Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khadaab ee M. Qadho ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “Manhajka Quraanka Kariimka ah ee Toosinta Nafta”
By Somalimirror on 22 Jul, 2009 10:00 PM in Kulanka ducaadda, Main, Wararka
Nadawada ka socota Masjidka Cumar Bin Khadaab ee Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar kaar ayaa cawa gashay habeenkiii todobaad oo xidhidh ah , waxayna nadwadani tahay tii Lixaad ee Masjidka lagu qabto taas oo soo bilaabatay sanadkii 2004 ,waxaana darsiga caawa soo jeediyay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka hadlay Mowduuc uu Ciwaankiisu ahaa “Manhajka Quraanka Kariimka ah ee Toosinta Nafta”. (Daawo Sawirada) , wuxuuna dariga uu caawa soo jeediyay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan uu noqonayaa kii ugu dambeeyay Duruusta Nadwada .
Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu ugu horeyn inta uusan Muduuca muduuca galin uu sheegay in Muduucan uu yahay Mowduuc la xidhiidha qeybaha ay ka koobnaayeen Duruusta Nadwada sidoo kalena uu hoos galayo Ciwaanka guud ee Nadwada ee ah “kani taa jidkayga Toosan ee Raaca”
Intaa kadib waxa uu Dr Axmed Xaaji uu soo qaatay sharaxida Ayaad Quraan ah oo ka hadlaya sida loog baahan yahay in la barto Quraanka kariimka ah sidoo kalena lagu dhaqmo laguna xidho Nolosha loona baahan yahay in Qofku uu noloshiika ku dhaqo Quraanka kariimka barashadiisa iyo ku dhaqankiisaba .
Dr Axmed Xaaji waxa uu intaa kadib uu sharax guud ku sameeyay ciwaanka mowduuciisa ee ah “ Manhajka Quraanka Kariimka ah ee Toosinta Nafta” wuxuuna Dr Axmed Xusay in Quraanku uu yahay shayga sida dhabta ah waxa uga badalaya Nolosha Qofka ama Bulshada kuna tosinaya wadada toosan ee uu Ilaahay Kitaabkiisa ku sheegay “وأن هذا صراطب مستقيما فتبعوه “ wuxuuna sidoo Dr Axmed uu tibaaxay in noloshada dadkii hore ay is badashaday markii Nabiga SCW la soo saaray wax walba oo Noloshooda la xidhiidhayna ay badalmeen wixii xiligaa ka dambeeyay , wuxuuna Dr Axmed xusay in Nolosha is badashay ay tahay tii ay ku noolaayeen ka hor intii aan Nabiga SCW la soo saarin tan markii dambe ay qaateen ama ay ku dhaqmayeena ay ahayd tii ay shareecadu jidaysay.
Dr Axmed waxa uu sheegay in Qofka Muslimka ah looga baahan yahay in laga helo labo waxyaabood oo kala ah Daganaansho “deg degsiimo la’aan” iyo Amaano , labadaas waxyaaboodna ay yihiin labo waxyaabood oo dadka laga helaayi ay yihin dad wanaagsan , wuxuuna dadka ku booriyay in labadaas waxyaabood ay ku dadaalaan sidii ay ugu sifoobi lahaayeen labaad tilmaamood.
Dr Axmed waxa uu shegay intaa kadib in dadku ay ku kala duwanaan karaan dhaqankooda balse mar walba qofka looga baahan yahay in uu ku dadaalo dhaqanka wanaagsan , wuxuuna Dr Axmed Xaaji oo uu qaatay hadal uu yidhi Khadiibal Baqdaadi oo la xidhiidhay xagga dhaqanka taas oo ahayd in qofka qaniga iska dhiga uu Ilaahay Qani ka dhigo sidoo kalena qofkii dhorwsoonaanta ku dadaala uu Ilaahay ka dhigayo mid dhowrsan.
Dr Axmed waxa uu intaa kadib uu tilmaamay in qofka ay saamayn ku reebto bii’ada “deegaanka “ uu ku noolyahay haday tahay xagga dhaqanka iyo hadii ay tahay xagga dabeecada , wuxuuna Dr Axmed uu xusay in dhibaadataa xagga deegaanka ah sida looga guulaysan karaayi ay tahay in nolosha lagu xidho cibaadada alle iyo Kitaabkiisa .
D-ku waxa uu sheegay in Kitaabka Quraanka ah uu yahay midka kaliya ee cadeeyay sida loo cibaadaysanayo iyo sida loo dhaqamayaba sidoo kalena bidhaamiyay wax walba oo nolosha la xidhiidha sidoo kalena ka digay wax walba oo dhibaato ku ah nolosha kana hadlay acmaasha “ficilada” kheyrka ah ajarka laga helayo iyo kuwa xun xun kuwa laga dhaxlayo.
Dr Axmed Xaaji Axmed waxa uu Sheegay in Nabiga CSW uu ku duceysan jiray Ilaahayow sidaad Abuuritaankeyga u wanaajisay u wanaaji dhaqankeyga , wuxuuna Dr Axmed intaa kadib uu cadeeyay in loo baahan yaay in lag daydo Nabiga SCW sidoo kalena lagu dadaalo in lagu duceysto ducooyinkii uu Nabigu ku duceysan jiray ee xagga Akhlaaqiyaadka “dhaqanka” .
Dr Axmed waxa uu tibaaxay in akhlaada Muslimku ay tahay mid xidhidh la leh Caqiidada , akhlaaqdaasina ay u kala qeybsanto , tan shakhsiga , tanta bulshada iyo tan ka dhaxeysa Muslimka iyo Bulshooyinka kale “ Gaalada” .
Dr Axmed waxa uu sidoo kale uu xusay in Qofka Muslimka ah looga baahan yahay in uu noqdo qof dhaqan wanaagsan sidoo kalena u jilicsan dadka muslimiinta ah dhinaca kalena hab wanaagsan kula dhaqma dadka aan mulimka ah ayn si loogaga daydo dhaqanka wanaagsan taas oo keeni karta in qofkaas muslimka ah ay sababtiisa dad badan diinta ku soo galaan iyagoo ku dayanaya dhaqankiisa.
Dr Axmed waxa waxa uu tilmamaay in Dowlada ama maamulka looga bahan yahay in ay cadaalad wax ku dhisaan , wuxuuna Dr-ku xusay in Culimadu ay dhaheen way jiri kartaa dowlad aan muslim ahayn in ay cadaalad ka jirto balse ma jiro karto dowlad Muslim ah in ay noqota mid daalimad ah “ Dulmi fasha ah”, wuxuuna Dr-ku uu tilmamaay in Akhlaaqiyaadka laga doonayo Dowlada ama maamulka ay ka mid tahay Raxmadda “ Naxariista “ oo ah in Umadda loo naxariisto , wuxuuna intaa uu Dr Axmed Xaaji C/raxmaan uu soo qaatay Xadiis Nabiga CSW ka sugnaaday oo micnihiisu ahaa Ilaahayow qofkii Ummadeyda ka mid ah oo la wakiisha ee dadka dhiba Ilaahay ku dhib waxa loo wakiishay .
Dr Axmed waxa uu sidoo kale wax ka bidhaamiyay akhlaaqiyaadka “ dhaqamada “ laga doonayo in ay Dowladu dadka kula macaamisho “kula dhaqanto” , wuxuuna sidoo kale soo qaatay Dr-ku qodobo arintaas la xidhiidha oo uu sharaxaad ku sameeyay , wuxuuna Dr Axmed uu soo qaatay ma’uuliyaadka kala saran Dowlada iyo Dadka iyo mid walba waxa gaar ahaa uu leeyahay iyo waxa waajibka ku ah ee laga doonayo in uu ka soo boxo.
Sidii caadadu ahayd Darsiga uu Dr Axmed Xaaji jeediyay kadib waxaa la guda galay Su’aalaha Fataawada ah ee ay Culimada Nadwada ka qeyb galaysaa ay soo waydiiyeen dadka Nadwada la socda waxaana caawa su’aalaha ka jawaabay Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh” iyo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax , waxyana Culimada Caawa ka jawaabeen su’aalo kala duwan.
Duruusta Nadawada ayaa caawa ka ekeyd waxaana lagu wadaa in habeen dambe laga dhigo habeen u gaar ah su’aalaha Culimada ay ka jawaabi doonto si furad loogu helo su’aalhii ay dadku Culimada soo waydiiyeen.
Waxaa lagu wadaa in Nadawda la soo gunaanado habeen dambe marka ay dhaamaadaan su’aalaha Fataawada ah ee ay Culimada ka jawaabi doonto kuwaas oo bilaban doona 6:30 fiidnimo Xiliga Magaalada Qardho ama Wakhtiga Makka Al-Mukarama hadba sidii loo yaqaano.

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan iyo Xidhiidhiyaha Nadwada Sheekh C/shakuur Aadan Faarax

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo Darsiga Sharaxaya

Bidix Sheekh Xasan Bookh - Midig Sheekh Maxamed Macalin Axmed

Sheekh Xasan Bookh iyo Xidhiidhiyaha Nadwada

Sheekh Xasan Bookh oo ka jawabayaSu'aalah Fatawada

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawabaya su'aalaha Fataawada

DR AXmed Xaaji oo isku diyaarinaya jeedinta Darsiga

Daabaco
aduunka waxaan iga yaabiyey culimadan ka hadlaysa nafta toosinteeda war ka hadla xasuuqa nafta aad leedihiin halatoosiyo, maxaa naf latoosiyaa, waxayba u qaybsantahay mid AMISOM ay xasuuqayso iyo daba dhilifyo, iyo mid badda ku dhamaanayso, iyo mid sun ku dhamaanayso, iyo mid dibada lagu gaalaysiinayo, culimooy waa la idin waydiinayaa xasuuqa umada eed ka aamusantihiin ee umada gumaysiga sidii laiskaga qaadi lahaa ku baraarujiyo sidii nabiga SCW uu mu’miniinta dagaalka gaalada ugu boorin jiray
waa aniga | Jul 22, 2009 | Reply
s/c/w/ ilaahay waxa uu yiuri swc (qul kulun yacmalu calaa shaakilatihi farabukum aclamu biman huwa ahdaa sabiilaa )walaal hadaan ka jawaabo hadalkaaga anoo u arka inuusan mudneen jawaab hadana waxaan ku oranayaa culumadu waa yaqaanaan waajibkooda loomana tilmaamo balse nafta toosinta u baahan waxaa ka mida taada ilaahay horta ha ku toosiyo isagaa wax toosin karee mida kale dadku dabka ha ku wada gubtaan oo ha wada halaagmaan hadaad culumada ugu yeereyso anoo u arka cilmi yaraan iyo xamaasad ku haysa in ay kaa keentay hadana waxaan ku dhihi lahaa qori qaadoo dalka difaac culumadana dawrkooda ha ka hadlin inta soo hartay nadiifinayaan quluubtoodee wasalamu calykum
axmed | Jul 23, 2009 | Reply
Dad barakac iyo xasuuq u idlaaday ayaa dushooda balaago iyo bayaaminta diinta lagu baratamayaa! Nabigii (swsc) haduu usoo joogi lahaa waxa Soomaaliya maanta ka taagan akhlaaq iyo dhaqan kama falanqoodeene gurmad ayuu diyaarin lahaa.
Umada Soomaalida meel ayaa habaar kaga dhacay. Maalin walba dhiig ayaa la daadinayaa, nadwaduhuna kala go’ ma leh. Qof muslim ah dhiigiisu waa inuu noqdo qaali. Qof muslim ahi waa inuu dhibka la wadaago walaalkiisa muslimka ah. Qof muslim ahi waa inuu heshiis ka dhex raadsho marka ay islaayaan muslimiintu sida eebe yir “innamal muuminuuna ikhwatun fa’aslixuu bayna akhawaykum” sadaqallahul cadiim.
Nin qursigiisa bariiska ah, Garoowe dabka u saaran yahay, way u dhib yar tahay inuu dadka u soo jeediyo mawaduuc aan waqtigiisa la joogin. Jihaadka iyo caqiidada saxda ah waa tan xumaha ka hor tagta, samahana dadka farta. Waa tan dadka ku baraarujisa wadciga xaadirka ah ee aan is tustus ahayn.
Wadaadkan iyo kuwa la midka ah waxaa u fiicnaan lahayd ayagoo xabbad joogin dadka ugu baaqa lana dagaalama kuwa dhibta iyo qalalaasaha Soomaali baday.
Wadaad soo dhaashaday waxba yuusan dumarka iyo caruurta dhiban diinta siduu u bartay u soo bandhigin. Wax qabadkii diintu idin fartay waad gabteen.
Allemagan | Jul 23, 2009 | Reply
??? ??? ??????? ??????? (?? ??? ??????? ??? ???????? ???? ?????? ????? ???? ??? ????????? ???) ????? ????? ?? ???? ???? ?????
???ANIGU WAXAAN QABAA YAA IKHWAH INAAN LAGU DHIIRRAN CULIMADA WAXA AY SHEEGAYAAN WAA DIIN WAXA AY CADDEYNAYAANA WAA XAQ MASAAISHA AY KU KHILAAFSAN YIHIIN WALAALAHA KALE EE MUJAAHIDIINTA AH WAA MASAAIL NADARI AH OO IJTIHAAD AQBALI KARTA WALAALAYAALOW ARRINTAASI YEY KEENIN IN LAGU MASHQUULO SHEEKH HEBEL WAA QAACID IYO SHEEKH HEBEL WAX AAN LO BAAHNEYN AYUU ISKU MASHQUULINAYAA WALAAL MUJAAHIDKA WAAN U BAAHANNAHAY, SHEEKHA DACWADA IYO MUXAADARAATKA WADANA WAAN U BAAHANNAHAY KAN MEEL KALE OO MUHIIM AH UMADDA UGA SHAQAYNAYANA WAAN U BAAHANNAHAY……….
DR KA DARSIGIISANA QOFKII DHAGEYSTEY ISMA LIHI WUU RADDIN LAHAA EE BAL HORTA DHAGEYSTA OO ARKA SHEEKHU WAX XUN KAMA HADLINE (barasho horteed ha inicin) TA KALE WALAALAYAALOW AAN ISUG CUDUR DAARNO WAXA SAXWADU ISKU KHILAAFTO WIXII AAN ISKU WAAFAQSANAHAY AYAABA BADANE AAN KAWADA SHAQEYNO
??? ????? “??? ??????? ????? ???? ????? ?????? ????????? ??????? ??? ???? ????? ???????? ??????? ??? ???? ??????”
Axmed Shaakir | Jul 23, 2009 | Reply
CULIMADII MA SIDAASAA U DAMBAYSAY?
DOORKAY UMADA KU LAHAAYEEN MA INTAASUU NOQDAY?
KUWA LEH CULIMADA YAAN LAGU DHIIRANA WAXAAN LEEYAHAY, CULIMADU HADAANAY KASOO BAXAYN DOORKII LAGA FILAAYAY ADEER QADAASO MA LEH, CULIMADA AFKA LAGA FOGAYNAYAA WAA KUWA NAASIXIINTA AH EE AAN DABA DHILIFYADA TAAGEERA LAHAYN.
CULIMADA LA DOONAYO IN LA XURMEEYAA WAA KUWA DOORKOODA KASOO BAXAY HALGANKANA DHANKOODA KA WADA, LAAKIIN NINKII INA WADAAD AHAA MAANTA XAGA LOOGA SOO DHACAY WAA ODAYAASHAAS KOOFIYAD BACLAYAASHA AH.
WAAR WAXANI MA AHAN CULIMO, MUJAAHIDIINTIIBAY CAAMADII KU KICINAYAAN.
CADAWGII INTII AY LA HALGAMI LAHAAYEEN AYAY MUJAHIDIINTII DABA WADAAN CEEBO AAN JIRIN.
HADAY LEEYIHIIN MAANTA WAA FITNO WAXA KA SOCDA KOONFURI OO KA QAYB QAADANMAYNO, SHALAYBA MARKII MAXKAMADUHU AMXAARO LA DIRIRAYEEN WAXAY LAHAAYEEN WAA FITNO, DUFKUBAXA IDINKAA FITNO AH WALEEE. EE ILAAHAY HA IDIN SOO HADEEYO AMA DHABARKA HA IDINKA JABIYO.
JugJug | Jul 23, 2009 | Reply
WAA IGA SU’AALE DADKA YAA XASUUQAYA, DIINTASE YAA ILAALINAYA?
WAXAAN U MAHAD CELINYAA WALAALKA AXMED EE QORAY COMMENTS-KAN OO YIRI WIXII AAN ORAN LAHAABA.
s/c/w/ ilaahay waxa uu yiuri swc (qul kulun yacmalu calaa shaakilatihi farabukum aclamu biman huwa ahdaa sabiilaa )walaal hadaan ka jawaabo hadalkaaga anoo u arka inuusan mudneen jawaab hadana waxaan ku oranayaa culumadu waa yaqaanaan waajibkooda loomana tilmaamo balse nafta toosinta u baahan waxaa ka mida taada ilaahay horta ha ku toosiyo isagaa wax toosin karee mida kale dadku dabka ha ku wada gubtaan oo ha wada halaagmaan hadaad culumada ugu yeereyso anoo u arka cilmi yaraan iyo xamaasad ku haysa in ay kaa keentay hadana waxaan ku dhihi lahaa qori qaadoo dalka difaac culumadana dawrkooda ha ka hadlin inta soo hartay nadiifinayaan quluubtoodee wasalamu calykum
aadandheere | Jul 23, 2009 | Reply
bismlimah marka wxaan idnik ula tlin lahaa walaal layaal inaad culmumada add is ka day saan waayo culumadu waa dhaxalakii anbiyada ad iyo aadna way umahadsanuyihiin ilaahayna haka abaal mariyo
cabdulahi | Jul 25, 2009 | Reply
ASC WALAALAYAAL
NIMANKIINAAN MARKAAD WAX SOO DHAAFTEEN CULUMADA ISKA MAAGAYA WAXAAN DHIHI LAHAA..WAR HADADD CULUMO WAX KAMAQLAYSAAN MAXAAD SHIIKH UMAL WAX KAGA MAQLI WAYSEEN WAADINKII MARKUU XAQA INUU KUGU YEERAY OO YIRI WAR HESHIIYA OO ISKU TANAASULA UGU JAWAABAY SHIIKH ADIGU MAAD JIHAADID, BAASABOORKEE HAYSATAA IYO WAX LAMID AH… WAR HADAAD SHIIKH WAX KAMAQLAYSAAN MARHORE BAAD BADBAADI LAHAYDEEN DHIIGNA MADAATEEN. CULUMADUNA WALIGOOD XAQAY SHEEGAYEEN, INTA BADANA LAGAMA HOOS QAADO, MARKA WALAALAHA CULUMADA AFLAGAADEENAYOOW KAWAANTOOBA ARINTAAS HADII KALE OGAADA RAGAAD WEERARAYSAAN WAA DUCAADII ILAAHAY, ILAAHAY BAANA KUFILAN, WSC
Runloow | Oct 23, 2009 | Reply