Ilaa 15 qof oo rayid ah ayaa Ciidamada Kenya shaley gelinkii danbe ka qabteen gudaha Degmada Mandheera kuwaas oo sida wararka lagu helayo ay ku eedeeyeen Sharci la’aan.
Ma jiro hadal dhanka Dowlada Kenya ka soo baxey oo ku aadan sababta rasmiga ah ee dadkan u qabteen balse warar horey u baahisey waxay ku sheegtay howl-galada Ciidamadeedu wadaan kuwo Amaanka lagu adkeynayo.
Maama markii ugu horeysay oo ciidamada Amaanka ee Kenya dad rayid ah sidan oo kale uga qabtaan Magaalooyinka Gobolka NFD ee Soomaaliya.
Waxa jira dad badan oo horey loo qabtey balse aan tiradooda & halka la geeyo midna warar rasmi ah laga heynin.
Waxa ayna arimahan oo dhan ku soo beegmayaan ka dib markii ciidamo badan oo Kenya Xuduudka Gobolka NFD la soo dhoobey kuwaas oo Xuduudka xiran.

Related posts:
Malmahan Somalimirror.com deelqaaf ayaa ka buuxa qoraalkooda miyasan lahayn nin dib usaxa wixii la qoray , waa canaan.