Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta kulan uu yeelanayo waxa uu uga doodayaa Warbixin Wakiilka Q.M, Soomaaliya ugu qaabilsan waa Axmed Walda C/lle ka soo gudbiyay Xaalada guud ee Dalka, waxa uuna kulankan ku soo beegmayaa xilli beesha Caalamku taageero DKMG ah ugu yaboohdey.
Axmed Walda C/lla ayaa hadalkiisa ku sheegay inuu soo dhawaadey xilligii Xafiiskii Q.M ee Soomaaliya, Nairobi laga rari lahaa loona wareejin lahaa Soomaaliya si Xaaladaha jira uga qeyb qaato.
“Waxaa na saaran khad cagaaran in laga hirgeliyo Muqdisho sidii horey Ciraaq uga dhacdey” ayuu ku yiri hadalkiisa isaga tusaale u soo qaadanaya dhufeys yada adag ee Ciidamada AMISOM sameynteen.
Walda C/lla ayaa ku celiyay codsi uu horey Golaha Amaanka u hor dhigey oo ahaa in Ciidamada ka socda Q.M loo diro Soomaaliya kuwaas oo badelaya kuwa Midowga Afrika ee hadda jooga.
Golaha Amaanka ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale warbixino ka dhageysto kooxo horey loogu saarey inay ka soo baaraan degaan cunaqabateyn Soomaaliya lagu soo rogo balse dibomasiyiin la Hadley Reuters ayaa sheegay in arinta cunaqabeynta ku forarto dhinaca Eritrea.
Dhanka kale Walda C/lla ayaa Xubno Soomaali ah oo ku sugan dalka Imaaraadka ku eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin burcad badeeda sidoo kale taageero aanu faahfaahin sheegay inay u fidiyaan burcadda iyo Xoogaga DKMG ah ka soo horjeeda sida uu hadalka u dhigey.
Howl-galada maraakiibta shisheeye ka wadaan biyaha soomaaliya ayuu sheegay in xaalada wax ka badeshay tan iyo markii la bilaabeen.
Falalka burcad badeeda ayuu sheegay inay ka qeyb qaataan hub sharci daro ah oo soomaaliya u gudba, arintaas oo xad-gudub ku ah go’aankii cunaqabateynat xaga hubka ah ee soomaaliya horey Q.M ugu soo rogtey sida uu Warbixinta ku sheegay.

Related posts:
oo marekanku ma ka sareya qaramada midobayda la shegayo sababta o ah iyada o laleyahay qunaqabateyn xaga hubka ah aya saran somaliya o an la garaneyn xili laga qaday ayu si cad adunka dhan ugu shegay in uu hub siyay dowlad ku shega shariifka la so gamay-marka marekanku muxu hadi u ixtim xita u haya un ka u farisinwayay o u dhihi wayay qunaqabateynat qeyb ha la fasaxo sida dowladaha waweyn o an anigu ka mid ahay in an hub geynkarno somaliya -lakin tas mu sameyn e hub ayu iska geyay an si sharci ah lo marin tasu soow ma ahan aniga aya adunka ku amrtukaleynayo la ilamana hadlikaro wa cajiiib meshu uu ku danbeyo marekanka ayan fiirindoona mardhow ayan rajeyneyna in u mesha ka baxo maxa yeelay dulmibadan ayuu geystay walina wada—
assalamu caleykum
war maraeykanka iyo waxa lugu magacaabo Q.M soo isma laha xageed u kala wadaa soo maha aalad mareykanka iyo xulufadiisa reer galbeedka ku shaqeystaan kuna burburiyaan islaamka iyo dadkiisa soo maha
tusaale ahaan dagaalkii ciraaq Q.M ma ansixinin mareykana xoog ayuu ku galey
hadaba mareykanka iyo Q.M waa waxa carabiga lugu jiraa (WEJHEEY LI CUMLATIN WAA XIDAH)
WASSALAMU CALEYKUM