Maraykanka oo Digniin kulul u jeediyay Eritrea

Published on July 30, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Calanka MaraykankaDowladda Maraykanka ayaa Arbacadii Shalay si kulul u weerartay Dowladda Eritrea waxayna uga digtay waxay ku tilmaantay Khal-khal galinta Degenaanshaha Soomaaliya, iyo inay mar dhaw Cunaqabatayn la kulmeyso haddii aysan joojin Taageerida ay siinayso Xag jirayaasha Soomaalida.

Susan Rice oo ah Haweenayda Maraykanka u fadhidda Q.M ayaa sheegtay “Taageeradda ay Eritrea siinayso Xag jirayaasha, Qaar iyaga ka mid ah waxay Xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaacidda oo ka shaqeynaya Khal-khal galinta Geeska Afrika, oo Khatar ku ah Amniga Dowliga”.

Digniintan ayaa imaatay xili lagu wado in Wasiiradda Arimaha Dibadda Hillary Clinton ay socdaal ku tagto Isbuuca inagu soo fool leh halkaasi oo ay kula kulmeyso Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Susan Rice ayaa ka sheegtay kulan ay yeesheen Gudi Arimaha Dibada ee Congress Maraykanka “Anagu waxaan Dareemaynaa Wal-wal weyn iyo Niyo Jab weyn oo ku aadan Habka ay ula dhaqmeyso Eritrea Wadanka Soomaaliya oo ah inay Hub iyo Maalgalinba siinayso Mucaaradka Islaamiyiinta”.

Rice ayaa intaa ku dartay “Arinkaasi wax la Aqbali karo ma aha, Mana Ogolaan karno, xubnaha Golaha Amaankana Ma ogolaan karaan”.

Susan Rice ayaa ku Hanjabtay “Eritrea waxay Haysataa Wakhti aad u yar oo ay ku Muujin karto inay faraha kala baxday Falalka ay ku jirto xiriir wanaagsana ay la yeelato Maraykanka iyo Beesha Caalamka”.

“Hadaanan Isbadaladaada arki weyno Maalmaha yar ee inagu soo fool leh waxaa suuro gal ah ama aan kuu xaqiijinayaa inaan kaa qaadayno Talaabooyin kugu Haboon anaga oo kaashanayna Saaxiibadayada Afrika iyo Golaha Amaanka”. Susan Rice.

Midowga Afrika ayaa isagu horey ugu Baaqey in Cunaqabatayn la saaro Dowladda Eritrea iyaga oo ku eedeeyay Faragalinta ay ku hayso soomaaliya, waxaana is-weydiin mudan Faragalinta Qayaxan ee ay Itoobiya ka wado soomaaliya iyadu ma ilma aragtaa?.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo ugu Baaqey Nigeria in ay Soo dedejiso Ciidamada ay u dirayso Somalia
  2. Eritrea oo eedaysay Maraykanka
  3. Golaha Amaanka oo sheegay inuu Taageerayo DKMG ah una Hanjabay Eritrea
  4. Maraykanka oo Eritrea ugu baaqay in ay joojiso fara galinta ay ku hayso Soomaaliya
  5. M. Afrika oo Codsaday in la Cunaqabateeyo Eritrea

Readers Comments (1)

  1. Shiiqa says:

    Cadawga ilaaheey waxaa ka maqan in waxa ay la dagaal;amayaan ay tahay diinta Alle oo aan waxaas u joogsanayn.
    waxay iloobeen go doomintaas iyo isu gaashaanbuureysigaas kuwa ka qataro badan iney diintaanu soo martay lagana guuleysan waayey, haddana aan laga guuleysan doonin ebed insha alaah..




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo ugu Baaqey Nigeria in ay Soo dedejiso Ciidamada ay u dirayso Somalia
  2. Eritrea oo eedaysay Maraykanka
  3. Golaha Amaanka oo sheegay inuu Taageerayo DKMG ah una Hanjabay Eritrea
  4. Maraykanka oo Eritrea ugu baaqay in ay joojiso fara galinta ay ku hayso Soomaaliya
  5. M. Afrika oo Codsaday in la Cunaqabateeyo Eritrea

Latest Headlines