Maraykanka oo dib uga fiirsanaya Siyaasadiisa ku wajahan Maamulka S/land

Published on July 23, 2009 by   ·   20 Comments   ·   print

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa muddo laba toddobaad ah u joogay magaalada Washington ee Caasimadda Maraykanka, raajicinna ugu jiray sidii uu ula kulmi lahaa Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, Congressman Donald Payne.

hase yeeshee sida waraku sheegeen wasiirka waxaa la ogeysiiyay inaan wakhti loo hayn lagu arko, arrintan oo fadeexad hor leh oo diblomaasiyadeed u soo jiiday Somaliland.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola siyaasadda maamulka Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday in saraakiisha la talisa Mudane Donald Payne ay tiraba saddex jeer u sheegeen in aan wakhti loo hayn lagu arko Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo wakiilkiisaba.

Waxay arrintan diidmada ah ee Guddoomiye Donald Payne daba socotaa balan-ka-bixii hore ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu kaga baxay balantii uu hore ula qaatay Mudanaha Congress-ka Maraykanka.

Waxa kale oo uu warkani sheegay in Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu hore u ogolaaday inuu ka soo qayb-galo shirkii bishii hore uu ballan qaaday, isla markaana uu ogalaaday inuu ka soo qaybgalo isaga oo ragga kale ee shirkaas lagu casuumay ee ay ka midka ahaayeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Sheekh Shariif ee Somalia. Laakiin markii danbe uu ka noqday balanta. Shirkaas ayaa arrimaha lagaga hadlayay waxay u badnaayeen kuwo la xidhiidha nabadgelyada iyo la dagaalanka budhcad badeedda iyo Islaamiyiinta dalka Somalia.

Waxa kale oo warkani sheegay in wasiir Cabdillaahi Ducaale uu marti Washington ugu yahay wakiilka dawladda Somaliland ee Maraykanka Dr. Sacad Sheekh Nuur.

Daahir Riyaale ayey wararku sheegayaan inaanu raali ka ahayn sida bahdilaada ah ee uu u dhaqmayo wasiirkiisa Cabdillaahi Maxamed ducaale, oo iyadoon weli xukuumaddu ka bogsan khasaarihii hore ee go’aamadiisii kala duwanaa ee uu ka qaatay arrinta shirkii Washington ay Somaliland u keentay, uu haddana maanta soo jiiday fadeexadan kale oo ah mid hor leh.

Dhacdadani waxay Somaliland u keentay fadeexad siyaasadeed oo xagga diblomaasiyadda ah, iyadoo dhinaca kalena ay weli jiraan caqabadihii dhinac doorashooyinka iyo is qabqabsigii Axsaabta siyaasada oo aanay weli isla meel dhigin qaabka ay u qabsoomayso dorashooyinkii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo ka Jawaabay Diidmada S/land kaga Baaqsatay Martiqaadkii Washington
  2. Wakiiladda Deeq-bixiyayaasha oo ganafka ku dhuftay Hindise ay u soo jeediyeen Wasiiro ka socda Maamulka S/land.
  3. Axsaabta Mucaaridka S/land oo si kulul u canbaareeyey Maamulka Riyaale.
  4. Maamulka S/land oo Gudiga u Magacawday la Dagaalanka Hargab Doofaarka
  5. Maamulka S/land Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Eritrea.

Readers Comments (20)

  1. waayeel says:

    Maxay fadeexadi ka tari nin u ololaynaya inuu Muslimiinta kala jaro, gaar ahaan Dalkii Soomaaliya, gaalana sharaf ka raadsao oo isu dulleyo, waxaa la yiri laxiba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa.

    Waxayna tani Cashar u tahay kuwa kale ee jidkii Waqooyi wax ku waayey hadda bilaabaya oo Xabashi raalli galinaya.

  2. faras says:

    gaalo raac weligood wax ma fahmaan, ceeb iyo guul darro ayuun baa udanbaysa,waxaa aad u la yaab leh waxa ku dhacay raggii soomaaliyeed ee qaddiyadda lahaa. war fadhiga ha laga koco.

  3. abdirahman says:

    qisadii la yaabka lahayd waxay ka dhacday magaalo ingriska ku taal markay ciyaal
    iskoolkii layiri ilma kasta ha keeno calanka wadan kiisaa markaas laba dhalinyaro oo soomali ah ay keeneen laba calan oo kala gadisan markaas ayaa macalinkii yiri
    bal aan eegno calanka ka rajisgaraysan aduunka labadan calan waxaa soo baxay calankii buluuga ahaa e xidigta quruxda badan ku taalay
    ilmihii yaraa ee ay calanka qaladka ah u soo dhiibeen yaa oohin afka qabasan waayay dee maxay hoyo iyo aabe noo soo waalen ilmihii yaraa ayaa aqalkii dib uugu noqday markaas ayuu hoyadii ku yiri dee hoyo maxaad noo waashay soomalidu calankaliya ayay leedahaye oo iskuulka waa laygu qoslay markaas bay hoyadiis ku tiri dee hoyo kan aabahaa ayaa maqaayadaha kaaga faantama soomalida ayaan uugu faana calankan

  4. dhagacade says:

    salaan marka hore
    marka labaad waxaan idinkula talinayaa in aad iska daysaan somaliland ka hadalkeeda iyo arimaheeda oo aad ka hadashaan danaha dalkiina somaliya iyo argagaxisada qabsatay dalkiina. marka aad taas soo dhamaysaan usoo jeesta markaas sidii aad nabad iyo walaaltinimo uugula noolaan lahaydeen dalalka dariska idin la ah kuwooda gaalada ah iyo kuwooda islamka ahba.waxaan u sheegayaa kuwa webkan iska leh in ay soo galiyaan commentka ay bixiyaan dadku iyagoo aan u kala saarin fikirka ay dadku qabaan

  5. Galhareeri says:

    TANI WAXA AAY FARIIN UTAY DADKA RERWAQOOYIGA AH EE BEENTA LOOSHEEGAY,WAXA AAN JECLAHAY WALAAHA RERWAQOOYI EE SIYAAYASA KUXEEL DHEERI IN AAY ARKAAN DHAMAADKA BEENTII LAGA ABUURAY HARGAYSA. WAXA KALOON U SHEEGI INAAY SIYAASADA SOOMALIYA MEELKA RAADSADAAN OO AAY SAN ISKA LUMIN WAQTI DANBA. (WAXAD RABTAY HADII AADWAYSO WAXA AAD KA BADI WEEYSO AYAA LAGUDHAQAAQAA) TAASI WAATALLO WALAAL NIMO

  6. Adoon Eebe says:

    Jejebinta cadawgu ku hayo dhulka Soomaliyeed ama Islaam Geeska Afrika waxay ka soo bilaabatay dhulka hadda Canfartu degto tartiib ayeyna u soo socotey ilaa aakhirkii qarnigii sagaal iyo tabnaad la qabsaday Herer, Saylacna la isku deyey in la qabsato,horaantii kii 20aad lawada qabsaday, bartamihiisina Xabashi in weyn oo ka mid ah gacanta loo geliyey Xabashi..ina wax xornimo lagu sheegay inta la siiyey barasaabo loo dhiibtey.. aakhirkiina haddana la burburiyey markiii dantii laga lahaa muuqaal kale yeelatay. Hadda waxaa jira Barasaabo cusub oo nayaayiro been ah ku shaqaynaya oo aan taariikhdaasi waxba tarayn hadbana magaalo cadawgu shir ku leeyahay looga yeero cashar-na la soo siiyo isaga rajo lagu gelinayo ah waan ku garab taaganahay. Inta tiraahda MAYA, noqonmeyno Barasaabo dabcan waxaa lagu shaanbadayn ereyga argagixiso…halkaasaana waxaa ka soo baxaya QAYBI oo XUKUN. Barasaabada waxaa la oran idinku waa fiican tihiine argagixisad aan la wada dagaalano waa inoo wada cadaw e, marka lagu jebiyona waxaa la oran soo gal xabsigan sidii rag badan ku dhacday waqti aan fogeyn.

    Riyaale ictiraaf buu ka sugayaa gaalo, Faroole-na maalmahaan waxaa hadalkiisa ka muuqata cashar aan weli khadkiisii qalilin oo goosi laga si cad looga dhadhasan karo…WAMAA QOMU LUUDIN MINKUM BIBACIIDIN…Huud.

  7. suldana says:

    WAR XABSHIIDA AYAA IDIIN DHAANTA WAAYO WAXAAD TIHIIN KUWA LOO TIRNAYO DHULKII SOMALI LA ODHAN JIRAY WAXAAN IDIINKULA TALIN LAHA HAAAAAA NA XASUUSININ DHIBAAT AAD NOO GASYTEEN SII AAN CADHO KULA KIICAN QOOXTIIGAN WADHAN MEELSKATO KA MID AHAA WADOOYINKA GOBLADAYAD WAXAAN IDIIN ODHAN LAHA SIDA UGU DHAKHASAH BADAN KALA BAXA FARAHA WAXAAD KULA JIRTAN HADDII KALE HADALDIIN AYAAD QAMOOMAYIN DOONTAN WAXAAN IDINKULA TALIIN KALA BAXA DHULAKAYGA FARAHA MA MA NAHIIN SOMALI QAAT MAGACA SOMALIYEDDA WAAD DIISHEEN SHARAFATSIIBEEEEEE ISKU DHAQAN MA NUHIIN ISKU MIDABAA MA NAHIN HADDAB QAAT WAXAA SO ODHAN FARAHA KALA BAXA SOMALAIALAND WAXAAN KULA TALIIN LAHA KALA BAXA FARAHA SOMALAIALAND

  8. suldana says:

    WAR SOMALILAND WAA DHULA IYO DAD JIRA ADUUNKA DACALADIIS LAGA YAQANO CIIDAN ILAHAYI AHAAYIIN UGUMA BAHAN AQOONSII HADDAB IDIINKA AYAA GALAAD BAR BARA YAAC OO DHULAKOOD GAL MADOW IYO MID CADB JOOG EE ISKA DAY DAD AYAADAN GADHAYIIN KA JEEDYA AFKIIN XUN DADKA SHARAFATA BADAB XAMAR UUF WEEYE WAXAA SOMALI HAYIISATAN WAA DHIBATA AYII DADKA ISLAAMKA AHAA EE LAGA DULAI JIRAYII GAROOMAD KU YAAL YAAD XASUUQA LAGU GAYIISANAYA MAXAA TAHAYI SOMALIIMAAD MA TA AAD XASUUSATEEN MARKII JAZIIR LAGU ASAYEY YAAG NOOL DAD REER SOMALILAND MIYNAYA SOMALI AHAAYIN MARKASII OO ISLAAM AHAAYIN XAGE AYAAD WAKHATIIG JIRTEN WAXAA IDIIN ODHAN LAHA CASHAR AYAA LAYIDN DHIGAY LAMA ILAWAAN RUUNTII WIXII BAA WAXAAN KU ILAWAANAYI TAA MAANT IDIIN AHAYIISATA IN XAMAR HABALAHA HAWEEYE KU DHEXE FUUSHO XAMAR DHEXEDEDE WAA NASIIB MA UGANDAS AM REER BURUNDI WAA WAXAA LAGA NAAXO ISKA DAYA DAD AYAAD GADHAYIIN MAHACOODAN DHIIGA

  9. mustafe says:

    asalama calaykum, runtii somalimirror cadaalad kamay samayn waxa jira waayo waa dad ka xun horumarka somaliland samaysay. weligood kelimad fiican kamay sheegin somaliland.

    takale inta aad leedihiin sland ayaa sidan ah, caruurtiinii iyo hooyooyinkiin ayaad qalanaysaan maalin walba ee taa kahadla.

    takale mawaxaa somali jecel ninka taangi usoo adeegsaday ee caruurta gumaadayay. anigu wanaag iyo sharba halkayaga ayaanu ku haysanaa ee jaraaxa caruurta kadayaa

  10. jibril says:

    Dhagacadoow, nimanka aad ku sheegeeysid argagaxiisada, waxaay ku hoos noolaayeen 20kii sano ee lasoo dhaafay kuwa kasii liita kuwa gobalada waqooyi hortaagan warlords (leaders ma aheyne waxaay ahaayeen managers) Amxaarada hoostaga. Leaderkooda waa Males.waxaa u yaraahdo ayeyn ku hadaaqaan, Males baa kuyiri koonfur argagaxiisa ayaa joogto, markii doqomadiisi meesha laga saaray, Maanta koonfur waa xur waa dhul Soomaliyeed oo aay Soonali u taliso sax iyo qaladba. Cidna aqoonsi kama sugayaan umana baahna, adinkuna Allah ha idinka dulqaado warlordyada.

  11. C/qani says:

    a/c bacda salaam walayaal SomaliMirroreey iska daayaa wararkan in ta aad soo xiga taan aydinaan Source kii aad ka soo xigateen muujinayn waa danbiye dabadeedna aydun u yeelaysaan cinwaano kale warkani waxa uu shalay ku soo baxay wargayska Haatuf isagoo cinwaan kiisu ahaa waskiir arimaha dibada Soomaaliland oo markale wajigabax siyaasadeed la kulmey. ISSUE 2099 July 23, 2009 waa mahadsan tihiin.

  12. dhagacade says:

    jibriiloow anaga wadankayaga kama taliyaan warlords ee waxaa maamula madaxwayne sharci ah oo lasoo doortay. waxaa ka hirgalay somaliland nidaamka axsaabta badan ee shacabku wax doortaan. markaas walalayaal odinkana waxaan ilaahay idiinka baryaya inaad ku noolaataan nabad iyo barwaaqo.waxa kale oon idinka codsanayaa inaad naga daysaan cayda iyo dacaayadaha aan waxba ka jirin eed nagu haysaan idinkoo aan waxba nagu yeelaynin hadana idinku afkiina hagajista oo ka sheegeeya dlkiina dhibaatada ka taagan sidii xal loogu heli lahaa ee loo badbaadin laha dadka wixii nool ilahay ha u naxariisto wixii dhintaye.

  13. balanbal says:

    dhamaan inta warlordska ah, ama ha joogo koofur bari ama waqooyi, waa dulaaliin, ay iska yar tahay madax banaanida degaanada ay sheegtaan inay xukuman, cida kaliya ee la lugoynayo waa shacabka masaakiinta ah ee lagu abuurayo cadaawad kan abuurayaba uusan rumaysnayn jiritaankeeda, marka wax micna ah sameynmayso warlords ducaale oo maraykanku al baabka ka xirto, westernka ayaa markii rabo yiraahda aqoonsi ayaa idin soo dhow markuu rabana irida indha uga dhufta, inkasta ooysan jirin cid hada somaliland gaar ugu eedayn karta dhibka somaliya ka socda madaama ay ka mid yihiin gobolada ugu xasilan hadana kala go,a iyo qeybinta umada somaliyed waa mid waliged iska ahayd premature, ama dhicis

  14. abu abdi rahamn says:

    horda dadka ku faanaya soomaaliland waxay ilatahay inay ka waan toobaan maxayeelay somaali waa hal qabiil oo nmajiro dad kalaqa baail ah markaan runta kahadalo waxaa intaa sii dheer waa muslimiin dha maan tood suragal na ma ah in soomaali 2bo noqoto lajkiin waa shaqada gumasigurabohadba maxaa kuu diiday soomaaliga qabyaalad difaacayoow, inaad difaacdo marwalb xaqa iyo diinta islaamka, kana shaqayso waxadadka isukeenaya. intaad ka shaqaynayso qabyaalada iyo kalaqaybiska iyo fikradaha gumaysigu kubeeraysoomaaliysa, iyo muslimiintakalaba,

  15. Ayuub says:

    Waxaan ka jawaabayaa ninka labada calan ka hadlaya maalin baa anigoo Pakistan school ka dhiganaya ayaa la yidhi soo qaada calamadiina waxaan soo qaaday Calankii Somaliland Naag aan isku kalaas ahayn baa iyana soo qaaday calankii Somalia markii aan labadii calan keenay ayaa la yidhi labadiina isku calan ma tihidin markaas baan idhi ma nihin Jaraaidka News Week ayaa waxaa ku yaalay labadan calan Maalintaas oo cinwaankiisu ahaa GOOD SOMALILAND BAD SOMALIA ANAGU WAXAANU IDIN LEENAHAY U TASHANAY DADKAYAGII KU TASHANAY DALKAYGII,ISKA DAAYA XAASINIMADA IYO MAKHRUUQNIMADEE SOMALILAND WAKHTIGA HA ISKAGA LUMINEE TIINA KU DAALA TAN RAGGII LAHAAA BAA U TASHADAYEE

  16. Mr. Halgame says:

    Intaydun xinka, xasadka, iyo afxumada ku haysaan Reer Somaliland ee aayahoodii waa hore ka tashaday, horta, iska celiya 5,000 kun ee adoonta ah ee Ugandhayska iyo Burundianka ah; Ogoow, Reer Somaliland, waa hore, ayey adoontaas iyo xulufadooda bada ku wada shubi lahayd ee Somaalinimadii iyo Diintii iyo dhaqankiiba kuwa dhulka ku jiiday, waa idinka.

    Guul iyo Gobanimo,

  17. A.Nur says:

    Somalimirror.com iyo kuwa cuqdadu gogosay waxaba umma dhibikaraan Somaliland.
    kuwa hadalka ku mudaaya Somalilandna noogama duwana dameer ciyey.

    Abdillahi Nur

  18. Hargeysa says:

    Somaliland Maraykan uma baahna, ee maraykanka ayaa u baahan. Wasiir Ducaale, waa masuul gudanay waajibkiisa waanuna ku taagersan nahay wax walba.

    Waxaa sharaf noo ah in dhulka Somaliland ay dadkii lahaa aayihiisa maamulaan halka Somaliya (hadda waa SOMALIA) ay maamulaan, itoobiyaan, baakistaaniyiin, Eratariyaan iyo haybtii garan-waa kale.

    Somaliland Guul.

  19. shiina dheere says:

    asw
    (saca faaris tagay soddon bari haddu qado saadanbuu imaan sidaas waxaa ka dhigan safka haatan yiri soomaali aan diidno)

    reer shiikh isaxaaq waa naga jecelyihiin soomali ee waa nin tooxsi

  20. zekeriye ibnu khaas says:

    salaamu calaykum, walaalayaal horta cida ina kala qadaa habeen may jirin, waana aragti gaaban yahay manta caalamkii wuxuu marayaa in la kala baxo gaal iyo islaam , bal u fiirso waxa ka socda afganistan, ciraaq,soomaliya, suudaan, chechnia , bakistaan . dhamaan wa wadano islam marka walaalayaal waxan idin kula talin lahaa aragtidiinu ha noqoto mid meel dheer wax ka aragta ,

    wa bilaahi tawfiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo ka Jawaabay Diidmada S/land kaga Baaqsatay Martiqaadkii Washington
  2. Wakiiladda Deeq-bixiyayaasha oo ganafka ku dhuftay Hindise ay u soo jeediyeen Wasiiro ka socda Maamulka S/land.
  3. Axsaabta Mucaaridka S/land oo si kulul u canbaareeyey Maamulka Riyaale.
  4. Maamulka S/land oo Gudiga u Magacawday la Dagaalanka Hargab Doofaarka
  5. Maamulka S/land Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Eritrea.

Latest Headlines