Cilmi Baaris:- 370 Gabdhood oo ku dhaqan Faransiiska oo Qaatay Indhashareer

Published on July 30, 2009 by   ·   23 Comments   ·   print

Cilmi Baaris Cusub ayaa Sheegtay in Tiradda Gabdhaha Xiranaya Indhashareerka ee ku dhaqan Dalka Faransiiska ay gaarayaan ku dhawaad 370 Marwo, waxayna Warbixintu tilmaantay inay Tiradu tahay mid sii Badanaysa xili ay soo kordhayaan Dadka Faransiiska ah ee Qaadanaya Diinta Islaamka.

Wargeyska “Lemonde” ayaa Cadadkiisii soo Baxay Maanta oo Khamiis ah sheegay in Ciidamada Amaanka iyo kuwa Sirdoonka Faransiiska ay arintaasi ku Tilmaameen “Daahir aad Naadir u ah”.

Cilmi Baarista ayaa sidoo kale sheegtay in Gabdhaha Qaadanaya indha shareerka ay Da’dooda ka hooseyso 30 Sano jir, 25% Gabdhaha Qaadanayana waa Faransiis.

Muslimiin Badan oo ku dhaqan Faransiiska waxay ka cabsanayaan inay Qaanuunka Dalkaasi uga Timaado Halis ah in la Tir Tiro mid ka mid ah Shacaa’irta Diinta Islaamka.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa horey u sheegay in Indhashareerka ay Gabdhaha Muslimiintu ku dhex xiranayaan Faransiiska uu yahay Arin aan loo Baahnayn.

Nicolas Sarkozy wuxuu sidoo kale yiri “Suuro gal ma aha inaan ogolaano inay Wadankeena ka jiraan Gabdho fadhiya Bir adag gadaasheed oo ka fogaaday Nolosha Bulshadda lagana Qaaday Shaqsiyadoodii jiritaanka”.

Hadalkan ayaa Dood kulul ka dhex abuuray Wadanka faransiiska, waxaana lagu wadaa in Baarlamaanka uu arintan u saaro Gudi gaar ah oo Soo baara.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dalxiisayaashii Faransiiska oo la sii daayay
  2. Spain & Faransiiska oo soo jeediyay in la qabto shir ku saabsan Somalia
  3. Dowladda Faransiiska “Anagu Diyaar baan u nahay inaan la hadalno islaamiyiinta”
  4. Aabo dhalay 2 Gabdhood oo la af-duubtay oo codsaday in la soo daayo
  5. Saraakiishii Faransiiska oo la kala Qeybsaday

Readers Comments (23)

  1. Nageeye says:

    Anigu rayi ahaan waxaan qabaa in dadka dhulkaas ayagu doontay ay u hoggaansamaan wixii dhaqan ama nidaam ah ee dhulkaas kajira; maahmaah ayaa dhahda(when in rome do as romans do); taas oo mid ku macno dhow ay iyana soomaalidu dhahdo(haddaad tagto meel lagu il- la’yahay adihuna ilbaa layska ridaa); taas oo nuxurka kajiraa ay tahay inuu qofku aanu kadhex muuqan mujtamaca uu ku dhex nool yahay oo aanu noqon Tuke baal cad; midda kale niqaabku ama indhashareerka maaha wax waajib ah oo diinteenu ay kadhigtay oo u baahan in aynu nafaha gabdhaheena kharar ku gelino; innagoo ogna in had iyo jeer dadka jaraa’imka sameeyaa ama danbiyadu ay isticmaalaan; midda kale dee waddankaynu kahadlaynaa maaha waddan muslin ah ee waa waddan gaalo; waxaa laga yaabaa in dadka xagjirka ahi ay hadalkayga si khalad ah u fahmaan oo ay ii arkaan n
    in diinta kasoo horjeedaa; waxaan leeyahay haddii sidaa ay dhacdo in hadalkayga loo qaato( dhankaan ka hadlay waa-kaa qammaan dhaafay
    hadalkiiye)!!!.
    Nageeye

  2. mdoore says:

    waxaan jeclaan lahaa inaan weydiiyo ninkaan la baxay nageeye hal su,aal iskaba daa inaan kaala doodo niqaabka, ama asturaada wanaagsan ee gabdha muslimaadka,ee su,aashu waxaa weeye horta yaad u taqaan xagjir ma, waxaad u taqaan xagjir dad dadka diinta islaamka sida illaaheey iyo nebigiisa noo sheegeen u fuliyah, ama ugu dhaqma mise waxad u taqaan xagjir dadka dhibaateeya islaamka wanaagsan ee laaya, dhaca, kufsada, dhulkooda ku soo weeraray habeen iyo maalin hala laayo muslimiinta jidadka la taagan, dabcan kuwaan danbe ayaa xagjir xun ah laakiin adiga kuwan danbe waxad u taqaanaa [democracy]ama moderate wold, laakiin waa [demolish and demoralize]

  3. aliseed79@hotmail.com says:

    to nageeye waxay soomaalidu kumaah maahdaa ra,yi khaldan nabadna waa kaa kaxeeyaa colnah wax kaagaga mataro taas macneheedo waxaa weeye wax aad sheegeysid cidnah kaadhageysan mayso adna in aad kudanbaabtid bey badantahey. marka waxaan ku oranlahaa allaah kacabso gaalada aad o doodeysid kuma yaqaanaaney allaah baa kuyaqaan

  4. Cayni says:

    Asc wr wb dhamaan intii hanuunka raacda.Aniga waxaan qabaaa fikradda ka duwan taas,waana ay ila qaldantahay maahmaahda Somaaliyed ee ah (Meel laga il la’ayahay hadaad tagto waa la is li’tiraa ama meel sidey u taal ayaa loola yaal).Waayo maahmaayadan oo kale waxay ka hor imanayaa Diinteed Muqadaska ah.Aniga waxaan ahay hooyo Somaaliyeed e ku nool Yurub xijaabna qaadata,indha shareer la’aan, marka waxaan qabaa Gabdhaha ama dumarka Muslinka oo qaata indha shareerka in ay yihiin kuwa iimaan badan darajo sarena gaaray Allaah ayaan ka badbaadinaaya wax kasta oo shar ah Insha Allaah.Marka in aan ka duwanaano kuwa Gaalada ah Allaah ayaa na amray.Nageeye waxaad ilowday in ay Dumarkaan u dhashen Faransiiska
    Wcs wr wb
    Cayni Cali

  5. daryeel says:

    walal waa khaldan tahay maah mahddaada haddii meel laga diin la,ayahay adigana ma waxaad noqanaysaa diin a,aan taasi wax aan qaadanayno ma,aha ee adga alle kacabso waa run waajib ma,aha lakiinse waa wax wanaagsan ay ku bad baadayso aakhiradeeda io adduunkeeda ayna ajar alle kahelayso marnaba kuma khasaarayso sidaas ola soco jaahilyahoow baro diinta islaamka ogoowna inaad ku danbaabaysid hadalada aad ku hadlaysid malaaigna kaaqorayso lagaana abaal marin doono

  6. Mohmed says:

    A/c Walaalka Muslimka Ahoow Waxaan Kuu Sheegayaa In Hadii Sunada Laga Tago Eey Ku Xigi Karto In Laga Tago Waajibka Marka Waxaan Ku Leeyahay Akhii Dumarka Islaamka Ah Haku Dhagaan Waajibka Iyo Sunadaba Ee Haka Dhigin Sunada Wax Laga Maarmi karo Diinteena Ayaa Ku Dhisan Waajib Iyo Suno. (Markaan Arko Gabar Asturan Oo Misane sidata Indha-Shareer Aad Ayaan Ugu Farxaa) Mideeda Kale Waxaad Ogaataa In Eey Jirto Meel Wadanka Soomaaliya Ka Mid Ah Oo Gabadhii Indha-Shareer Qaadata looga Yaqaano Labiskii Yuhuuda Walciyaadu Bilaah.

  7. M deeq says:

    KU: NEGEEYE

    Salaan kadib waan ka xumahay in qof muslin sheeganaya uu sidan oo kale u hadlo oo weliba isla fiicnaado. Maah soomaali ahaan iy dhaqan ahaanba qaldan ayaad noosoo qaadanaysaa annagoo haysana Kitaab Ilaahay soo dejiyey iyo sunnadii nebiga SWC.
    Niqaabku haddaanu xitaa waajib ahayn waa shay macruufa oo diinta kamid ah gabadha qaadataana ay ku helayso ajar iyo xasanaad dheeraada iyaadaana xor u ah ee maaha wax lagu qasbayo.
    Markaad leedahay dad xagjir ah ayaa hadalkayga qalad u fahmi doona waxaa kaa muuqata in xitaa adiga laftaadu aad ku qanacsantahay in aad qaldantahay laakiin aad iska tahay xijaab ladagaalan, takale ma taqaan cidda isticmaasha ereyga xag jir mise arrinkaagu waa iska dameeri dhaan raacday
    Ugu dambayn haddii hadalkan aqoon la,aani kaakeentay waxaan ku leenahay waa qalade kalaabo iskana ilaali in aad diinta la dagaalanto adaan ogayn, haddii ay kas iyo ula kac kaa tahayna nin baa Alle kaa dhigaye badheedh

  8. M deeq says:

    Ta kale negeeyow yay kaa hoosbixin waxaa maqaalka laynoogu sheegay hablaha doortay Niqaabka in %25 ay yihiin faransiis dhalad ah

  9. cabdille says:

    a.w.w.

    Sida aan la wada soconno muslimiinta joogta wadamada reer galbeedka waa in ay ilaashadaan caqiidadooda isla markaasna wixii diintoodu fareyso ay ku dhaqmaan oo ay si cad u muujiyaan shacaa iirta muslimiinta.

    Wax suura geli kara ma aha mar haddaan halkan joogno in aan hadal iyo handadaad uga tagno wixii Ilaahay iyo rasuulkiisu ina fareen, oo ahaa gadka oo la siidaayo,surwaalka oo la gaabsado, timaha madaxa oo la yareeyo, salaada oo la oogo/la tukado, masaajida oo la dhisto ama dhismayaasha oo la iibsado si loogu beddelo masaajido iyo meel waxbarasho.

    Arrintu waxaa weeye in qof kasta oo muslim ah ilaaliyo waxyaabaha shuruucda u ah wadamadan reer galabeedka aan joogno, taas macnaheedu ma aha adigu ka tag caqiidadaada. Marka aad eegtid hadalka uu yidhi ninka madaxda u ah dalka faransiiska dad badan ayaa hadalkaas u guuxaya macnaha la dhacsan, lakiin waa khalad, adigu ma yeesheen wax uu sheegayo, markaa ha isku dayin nageeyow in aad dadka marin habaabiso. Hablaha muslimiinta ah waxay nolol yihiin nolol cisi iyo sharaf leh kuwooduna waxay ku jiraan nolol ibliis weli u yahay oo qaanso ah.

    Sidaas darteed ku sugnaada sunnaha kawniga ah hana ka yeelina waxa ay u durbaan tumayaan.

    cabdille Jul 30.2009

  10. mohamed says:

    a.s waa alle mahadii in dad intaa la eg oo muslimnimadooda daacad ka tahay laga helaa dhulkaas waxaan jeclaan lahaa gabdhahaas inay alle dartii u dulqaataan waxkasta oo ku dhacaa oo goyn iyo dhankastaa w.w.w

  11. abdulahi says:

    waxaa horay ujiray ood inbadan quraanku inooga waramay qoom diintooda ku dhagay oo intii laguriday God miinshaar Madaxa laga saaray layidhi ka noqda oo diiday sidaasna ku dhintay
    Islaamka ku dhaganaada iyo waxay idin faraso ilaa aad ka dhimataan waxaadna ogaataan nina Diinta Islamka Matirtiri Karo

  12. raxma says:

    asc walaal waa wax lagu farxo muslimiinta badanaysa iyo kuwa sii xoojinayo diintooda ilaahay na ha ka abaal mariyo inta khalad ka aaminsana ha soo hanuuniyo maahmaahdaana uu NAGEEYE sheegayna ma ma khusayso diinta meel diin la,aana hadaan tagnay inaan diinteenii ka tagno maahee waa inaan diinta gaadhsiino dadka.

  13. Nageeye says:

    waxay u muuqataa dhammaantiin inaad raacdeen sidii aan kadigay markii hore, oo ahayd dhankaan kahadlay waa kaa qammaan dhaafay hadalkiiye!!; waar anigu marnaba ma ogolaan lahayn in tuulada ama degmada aan udhashay intay gabar caddaan ah ama reer yurub ahi iigu timaado ay iyadoo qaawan dhex lugayso; markaa waar fahma waxaan hadlkayga uga jeedo; haddii kale iska hadla waa waxaas dad aan galabsan loo leeyahay way gaaloobeen: fa-na-cuuddu billaah; waar ma laabtoodaa jeexdeen, kaburat kalimatan takhruji min af-waahikum!!!!!!!!!!!!!
    NAGEEYE

  14. alla aamin says:

    NAGEEYE.

    NIJAASTA KASOO DHAX BAX EE ISLAAMKA KU NAGOOW ADUUNKA WA LABA BARI NABIGENII SUBANAA DHINACIISA RAAC EE FARANSIIS MUSLIM MA JECLEE HA U HAQALTAAGIN AFKA WAXAY KA YIRAAHDAAN ISKA DAAYE WAXA LAYIRI MUUQAALKOODA QILAAFA EE WALAL GABDHAHII AYA XIJAABKA U SHAHIIDAY WAD OGTAHATY JARMALKA EE GAALKA URAAYA UU KU DILAY AYADOO XAQA RAACEYSA ADIGANA WAD KA CARAREYSAA WALAAHI AYADO JIHAADLAGU JIRO HADAD DABA JEEDISO WAXAD TAHAY EHLU NAAR EE OGOW AMA AFKA KA SHEEG AMA CARAR.WA ISKU MID.

  15. okash says:

    cajiib doda nageye way dheratay aniga waxan u arka nin ay ku xanbareyso hadalka u so jediyay neceyb u u qabo niqabka ama dad u fikri ahan ku racay galada o u yaqano xagjir -sababta o ah hadalkisa boskan maba lahan maxa yelay gabdhaha tagay faransiiska e muslimka ah way ka baqan aya la shegay kuwan qatayna wa dhalad aya la shegay marka isaga o an si dhab ah u fahmin mowduuca ayuu hadal an ku jirin mesha la so boday o ka hadlay wax an lo bahneyn o ay kaa kenikarto o kaliya neceeeyb waxa dhihi laha hadad wax necbaneysid ilaahy dartiis wax u necboow hadad wax jeclaneysidna ilaahey dartii wax u jecloow iskana ilaali fikradaha gaalada iyo sida ay wax u wadan marna ma ahan wax ilaahey ka rali noqondono

  16. M.deeq says:

    Waar Negeeye!
    Horta mawduuca ha ka bixin oo marba meel haysku qaadin waayo Xijaab iyo niqaab baan ka hadlayney haddana waxaad latimi dad baa wax gaaleeya.

    Tan aad leedahay naag reer galbeed ah kama yeeleen in ay waddankayga qaawanaan ku dhex martana waa sax laakiin ogow waxa adigu aad haysato iyo waxa iyadu haysataa aad bay u kala duwanyihiin oo iyana gaalnimo iyo qaawanaan bay haysataa adna diin Islaam baad haysataa Ilaahayna wuxuu ku faray in aad iyada tusaale u noqoto oo gaalnimada kasoo saarto.
    Ugu dambayn miyaanay kugu fillayn in dadkii oo dhami dhinac kaa wada noqdeen oo aad keligaa tahay hadda.

  17. abdirahman says:

    nageeye

    walaal ilahay ka baq oo diintada qofna ha uuga baqin ilahay talo saaro waad baqaysaaye
    gaaladu iyagaa soo wada muslimaya
    http://www.turntoislam.com gal nageeye
    bal arag ita soo muslimtay oo uu ilahay u gargaaray asc wr wb

  18. Alyamaani says:

    SCW…

    Waxaa allaah mahadii ah in markaan indhaindheeyey Qormadii Nageeye iyo Jawaabihii ka dambeeyey waxaa i dejisey sida aynu weli ugu dhegenahay caqiidadeena suuban iyo sida aynu uga wada dhiidhiyayno wax kasta oo ka hor imaanaaya diinteena waana allaah madiis.

    Tan kale waxaan allaah uga rajaynayaa Nageeye in uu ku anfaco waanooyinkaas ay siiyeen walaalihii iga horeeyey diintana ku nageeyo NAGEEYE.

  19. Mr. Halgame says:

    Shaqsiyan, waan ka soo horjeeda Niqaabka ama Indho Shareerka waayo dhaqan u gaar ah Carabta masayrka badan. Mida kale, waxa haboon in la kala garto ruuxu inuu lab ama dhidig yahay waayo shaki iyo tuhun xaarana bay keenaysa iyo in lagu xad gudbo dumarka si loo kala ogaado ama baadho ama looga faydo niqaab ay ku qarsoon yihiin taasoo xad gudub iyo dhib ku ah dumarka.

    Sidaas daraadeed, waa inaan xijaabka caadiga ah ee Diiniyan asturnaan ugu filan aan laga badbadin oo wejiga dumar laga daboolin. Taasina, waa arrin muhiim ah oo badbaado u ah dumar gaar ahaan kuwa wadamada shisheeye ku nool una taala raga dumarkan dhalay ama ay u dhaxeen ama eheladooda kale. Waa inaaney ragu dumarka khatar gelin cadowna u soo jiidin ee ay si walba oo ay ku badbaadi karaan ka shaqeeyaan.

    Guul iyo Gobanimo,

  20. umucayni says:

    asalamacalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

    awalan allaah ayaa mahad iskaleh.marka labaad maamulka iyo walaalaha difaacaya sharafta iyo karaamada diinteena ayaan u mahadin.
    hadaan wax ka iraahdo dooda socota ee niqaabka walaalka furay horta aan u ducayno in allaah inoo soo hanuunsho oo diinta ku nageeyo aamiin.dhamaanteena allaah diinta hanagu sugo xili adag baa lagu jiraaa ee aan allaah iyo diintiisa u noqono allaah hanagu sugee aamiin.
    anigu waxaan ahay hooyo soomaaliyeed waxaan wadamadan qarbiga soo galay 16 sano ka hor anigoo niqaaban alxamdulillaah ilaa hadana waan niqaabnahay hal marna allaah dhib ima tusin alxamdulilaah.waxaan arkay walaalo u dhashay wadankan aan ku noolahay oo islaamay qaatayna niqaabka waxay iyiraahdeen intaanan niqaaban ka hor waa nala dhibi jiray oo anaaba goob joog u ahaa marar aan wada soconay anagoo masjidka ka soo baxanay iyagoo la aflagaadaynayo oo la leeyahay diintiinii baad ka baxdeen oo diintii qaxootiga ayaad qaadateen iwm.markay niqaabteen dhibkii waa ka yaraaday say ii sheegeen waayo markii horaba waxaa lloo dhibi jiray si aan anaga naloo dhibin oo dhibku iyaguu ku badnaa.niqaab dhamaystiran oo xitaa indhuhu qarsoon yahay ayay xidhaan lamana garanayo in ay ajnabi yihiin iyo in ay kuwii wadanka udhashay yihiin marka indhashareerka dhib ma keeno hadaan lagugu imtixaamin ee nabad galyo ayuu keenaa.cidi naguma khasbin sida gaalka xun ee faransiiska u taliya iyo kuwa la midkaa u qabaan ee anagaa ikhyaarkayaga ku qaadanay allaah ayaan ku mahadin nagu hanuunshay waxaanan ka baryayaa inuu nagu adkeeyo ilaa dhimashada aamiin.tan kale culimada qaar baaba qaba inuu waajib yahay walow laga badan yahay hadana waxay leeyihiin intii uu noqon lahaa waajib laga tagay oo dabi ka imaan lahaa sune la qaatay oo ajar laga helo ha noqdo oo ha la qaato.waa cizi iyo sharaf xijaabka iyo niqaabku waa waxa aan ku kala gadisan nahay gaalada waa calamad muujinaysa karaamada diinteena.waa kuwaa kuwii aan diinta lahayn iyagood malay moodid muruxsan oo jirkoodii qaaliga ahaa iyo quruxdoodii duleeyay oo bilaash lagu daawanayo.illaahoow saan aduunka ukala duwanahay aakhirna noo kala sooc oo kuwaas meel hanala gayn allaahuma aamiin.ragayagana allaah hanoo soo hanuunsho oo kuwii xaqa nagu dhiqi lahaa ha ka yeelo aamiin.

  21. rashka says:

    a.s walalayaal waxaa wax lagu farxo in gabdho muslimaad ah ay u istagaan in ay mujiyaan in niqaadku yahay shey diini ah ee an laab la kac loo xeran ….. tan kale sida la ogyahay wadamo oo yurub tirsan goobaha shaqada ama waxbarashada lagama ogolo qimaarka caadiga waxaa tusaale idinku filan germany

  22. Wiil somaali says:

    To: Nageeye
    Kaliya waxaan ku darsan lalhaa fikradahaan qurxoon Nageeyow xagjirnimadu waa sidaad u qaadato hadaad u qaadato sida Reer galbeedku u fasiraana waa mid hadaad u qaadato sida Muslimiintu ugu dhaqmaana waa mid.

    Hadii Reer galbeedku Muslimiinta diintooda ku dhagan xag jiriin ugu yeeraan waxaan leenahay waa sax oo xagii diintooda ayey jiraan
    Hadey asal raac dhahaan asalkii diinta kitaabkii & sunnadii ayey heystaan.
    Hadey mintidiin dhahaana diintooda ayey ku mintidayaan, marka waxaa jira hadal laga soo xigto Cali ibni abii daalib(R.C) oo uu yiri Kalimatul xaqqi yuriidu bihaa baadil oo macnaheedu yahay kalmad xaq ah laakiin ujeedo kale oo baadil ah looga danleeyay waayo Reer galbeedku wey ogyihiin xaqiiqda dhabtaa dadkaan ay xagjiriinta ugu yeeraan laakiin Ra’yul caamka ayey rabaan inay khaldaan una tusaan inay yihiin dad khaldan oo cadaw ku ah.

  23. Cabdulqaadir says:

    SCWW.Ilaahay iimaanka hannagu sugo meelkasta oo aan joognabo,aad baan ugufaxsanahay sida loowaaniyay walaalkeen Nageeye mid yarbaana ugu darayaa:Soojaadkii Nabi Muxamed SCW ayaa bilaabay Niqaabka sootay yiraahdeen maahan markaan aragno Rag ajaanib ah Niqaabkaan soodaysan jirnay markaynadhaafaana waan iska rogijirnay.Soo in nabiga lagudaydo maahan iyo noolashiisii siday ahayd mise waa in lala dagaalamo wixii ilaahay iyo nabigiisii na amreen?(Uswatun xasantun liman kaana yarjullaaha walyoomil aakhiri)Guulaysta idam alle.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dalxiisayaashii Faransiiska oo la sii daayay
  2. Spain & Faransiiska oo soo jeediyay in la qabto shir ku saabsan Somalia
  3. Dowladda Faransiiska “Anagu Diyaar baan u nahay inaan la hadalno islaamiyiinta”
  4. Aabo dhalay 2 Gabdhood oo la af-duubtay oo codsaday in la soo daayo
  5. Saraakiishii Faransiiska oo la kala Qeybsaday

Latest Headlines