Ban Ki-moon oo Taageero Deg-dega DKMG ah u dalbey.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa beesha Caalamka ugu baaqey in taageero deg deg ah lala gaaro DKMG ah oo Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda inay ridaan halis ugu jirta.

 

 

Hadalkiisan ayaa ku soo beegmayaa xilli duqeyntii ugu danbeysay ee ciidamada AMISOM ka geysteen Muqdisho ay ku dhinteen 20 qof 50 kalena dhaawacyo kale duwan Isbitaalada la yaaliin kuwaas oo dhamaantood ah dad rayid ah oo madaafiicdu guryahooda ugu tagtey.

 

Bayaan rasmi ah oo khamiistii uu soo saarey ayuuna qeylo dhaanta ku aadan in la taageero DKMG ah ku sheegay, waxa kale oo uu intaa ku darey inaan marnaba la ogolaan isku day kasta oo lagu ridayo DKMG ah, sida uu hadalka u dhigey.

 

Weerarada ka dhanka ah DKMG ah ayuu sheegay inay imaanayaan xilli Dowladu qaar badan oo ka mid ah Ajandayaashii xilliga KMG ah loogi talo galey inay qabato fulintooda wado, balse faah-faahin Ajandayaashaan kama aanu bixin, waxa uu sidoo kale intaa ku darey in looga fadhiyo qeybaha kale ee dalka inay Awoodeeda ku baahiso.

 

Waxa kale oo uu sheegay in Sh Shariif & qeybaha kale ee Xukuumada dadaal ugu jiraan sidii Juhuud ugu bixin lahaayeen ka mira dhalinta dibu heshiisiin & wada Xaajood Xoogaga ka soo horjeeda la furto- DKMG ah-, dhanka kase waxa uu sheegay inay dadaaladaas uga jawaabeen iska hor’imaadyo hubeysan, sida uu hadalka u dhigey.

 

Geesta kale, Ciidamada AMISOM ayuu ugu baaqey inay Xoogaga DKMG ah is hayaan ku qasbaan sidii nabbada qeyb uga noqon lahaayeen. Halka Dowlahada Midowga Afrikana ugu baaqey inay Ciidamada AMISOM soo xojiyaan, tiradii horena soo dhameystiraan.

 

Bayaanka Xafiiska Ban Ki-moon ka soo baxey ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xaalada Bani’aadanimo ee Soomaaliya tahey mid ka sii dareysa.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

3 Comment(s)

  1. MA MOODAA MID SOOMAALI U NAXAYA.

    WAXAA XAQIIQ AH OO RUN AH IN XUBNAHA DAWLADA KMG AH HESHIIS LALA SOO GALAY.

    1. IN AY SOOMAALIYA NOQOTO DAWLAD DEMOCRATIC AH, XIRIIR WANAAGSANNA LA LEH ADUUNKA INTIISA KALE. SHAREECADA ISLAAMKA NA AY WADWADAAN INTA AY KA ADKAANAYAAN KUWA KA SOO HORJEEDA. WAXAAD KU GARAYNSAAN SIDA AY WAXU WADAAN.

    2. IN AY KA HOR ISTAAGTO XUKUNKA IN AY QABSADAAN KUWA GAALADU U TAQAAN ARGAGIXISADA CAALAMIGA. RA’YIGAAS OO XUBNAHA DAWLADU AY KU RAACSAN YIHIIN GAALADA, WAAYO WAXAY U YAQAANIIN MUCAARADKA KHAWAARIJ AMA TAKFIIR AYNA BANAANTAHAY IN LALA DAGAALAMO.

    3. WADAADADII DAWLADA KU BIIRAY WAXAY NOQDEEN XUBNO KURSIGA AY HELEEN KU QANACSAN, ISUNA ARKA IN AY WAAJIB DIINIYA TAHAY IN LA RAACO, MUCAARADKUNA HADDII DAWLAD ISLAAMIGA AY RAACI WAAYEEN LALA DAGAALAMO.

    MA ANAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA.

    MA ANAA KHALDAN MISE DAWLADAN WAA MID LOO SOO DHISAY IN AY MASHRUUCII ABDULLAAHI YUSUF IYO GEEDI KU FASHILMEEN IN AY FULIYAAN, WAXAANA XOOGAA LAGU SOO SUUGEEYEY NIMAN WADAADADA KA GOOSTAY???

    DAGAALKA SOCDAANA WAA MID KA KHATARSAN KUWII HORE OO DHAN WAAYO MID WADAADADII IS GAALAYSIINAYAAN WEEYE , WAXAANA QORSHAHAN SOO DAJIYEY WALAD ABDALLA EE UN-KA U QAABILSAN SOOMAALIYA.

    ILAAHAY WAXAAN KA BARYEYAA IN DALKEENA SOOMAALIYA NABAD NOQDO ISAGOO SHARAF LEH OO XORNIMO BUUXDA HAYSTA, OO GO’AAMADIISA ISAGU LEH EE AAN LOO YEEDHIN.

    Ali Yare | Jul 24, 2009 | Reply

  2. ASCWWB ,WAXAA MAHAD ISKA LEH ILAAH SXWT,MOHAMEDNA WAA ADOONKIISA RASUULKIISA SCW ,KADIB WAXAAN HALKAAN KA SALAAMAYAA WALAALAHEEYGA SOMALIDA AH DHAMAAN MEEL KASTOO AY DUNIDA KA JOOGAAN ,KADIB WAXAAN IDIN LEEYAHAY ILAAH KA BAQA OO U GARGAARA DIINTIISA ,SOMALIA WAA LAGU SOO DUULEY ,WAXAA NAGU WAAJIB AH INAAN GARAB ISTAAGNO WALAALAHEENA MUJAAHIDIINTA EE KA DAGAALAMA DHULKEENA HOOYO EE QAALIGA AH ,HADAAD NAFTAADA AWOODIN ,MAAL ,DUCO IWM INAAD KULA GARAB ISTAAGTO AYAAN KU SAARAN ,ILAAH BAAN IDINKU DHAARSHEY NINKAAN SHARIIFKA AH MA IDINLA SAXSAN YAHAY,OO U YEERANAYA GAALO ,WALAAHI MAR AAN FOGEYN BAA ILAAH NA XISAABIN ,WAXAAD LA KULANTEY ADOO ADUUNYADA JOOGA OO MUSLIMIINTANA LA GUMAADAAYO ADIGANA AAD SHEEGANEYSO MUSLIM ,YAA ILAAHII U GARGAAR MUJAAHIDIINTA ,SII NASRI DEGDEG AH ,MUJAAHIDIINTA ILAAHOODA WAAXIDKA AH AYEY U YEERANAYAAN .ASC.

    QURBAJOOG | Jul 24, 2009 | Reply

  3. Aniga waxaan maleynayaa dagaal waan ka daalnay aan heshiino waan ka daalnay maxaa inoo talaa dadkaan waa cidlo cidlehna ma jirtee ha qaateen cadowga waxaan sabab uga dhigayaa waxaan nahay isku af iyo diinba marka kumaa gaal ah keebaase muslim ah kuwaas waa muslim kuwaasna waa gaal miyaan dhahayaa war ha imaadeen gaalada markaasaan oron karaa kuwaas ayaa ah gaalo caano halaga cabee

    Abu-HJSM | Jul 25, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo