey cagta na ma riyaan idinkana waxa aad tihiin baaba is ka yar, waa xaqiiqada ama ka hor imaada ama raaca waa wax idinka idiin taala.
allahu mustacaan bal u fiirsada hooyadaas dhibka ka muuqada,ilahay dulmiga ka kor qaad ya arabi wali m’a arkin shacab ka sabir badan,ilahow kurbada ka fayd,aamiin
subxanalaah ilahay dulmiga haydin kadulqaado
in sha alaah waad gulaysanaysaan ee midnimada kudadaala sabrana
shariif,
Magaca ah OGADEN REGION yaa isna kuu bixiyey kaasoo aad ku turjumatay OGAADENYA? Miyaanu shisheeye kuu bixin?
Bal, noo sheeg magaca aad hore u lahayd intaan magacyadan kale ee badan laguu bixin? Ogoow, xitaa Italian Somalialand/Somalia, British Somaliland, French Somaliland/Issa & Afar Territory/Djibouti, iyo NFD-ba waxa bixiyey shisheeye.
Istimaarkii saan cadaalaha ka horna, yaa bixiyey magaca Abyssinia ama Ardul Xabash ee dhulalka Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen intaan xuduudahan la sameyn? Miyaanu isna shisheeye inoo bixin?
Maxaa markaas looga soo horjeeda magaca Somaliland ee warbaahinta, siyaasiinta, aqoonyahanka, Cullima u Diinka, iwm ee Somalia ugu sheega magac gaal bixiyey ama kuwa isku magacaabay Somaliland iyadoo aaney dhulalka Somaliyeed lahayn, magac u gaar ah oo ay iyagu sameesteen oo loo yiqiin intaaney ka mid noqon Abyssinia?
Guul iyo Gobanimo
SC;
Waxaan ALLAH(swt)dadka reer ogadenia in uu dhibaatda ka qaado,waxaase iga su’aal ah kooxda somalimirror ee aan xitaa garanaynin xaq dhowrka shirkadii ay wakan kasoo xigatay oo aan aaminsanahay in aysan sidan wax u qorin.waxaa xaqiiq ah in aysan fowsiya iyo SULUB dhahaynin S/Galbeed,fadlan xushmeeya qoraalada aad soo xigataan(do not mis interprate) magicii soomaali galbeed waan ku khasaarnay kadib dagaalkii 77kii soomaali galbeedna waxaa aduunka oo dhani na odhan jiray ma waxaad ka timaadeen BALAD WAYNE,iwm.
Ninkii xanuunsanoowna waxaa onlf ku wooda ugu sareeya ka mid ah kuna shihiiday dagaalka kuwo badan oo aan ahayn qabiilka ogadenka la idhaahdo ee ka midka ah dadka dagan dhulkan.
ALLAHU AKBAR WA CIZATU LIL MUSLIMIIN.
Waxaa yaab leh umad maraysa in magaceda laga tirtiro aduunyada oo hadana u ciilqabta inay magac u bixiso cid kale!!!..maan bilaal iyo maan baaray
mr; halgame;;;………
walaal magaca ogadenia shisheeye nooma bixin ee shacabka dhulka u dhashay ayaa la baxay oo ku halgamaya illaa maanta, maantana wadanka ogadenia waxaa dagan oo u dagaalamaya qoowmiyado aan luqada somaliga ku hadlin oo aan wax somaliya la yiraahdo shaqo ku laheen,mida kale waa run oo somalidu ma xushmeeyaan shcabka ogadenia waxa eey doonayaan amaba rabitaankooda, oo magacyada eey cadowga inoo la baxeen ayeey ka jecelyihiin in eey inoo gu yeeraan sida kilil5aad iyagoo isla markaasna grab maraya keey iyagu (somalidu) noo bixisay(S/galbed), laakiin ogadenia aka (ONLF)wax kaliya eey la dagaalameeyso waa aabaaseneya ee somali ma ahan,dhulkana looguma magac darin magac qabiil ee ogadenia waa qaran, soomaalida oo dhana eey u wada simanyihiin, marka walaalayaal cudurka idan haya iska baara oo iska daaweeya, somalimirror fadlan xushmee warka meesha aad ka soo xigatay oo siduu u qornaa u soo gudbi adinkoon qabyaalad daraadeed u garab maraya qoraalkii asalka ahaa.ugu dambeeyntii, SOMALI MAXEEY U QABAN KARTAA OGADENIA MAANTA? waa waxba sabatoo ah ayagii ayaa is cunaya oo guumeesi hor leh ku jiro, oo aan wax awood ah leheyn,in eey halganka xaqa ah ee reer ogadenia wax u dhimaan mooyaane wax kale ma eeysan qaban 20kii sano ee la soo dhaafay, waxaa arintaa markhaadi ka ah maamulada guumeeysiga u gilbo dhigtay ee labaxay somaliland iyo puntland…………………………………………
Asalaamu Calaykum
Waxaan ahay qof aad oogu xiran Somali Mirror waanan jeclahay sida aay wax uqoraan ee daacada iyo xilkasnimada kudheehan.
Waxaan kacodsanayaa in Somalimirror ixtiraamto meesha aay warka kasoo qaadatay oo hadeey yiraahdeen Ogadenia aaysan badalin oo aaysan ku badalin Somaligalbeed. Dr Fowsiya ururka aay madaxda katahay waxaa layiraahdaa Ogaden Human Rights ee lama dhaha Somaligalbeed Human rights. Fadlan arintaas iskailaaliya fil mustaqbal. Uganda malahan oo kaliya qabiilka layiraahdo Buganda ee waa wadan shacabka Uganda wada leeyihiin. Ogadenia waxaa leh shacabka dagan Ogadenia oo qabiil waliba leh.
Allah ayaan kabaryaa in uu guul gaarsiya Shacabka Ogadenia
ku dhamaan dadka tacliiqinaya arinta ilaahay ka baqda , waxaad tari kartaan ee islaamnimo ah iyo daacadnimo waa inaad qabataan , khayaaliga iyo xaqdiga idinka buuxana iskadaaya , ogaadeen waa walaalaheen laga soobilaabo 60 dii iyaga ayaa ethiopiya ladagaalamayay , marka jamhuuriyadii soomaaliya ayay haatana itobiyanku xaaqeen qaarna utaliyaan marka dadka magaca {ogaadeenya } kumeeraysanaya ama qabiil wax ka sheegaya ha isku xishoodeen ayagu naftooda ha isla yaabeen , waayo waa waxmatarayaal saan aaminsanahay soomaaliyana waxba kama aha gobolka soomaaligalbeed ama ogaadeenyana waxba kama aha -markaan saaleeyahay waxaan ujeedaa waxqabad kuma lahan gobolka – waadad ay qabiil nacayb dilay oo uray waxmatarayaal wuxuun ka ahaada soomaaliya iyo ogaadeenya mid uun //w/w/w/