5 qof oo ku dhaawacantey Gaari Ciidamada DKMG ah ku saraareeyeen G/Hiiraan.

Published on July 24, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

5 Qof oo Rayid ah ayaa dhaawacyo kale duwan ka soo gaareen rasaas xoogan oo ciidamada DKMG ah kula fureen gaari yar oo ay saarnaayeen meel u dhow Tuulaa Ceel-gaal oo dhanka Waqooyi kaga beegan Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

3 ka mid ah dadkan oo dhaawacoodu darnaa ayaa lagu waramaa in la dhigey Isbitaalka dhexe ee Degmada Baladweyne, halka 2-dii kale oo la sheegay in dhaawacoodu fududaa ay la hareen ciidamadii rasaasta la beegsadey gaarii ay saarnaayeen.

Qof ku sugan Baladweyne oo la Hadley Idaacada Hornafrik ee Muqdisho ayaa sheegay in dadkii la socdey gaariga ee dhibaatadu haleeshay ku warameen inay dhanka Degmada Buulo-barde & Ceelasha Biyaha ka kala yimaadeen.

Waxa kale oo uu intaa ku darey in gaarigu soo dhaafey labo isbaaro ciidamada u tiila, sida uu hadalka u dhigey.

Ma jiro war faah-faahsan oo intaa dhaafsiisan oo laga helayo sida wax u dhaceen & sababta rasmiga ah ee keentay intabada.

Balse waxa ay arintan qeyb ka noqoneysaa dhibaatooyinka kale duwan ee ciidamada DKMG ah ku hayaan shacabka goobahaas ku dhaqan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Gaari Rayid oo Ciidamada DKMG ah si ula kac ah u rasaaseeyeen.
  2. 14 qof oo shil Gaari oo ka dhacey G.Sh/Hoose ku dhaawacantey
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Dhaq-dhaqaaq ka wada Kalabeyr G/Hiiraan
  4. Maamulka MMIS ee G. Hiiraan oo u hanjabey Xubnaha Ciidamada Itoobiya la socda ee Kala-Beyrka ku sugan.
  5. Qarax weyn oo goordhaw lagula beegsaday ciidamada gumeysiga Itoobiya M/Baladweyne ee G/Hiiraan

Readers Comments (1)

  1. muslim says:

    waanka xumahay maxaana ka qaban karaa

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gaari Rayid oo Ciidamada DKMG ah si ula kac ah u rasaaseeyeen.
  2. 14 qof oo shil Gaari oo ka dhacey G.Sh/Hoose ku dhaawacantey
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Dhaq-dhaqaaq ka wada Kalabeyr G/Hiiraan
  4. Maamulka MMIS ee G. Hiiraan oo u hanjabey Xubnaha Ciidamada Itoobiya la socda ee Kala-Beyrka ku sugan.
  5. Qarax weyn oo goordhaw lagula beegsaday ciidamada gumeysiga Itoobiya M/Baladweyne ee G/Hiiraan

Latest Headlines