Khasaarahii ka dhashay Duqeyntii Xalay ee Muqdisho.

Published on July 25, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

DuqeynUguyaran 9 Ruux oo Rayid ah ayaa inta la ogyahay ku dhaawacmay Duqeymo Xoogan oo Xalay Saqdhexe Ciidamada AMISOM u geysteen Qeybo kamid ah Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag iyo Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii Israsaaseyn Kooban laga Maqlay Qeybo kamid ah Fariisimada Wada dheer ee Makah Al-Mukaramah ee ay isku horfadiyaan Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinaca ah iyo Ciidamada Xarakada Shabaab Al-Mujaahidiin iyo Al-Xisbul Islaami oo iskudhinac ah.

Gadiid Gurmadka Degdega ah ayaa Isbitaalada Gaarsiiyey Dadka Dhaawacmay, waxaana jirta in Gawaarida iyo Shaqaalaha Gurmadku ay Dhib ku qabaan Xiliyada Habeenkii, mana Shidan karaan Nalka iyaga oo ka baqanaya in la Bartilmaameedsado, Habeen kahor ayeyna aheyd Markii uu God ku dhacay isla markaana Qalibmay Mid kamid ah Gaadiidka Ambulance-ka ee Live line Afrika kaas oo Xiligaa waday Haweeney Umul ah oo iyada iyo Canugeedu dhaawacmeen.

Duqeymaha ay Ciidamada AMISOM u geytaan Goobaha ay ku dhaqan yihiin Dadka Rayidka ah ayaa noqotay kuwao Joogta ah 5 tii Habeen ii ugu Dambeysay.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Qasaaraha ka dhashay Duqeyntii Xalay ee Muqdisho iyo AMSIOM oo ka Hadashay.
  2. Khasaarihii ka dhashay Duqeyntii Arxan daradda ahayd ee AMISOM
  3. Khasaarihii ka dhashay Duqeyntii AMISOM oo sii koradhay.
  4. Khasaarooyinkii ka dhashay Duqeyntii Muqdisho oo sii kordhaysa.
  5. 10 qof oo ku geeriyootay 20 kalana way ku dhaawacmeen Duqeyntii Xalay.

Readers Comments (4)

  1. ALLOW tawfiiqda na waafaji says:

    A.W.W
    Salaan kabacdi ALLE ayay mahadi u sugnaatay
    Wax kale oran maynee ALLOW naga qabo kuwa dadkaaga iyo diintaada kusoo duulay , ha ahaadeen kuwa dibada uga yimid iyo kuwa wadanka gudihiisa joogaba,oo ah cadawu laahi wacadawul islaaam
    A/S

  2. waddani says:

    Waxaan marar badan isweydiiyaa, xagee aadeen dadkii aqoonyahannada ahaa iyo odoyaashii beelaha ee qeylin jirey, marka amisom, itoobia iyo ciidanka Abduulaahi yusuf madaafiic magaalada ku duqeeyaan, mise madaxweynaha cusub ayaa xamar u dhashay oo madfaciisa iyo kan amisom waa madfac saaxiib,mise habaar qabihii bidaarta lahaa ayaa booca qabtay waxgaradkii ummadda soomaaliyeed ee meesha dheer waxka fiirin jirey?.
    Qorshahaan maanta soomaaliya yaal ee aad umaleyso janadii adduunka ee dawlad walba dooneyso in ay lugta la soo gasho waa mid weyn oo la doonayo, in dalka dib loogu gumeysto gaar ahaan ingriiska oo muddo laga hortaagnaa faragalinta dalka iyo franciiska oo jabuti dabada ka soo riixayso, si burburka soomaaliya u dheeraado, iyaduna ay noqoto mid magac ku yeelata geeska Afrika.
    Waxaan leeyahay dhagar walba ragbaa fashila oo aan har iyo habeyn seexan, si ay u badbaadiyaan diintooda, dadkooda iyo dalkooda. Soomaalidii hore waxay oran jireen, war ma waxaan doorannaa talo carruurteenna, carruurtooda u roon, mise mid inaga inoo roon?.

  3. waddani says:

    Aqoonyahannada iyo odoyaasha maanta aamusan carruurtooda, carruurta ay sii dhalaan ayaa habaari doona, marka ay ku dhashaan dhibaato awoowayaashood dayaceen.

  4. xaq jecel says:

    war waxaan la-yabay ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa!!!war cadow baad ku waalateene nimankaan shacabka ka dhexdagaalamaya joojiya una sheega in ay dagaalka joojiyaan. haddii kalena cadowbaa naga soo galay wadankeenii joojiya ogaadana somali saas ayay u dhamaanaysaa!!!!!!sababtoo ah kuwa madaafiicda meeshooda laga tuuro iyo kuwa lagu tuuraabaa waa shacabka soomaaliyeed oo gaajada iyo haradka iyo hoy la’aan iyo caafimad darada iyo madaasiicdu dhameeyeen!!!!!

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qasaaraha ka dhashay Duqeyntii Xalay ee Muqdisho iyo AMSIOM oo ka Hadashay.
  2. Khasaarihii ka dhashay Duqeyntii Arxan daradda ahayd ee AMISOM
  3. Khasaarihii ka dhashay Duqeyntii AMISOM oo sii koradhay.
  4. Khasaarooyinkii ka dhashay Duqeyntii Muqdisho oo sii kordhaysa.
  5. 10 qof oo ku geeriyootay 20 kalana way ku dhaawacmeen Duqeyntii Xalay.

Latest Headlines