Duqayn Xoogan oo Suuqa Bakaaraha iyo Hareerihiisa ku socota

Duqayn xoogan oo laga soo gamayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxay hadda si xoogan ugu soo hoobanaysaa Suuqa Weyn ee Bakaaro iyo Xaafadaha ku xeeran taas oo soo bilaabatay 08:30-kii fiidnimo soconaysana ilaa hadda, waxaana Daryanka iyo Hilaaca Madaafiicda la arkayaa ayada oo ka soo dhacaya Madaxtooyada.

Madaafiicdan ayaan la garanayn sababta ay ciidamada AMISOM ula beegsanayaan Goobahan ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah oo aanay jirin wax madaafiic ah oo laga riday.

Waxaa la arkayaa dad aad u farabadan oo ka cararaya madaafiicda kuwaas oo ay ku jiraan hooyooyin gacmaha ku wada dhalaan aad u yar kuwaas oo ay la googoobayaan gabaad ay kala irkadaan Madaafiicda Culus ee AMISOM ay sida arxan darrada ah ula soo dhacayaan Degmooyinka Hodan, Walwadaag iyo Wardhiigleey.

Madaafiicdan ayaa la sheegay in ay ka horeeyay iska horimaad ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa caado u ah haddii la weeraro mid ka mid ah Saldhigyadooda in ay si aan kala soc lahayn u duqeeyaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho intii ay gaarto Madaafiicdooda Goobta taas oo ay ku nafwaayeen dad aad u farabadan oo shacab ah.

Ilaa iyo hadda lama jaangooyn karo khasaaraha ka dhashay Madaafiicda Gurxanka weyn ee ilaa iyo hadda ku hoobanaya Suuqa Bakaaraha taas oo ku soo hoobanaysa Saqafka guryaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

wixii warar ah oo ku saabsan Duqayntan dib ayaan idinkal soo socodsiinaynaa insha allah

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

4 Comment(s)

  1. XASBUNALAAHU WANICMAWAKIIL
    XASBYNULAAHU WA NICMAWAKIIL
    XASBUNALAAHI WANICMAWAKIIL

    YAA RAXMAAN, YAA KHUWIYI JUNDULLAAHI U SOO DIR MUJAAHIDIINTA, ALOW JABI GAALO RAAC IYO GAALABA
    MUNAAFAQIINTA WAA LAGU YAQAAN SAFKA GAALADA IN SOO GASHO AYAGOO LA JIRA GAALADA, MUSLIMKANA SHEGANAYA.

    ummu-xudeyfa | Jul 22, 2009 | Reply

  2. ALLAAH ha jabiyo gaalada iyo acwaantoodaba…………..aamiin.

    Mujaahidiinta guusha ALLAAH ha Siiyo……………..aamin.

    Villa somalia oo ah xarunta dawlada islaamiga ah ee soomaaliyeed ayeey gaalo madaafiic ka soo garaaceysaa waxayna dukheyneysaa suuqa bakaaraha oo aan waxba laga soo gamin ,dawladaas islaamnimadeedu maxay tahay?

    Madaxweynaha dhex fadhiya halkaas ee xasuuqa dadkaas muslimka ah cofeega ku cabaya ka warama?
    culumada u fatwooneysa wixii dawladaas ka soo horjeesta inay khawaarij yihiin ka warama?

    war xili xun baa lagu jiraa ALLAAH Xaqa hanagu sugo ……..aamiin

    Geedi | Jul 22, 2009 | Reply

  3. TO gedi
    walaal dowlada sheekadeeda hada mataagnee waxaa taagan sidii umada somaliyeed looga badbaadin lahaa gumaysiga haben iyo maalin xasuuqaya.
    raga la leeyahay waa madax askari ugandese ah ayaa xukuma iska dhaaf gaalo kalee marka somalida sidan waa in ay ka dhiidhiyaan, bal is waydiiya waxa AMISOM oo ah dadka aduunka ugu daciiifsan ay somalia u gumaysanayaan una xasuuqayaan, taas waxaa keeney caqli xumada somalida iyo inay yihiin dad wixii lagu sasabo iska qaata

    waa aniga | Jul 22, 2009 | Reply

  4. hal qabsigii sh xasan daahir waxa uu ahaa wax yar baa haray e qaxa dadka r.muqdishow waxa socdana waa untii.

    Abdirahan | Jul 22, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo