Wakiilka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir, Sh Cali Maxamuud Xuseen ayaa gaashanka u daruurey war Saxaafada qaar ka baahisey oo sheegaya inay jiraan Haween gaaraya 300 Qof oo ku xiran Xabsiga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe kuwaas oo la sheegay in Xijaab La’aan lagu eedeeyay.
Sh Cali ayaa arintaa ku tilmeemay mid ayna waxba ka jirin, waxa uuna daliil uga dhigey in xabsiga Degmada Balcad aanu qaadin tiro dhowr iyo toban ka badan iska 300 qof dad gaaraya.
Warka Maamulka Al-shabaab ee Degmada Balcad laga baahiyay sidoo kale waxaa ka mid ah dadka xabsiga ay dhigeen ku jiraan haween waayeel waxa uuna arintaa Sh Cali uga jawaabay inaanay waxba ka jirin, waxa uuna ku cileeyay haweenka waayeelka Xijaab culus inaanu waajib ku aheyn sida shareecada Islaamku qabto.
Wararka laga baahiyay ayuu ku tilmaamey kuwo been ah oo ka tarjumaya cadaawada Islaamka & Muslimiiinta u qabaan kuwii tabiyay sida uu hadalka u dhigey.
Dhanka kale waxa uu sheegay go’aamo gaadiidka rayidka ah ee ka dhex shaqeeya Magaalada Muqdisho ku soo rogeen inuu dhaqan galeen kaas oo ahaa in raga iyo haweenka la kala sooco oo ayna isla fadhiisan.

Related posts:
Asc waad salaamantihiin somalimirror waxaan rabaa in aan fikirkeyga ka dhiibto dhacdadii Balcad waxaan ahey reer balcad dhacdadaas wey dhacdey waxaa yaab leh in al-shabaab ay yiraadeen (dhulka lama kala laha iyo uma dhalan ) waxey na tusineysaa in qabyaalad ayna ka maqneen oo ay ku dhaqmaayaan sidii aan horey uga baraney maamuladii soo marey meesha
Asc walaaley ilahey ha idiin sahley waa dhacdo laga xumaado qof waliba oo muslim ah
a\c waxaan aad u salamayaa shabakada somalimirror waxaan saxaafada kale u sheegi lahaa iney ixtiraamaan mujaahidiinta oo ay iska dhafaan wararka xun xun ee ay faafinayaan wararka u adeegaya cadowga ha la iska dhaafo oo walaalihiin mujaahidiinta ah is garab taaga
(as w w w) walalayal ilaha an ka baqno marka hore marka xigta waxa la joga waqti fitno e qof walbow cida ha tagerin
Dabcan waxaa jira kooxo islaamiyiin ah oo laga tiro badan yahay qaarkoodna fikirkan qaldan kasoo laabteen oo aaminsanaa in xoog lagu badalo nidaamyada ka jira dunida muslimka kuwaasoo qaraxyo ka samayn jiray Masar iyo meelo la mid ah. Inkastoo iyaga sidaa la qumanayd hadana ugu yaraan ma aysan gaalaysin jirin ama qarax la beegsan jirin islaamiyinta kale ee baarlamaannadaa gasha ee aaminsanayd in gudaha si tartiib ah wax looga bedelo inay ka qumanayd in dalka qaraxyo iyo dagaal sokeeye laga rido oo tan danbe ay ka khatar iyo fidno badnayd.
Haatan dawladda Soomaaliyeed waxay go’aansatay oo golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo madaxweynuhu waxay ansixiyeen ku dhaqanka shareecada islaamka, hadana shabaab weli waxay taagan yihiin inay riddo yihiin ama gaaloobeen mar hadiiba ay baarlamaanka weli ku jiraan raggii embagati iwm tan uu muujinaysa in arintu soo dhaaftay diin oo qura ee ay isu badashay koox iyada kaigeed isu aragta inay diinta wakiil ka tahay oo magaca Eebbe ku hadasha, ciddii ajandaheeda ka hor timaadana ay dagaal ku qaadayso ama dhiig xalaalaysanayso
waxaan la yaabanahay naagta la baxdey nimco oo ku doodey inay reer balcad tahay ayna qirtey wax been ah, runtii balcad anigaa kasoo jeedo hadana cawa kasoo tagey marka waxaad sheegtey waa been abuur, naag wareeran ayaad tahay wadadaada ayaad kasoo horjeedaa nabiga csw ayaa sheegay inaad tihiin naaqisaat caqlin wadiin marka beenta dhaaf yaa nimcaay
asalamu aalikum
walaalaha somalimirroro waad mahadsantihiin sida aad usoo bayaaniseen warxumada ay faafiyaan websiteyada aan damiirka lahayn oo aan xataa lahayn xirfanimada shaqada saxaafada.
waxaa ka mid ah webyadaas CALANKA.COM oo ah meesha arintaan lagu faafiyay ayagoo kasoo xigtay IDACADA GAALADA VOA
marka waan kaxumahay inay waxaas oo kale ay so shaaciyaan ayagoon ixtiraamin damiirka dadka akhristayaasha ah.
Asc ALLAHA idin abuuray ka baqa soomaaliyeey,soomaalida sida ay u badantahay waayahan diinata ALLAAH inay la dagaalamaan ayeey bilaabeen ama ha ogaado qofkaas inuu diinta ALLAAH la dagaalamayo amab si hayi raacnimo ah ha ula dagaalamee isagoon is ogeyn arimahan walaalayaal waxaa daliil u ah in aan waxba laga sheegin kuwa dowladda isku sheega ee daba dhilifka ah cidamadooda dhaca iyo boobka ay u geystaan shacabka iyo xumaanta kala duwan oo ay sameeyaan,waxaa dadka badidii ay caado ka dhigteen in mujaahidiinta hortaagan danaha gumeysiga iyo gumeeysi kalkaalka wax laga sheego,midda kale somaalida maanta waxaaba diin u noqday sida ay u badanyihiin web-sidyada war ALLAAH aan ka baqno aana ogaano bogoggan interneedka ee luqadeena wax ku soo qora inay qabyaalad iyo quran ay u hadlaan in yar oo ALLAAH u naxariistay maahee,ogaada NABIGEENII SCW inuu yiri:(QOF WAXAA DAMBI UGU FILAN WAX WALBA UU MAQLO INUU SII SHEEGO)isagoon hubsan waxan inay run yihiin iyo in kale ALLAAH aan ka baqno WABILLAAHI TOWFIIQ.
Horta aduunku waa labo oo bush ka gaalada u weyn baa horey u sheegay wuxuuna yiri ONe who is with us oo uu ula jeedo gaalada iyo wixii raacsan iyo one who is against us oo uu ula jeedo islaamka ay alqaeda hormuudka u tahay.
sidaas darteed idaacada VOA yaa iska leh yaa tafaftira?
wey cadahay jawaabta waxaa ka naxdin badan ninkii ku hayay naagteydaa la yiri waa lagaa guursanaa ilaaheey waxaan kaas uga barinay cadowga uu maanta dacaayada u samaynayo inay ihaaneyaan oo dhibkuu u yeeranayo oo mujaahidiinta ka sheegayo cadow gaalada uu jecel yahay ka mid ah saas yeela inuu ku salado………..aamiin
waa runtii xabsiga balcad ma qaadi karo tiro ka badan 15 qof,
alshabaad caada ma ulaho in dumar wax ku darsataan waa niman wadaada eh ee yaa laga been abuurin ragaan
Nagta xun e la dhaho nimco war ilahay ku aburtay ka cabso e benta dhaaf mida kale ana hada joga kulaha email miyay ledahay balcad war ale ka cabso hadalkada waxan ka dhidhimiyay in aad tahay qof an xirarin marka cayna kuma quri e ale ka cabso somalimirrorna wad mahadsantihin
asc wr mahad allah bey u sugnatey nabigeena maxmed scw allah ka rali noqdo waan halkaan la yabanhey sidi diinta islamka loo dacayadeynayo sida galada waxu islam miyeyna ahen al shabab cadowgiina allah jabiyo somali diinta neceb baba soo baxdee allow na sug sidi galada hadii loo hadalaya maxa talo ah wa la yabee islamna la shegayanaayo war allah u noqda iskan daya al shabab aad ka benshegyesaan idinkii oo somali ah hadana islam sheganayo hada al shabab ka soo horjesatiin galada intee inte joogta war allah ha laga baqo aqira naga danbeysee xaqa guuleysanayo insha allah wsc wr
macaada laaha waxaasi waabeen ay faafiyeen gaala raacyada.
VOA waxaa carbistay gaalo taasi miyaa layaableh wax ka daran ayaan filaynay
waxaas ma ubaahnin waxaa noojooga warbaahin islaami ah sida SM Andalusnews.com iyo Allmuqdisho.com
Walaaleyaal,
Yaan waqtiga la iskaga lumin wax aan dan inoo ahayn, arrintu waa sidan uu walaalkeen
Gashaanle sare Suleyman yiri”
“Waxaan ku soo gunaanadayaa waxaa socda waa jihaad ee ummadda Soomaaliyeed ha u diyaar garawdo in ay ka qayb qaataan jihaadkaas. Dadka qaba in uusan dagaalka socdaa ahayn jihaad waxaan doonayaa in sababta ay ugu maleeyeen in uusan jihaad ahayn ay igala doodaan cid kasta oo ay yihiin wadaad iyo waranleba.”
Salaam calaikum
asc
warfideeyanada gaalada ayan ku naqiin inay islaamka dacayadeyan waxa soo baxay warfideyeeno murtadiin ee ugu horeeyan voa ku wa labaxay waagacusub calanka wadanka aminarts iyo mid la baxay almaxaakim waxey mar walba ka shaqeeyaan in shacabka iyo mujaahidiinta isku diraaan taasna waa lagula xisaatami doonaa aduunka iyo aqiiraba waxaan mahad u celinayaaa webyada shabelle somalimirror oo ah kuwa xaqiiqda ka hadlaan oo shacabka muslimka soomliyeed ee ku taxan yihiin walaalyaaal waad mahadsantihiin sida mar walba oo aad qaladka isaga ilaalisaan waana mid lagu daydo allaha idin xafido waxaa wax la yaabo ah mujaahidiin ku diifaacayaan oo aad mar walba iska dacaayadesid waana mid laga yax yaxo alle ha soo hanuuniyo asc
asc salaanta islamka ayan idin ku salamay salaan kadib waxa sual ah oo la is waydiinayaa niman meel iska cayarayaa oo inay email fursad ay dadka wax kaga sheegayan haysta oo wadanka waxa ka socda aan ka war haynin inay qof ama qolo wax ka shegaan war dad ayaa dhowr bilood ciyalkooda aan arag oo wadanka u adeegaya haduu qaldanyahay haloo duceyo ilahow walakeen qalad aya ku dhacay soo hanuuni gef waa jiraa lama diidana lakiin in la cayo ama dacayaad laga fafiyo waa xaraan qof walbow qabri baa ku sugaya walahi afkiina ceshta waa ogtihiin inuu nscw uu yiri malinta qiyaame narta afka ayaa laguy galaa ilahay hanaga badbaadiyo amin mida xigta ninka gabadha nimco la yiraahdo la hadlaya waxaan dhihi lahaa gabadha u tartiibi u caqli celi walalay sidaas mahan waa kaa qaldantahay dheh oo waani lakiin ha caynin waxa somalia meshan dhigay wa waxaas qofka gaal mahan waa muslim qaldan oo u bahan in wax loo sheego waxaa laga yabaa inaysan cilmi lahayn gabdhu walal ilahay waxaan waydiisanaynaa kheer dhamaantiis iyo hanuun alah umadaan ku soo dabaalo insha alahu tacala
asc
walalayaal wan idin salamay dhaan dadka fikirkiida halakan kadhiibta ascw
waxan u jawabaya ninka labaxay Ibraahih ee difacaya nimanka Balcad waxan kuu sheegayaa waxkastoo dhacaa cidna kama qarsoona tedakale hadii laga been abuurayo ninmanka aad difacaysid
marwalba Borobogao ba laysla dhexmarilahaa xaqiiqda hadiidin beentuna waa xaraane adigu ka illaali naftaada
Kuwa mujaahidnimada sheeganaya ee dumarka caayaya ee ku sheegaya “naaqisaatal caqli” way khaldan yihiin. Dadka aad sidaa u yasaysaan waa walaalihiin, hooyooyinkiin iyo hablihiina.
Nin ku fikar ah sida kan qoray oraahda kore, shaki kuma jiro inuu ciriiri iyo cadaab marin cid allaale cidduu ka xoog badan yahay. Farqi ma leh cidda uu ka xoog batay inay tahay dumar, rag, waayeel ama dhallaan yaciis ah.
Ascwwb,waxaa mahad leh alle sxwt ,rasuulkiisana mohamed bin abdulahi binu abdulmulib naxariis iyo nabadgelyo korkiisa eebe ha yeelo scw.kadib waxaan leeyahay walaaladeyda soomaliyeed inaay iska daayaan inay aflagaadeeyaan walaalahooda mujaahidiinta ah ee gaalada iyo gaalo raacyada horjooga ,una diidaaya inay wadanka loo gacan galiyo gaalada saliibiyiinta ah isugu jira gaalo jareer ah iyo kuwo kale ,walaahi mar aan dheereyn baa lana xisaabin doonaa ,halaga baqo xisaabtaas maalinteeda oo aadan cidna kaa celin karin malaaigta aan ilaah amarkiisa mooyee amar kale ku shaqeeyeynin ,oona eebe ka caasiyeynin ,o wixii la amro mooyee wax kale aan sameyn.waryaada hadii aydaan garab istaagi karin mujaahidiinta ,afkaaga ka qurmuunka ah ka cesho. ilaah baa u gargaaraya mujahidiinta allow noo xafid yaa ilaahi .
aniga waxay ilatahay in diinta iyo dadkeeda uu alle kuquweeyey dacaayada lagadaayo
waxaase iswadiinleh hadii layiraahdo dumarka wixii aykuwaajibtay xijaab halooxiro yaa waxlaga bi iyay oo iminka xanaaqsan bal hala ogaadee hadiii layiraado naagtaada iyo xaaskaaga xijiib haxirteen maa waxbaalagaa bi iyey mise wax baa laguu hagaajiyay Suuratul nuur bal akhriya waxaad ogaanaysaan in xijaabka ilaahay waajibiyey iyo in ay alshabaab waajibiyeen hadiise gabadhaada la asturo maadaa laguu daneeyay mise alshabaab
ilaahay halaga Cabsado oo yaan lagu kadsoomin hadalka gaaladu aybuun buuninayaan ee ah diinladagaalanka ah diinta alena yaan lagu jeesjeesin Voa dana kaga quusta Fatxiya Cabsiiye iyo walaasheedii gaaladu markii aykayaabtay ay iskasoo masaafuriyeen oo meelwaliba aydiiday dalalkii gaalada oo dhan markii aykayaabeen dhaqankeedii iyo lebiskeedii aadka ugafogaa dhaqanka islaamka
war iska qabtoy war aniga aa ku jiro alshabab waxyaaba ha qaar weynaga dhacaan dadka wxas sameyana waa naqanaa baris ayaa lagu hayo waa dad beelo hore oo isdagalay oo cuqdad isku qabo marka waxaas yaana lala yanin somaliyed dad aa nafsadoda ku fududanay marka ilah wadada saxan hanatus
Ku: Allemagan walaalka wata
Asalamu alaikum
waxaan kaaga digayaa walaal inaad benisid xadiis saxiix ah oo uu nabiga shegay SCWS
walaal ka noqo hadalkaas gafka ah waa khalad wayn oo aad ka gashay diinta islaamka..
yaysan kuu geysan rag iska dhici inaad cadaalada ka tagto xaqana aad garab marto!!!
Dumarku inay yihiin NAAQISAATUL CAQLI WA DIIN waa wax cad oo uu nabigu sheegay mana aha in la yasayo MACAADA ALLAAH ee waa xaq uuAlalah shegay cid kstoo caqli sax ah lehna waa ay ucadahay walal waxaan kugu naseexeynaya adiga iyo inta kula fakarka ahba inaad allaah utooban keentaad diintana aydaan caqligiina ku miisaamin, akhrisana kutubta culumada iyo waxa ay ku sharxeen xadiistaan oo kale
waad mahadsantihiin
wasalamu alaikum
asalamu aleikum
qurba joog iyo dhamaan dadka.
ilaahey ka cabsada runtii aniga balcad ma joogo mana tagin mana joogo meel u dhaw laakin wax walba waa suurta gal islaantii hadleesay qof dhib ka muuqdo ayuu ahaa so hadan iyada laa amineenin ma waxaa laa aaminayaa ninka shabaabka ah labadooda mid baa been sheegayo taas aan isla qirano marka hore.
second:- alshabaab wax walba waaka suurtoowdaa isla markaana shacabka waa naceen alshabaab sababta oo ah hadaf cad malaha oo waqti iyo miisaan ku fadhiyo.
almuhiim allaha badbaadiyo dadka roobka iyo dhibaatada ku jiro iyo wax eey ku noolaadaan heynin, aqliga iyo iimaanka allaha usoo noqo shabaab iyo kuwa ku fikirka ah . waqti xun aa lagu jiraaa dadka wacyi gelin ayee u baahanyahiin halmar ayee rabaan wax walba in lagu sameeyo dadka diinta kama dhisno i mean shacabka waa in loo sharxaa jalbaabka iyo faaidada uu leeyahay iyo diinta wax eey ka qabto laakin dhalinyaro in la dhaho jalbaaba islaamanka u gelsho xataa kan amarka fulinayo aqoon diimeed uma laha jalbaabka waxa uu yahay.
Allo umadaaa usoo gar gaar uu kaqabo dhalinyaradaan waalan.
salaam
W/c walaalaha islaamka, walaalayaal in mujaahidiinta la caayo, la dacaayadeeyo ama la af lagaadeeye waa calaamadaha ee Iimaan ee lagu yaqaano waayo baadilku xaqa ma arki karo. Rasuuslkii scw oo waxyigii kusoo deganayo baa la caayey oo la dhahayey caadilnimo samey ama la lahaa qanimada maqan Rasuulka scw baa qaatey!!!! marka Yaa mujaahidiin dulqaata taasi taageero shacab iyo u dhowaansho Alley idiin siyaadineysaa.
Kuwa leh naagaa nalaga guursadey!! waxa jira niman la dhaho Takfiir oo cidda aan fikirkooda qaadan gaalo u yaqaana, hadey naagtaadu fikirkooda qaadatona horey ka guursadaan waayo waxay kuu arkaan inaad gaaltahay. kuwaas waxay u badanyihiin Gobolka bari khaasatan Qardho cid wax ka sheegtona ma aragno maxa yeeley Baadil baadil waxba kama sheego. Marka hadaad aragtan cid Gaaladu geeska gelinayso waa cidda xaqa ugu dhow. gaaladuna hadey waxay xooga saarayaan xaga dagaalka dicaayada ileyn dagaalkii raganimada waa ku jabeene.
a/w/wabarakaatuhu dhamaan waad salamantihiin inta wax qorta iyo inta wax akhridab
walalayaal waxaan hor iyo horaan idiin dardarmayaa cabsida allah waxaan halkaan idiin ku qorayaa kelimado yar oo aan rabo in allah miisaanka xasnad ka iigu daro malin aan aad iyo aad ubahanahay oo aan ogahay!!!!!
Walalayaal waa maalin jimce ah waxan fadhiyaa masajid allah giryihiisa kamid ah waa 11:49 subaxanimo allah waxaan siniyad ah u weydiisanayaa in uu siiyo hiilkiisa iyo gurmadkiisa mujaahidiinta xaqa udaqalamaya iyo in ay kelimaddiisu hor noqoto adin kuna aamiiin aamiin dhaha
- iyo allah in uu umaada somaliyeed diinteeda fahamsiiyo oo uu jeclaysiiiyo iyaduun bay ku badbaadi karaan
BAL WALALAYAAL WAXAAD AKHRIDAAN KUTUBTII ALLAH HA UNAXARIISTEE SHEEKHUL ISLAAM.MUJAHID.MAXMED BIN CABDI WAHAAB NIN YAQAAN LOO SHEEGIMAAYO NINKAAN OQOONINA HABARTO OO WAX HAKA OGAADO SHEEKHA SIIRADIISA WAA NIN SAALEX AH SIDA AANU URAJEYNAYNO walalayaal waxad arkaysaan markaan hadalkan leeyahay lahadlimaayo nin caqiido ahaan sheekha ay isku khilafeen ee waxaan lahadlayaa kuwa majaruhu ka khaldamay ee baran jirey sheekha iyo kutubtiisa iyo manhajkii selefka oo hada jihaaddka lagu kari laýahay walalayaal waxaan hadalkaan uga danleeyahay sheekha ninkii manhajkiisa khilaafsanow adigu waa inoo markale lakiin ninkii og inuu sheekhu mujaahid ahaa oo uu ladagaalamay qabuuriyiintii bal bilaahi calayka waxad eegtaa kutubta laga qoray oo xitaa inbadan oo ehlu khayr aanu kuxisabno ay kaqoreen markii looga sheeka xumeeyeey sida hada mujaahidinta looga sheeka xumaynayo yaa allhu wardadku miyaanaey caqli lahay {{AFALAA YACQILUUN}} Maxay maanta shalay u egtahay sidaas uun baa weligeed mujaahidiinta loola dagalamaa waxaan ugadanleeyahay ragii manhajka selefka sheeganayow sheekh maxamed cabdil wahaab waxaa lagu haystee WAA DEGDEGAYAA OO DADKUU GAALAYSINAYAA OO QOORTUU KAJARAYAA OO DHIIGUU KUDHEERAYAAAAAAA !!!!!!!!!!!!!!
Waa yaab mashababkaa lasheegaya mise sh m c wahaab iyo Ibnu teymiyaa lasheegayaa war arintu isu ekaa war bal wax hala fiir fiirsho oo diinta dib haloogu noqdo wax baa isu yare ekadee mise anidaa riyoonaya
Al muhiim walalyaal alaah aan unoqono oo aan xisabtano waxaan dheheeno waa uun wax aan hore geysanee hadhow yeey ina culaysin waan idnku badiyeey hadalka iga rali ahaada iina soo duceeya in allah xaqa ahaa igu sugu kuligeenba
alow dadkaan been badanaa maxa lagu siiyaa in alshabaab in ee ka been aburaan war ilaaahay ka cabsada alshabaab dumar mee xiran, dadka dumar ka amaan layihiin waa nimaanka sheganeeyo dowladnimo oo wasiir cadaalada jinoqow dumarka afduubanaayo
Ku Aadan,
Walaal igama ahan jowr iyo cadaadis inaan ka hor imaado cayda iyo yasida dumarka. Diinta iyo axaadithta laga wariyey nabigeenu dumar ma caayaan oo waad aragtay sida labada zowj qur’aanku isku barbar dhigo ee marki rag la sheego dumarna la sheego (almuminuuna wal muuminatu, alqaanituuna wal qaanitaatu, wasaadiquuuna wasaadiqaatu, walxaafiduuna furuujahum walxaafidaatu). Adaabtan inaan qofna meesha laga saarin oo an dowrkiisa la xaqirin ee ku cad qur’aanka munazalka ah (+1500 sano, aadamahu hadduu bartay oo wixii la qorayaba la yiraahda “asaga/ama iyada”.
Axaadiith aad cuskanaysid inta badan waxaa soo warisay umul muuminuu Caaisha (radiyallaahu canha). Haddii ay tahay naaqisatul caqli wadin, maxaa loo qubi waayey axaadiithtaas oo u yeelay miisaanka aan ku aamino. Waxa kale oo aad ogaataa axaadiithta qaar ayaa ah “musnad daciif” laga yaabo inuu ku jiro kan aad cuskanaysid.
Haddii aad intaas oo dhan ka soo kacdo, ma ahan aadaabta islaamka in dad la aflagaadeeyo oo la duro caqligooda iyo diintooda. Taasi waxay dadka ku abuuri cuqdad iyo isku kalsooni la’aan.
Dumarku ( oo ka badan 50% oo ummada) waa walaalaheen, hooyooyinkeen iyo ubadkayaga mana haboona inaan yasno. Duul dumarkooda yasa oo u diida dowrka ay ka qaadan karaan dhismaha bulshadu, meel gaari mayan, khayrna noo horseedi mayaan.
a/c/ allemagan waxaan dhihi lahaa dumarka in xaqa loo sheegaa yasmo maaha ee waa dantooda ee adigu dantaada garo oo diinta islaamka baro hadii aad muslim tahay iyo hadii kaleba,ogowna naaqisaatul caqli wadiin waaye dumarku hadii lugu yiri fikir maaha ee waa xadiith sugan , saas ula soco oo diinta baro