Madaxweynaha Uganda “Anagu waxaan Awoodnaa inaan Kordhino Tiradda Ciidamadayada si ay u Kaalmeeyaan Walaalahayaga Soomaaliyeed”

Yoweri Museveni Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday Jimicihii Shalay in Wadankiisu uu Diyaar u yahay inu Ciidamo Dheeri ah intii la doono u dirayo Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray inay Midowga Afrika u gudbiyeen Qiimaha Qalabka Milatari ee ay u Baahanyihiin.

Museveni ayaa u sheegay Saxafiyiinta “Uganda waxay haysataa Ciidamo ku filan oo Khibrad u leh sida loola Dhaqmo Falaagadda Soomaaliya”.

wuxuuna intaa ku daray “Anagu waxaan Awoodnaa inaan Kordhino Tiradda Ciidamadayada si ay u Kaalmeeyaan Walaalahayaga Soomaaliyeed si ay u helaan Nabad, Waxaan leenahay Awood, waxaan u baahanahay oo kaliya Qalab iyo Dhaqaale badan”.

Yoweri Museveni ayaa sidoo kale yiri “Milatariga Uganda waxay Nabad ka dhigeen Wadanka Soomaaliya, Garoomadda, iyo Dekadaha, waxayna Difaacaan Xukuumadda Midnimadda ee federalka Soomaaliya”.

Uganda ayaa Bishan Gudaheeda u Gudbisay Q.M Codsi ah in wax laga Badalo Awooda Ciidamada AMISOM oo laga dhigo kuwo Dhaliya waxa loogu magac daray “Nabadda” si ay uga hortagaan Weeraradda sii badanaya ee ay Xoogaga Islaamiyiintu ku hayaan DKMG ah iyo AMISOM labadaba.

Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay “Waxaa lagu qiyaasayaa Baahida Ciidan ee loo bahanyahay si loo dajiyo Wadanka Soomaaliya 16,000 oo Askari”.

Uganada iyo Burundi waxaa ka jooga Soomaaliya 4,300 oo askari oo ka socda Midowga Afrika oo ah kala bar Tiraddii uu M. Afrika Jaangooyay in la geeyo Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM oo Goobo yar kaga sugan Magaaladda Muqdisho ayaa Xasuuq Arxan daro ah ku haya Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan markii la weeraro ama Qarax lala beegsado, waxaana xusid mudan in Ciidamo sida AMISOM oo kale ah ay Wadamo kale joogaan lana soo weeraro lana qarxiyo balse ma jirto wax Duqeyn ah oo ay Goobaha rayidka u geystaan, lamana garanayo illaa iyo hadda waxa ku kalifay arintaasi.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

15 Comment(s)

  1. aderow waan kusoo weeraraa ee faraha iga laabo aniga ma garanayo waxa aad ula jeedaaan somali mirror hadaa tihiin ciidama amisom xeryahooda ayay ku jiraan cidna ma weeraran lakin hadii lasoo weeraro waa ay ku qasbanyihiin in ay ka jawaabaan meel kasta oo laga soo tuura marka cida rayidka ka dhextureysa hoobiyaasha maad sheegtaan marka aad leedihin rayid baa la duqeeyay iyo suqa a la garacay waxsu waa been hawas ee hadii aad xal rabtaan khwarijta wax u sheega oo ka dhaadhiciya in ay sunada kusoo laabtaan

    run-sheeg | Jul 25, 2009 | Reply

  2. AAD AYAAN UGA XUMAHAY NINKA SHEEGTAY RUNSHEEG , EE U HADLAYA UGAANDHIISKA, BURUNDIGA EE AAN U HADLAYN DADKIISOW , UGANDHIS IYO BURUNDI DAD KUUMA AHA EE ILAAHAY U TOOOBADKEEN,

    ILAAHAY SWC HAKA QABTO GAALADA IYO GAALO RAACA UMADDA MUSLIMKA AH EE SOOMAALIYEED.

    shaxshax | Jul 25, 2009 | Reply

  3. Xasbunaha’alaah weligeen hadaan Muslim nahay walaalo nalama noqon gaalo saliibiyiin macatab udirir ah.
    Ninkan Runsgeeg ilaah ka cabso kuma lihi Murtad iyo Munaafaq oo cilmigaas ma lihi laakin akhii waa khalad in aad Gaal Saliibi ah aad shaadh ugeliso.

    Waraa Ninka Gaalka ah ee Ugandha Xukumo wuxuu soo diray Wacaladii ku dhashay Kaniisadaha wuxuuna Malaayiin Dollar uga qaata USA sidii gabadhahayna loo jufsan lahaa.
    sidee u leedahay xeryahooda ayay ku jiraa, Hodo iyo Xalane ma Gaalo ayaa leh mise Muslimiinta Somalia?
    Su’ashaas waxaa ka jawaabi doono Akhristayaasha Fikirka fiican leh islamarkaana u Nusreeyo Mujaahidiinta.

    Caloofi | Jul 25, 2009 | Reply

  4. asw
    mar dhow waxaa dhacaysa in soomaalida joogta ugandha la u gaarsado
    waayo?
    usbuuc ka badci inshaa allaah waa laga takhalisayaa gaalada
    waayo waa qorshe ay dageen oo ah
    in afgaanastaan ya joogaan nato soomaliyana ay joogaan amisoma
    insha allaah waa laga guulaysan

    shiina dheere | Jul 25, 2009 | Reply

  5. To Run sheeg

    waxaa tahay shakhsi Jiran, balse waxaan Ilaahay kaaga baryaya in uu ku caafiyo, waayo dood iyo jaahilnimo, iyo diin daro iyo qabyalada ayaad ku soo waynaatay, maanta gaalo in aad difacdo ayaad ka dhaxashay, mustaqlabkaana ilahaay ayaa garanayee, hadaadan toobad keenin Ilaahay subxanahuu watacalaa ayaa, kaa abaal marin doona.

    Hanad | Jul 25, 2009 | Reply

  6. ilah waxan ka magan galnay ku qaluubtooda ay jecshahay gaalada e mar walba dhinacooda ka soo jeesta ama ku difaaca afkooda.

    allaahu waliyu ladiin aamanuu yuqrijuhum mina dulumati ila nuur waladiina kafaruu owliya ahamu dhaaquutu yuqrijiinahum mina nuur ila dulumaati ulaaika humul khaasiruun.

    RUN SHEEGOW, RABI HAKU SOO HANUUNIYO OO XAQA KUWA U HIILIYA HAKAADHIGO, AMIIN.
    HA CABSAN EE RUNTA SHEEG OGOWNA MALA IG IN AY GARBAHAADA SAARAN TAHAY OO AY QOREYSO WAXAAD KU HADLEYSID,

    ABU AMIIN | Jul 25, 2009 | Reply

  7. asw
    war ninka ku andacoonaya ciidamada ugandha iyo burundi
    suaashu waxay tahay maxaa keenay waddankayga?
    dowlda jirta ma jirto dad is raba ma jiraan
    dal la rabo ma jiro
    waa qowlasato iyo mujaahidiin
    haday qowlasatada soo raaceen maalin dhow fiirso waxa ku dhaca

    shiina dheere | Jul 25, 2009 | Reply

  8. Intiinaas ruux ee kor ku cad, waxaydun ku mashquusheen ku goobashada hal ruux oo iska hadaaqay halka, aydun ka faaloon lahaydeen mawduucan, khatara jira, iyo wixii laga yeeli lahaa gaalkaas adoonka ahi ee Uganda u taliya ee Soomaalida iyo Muslimiinta u hanjabaya ee leh anagu “Awood baanu haysanaa.”

    Hab dhaqankan qofka ra’yigiisa dhiibta markiiba dhowr qof ay afka kaga soo boodayaana, waa mid golahan fikradaha u gaar; waxaaney u muuqataa inay koox gaar ahi golahan dadka isaga bahaystaan iyagoo isla wanaagsan keligood sidii inuu Eebe iyaga Aadmiga oo dhan ka doortay taasoo khalad, gef, iyo xad gudub ku aha dadka kale ee ka fikir duwan.

    Guul iyo Gobanimo,

    Mr. Halgame | Jul 25, 2009 | Reply

  9. KUFAARTA WAXAAY KU BALAMEEN IN UMMADA MUSLIMIINTA MEEL KASTA LAGU GUMAADO, MAADAAMA AMRIIKA CIRAAQ IYO AFGAN KA BADAN LA’DAHAY WAA IN ADIGOO SOMALI AH MUSLIM AFRIKAAN LAGAA ADEEJEIYAA SI LAGUU GUMAADO.

    ALLAH AYAA INOO WELLI AH KUFAARTA WELLI MA LAHAN, ALLAHUMAMANSRULMUSLIIMA FII KULLI MAKAAN AAMIIIN.

    UGANDA QARMUUNKOODA WADANKOODA MAY HAGAAGSADAAN WAA KUWA SOMALIYA KA NOQDAY DALAALKA REER GALBDEEDKA.

    TO RUNSHEEG:u HADAAD KA RAALI XASUUQA LAGU MUSLIINTA OGOW IN AY NAFTAADA QATAR KU JIRTO ALLAH U NOQO, ISNA XISABI!!!!!!!!!!!!!!!!!!!1

    muslima | Jul 25, 2009 | Reply

  10. ASC

    Gaalkan gafuurka weyn leh, yaa u sheega, in dollarkii uu noqday warqad
    xaarka la isaga tirtiro, ee reer galbeedku dhaqaalahooda ayey la liitaan, intaas oo ummadda ku nool dhulka gaalada ayaa maalin walba shaqo beelaa, arrinkaas waxaa keenay guusha mujaahidiinta meel walba jooga ee uu Allah ku mannaystay. Xasbunallahu wa nicmal wakiil.

    Qof yaaban | Jul 25, 2009 | Reply

  11. Amisom hadii ay wadanka ka baxayso waxaa fiican in ay somalida oo dhan ay wada hadlaan in lawada hadlo maxaa diidaya walaga fiican yahay boowe in la dhaho habal waa khawarij ama murdad ama rido waxaa la yahay somali hadii xal loo bahan yahay waxaa fiican in la sheego waxaa fiican ee dadka shacabka iyo diinta islaamka u fiican la sameeyo Muuse Suudi ama Qanyar ayaa dowlada ku jira oo Ashahaad ladirir ahaan jira la hadli maayo waa laga fiican yahay dagaal dan ma ahan boowo wadahal ayaa dan ah
    Boowe reg iska celin iyo Alle ka cabsi meel mawada kalaan

    hanad | Jul 25, 2009 | Reply

  12. argagixisada iyo amisom midna uuma roona dadka somalida ah ee ay isku dhex dilayaa.labaduba waa ajaaniib soo galay dalka si ay u laayaan dadka islaamka ah ee u baahan nabada iyo horumarka, waliba marka si kale loo eego waxaa yara dhaw amisom waayo waxaa iyaga u yeedhatay dawlada islaamiga ah ee sharciga ah ee somaliya
    ka dib markii argagaxisadu isku dayday inay afganbiyaan dawlada islaamiga ah.markaas sidaas haloola socdo.waxaan ka codsanayaa qolada somalimirror inay soo galiyaan commentkaygan hadii aanay iyaga qudhoodu argagixisada taageerin

    dhagacade | Jul 25, 2009 | Reply

  13. ASC

    Runsheeg hadduu ogaan lahaa gaalkan madoow ee ganfoorka wayn sida diinteeni u ihaaneeyey, maanta ma oran lahayn xeradoodi ayey ku jiraan yaan la wareerin. Waa Mufsid ninka laga hayo inuu yiri, “Nonsense middle east jihaad”. Waa ninka yiri mar uu la hadlayey ciidankiisa:” waxaad u socotaan soomaliya inaad ka fulisaan african jihaad”. Sidaas darteed mufsidkan ganfuurka weyn waa in la iska dhiciyaa, oo si kuwa ethiopianka lala dagaalamay si ka daran loola dagaalamaa oo baqtigoodi usbuuc weliba lagu guraa dayaarado. WSC

    Miska wadahadalka imow | Jul 25, 2009 | Reply

  14. Horta, wax AMISON la yidhaahda ama Ciidamo Qaarada Africa ka kooban meesha ma jiraan. Adoonta calooshood u shaqeystayaasha ahi ee Ugaandheyska ah iyo Burundiyaanka dabadhilifka ah ay daba ku wataana, laguma sheegi karo AMISON ama ciidan afrikaan waayo waa kuwaas dalalkii Africa ee kale oo dhami wada diideen inay Somalia ciidan u soo diraan. Cida Soomaali hortaagan ee Reer Galbeedku ku qaraabanayaan ee ay inooga dhigayaan AMISON-na, waa Madaxweyne ku-sheega Uganda iyo ciidan ku-sheegiisa Somali loo soo kireystay. Ka mar kastana, gaalada kale u baaqaya ee leh haddii kharashka iyo hubka la ii kordhiyo, waxaan idiin hayaa ciidan kale oo badan, waa madaxweyne ku-sheega Uganda ee kibray ee aan Soomali waxba ka aqoon.

    Hadaba, ma ciil baanu qabi lahayn, haddii mar keliya si fiican loo weerari lahaa adoontan Ugaandhayska ah oo maydkooda banaanka la wadhi laha si caalamku u markhaati uga noqdo? MAYA oo guul wax ku ool ah bay noqon lahayd, kibir, iyo baaq iyo juuq dambena lagama maqleen madaxweyne ku-sheega Uganda, waxaanu markiiba kala bixi lahaa dalka calooshood u shaqeystayaashiisa halkaaseyna kharashkii ku bixi jiray oo Soomaali loogu soo kireystayna uu ku soo afjarmi lahaa.

    Hadal iyo dhamaanti, AMISON, ma jirto ee waa Madaxweyne ku-sheeg MUSEVENI ee isaga hala aamuusiiyo intay goori goor tahay.

    Guul iyo Gobanimo,

    Mr. Halgame | Jul 26, 2009 | Reply

  15. walee mamuuqato guul uso hoyaneeyso culamadiidkii. Cadaawadii iyo culaadii shiekh shariif iyo xukuumadiisa Islaamigah laduminayey shacabka muslimkaa ah xaqoodii duudsinayey rabaa diido daruuri umahoorin.nin islaamaka iyo kudhanka kitaab Alle aan waxba kudoorsan baanahay. horay ayaad udiideen in daabacdaan fikradahayga hadayse runta idin dhibeeyso idinkay idin jirtaa. Waxaa hubaal ah in Alle xaqa guuleeynayo waxaan kaloon aad iyo aad ugu kalsoonahay in Shabaab iyo xizbul xasan daahir ay aad iyo aad xaqa uga fog yahiin. Waxaan isku waafaqsanahay in ALLE xaqa guuleeynayo. ALLE waxaan kabaryeenaa in uu thulmiga jabiyo dadkana nabad iyo daganaansho amiiiiiiiin

    taliyea | Jul 26, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo