Gudoomiyaha UWSLF oo u waramay TV Al-Jazeera “Bishii ugu danbeysay waxaa la gubay 15 Tuulo oo ku yaala Galbeedka S/Galbeed”.
By Somalimirror on 24 Jul, 2009 11:10 PM in Main, Wararka, Wareysiyada
Gudoomiyaha Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaaligalbeed (U.W.S.L.F) Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen oo maanta Marti u ahaa Barnaamijka TV-ga Al-Jaziira ee “Muntasaf Al-Yoom” ayaa ka hadlay Xaaladda uu marayo Dhulka S/galbeed, Dhibaatadda Gumeysiga ku hayo Shacabkaasi, xiriirka Jabhadda & Dagaaladda ay la gashay Gumeysiga iyo waliba Xaalka Xukuumadda Itoobiya xiligani marayso.
Taariikhda Gobolka
ugu horeyn Sheekh Ibraahim ayaa Qeexitaan kooban ka bixiyay Dhulka S/galbeed wuxuuna yiri“Hadaan u Qeexo qofkii aan aqoon Gobolka S/galbeed, waxa weeye 8 Milyan oo ka mid ah Muslimiinta oo ku nool Dhul dhan 650 kun oo laba jibaaran oo ku yaala Bariga Afrika, Inta ay Gumeysiga ku jirtana waa mid la mid ah inta ay Falastiiniyiintu ku jiraan Gumeysiga, laga soo bilaabo Sanadkii 1948 waxay ku hoos Noolyihiin Gumeysiga Itoobiya, illaa iyo maantana Hal Maalin isma dhiibin Shacabkaasi, Kacdoonka ka dhanka ah Gumeysiga itoobiyana wuxuu ahaa mid kolba dib u laba kacleeya”.
“Dhanka kale Dabar goonta Gumeysiga Itoobiya ee Birta ah wuxuu ka socdaa Gobolka Qarni iyo Dheeraad”.
Dhibaatada Gumeysigu ku hayo Shacabka S/galbeed
Gudoomiyaha U.W.S.L.F ayaa sidoo kale ka warbixiyay Dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya sida gaar ahi ugu hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah wuxuuna arintaasi ka yiri“Tira koobkii ugu danbeeyay ee ka warbixinaya Xaaladda Bani-aadamnimo ee S/galbeed waxay sheegayaan sidan soo socota:-
1- Gaajadda waxay gaartay 80% sida lagu sheegay warbixin ay Dhawaan soo saartay Q.M, taasna waxaa qeyb ka ah Hab Dhaqanka Gumeysiga oo Muwaadiniinta ka hor istaagaya inay wax Beertaan, iyo wax kasta oo ay Heli lahaayeenba oo agab ah
2- Dhanka Iclaamka, wax kasta oo ka socda Gobolka waa la caburiyay iclaam ahaan, Qofna ma garan karo wax halkaasi ka socda marka laga reebo Dadka ku dhex Nool mooyaane sida Muqaawamadda iyo Shacabka Dulman.
3- Waxaa kaloo ka jira Cunaqabatayn Dhaqaale, Dilal, Kufsi, Boob iyo Gubidda Tuulooyin dhan, Bishii ugu danbeysayna waxaa la gubay 15 Tuulo oo ku yaala Galbeedka S/Galbeed.
4- 42 Hay’adood oo Kheyri ah ayaa laga Cayriyay Gobolka oo dhan.
5- Waxay ka hor istaageen in Salaadii Jimcaha lagu Tukado Masaajida Caasimadda Gobolka ee Jig-jiga Isbuucii hore.
6- Maalintii fasaxa Jimcaha waxaa loo wareejiyay Maalmaha Sabtida iyo Axadda”.
“Dhamaan Dhibaatooyinkan waxay sii laba jibaarmeen ka dib markii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku Jabay Soomaaliya, waxay adeegsadeen Dhamaan Ciidamadoodii oo gaaraya Kumanaan oo askari oo ka soo Cararay Soomaaliya waxay isugu geeyeen S/galbeed waxayna ka sameeyeen wax kasta oo ay kari lahaayeen oo isugu jira Dil, Dhac, iyo Bur-burin”.ayuu sii raaciyay Sheekh Ibraahim.
Jabhadda & Gumeysiga
Mar la weydiiyay halka xaalka Jabhaddu ay marayso mar haddii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ka soo baxay Soomaaliya ay gudaha Soomaali galbeed soo galeen ayaa waxa uu yiri“Jabhadu way Sugnaanaysaa, way sugnaaneysaa, way sugnaaneysaa, Saddexdii Bilood ee u danbeeyay oo kaliyana waxay la gashay Cadowga 9 Dagaal”.
Jabhadda & Xiriirka Dibadda
Gudoomiyaha UWSLF Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale ku sheegay Waraysigiisa in Golayaasha Dowliga ah ay u Bandhigeen gaar ahaan Jaamacadda Carabta kulankoodii ugu Danbeeyay ee Dooxa Qoraalo ka waramaya Waxa ka socda Dhulka S/galbeed“Jabhadu waxay Qadiyadda Ummadda u Bandhigtay Golayaasha Dowliga ah gaar ahaan Jaamacadda Carabta kulankoodii ugu Danbeeyay ee Dooxa, Jabhaddu waxay u gudbisay Waraaqo iyo Bayaano ka waramaya waxa Halkaasi ka socda”
“waxaan u Mahad Celinaynaa Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta oo nagu garab istaagtay Mowqif Sharaf leh sida Dowladda Qadar oo xiriirkeeda u jartay Itoobiya Qadiyadda S/Galbeed Awgeed, sidoo kale waxaan u Mahadcelinaynaa Chanalka Al-Jasiira oo aan u Aqoonsanahay Chanalka Kaliya ee ka warama Qadiyada S/Galbeed oo ku jirta xaalada ah haddii aad Kaamero ku dhex Qaadato S/Galbeed inaad tahay Mujrim xukunkiisuna yahay Dil”.ayuu sii raaciyay Sheekh Ibraahim.
Yaa Maal-galiya Jabhadda?
TV-ga ayaa waydiiyay Gudoomiyaha Jabhadda S/galbeed cidda Maalgalisa ayaa waxa uu ku Jawaabay”Ugu horeyn anagu waxaan ku xiranahay ilaahay SW, waxaana nahay Asxaabul Xaqi oo Dulman ilaahayna wuu u gar-gaarayaa kuwa Dulman, midda labaadna anagu waxaan ku xiranahay ilaahay SW ka dibna Shacabkayaga, Dhulkayaga, Tiirarkayaga Aas-aasiga ah, Shucuubta Muslimiinta oo nagarab istaagay iyo Shacabka Soomaaliyeed oo si gaar ah noo garab taagnaa waligii xiriirka aan shacabka Soomaaliyeed la leenahayna waa Xiriir Shacabnimo, Diin, iimaan iyo Dhul, mana aha Xiriir ku qotoma Xukuumadaha”
Xaalka Itoobiya
Sheekh Ibraahim ayaa si faah faahsan uga hadlay Halka ay maanta Itoobiya marayso wuxuuna xusay in ay Siyaasad ahaan, Dhaqaalo ahaan, Milatari ahaan, iyo Bulsho ahaanba u kala fur-furanayso wuxuuna soo qaatay Dhacdooyin dhowr ah oo Bilihii ugu dambeeyay ka dhacay Dalka Itoobiya, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Itoobiya waxaan u Aqoonsanahay Dowlad la soo Sameystay, waxay hadda ku jirtaa kala fur-furasho, waxaana weeye 8 Qoowmiyadood oo kala luuqado ah oo kala Diin ah wax kulmiya ma jirto oo Diin, luuqad iyo Dhalasho ah, Qowmiyad walba waxay leedahay Jabhad u Dagaalamaysa inay Ka Xorowdo Itoobiya”.
“Anagu waxaan Dhowraynaa Bur-burka iyo kala fur-furashadda Bulshadda Itoobiya, waxaan sidoo kale Dhowraynaa Bur-burka Dhaqaale ee Itoobiya, 80% Dhaqaalaha Itoobiya wuxuu ku tiirsanyahay Maalgalinta Dibadda gaar ahaan Mashruuca ka hortaga Argagixisadda kaas oo uu siin jiray Maamulkii Maraykanka ee Bush, sidoo kale waxaan Sugaynaa Kacdoon Milatari oo ka dhan ah, 2 Bil ka hor waxaa ka dhacay Itoobiya Afganbi Milatari waxaana la wada Ogsoonyahay in Saraakiil iyo Generalo badan lagu xukumay Dil Toogasho ah, dhanka Falaagoobidda Siyaasadana Isbuucii la soo dhaafay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya wuxuu iska dhiibay Washington, Jabhaddaha Mucaaradka 3 Maalin ka hor waxaa la iskugu yeeray Shir lagu qabtay Washington si rasmi ahna uma ogi wixii uu ku saabsanaa, laakiin waxaan ogahay xaataa Saaxiibkii Itoobiya (Maraykanka) ee Xaqiiqiga ahaa wuxuu bilaabay inuu dib uga fiirsado Malafkiisii ku aadanaa Itoobiya ka dib markii uu Meesha ka baxay Maamulkii Bush yimidna Obama”. ayuu yiri Gudoomiyaha Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaaligalbeed(M.J.X.S.G) Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen.
Dhulka Soomaaligalbeed waxaa ka jira Tacadiyo kala duwan oo arxan daro ah iyada oo Shacabka halkaasi ku dhaqan lagala dagaalamo Dhinac walba xag Diin, Dhaqaale,iyo Nololba, waxaana ka jira Caburin xagga Warbaahinta ah si aan looga waramin Falalka guracan ee Gumeysigu ku hayo Shacabkaasi Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Daabaco


haddii dowlad islaami ah kadhalato xamar,shaki iigama jiro inay soomali galbeed xornimadeedo soo dhawaanayso. xamar waa maskaxda iyo maanka ninka soomaliyeed waana laga haystaa.
waxaan ilaahay ka baryayaa inaan arko intaanan dhiman jigjig iyo kismaayo oo isbaaro oolin inaan arko oo isku wadan ah.
Maki | Jul 24, 2009 | Reply
halyeey
soomaliyeed
ibraahim ilahay guusha ha idin siiyo
adiga iyo kuwa iimanka ilahy siiyey ee muhadiinta diinta ku dagalamay.
ha guuleysto uwslf.
abdifatah | Jul 25, 2009 | Reply
marka hore wuu salman yahay ibraahim dheere halyega geeska afrika.
markaan arko ibraahim oo caalim oo hogaaminaya mujahidinta soomali galbeed ayaan rajo wanaagsan ii muqataa.
ilahay ha guuleeyo mujahidiinta islamiga ha eee soomali galbeed.
anigo somaliland u dhasahy , hadana nacam lil mujaahid ibraahim dheere.
guul
guul
guul.
xabasha ilahy ha jabiyo.
abdirasak | Jul 25, 2009 | Reply
Ilaahow noo dhowr sheekha iyo wixii la mid ah ee khayrka la raadinaya umada muslimka ah ee soomaaliyeed ee degan S/galbeed.
Cabdale | Jul 25, 2009 | Reply
sheekh adiga iyo umada soomali galbeed ilaahey
hadin guuleysiiyo hadaannu nahey umada soomaliyeed waad ogsoonehey dhibta idin heysata laakin maalin umbaad kabixidoontaa
inshaa alaah waxaan kaloo idiin sheegayaa
waa inaad siyaasada adunka la socotaan gaar ahaan siyasada mareykanka brother obama ma aha
ninkii qalefsaa ee wadan can usa katalinjirey
waa nin lafahmikaro ee lasocda arinkan cusub
waxaase jira dad indheermagarato ah ee aan waxfahmi karin taana lasocda ishaa alaah we shelover come one day aslaama aleykum
hussein | Jul 25, 2009 | Reply
allahu akbar soomali galbeed way guulasanaysa
gaalan way jabaysaa siiba itoobiya ,wada wa lagaarayaa guusha insh alaah
abul ashbaal | Jul 25, 2009 | Reply
ilaahoow umada islamka ah ee soomaliyeedka nabad geli dulmiga ay tigreega ku wadaan qarniyo.inshalaah dhulalka ay soomalida leedahay waxaa xoreyn dona mujahdinta soomaliyeed o dhan.wabilaahil towqiif.
4.5 | Jul 25, 2009 | Reply
Wax (Soomaali Galbeed) la dhahaa ma jiraan ee Sh.Ibraahinow gobolka magiciisa ha majara habaabin. Ogaden Region waa dhul ay gumeysato Ethiopia, aadna waxaa u mahadsan jabhadda Sh.Ibraahim hogaamiyo iyo ONLF oo laf-dhabar u ah halganka iyo jihaadka Ogaden Region ka socda.
Somalimirror waad mahadsantihiin.
Qamaan Bulxan | Jul 25, 2009 | Reply
wasaalamay bahda wepka inoo daabacda,marka xiga jabhaadaha kadagaalama somali galbeed waxan kula tali laha, ha heshiiyaano in tii aaneey xeera iyo fandhaal kala dhicin hadi kale ayagaa ayaa la isu adeegsan doonaa.tanlabaad Ogaadeen ha bedeleen magaca gumeestuhu sameeyay oo aay ku dheganyihiin,marhadii aay la dagaalamayaan gumeeysi maxaay u isticmaalayaan magacgumeeystuhu sameeyay?wabilaahitowfiiq
iimeey | Jul 25, 2009 | Reply
?????? ?????
salanta islamka ka dib.uma jedo inan cid aragtideda duro lakin waxan rabaa inan sid koban uga hadlo magaca ogaden in loo isticmalo xoraynta somali galbed wax haboon maaha waa mare waxa u kala kaxaynayaa dadka muslimka ah ee safka jihadka ku wada jira o qabil u qaybinaya taso cadowgana fa,ido u ah marka xiga waxa adag in uu guul garo inta u adegsanayo macaga ogaden sababtoo ah waxa jira ku kale oo iyaguna magaca kula wadaga kana so jeeda dhanka gumaystaha, waxa kale oo jirta inuu keeni karo fashil siyasded oo ah in ad wax tagero ah ka waydo dal iyo dibad labadaba inta ad magac beeleed wadato taasoo harayna loogu fashilmay waayo marki ay somalia ethopia dagalka kula jirtay magaca ay adegsanaysay wuxu ahaa somali galbeed ee ma ahayn ogaden ka dib marki u istagay dagalki ee lagu noqday hab beleedka ayaa fashil xog leh ku yimi iska caabinti ninki taariikhda la socda waa u garanaya. siday doonto ha ahaato ee aduunku waxa u raadinayaa wax la yirahdo midow iyo isbahaysi rusia aya waxay ku dadalaysaa in ay soo celiso midowgi sofyeti america aya waxay doonaysaa in ay india oo quwad hada soo koraysa ah ay bahwadag ka dhigato africa oo ay qaarka danbe kaga jirto ayaa rabta in ay dhaqaalaheda midayso markaa sxb maxad moodaa dad walaalo ah oo isku jinsiyad ah isku diin ah isku dal ah sabab loo kala furfuro oo hab beeleed loogu celiyo ma garanayo, hadaba waxan leeayahy walaalaha ay maskaxdoodu ka guuxayso ogaden in fikirkaa kala kala qaybinta ah ay iska ilaaliyaan.
aniga shakhsi ahaan waxan ahay nin somaliyeed degaan ahaana kama so jeedo somali galbeed lakin wa dhul somaliyeed o ay ku noolyihiin dad aan isku dhiig isku diin isku dalnahay iyo dhalashab.waxan saan u leeyaahy in aan la odhan waa dhinaca kale e magaca ku kacsan.
asc
Abduu Mohamad abbdi | Jul 25, 2009 | Reply
a/c marka hore websedka somalimiror ayaan u mahad celinyaa waad mahadsan tihiin meeshaad kaga jirtaan jihaadka ka sii wada marka labaad waxaan salaamayaa sh ibraahin maxamed xusen xafada hulaah anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada s/galbeed ee south africa waxaan hanbal;yo boogaadin iyo farxad xanbaarsan u dirayaa amiirka islaamka sh ibraahiin madaxaaga ilaahay ha raajiyo waxaan kaloon salaan xanbaarsan guul u dirayaa mujaahidiinta dhiigooda u huray diintaa islaamka iyo dhulka islaamka in ay dulga gumaysiga ka xoreeyaan ilaahay ha idinku guuleeyo aamin shacabka s/galbeed ee dalka dibadiisa jirana waxaan leeyahay u diyaar garoobo jihaadka ka socda dhul;ka s/galbeed maal iyo muruqba ee ay hormoodka u tahay uwslf waxaan hadalkayga ku soo gabagabay (dulmigaa cadaanka ah hadii nalagu soo doontay war in aynu is difaacnaa waa shay daruuri ah dagta qoriga noo sudha jihaad diiran baa jire)jabhada aan garoob iyo girgire garabka saarayn jabhada aan gaalna bixinayn islaamna u gafayn waa guul ale kenayn ee garab istaaga unkii kala guuryeey midawga jabhada xoreynta s/galbeed)
xiis cabdulaahi (uwslf) | Jul 25, 2009 | Reply
marka hore waxaan salaan iyo bogaadin u dirahayaa walaaleheena qaaliga ah ee reer ogadenia ama somali galbeed waxaan leeyahay haka caajisi nina dagalka guushu waa dhow dahay waxaa kale oo walaalayaal loo baahan yahay midnimo war ilaahbaan idinku dhaariyee midooba …..onlf+uwslf= xornimada ogadenia ama somali galbeed .. allaha i tuso dowladnimada reer ogadenia anagana cadowga allaha naga qaado ogadenia+somalia+djabuti+nfdsomalia+somaliweyn
guriceel(galguduud) | Jul 25, 2009 | Reply
Horta anigu waxaan is weydiyaa mar waliba Raas kaambooni kuwa la baxay xamar intey aadayaan waxaaba kaga dhow somaligalbeed ee ma xaasidnima ka danbeyso oo ah in lo fududeeyo dadkaas mise waxba ka danbeysa tolow???
su'aal??? | Jul 25, 2009 | Reply
waxaan aad iyo aad u mahadsan somalimirror, sheikh Ibrahim iyo halgalma yaasha Soomaligalbeed (Ogaden) iyo dhamaan shacabka soomalida Ogadenia meelkasta oo ay joogaanba, dadka soomalida ah ee inta badan ka dhawaaji magaca ogaden ayaa sabab u ah inayna umadda somaliyed u midiibin ka horta cadowga Ethiopia,waxaan qabaa arintaasi inay tahay mid uuna waxba ka jirin waxaana kuu daliil ah maadama ayna UWSLF ayna wadanin magaca ogaden hadana taasi kama horjoogasnin inay Jihadka joojian meesha ay awooda iyo dhaqaalaha ka helaana waa shacabka reer ogadenia cidina kama hor istaagin inay shacabka u hadlaan, u dagaalamaan, u dhintaan. muhimadu waa in umaddan halaagsamaysa la garab istaago, lagana daayo walaahi(UWSLF, ONLF) dhiigoodu daadanhayo maalinkasta hirdaama iyo hadal xuma aana meela haysanin. meel kasta oo ay ummda islamku dulmantahay sida SOMALIA, FALSTIN, CIRAAQ, KASHMIR, intaas oo urur oo aan magac ka midaysnayn ayaa ka howlgala, la dagaala cadowga,murna muhimadu magac maha ee dulmi iyo gaalnimo diid, cidii Ogaden ka didsanayna waxaa muhiim ah inaad saaxada latimaado wax tayole oo hadal kabadan.
guul for UWSLF and ONLF for their brave agenda to librate Somali people who are suffering under Ethiopian genocide.
abdullahi | Jul 25, 2009 | Reply
a.s.c.w,waxaan jeclaan lahaa in aan wax yar u cadeeyo walaalahay isticmaalaya magaca s/galbeed,xaqiiq ahaan dhulka waa dhul somali weyn oo dhan dakto oo lama kala xigo, mida 1-magaca u.w.s.l.f horay ayaa logu fashilmay oo waa sabata eey maanta somalia dhulka ugu jirto2- aduun weeynaha uma aqoonsana dhulkan s\galbeed ee waxeey u aqoon san yihii sida u.n aaminsantahay ogadenia oo kas ayeey u yeelayaan(u.n) meeshana siyaasad ayaa ku jirta, 3-ogadenia somali kaliya ma dagto ee dad aan somali ku hadlin ayaa daga una dagaalamaya maanta 4- u.n ma aqoonsana kooxdan la baxday w.u.s.l.f 5- xiligii dowladnimada somalia qadiyada waxaa loo isticmaalayay siyaasad ahaan ee oxornimada doaacad loo ma aheen 6-wixii ka dan beeyay burburkii somalia oo maanta 20jirsaday waxaa naftooda u hurinayay somalida deegaanka u dhalatay 7- wixii burburka ka danbeeyay maamulada somaaliya ka jira ama siyaasiyiinta somalida qaarkood ayaa doonayay in halganka ogadenia wax u dhimaan 7-w.u.s.l.f waa urur diimeed(wax dhib ah malaha uruka oo diin ahaan ku ma takoorayo)laakiin awooda muslimiita aduunka weey liidataa maanta oo magac jihaad ama diimeed wey adagtahay in lagu dagaalamo sabatoo ah ethiopia wey naga muslimiin badan tahay, islaanimad weey noo ga horeeysay, oo jihaad lagu ma iclaamin karo hadii eey arintu diin noqotana jihaadku wuu raagaya.8- somali mexeey u qabankartaa dhulkan maanta??? iyagii ayaa u baahan xornimo oo eey african,amxaaro,gaalo isku gu taktay walina dantooda garan la. 9-ogadenia…mintidnim-isku tashi-guul -alaha siiyo10- ama taageer, ama ku farax, ama ka nax oo nac waa arin somaali utaala odageniana weey xoroobi(insha’allah)
nabad | Jul 25, 2009 | Reply
Soomaalidu waa Qoys kala firdhay, waxay ahayd 5 wiil oo walaalo ah,
Ninba meelbuu ka dhacay, Labaa wada joogtay ,Labadii wada joogtay waa isdooxday, waa ku kala tageen aduunka guudkiisa, Qalbiyadeena way ku beerantahay inaan isku keeno Labadan kala tagay, si aan usoo helno 3 wiil ee kale ee dhaqamada kala raacay, mid wuxuu noqdey Franciis. midkalana waa amxaar, midkalana waa Adoon sawaaxili ah,
Ilaahay wiilasheena Nabad iyo caano ha isugu keen keeno, waxan aad udhagaystaa heestii sangub tiriyay ee wada maraysay dhulka soomaaliyeed laga bilaabo jabuuti, jigjiga, Garisa, dhaxgaxbur, qabridahar, boosaso, hargaysa, kismaayo, muqdisho. ilaahay waxan ka baryi in xoogeena uu inoo waafajiyo inaan ugu adeegno danta qaranimo iyo umadnimo soomaaliyeed si aan u adkeeno dhaqankeena iyo diinteena,
bare | Nov 10, 2009 | Reply