Nadwo Cilmiyeedii Lixaad ee lagu qabtay Masjidka Cumar Bin Khadaab ee M. Qardho oo caawa la soo gaba gabeeyay

Nadwo culmiyeedii ka socotay Masjidka Cumar Bin Khadaab ee Magaalada Qardho ayaa caawa la soo gaba gabeeyay waxaana gaba gabeynteeda loogu tala galay in furad la siiyo Su’aalhiii ay dadku soo waydiiyeen Culimada Nadwada ka qeyb galaysaa (Daawo Sawirada) si looga jawaabo waxayna Culimada caawa ka jawaabeen Su’aalad kala duwan oo la soo waydiiyay .

 

Su’aalaha la soo waydiiyay Culimada waxaa ka wada jawaabay:-

 

1-      Dr Axmed Xaaji C/raxmaan

2-      Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

3-      Sheekh Daahir Aw Cabdi

4-      Sheekh Maxamed Macalin

 

Nadwada sanadka lagu qabtay Masjidka Cumar Bin Khataab ayaa ahayd tii lixaad ee Masjidka lagu qabto waxaana ka horeeyay ilaa Shan Kulan cilmiyeed , waxayna Nadwada sanadkani ay ka hadlaysay  Ciwaanka ah“Kani waa jidkayga toosan ee raaca _ وأن هذا صراطي مستقيماً فتبعوه”  waxaana nadwada intii ay socotay Duruus kala duwan ka soo jeediyay Culimada kala ahaa :-

 

1-      Dr Axmed Xaaji C/raxmaan

2-      Sheekh Daahir Aw Cabdi

3-      Sheekh C/naasir Xaaji Axmed

4-      Sheekh Maxamed Macalin Axmed

5-      Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh”

6-      Sheekh Cali C/laahi “Cali Towxiid”

 

sidoo kale su’aalaha Fataawada ah waxaa ka qeyb qaatay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo aan wax darsi ah ku yeelan sanadkan Nadwada , waxaana sidoo kale su’aalaha fataawada ka wada qeyb qaatay dhamaan Culimada Nadwada ka qeyb galaysay kuwaas oo ka jawaabay su’aalo si toos ah ula xidhiidha Daruustii ay jeediyeen iyo Su’aalo kale oo caam ah oo ay soo waydiiyeen dadka Nadwada la socday.

 

Nawada ayaa ahayd mid si toos ah loogala socday magaalooyinka Boosaaso oo ay tabinteeda lahayd Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Al-Xikma , iyo Magaalada Qardho oo ay tabineysay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee  Magaalada Qardho.

 

Xagga Internetka waxaa Nawada lagala socday iyadoo cod ah si toos ah Shabakadda Halgan waxaana sidoo kale tabintaa la wadaagtay Shabakadan Somalimirror ,waxayna labada shabakadood ka wada qeyb qaateen tabinta Kulan cilmiyeedyo kala duwan oo ka kala dhacay Magaalooyin kala duwan oo ku kala yaala Gobolada Waqooyi Bari “Puntland “ iyo Gobolada Waqooyi Galbeed “Somaliland “

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Qardho iyo naxwaaxigeeda ayaa si aad ah ugu faa’iidaystay Kulan cilmiyeedkaas intii uu socday waxayna sidoo kale dadka aan fursad u helin in ay so toos ah Nadwada ula socdaan iyadoo celis ah ay ka helayeen Idaacada Quraanka Kariimka ah.

 

Gudiga qaban qaabada Nadwada ayaa u mahad celiyay Sharikadaha Isgaadhsiinta ee Telecom iyo Golis , oo fududeeyay khadadka loo isticmaalayay tabinta Nadwada sida Teleefanada iyo Internetka .

 

Nadwo Cimiyeedka lagu qabto Masjidka Cumar Bin Khataab ayaa ah mid sanadkiba mar la qabto waxayna nadwooyinka lagu qabto Masjidka soo bilowdeen sanadii 2004.

 

 

Bixid- Dr Axmed Xaaji C/raxmaan - Midig -Xidhiidhiyaha Nadwada Sheekh C/shakuur Aadan Faarax

Bixid- Dr Axmed Xaaji C/raxmaan - Midig -Xidhiidhiyaha Nadwada Sheekh C/shakuur Aadan Faarax

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka jawabaaya Su'aalaha Fataawada

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka jawabaaya Su'aalaha Fataawada

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax  oo ka Jawaabaya Su'aalaha Fataawada
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka Jawaabaya Su’aalaha Fataawada

 

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka jawabaaya Su'aalaha Fataawada

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka jawabaaya Su'aalaha Fataawada

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

5 Comment(s)

  1. wadaadada iyo culimada meshaas joogta waaku mahdsanyihiin nadwadan ay qabteen waxaana kula talin lahaa in howshooda aysan kusoo koobnaan nadwo ee u fariistaan duruus ayna casharo siyan dadka meesha jooga waxaa uun maqlanaa nadwo uun bey qabten marka daruusti meday mise waa jirane lama shego.

    samatar | Jul 23, 2009 | Reply

  2. MAASHA ALLAH

    A. Dirie | Jul 24, 2009 | Reply

  3. ascw salaam kadib ilaahay haka abaalamriyo culimada soo diyaarisay´nadwada waa arrin ku dayasho mudan waxaan u arka inay yihiin culimo magac ku leh dalka soomaaliya jasaakumullaahui khayr asc

    osman sheikh | Jul 24, 2009 | Reply

  4. asc wrwb khayr ilaahay haydin siiyo dhamaan shu yuukhda

    amaal jaamac | Nov 15, 2009 | Reply

  5. asc wrwb khayr ilaahay haydin siiyo dhamaan tooda ? jaza kallahu khir

    qassim | Jan 6, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo